Isku aadka heerka group-yada Champions League xilli ciyeereedka 2021/22 oo Caawa la sameeyey.

1
Friday August 27, 2021 - 15:42:24 in Wararka by
  • Visits: 2490
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isku aadka heerka group-yada Champions League xilli ciyeereedka 2021/22 oo Caawa la sameeyey.

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Istanbul:-Waxaa goordhow soo gabagaboobay isku aadka heerka guruubyada tartanka Champions League oo caawa lagu sameeyey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Kooxda Manchester City ayaa waxa ay guruub la gashay Paris Saint-Germain, xilli labadan kooxood ay yihiin kuwa loo saadaalinaayo inay ku guuleysan karaan koobka Champions League.

Chelsea ayaa Guruub H la gashay Juventus, halka Barcelona iyo Bayern Munich ay ku wada jiraan Guruub E.

Isku aadka oo dhammaystiran halkaa hoose ka eeg:-

Group A:Manchester City, Paris Saint-Germain, RB Leipzig, Club Brugge.

Group B:Atletico Madrid, Liverpool, Porto, AC Milan.

Group C:Sporting CP, Borussia Dortmund, Ajax, Besiktas.

Group E:Bayern Munich, Barcelona, Benfica, Dynamo Kyiv.

Group F:Villarreal, Manchester United, Atalanta, Young Boys.

Group G:Lille, Sevilla, RB Salzburg, Wolfsburg.

Group H:Chelsea, Juventus, Saint Petersburg, Malmo.

Goormee la ciyaari doonaa kulammada heerka Guruubyada Champions League?

Sida caadiga ah koox waliba waxa ay ciyaari doontaa lix kulan, waxaana kulammada la ciyaari doonaan Maalmaha Talaadada iyo Arbacada, taariikhahan hoos ku xusan ayaana la ciyaari doonaa kulammadaas:-

Kulammada 1-aad: September 14/15

Kulammada 2-aad: September 28/29

Kulammada 3-aad: October 19/20

Kulammada 4-aad: November 2/3

Kulammada 5-aad: November 23/24

Kulammada 6-aad: December 7/8



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip