Daawo: Prof. Xasan Sheekh Cali oo jeex-jeexay warqaddii uu soo qoray FARMAAJO

0
Tuesday September 07, 2021 - 07:34:44 in Wararka by
  • Visits: 764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Prof. Xasan Sheekh Cali oo jeex-jeexay warqaddii uu soo qoray FARMAAJO

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Prof. Xasan Sheekh Cali Nuur ayaa wareysi uu siiyey taleefishinka Somali Cable, waxa uu ku jeex-jeexay warqaddii kasoo baxday Farmaajo, ee uu kaga horyimid shaqo ka-joojinta agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Prof. Xasan ayaa sheegay in Farmaajo uusan haysan wax sharciyad ah, oo uu kaga horyimaado go’aanka Rooble, sababtoo ah buu yiri "ra’iisul wasaaraha wuxuu xilka ka qaadi kara wasiir, ee muxuu yahay agaasime,”

Waxa uu intaas ku daray in Rooble uu go’aanadiisa u cuskaday qodobo dastuuri ah, oo cad oo aanu mugdi ku jirin.

Prof. Xasan ayaa sidoo kale diida doodda Farmaajo ee ah inuu yahay taliyaha guud ee ciidamada qaranka, wuxuuna sheegay in xilka Fahad uusan aheyn taliye, ee uu yahay agaasime, sidaas darteedna aanu madaxweyne shaqo ku laheyn.

"Xitaa haddii uu ahaan lahaa xil taliye, Farmaajo waa madaxweyne hore, wuxuuna muddo xileedkiisa ku ekaa 7-dii Febraayo, sida ku cad dastuurka muddo xileedka madaxweynaha waa afar sano oo ka billaabata maalinta la dhaariyo,” ayuu yiri Porf. Xasan Sheekh Cali.

"Warqaddan uu soo qoray ra’iisul wasaaraha xil-gaarsiinta waa inay shaqeysaa, warqaddan uu soo qoray Maxamed Cabdullahi Farmaajo-na saas waayey, ku rid qashinka,” ayuu yiri Prof. Xasan Sheekh Cali oo kadibna jeex-jeexay warqaddii Farmaajo.

Daawo: Prof. Xasan Sheekh Cali oo jeex-jeexay warqaddii uu soo qoray FARMAAJO

                           Hoos ka daawo wareysiga





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip