=Nasashada Jimcaha. Q- 268=Muxuu Dalkan ku badan yahay, Masuul khaldan, khaldkiisana ku faanayo!!!.

0
Friday September 03, 2021 - 11:48:30 in Wararka by
  • Visits: 620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    =Nasashada Jimcaha. Q- 268=Muxuu Dalkan ku badan yahay, Masuul khaldan, khaldkiisana ku faanayo!!!.

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

1. Haddii Macalinku ku dhawaaqo Natiijada imtixaanka, oo aad maqashid in kii aad ka Qishtay uu keenay 1%. maxaad sugee Adigu?.
 
( Haddii aad aragtay Natiijadii Doorashada Aqalka Sare, maxaad ka sugee Natiijada Doorashada Madaxweynaha?)
 
2. Odaygii Cadi Booto ayaa hilmaamay Zip-ka "Shinyeerka” Surwaalka. Gabar ayaa aragtay kuna tiri: Adeer Zip-ka xiro oo xishoo. waa ku soo Baraarug odaygii waana Xirtay. waxa uu ku yiri: Ma waxaad aragtay Baabuurka Toyota ee Cabdi bilaha ah ee Taayaradu banaanka u yaaliin. waxa ey tiri: Maya, waxaan Arkay Bajaab shil galay, oo Tayaradii ka banjartay.(F.S: 1aad).
(Muxuu Dalkan ku badan yahay, Masuul khaldan, khaldkiisana ku faanayo)
3. Naag Maseyrsan ayaa Ninkeedii Shaahiga Sun ugu dartay, waxa ey ka shakisay in Sunta uu ku dhimanaayo iyo in uu ka badbaadi karo. waxa ey go’aansatay in ey Dhadhamiso, wax yar ayeey ka kabootay….. Maseeyrkii waa daayay. ( F.S: 2aad).
 
(Wiilal Maseeyrsan ayaa Aabahood oo Xildhibaannimo doonanaayay iska daba sharaxay, Xishood la’aan iyo Xoolihii oo ka baxay kadib, Hadda Maseeyrkii waa Daayay. waa Badan yihiin Musharax ku qabso ah oo Dayaarad la sii saaray, Markii laga guuleystayna, Baabuur raac loo diiday, Gadaal ka qabso gaariga ) ( F.S: 3aad ).
 
4. Cabdi yare oo ahaa Xoghayaha wasiirka ayaa shaqadii isaga tagay. markii la weeydiiyay
Sababtana waxa uu yiri: Dhibaatada ey leedahay Xoghayenimadu, waxaa ka mid ah, iyada oo shir lagu jiro, Haddii Wasiirka Dhuuso ka fakato Dadka oo dhami adigeey ku soo wada Fiirinayaan.
 
(Cabdi yaroow Shaqadaada isaga Noqo, Shaqaalaha Dowladda oo dhan ayaa dhibaatadaa kula qabo, Haddii Madaxda wax ka khaladamaan Eedda inta ka hooseeyso ayaa iska leh)
5. Arday Jaamacad uga soo Baxay Magaalada Mugadishu oo Shaqa ka waayay Heyadaha Dowladda ayaa la yiri: Ma shaqeeysaa? waxa uu yiri: Haa, oo Shaqo ayaanba Raadiyaa, Shaqo raadinta lafteeda ayaaba Shaqo ah oo maba nasto.
 
(In Shaqa raadintu hadaan lagu rabin ey lafteedu shaqa tahay oo lagu daalayo waxaan ku ogaaday, Imtixaanka Garsoorayaasha maalin hore ee la is weeydiiyay Sheeg Summadda Qabiilkaagu Xoolaha ku dhigto, si aad Garsoore qaran u noqoto, Reer Hebelna inta imtixaanka aqoontooda ku soo gudubtay ayey u badan yihiin, laakin Garsoorayaal berri, Gar cadaalada rido lama rabo.
 
Haddii Garsoorkii Cadaalad Daro ka tabanayo, Kii Gar ka sugaana ka waran!!!. wax barashadaa ka daran, Wareegtada ma aragtay, Jaamacadaha Tayadoodu sareeyso iyo kuwa Reer hebel yaan la aqoonsan. Ar Runta jirto lama sheegoo !!!) ( F.S: 4 &5aad)
 
6. Cali qaliir oo saaxiibtii la balansanaa ayaa Surwaal ka ergaday ” Debel caaro” uga qaatay Saaxiibkii Xuseein Buurane oo heeystay Halkaa Surwaal oo kaliya. Cali oo dareemay in uu Surwaalku aad ugu weyn yahay ayaa Harqaan geeyay si loo yareeyo, oo loola ekeysiiyo, Markii uu ka soo noqday la kulankii Saaxiibtii ayuu Surwaalkii u soo celiyay Xusein Buurane. Xusein ayaa arkay in surwaalku uuna u galin Gacmaha, lugaha iska daaye. Calina wuxuu ku doodayaa: waan kuu soo celiyay Surwaalkaagii, wax kalena kuma sameeyn ee waan isla ekeeysiiyay. (F.S: 6 & 7aad)
 
( Gartaas ayaa Galabta la ii keenay, mana rabo in Saaxiibadu kala tagaan, ee talo keen?
 
Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip