Weerar ka dhacay Jowhar iyo wararkii ugu dambeeyey

0
Sunday September 05, 2021 - 07:00:32 in Wararka by
  • Visits: 177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar ka dhacay Jowhar iyo wararkii ugu dambeeyey

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

     Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka HirShabeelle waxaa caawa lagu garaacay hoobiyeyaal, waxaana la xaqiijiyey in illaa shan hoobiye ay ku soo dhaceen gudaha xaafadaha Horseed iyo Hanti-wadaag, sidoo kale magaalada waxaa laga dhex-maqlayaa rasaas goos goos ah.

      Labada xaafadood ee Horseed iyo Hanti-wadaag oo caawa hoobiyaha lagu garaacay waxaa aad u degan mas’uuliyiinta dowlad goboleedka HirShabeelle, waxaana si aad ah loo sugaa ammaankooda.

       Inkastoo aan weli la xaqiijin in khasaare ka dhashay hoobiyeyaasha lagu garaacay xaafadahaas ka tirsan Jowhar, hadana cabsi xoog leh ayaa soo wajahday dadka ku nool magaalada, waxaana la aaminsan yahay in Al-Shabaab ay duleedka magaalada ka soo ridayaan hoobiyayaasha.

      Weerar loo adeegsaday bamboo-gacmeed oo xalay ka dhacay xaafadda Hanti-wadaag oo ka mid ah xaafadaha caawa la duqeeyey ayaa waxaa ku dhaawacmay seddax xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka HirShabeelle, kadib markii bamkaas lagu tuuray guri ay ku sugnaayeen.

Weerarradaan waxay ku soo aadayaan xilli u diyaar garow doorasho xoog leh uu ka jiro Jowhar,


Weerar ka dhacay Jowhar iyo wararkii ugu dambeeyey



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip