Juan Mata Iyo David De Gea Oo Amaan Ugu Qubeeyay Da'yarka Mucjisada Ah Ee Kooxdooda Marcus rashford

0
Monday April 18, 2016 - 12:07:24 in Sports News by
  • Visits: 556
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Juan Mata Iyo David De Gea Oo Amaan Ugu Qubeeyay Da'yarka Mucjisada Ah Ee Kooxdooda Marcus rashford

    Goolhaya Man United iyo kubad sameeyaha kooxdaasi ee David De Gea iyo Juan Mata ayaa amaan ugu qubeeyay da'yarka ay isku kooxda yihiin ee Marcus Rashford sidoo kalena waxay dardaaran fiican siiyeen xidigaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goolhaya Man United iyo kubad sameeyaha kooxdaasi ee David De Gea iyo Juan Mata ayaa amaan ugu qubeeyay da'yarka ay isku kooxda yihiin ee Marcus Rashford sidoo kalena waxay dardaaran fiican siiyeen xidigaan.

Rashford ayaa 12 kulan u saftay kooxda koowaad ee United wuxuuna shabaqa u soo taabtay 7 jeer kooxdiisa si uu magac uga sameysto kooxda United laakin wuxuu kaalmo dardaaran fiican kala kulmay xidigaha ay isku kooxda yihiin ee De Gea iyo Mata.

De Gea ayaa yiri "Marcus wuxuu kooxdaan ku sameynayaa taariikh, waxaan jeclahay inuu halkaan joogo uu taariikh ku sameeyo, waxaan ku faraxsanahay inuu wayahy wiil yar oo xishooda oo howl adag qabta, wuxuu fiirinayaa hoos isagoo aan waxba iska dhaadhicineyn”.

Mata and Rashfors

Mata ayaa intaas ku daray isna "Marcus waa wiil aan caadi aheyn, waxaan marwaliba u sheegaa inuusan xerada ganaaxa ka bixin, wuxuu u shaqeynayaa si adag sidoo kale wuxuu leeyahay hami sare oo ah inuu wax qabto”.

Mata Iyo De Gea ayaa labadaba ku tilmaamay xidigaan mid aad u fiican laakin u sheegay inuu marwaliba ahaado nin hoos eega oo taxadar badan muujiyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip