
Filimka Muqdisho oo noqday kan loogu daawasho badan yahay Korea-da Koonfureed – Muxuu ku saabsan yahay?
Filimka cusub ee Escape From Mogadishuama "Ka Baxsashada Muqdisho,” ee uu sameeyey Ryoo Seung-wan ayaa noqday kan loogu daawashada badan yahay dalka Korea-da Koonfureed, sanadkan 2021.
Escape From Mogadishu ayaa waxa uu ku saleysan yahay sheeko dhab ah oo ah sida ay safiirada dalalka Korea-da Koonfureed iyo Korea-da Waqooyi ay uga baxsadeen Soomaaliya, markii uu dagaalka sokeeyey ka qarxay 1991-kii.
Waxaa jilaya jilayaasha caanka ka ah dalka Korea-da Koonfureed ee Yoon-seok iyo Heo Joon-ho.
Sida ay sheegtay shirkadda soo saartay eeLotte Entertainment, filimkan ayaa iibiyey saddex milyan oo ticket illaa iyo 29-kii August, sida uu sheegay qorayKorea Times.
Tiradan ayaa ka dhigan inEscape From Mogadishuuu dhaafay filimka Black Widow, oo hore u ahaa kan loogu daawashada badan yahay Korea-da Koonfureed sanadkan.
Filimka Muqdisho ayaa sidoo kale ah kan muddo sanad ah ugu daawashada badan filimada lagu sameeyey gudaha dalka Korea-da Koonfurreed, isaga oo dhaafay filimkaDeliver Us From Evilee la sameeyey bishii August ee sanadkii 2020.
Guusha filimka Muqdisho ayaa la sheegay inuu astaan u yahay in masraxyada dalka Korea-da Koonfureed ay kasoo kabanayaan cudurka Coronavirus oo si weyn hoos ugu dhigay.
FilimkaEscape From Mogadishuayaa markii ugu horreysay la baahiyey 28-kii July.
Filimka Muqdisho oo noqday kan loogu daawasho badan yahay Korea-da Koonfureed – Muxuu ku saabsan yahay?
...