Daawo: Muuse Suudi oo shaaca ka qaaday arrin dhex-martay isaga iyo Guudlaawe

0
Wednesday September 01, 2021 - 08:12:39 in Wararka by
  • Visits: 390
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Muuse Suudi oo shaaca ka qaaday arrin dhex-martay isaga iyo Guudlaawe

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo shalay si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Jowhar ee xarunta HirShabeelle ayaa shaaca ka qaaday arrin dhex martay isaga iyo madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe.

Muuse Suudi ayaa sheegay in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu u balan qaaday in la dooran doono, balse uu ku canaantay in afarta sano ee soo socota uusan u dhaqmin sidii hore.

"Walaalkey waa i canaantay, waxuu iyiri waa lagu dooranaa, laakiin sidii hore hayeelin, marka anaguna sidii hore in Alle uusan ka dhigin ayaan rajeyneynaa, halkaas ma dhaafaayo,” ayuu yiri Xaaji Muuse Suudi Yalaxow.

Arrinta uu Muuse Suudi sheegay ayaa waxaa 22-kii bishan shaacisay Caasimada Online, oo sheegtay inCali Guudlaawe la filayo inuu liiska musharaxiinta Aqalka Sare kusoo daro Senator Muuse Suudi Yalaxow, kadib markii uu iska caabiyey cadaadisyo xooggan, oo kaga yimid Villa Somalia. Ad 

Sidoo kale Muuse Suudi ayaa amaan kala dul dhacay maamulka madaxweyne Cali Guudlaawe, isagoo sheegay in mustaqbal fiican ay leedahay HirShabeelle, waxuuna bulshada ugu baaqay inay garab istaagaan maamulkooda oo tafaraaruqa ay meel iska dhigaan.

Waxa uu sheegay in mid ka mid ah dadkii soo dhaweeyey uu weydiiyey sababta uu u imaan waayey Jowhar afartii sano ee Senatorka uu ahaa, "Jowhar kamana maqneyn, mana imaan, intaan oo dhib ah dadka waan ka dhowraayey, dadkaan isoo dhaweynaya iyo dadka aan u soo martinaayo dhib ayey igu qabi lahaayeen, sida maanta oo kale, laakiin qoylkeygu kama maqneyn HirShabeelle,” ayuu yiri Muuse Suudi.

    Waxa uu sheegay in afartii sano ee lasoo dhaafay uu kursiga Aqalka Sare ku difaaci jiray dowlad goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug, oo sida uu sheegay iyagu leh ilaha dhaqaale ee dalka laga wada biisho kheyraadka ka soo xarooda.

"Intii Aqalka Sare aan joogay HirShabeelle wixii laga haleeyo banaankaan u taagnaa, waxaa soo labeysay Galmudug, waxay ugu dared markii lacag yar oo tan la siiyo dowlad goboleedyada kale ka yar loo qoondeeyey laga goostay labadaas maamul, iyadoo canshuurta dadkooda laga qaado oo dekadahooda la biisho, maadaama kuwa kale gaar loo leeyahay, warkeyga xiligaas inuu saas noqdo ma rabin, laakiin waan huri waayey, markii aan Aqalka Sare ka qeyliyey seddax beri gudahood ayaa lagu fasaxay lacagtii labadaas maamul,” ayuu yiri Senator Muuse.

Daawo: Muuse Suudi oo shaaca ka qaaday arrin dhex-martay isaga iyo Guudlaawe




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip