
HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES ISNIIN 23-AUGUST 2021
....
Ciidamo hubeysan oo Xalay la wareegay Xarumahii Hirshabeelle ee G/Hiiraan
Wararka ka imaanaya M/Baledweyne ee xar unta G/Hiiraan ayaa sheegaya in Shalay oo Xalay aheyd ay ciidamo ka tirsan Militariga Soo maaliya ay la wareegeen gacan ku heynta xarun ta Maamulka G/Hiiraan kuwaas oo diiddan inuu B/weyneyimaado madaxwey ne Cali Guduulaawe
Saraakiisha hogaamineysa ciidanka la wareegay xarunta maamulka G/Hiiraan & Xera da Lamagalaay oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay sheegeen in sababta ay ula wareegeen xa rumaha ay tahay sidii ay uga dhiidhin lahayeen ra bitaanka shacabka reer Hiiraan.
Saraakiisha hoggaamineysa ciidankan Xalay la wareegay xarumahii ugu muhiimsana maamul ka Hirshabeelle ee Baledweyne ayaa lagu kala magacaaba Cabdullaahi Barre & Nuur Dheere ku waas oo sheegay in u taagan yihiin badbaadada Hiiraan shacabka waxay diiddan yihiina ay iyaga na diiddan yihiin.
La wareegista ciidankan ee xarumaha Hirshab eelle ku laheyd Baledweyne ayaa imaanaya ka dib markii saacadahii lasoo dhaafay ay isa soo ta rayeen warar sheegaya in madaxweynaha Hirsha beelle Cali Guudlaawe safar ku imaanayo Baledw eyne si awood ku dheehan tahay.
Xaalada M/Baledweyne ayaa Xalay ah mid aad u kacsan waxaana meel walba taagan dadw eyne fara badan oo taaGeersan ciidanka Xalay la waregay xarumahii Hirshabeelle ee G/ Hiiraan.
Qorshaha Guudlaawe lagu gaynayo Beladw eyne oo isku beddelay awood ciidan
Ilo-wareedyo kala duwan oo ku sugan Muq disho iyo Beladweyne ayaa Caasimada Online sheegtay in ay u xaqiijiyeen in DFS ay qorsheys ay in Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle awood ciidan lagu geeyo M/Beladweyne ee xar unta gobalka Hiiraan.
Xog aan helnay ayaa tilmaameysa in Madaxweyne Cali Guudlaawe diy aarad Helicopter ah lagu geyn doo no Beledweyne, taasoo ka dajin do onto xerada ciidamada Cirka ee Lama-galaay.
Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysa in ar rintaan ay ku howlanyihiin Xildhibaan Nuur Iidow Beyle, Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya Je neral Mukhtaar iyo madaxweyne ku-xigeenka Ma amulka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dab ageed oo hadda dhamaantood ku sugan magaa lada Beladweyne.
Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii ay guul dareysteen dadaalo ka socday Beladweyne, kuwaasoo ay maalmahaan wadeen Xildhibaano iyo siyaasiin reer Hiiraan ah.
Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan C/hi Goodax Barre ayaa Dorraad ka dig ay in Beladweyne ay ka dhacaan dagaalo iyo in doorashada laga weeciyo magaaladaas.
Goodax Barre ayaa dhaliilay siyaasiyiin kasoo jeeda G/Hiiraan oo Baledweyne gaaray iyo mada xda ugu sareysa HirShabeelle oo uu ku eedeyay iney burburinayaan masiirka umadda reer Hiiraan oo ay ka shaqeyn hayaan in colaad ka dhacdo G/Hiiraan, sida uu hadalka u dhigay.
"Wadatashiyadii socday, waxaa hakad galiyay wafdi uu hogaaminayo Yusuf Dabageed oo gad aal ka yimid, isla markaana qaarkood hadallo da andaansi ah baraha bulshada u mariyay dadka deegaanka una arka xalka keliya in ay dagaalam aan,” ayuu yiri Goodax. "Wafdiga Dabageed wuxuu iigu muuqday dad colaad xambaarsan Isla markaana ku shaqayna ya fikirkii Dabageed ee ahaa "Haddii Cali Guudl aawe uusan imaan Bala dweyne doorasho kama dhacayso” Waa ayaan darro iyo nasiib xumo we yn in dadka nuucaas ah ee Muqdisho taleefanka looga hagayo, in ay u mmad dhan masiirkooda u burburiyaan danaho oda shaqsiga ah.”
Goodax ayaa sidoo kalen nasiib-darro ku til maamay in shacabka Beledweyne loogu caga-ju gleeyo in doorashada laga wareejinayo Baladwe yne, haddii aanu iman Guudlaawe, sida uu hadal ka u dhigya xigasho:caasimadda.net
Wararkii ugu dambeeyay magaalada Beledweyne oo Banaanbax uu ka bilowday
M/Beledweyne ee xarunta G/Hiiraan ayaa Xalay waxaa ka jira xaalad kacsanaan ah iyadoo banaanbaxyo loogaga soo horjeeda maamulka Hirshabelle uu ka bilowday waddooyinka waa weyn ee Bariga M/Beledweyne.
Dadweyne faro badan ay aa isugu soo baxay kuwaa soo taageeraya gadood ay sameeyeen qaar ka mid ah ciidamada dowlada oo la wareeg ay xarunta maamulka gobolka Hiiraan.
Taageerayaasha General Abuukar Xuud ayaa la gu arkay wadooyinka waaweyn ee M/ Beledw eyne gaar ahaan agagaarka saldhigga Booliska halkaa oo ay ku sugan yihiin ciidamada booliska.
Dadka banaanbaxaya ayaa waxa ay ku dhawaaqayaan ereyo ay ugaga soo horjeedaan maamulka Hirshabelle gaar ahaan Madaxweyna ha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen.
Ciidamada gadoodsan ee la wareegay xarunta maamulka gobolka ayaa weli halkaasi ku sugan iyagoo fariisimo ka sameystay gudaha iyo agag aarka xarunta maamulka gobolka Hiiraan.
Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo bax ay maamulka gobolka Hiiraan iyo kan dowlad go boleedka Hirshabelle.
M/Beledweyne ayaa waxaa ku sugan Wasiirka Arimaha Gudaha dowlada federalka Gereral Muqt aar Xuseen Afrax iyo qaar ka mid ah xildhiba anadii baarlamaankii waqtiga ka dhamaaday
Guddiga loo saaray baaritaanka dhacdadii Golweyn oo la kulmay Taliska Ciidamada AMISOM
Guddigii heer wasiir ee R/ Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay baaritaanka dha cdadii Golweyn ee lagu dilay dad rayid ah, ayaa Shalay shirkii ugu horreeyay la yeeshay taliska AMISOM oo ay kala hadleen sidii ay ca daalad u heli lahaayeen dhib baneya ashii dhacdadii Gol weyn.
Wasiirka Wasaaradda cadaaladda Xukuum adda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in shirka qeyb ay ka ahaay een taliyaha ciidamada Uganda, saraakiisha AMISOM, Midowga Afrika iyo safiirka Uganda ee Soomaaliya.
Wuxuu sheegay Wasiirka in ay ka wada hadle en sidii dhibaatadii Golweyn ka dhacday loo xalin lahaa,islamarkaana cadaalad u heli lahaayeen dhibbaneyaashii dhacdadaas.
Sidoo kale, Wasiirka cadaaladda oo hadalki isa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in qaar ka mid ah askartii ka dambeysay falkaas la soo xi ray, halka qaar kalena baaritaan uu ku socdo.
R/Wasaare Maxamed Xuseen Roble oo ka jawa abaya falkii ciidammo ka tirsan AMISOM ku dile en dad rayid ah deegaanka Golweyn, ayaa gu ddi heer wasiir ah u saaray baaritaanka dhacdad aas xanuunka leh.
AMISOM oo war cusub ka soo saartay dad kii ay ‘ku leysay’ degaanka Golweyn
Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska guud ee ciidamada AMISOM ayaa waxaa markale looga hadlay dhacdadii lagu laayey 7-dii qof ee rayidka ahaa ee dhowaan ka dhacday deegaanka Golw eyn oo ka tirsan G/ S/Hoose.
AMISOM ayaa marka hore sa meysay qirasho, waxaana qor a alkan ay ku shaacisay in dadka ay dileen ciidamadeeda ay aha ayeen rayid, isla-markaana ay ku ogaatay hordha ca baaritaan la sameeyey oo la xiriira, sida uu u dhacay falkaasi shacabka lagu xasuuqay.
Sidoo kale AMISOM ayaa tilmaamtay in ka dib dhacdadaasi ay kulamo la yeelatay cuqaal, xubno ka tirsan bulshada iyo mas’uuliyiinta dowladda, is la-markaana ay u caddeeyeen inaan marnaba la Aqbali karin falal dambiyeedyada ay ciidamadu u geystaan dadka rayidka.
Warka ka soo baxay AMISOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in baaritaanka iyo dabagalka dhacd adaasi loo saaray guddi ka kooban 7 xubnood oo durbaba billaabay baaritaankooga, waxaana hork acaya sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada AMIS OM & 2 xubnood oo kale oo ka tirsan guddiga M/Afrika ee fadhigiisu yahay M/ Addis Aba ba.
Guddigaasi ayaa sidoo kale waxaa xubin ka ah sarkaal sare oo ka tirsan DFS & 3 Sarkaal oo sar sare oo ka kala tirsan milatariga, Booliska & xarunta hawlgalka M/Afrika ee AMISOM, sida lagu caddeeyey warsaxaafadeedka.
Waxa kale oo uu guddigu soo jeedin doonaan marka uu u soo dhammaado baaritaankooda in magdhow la siiyo ehellada dadkooda la-laayey, haddii askartaasi dambiga lagu helo.
" AMISOM waxay u qaadaysaa hab sharci ah eed eymahan halista ah si waafaqsan hab- dhaqanka ugu wanaagsan ee caalamiga ah, waxaana ka go’an inay sida ugu dhaqsaha badan u sameyso baaritaan dhab ah, la xisaabtamo cidkasta oo ma s’uul ah una hoggaansanto dhammaan wixii ka soo baxa iyo talooyinka baaritaanka,” ayaa lagu yiri. Sida uu qurshuhu yahay baaritaanka ayaa waxaa la soo afjari doono 6-da bisha soo socota Sebteembar, iyada oo la shaacin doono magacy ada askartii dilkaasi geysatay, isla markaana la ci qaabi doono, haddii baaritaanka socdo lagu xaqiij iyo inay dilkaasi geysteen.
Si kastaba AMISOM ayaa horey u baahisay war ka duwan midka hadda soo baxay oo ahaa in dadka la dilay ay ahaayeen xubno ka tirsan koox da Al-Shabaab, walow haatan ay AMISOM qirat ay inay shacab ahaayeen dadkaas, kadib markii eheladooda ay wacad ku mareen in meydadka ay san aaseyn ilaa ay ka helayaan cadaalad & xuq uuqda dadkooda.

Faahfaahin ka soo baxaysa nabadoon lagu diley magaalada Muqdisho
Nabaddoon caan ahaa oo magaciisa lagu she egay Xasan Maxamed Cilmi Fariid ayaa u ge eriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas ay ku fureen koox bastoolado ku hubeysan duhurnim adii Shalay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in nabadd oonka lagu weeraray xilli uu ka soo baxayay Masjid ku yaal degmada Deyniile oo uu ku soo tukaday salaada Duhur.
Kooxda weerartay nabad doonka ayaa goobta ka bax saday ka dib markii ay toog teen nabaddoonka waxaana goobta gaaray ciida mo boolis ah iyo kuwa nabadsugid ah.
Allaha u naxarisitee Nabaddoon Xasan Fariid ayaa caan ka ahaa degmada Deyniile waxana uu ahaa nin isboortiska jecel isagoo ka mid ahaa ciyaartoydii ciyaaraha fudud.
Soomaaliya oo ka qeyb galaysa bandhigga caalamiga ah ee todobaadka tamarka Afrika
Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed, ay aa xaqiijiyay inuu ka qaybgalayo Toddobaadka Tamarta Afrika (AEW) ee ka dhacaya magaalada Cape Town.
Wasiirka ayaa sheegay inuu halka as uu ku casuumi doono shirkado waa wayn oo danaynaya inay Soomaaliya la galaan wadaxaajood ku saabsan fu rsadaha sahaminta tamarta dalka Soo maaliya.
Wasiirku wuxuu sheegay in 7aadka tamarta Afr ika ee Cape Town uu kor u qaadayo fursadaha maalgashiga sahhminta Khayraadka iyo Macdan ta Soomaaliya. Wuxuu sheegay inuu ku celcelin doono in dalku u furan yahay maalgashi, isla mar kaana uu diiradda saaridoono sidii wadahadal wax-ku -ool ah loola yeelan lahaa maal –gashade yaasha7baadka Tamarta Afrika.
7baadka Tamarta Afrika (AEW) 2021 waa Ban dhigga is-dhexgalka iyo isku-xirka Rugta Tamarta Afrika (AEC) kaas oo doonaya inuu mideeyo dan eeyayaasha tamarta Afrika, kor u qaado kobcinta warshadaha iyo Afrika inay noqoto mustaqbalka Waaxda tamarta ee adduunka.
Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Jubbaland Oo Ansixiyay Xeer
Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Jubbal and ayaa yeeshay kalfadhigii 3aad fadhigiisa 7aad kaasoo Ajandihiisu ahaa ka doodista xeerka miisaniyada ku celiska ah.
Kulanka oo ay xaadire en Xildhibaanno gaaray 49 xildhibaan ayaa waxaa lagu ansixiyay xeerka mi saaniyada Maamulka Jubbaland, waxaana co de eyay 48 mudane, iyadoo hal xildhibaan uu dii day, wax ka aamusayana ma jirin.
Gudoomiyaha guddiga habdhowrka G/wakiila da Jubbaland Xildhibaan Shugri Weyrax Kaariye ayaa warbaahinta u sheegtay Xeerka mii saaniya da ku celiska ah ee Jubbaland ee Shalay la ho rkeenay Xildhibaanada uu yahay mid ansax ah.
Faah Faahin:-Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika
Muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu soo war amayaa in Habeen hore lagu dilay Dalka K/Africa, wax aana ka soo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan dilkaasi loogaystay ganacsadahaasi So omaaliyeed Wararka aan helnay ayaa tilmaama ya in Marxuumka lagu dilay Tuulada Nyanga oo ka tirsan M/Cape Town ee Dalkaasi K/Afrika, ka dib markii koox Tuugo ah ay ku weerareen Goobti isa ganacsi, waxaana la sheegay in kooxdii burc adda aahyd ee weerartay Muwaadinka ay goobta isaga baxsadeed, iaydoo sida al sheegay aysan jirin cid daba gashay markii falku dhacay.
Muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Mustaf Maxamed Farayare, waxaana uu ka mid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi K/Afrika ku ganacsata, waxaana la sheegay in markii dulku dhacayay uu ku sugnaa goobtiisa Ga nacsiga oo ku taalla Tuulada Nyanga oo ka tirsan M/ Cape Town.
Booliska Magaalada ayaa la sheegay in goobta dilku ka dhacay ay goor dambe goobta gaareen, iyadoon ilaa hadda la shaacin cid ay u soo qa bteen dilkaasi, waxaana inta badan dalkaasi ka dhaca dilalka bareerka ah ee Ganacsatada Soo maaliyeed loo gaysto.
Habeen ka hor ayey aheyd markii isla M/ Ca pe Town lagu dhaawacay Laba Muwaadin oo So omaaliyeed oo lagu kala magacaabo Jeceelow iyo Xundubeey
Somaliland iyo Kenya oo ka wada shaqayn aya horumarinta waxbarashada Somaliland
Wasiirka Waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno, oo safar shaqo ku joo ga Kenya, ayaa la kulmay wasiirka waxbarasha da Kenya Prof. George Albert Magoha, waxayna lababa wasi ir ka wada hadleen xidhii dhka waxbar asho ee Somalil and iyo Kenya, sidookale wasiir ka ayaa la Kulmay deq bixiyay asha calamiga ah.
"Socdaalkayagu wuxa uu daaranaa, hay'adaha dowlada Kenya u qaabilsan waxbrashada iyo de eq bixiyayaasha xafiisyada halkan ku leh, ee qay bta muhiim ka ah ka qaata maali galinta waxbara shada Somaliland, iyo hay'ado kale, deeq bixiya yaasha waxaanu kala hadlaynay mashruuca wax barashada ee 5ta Sanadood ee soo socota" ayuu yidhi Toorno.
"Waxaanu sidoo kale la kulanay wasiirka wax barashada Kenya, xogeeyaha joogtada ah iyo ag aasimaha guud, waxaannu ka wada hadalnay in farsamada gacanta la maal galiyo, in ay ka qayb qaataan kor u qaadista jaamacadaheena, innagu na aynu u gudbino waayo aragnimadeena" ayuu hadakiisa ku daray.
Somaliland iyo Kenya ayaa leh xidhiidh xaga waxbrashada la xidhiidha marka laga tusaale qa ato daraasiin macalimiin Kenyan ah oo ka shaqe eya hay'adaha waxbarashada Somaliland waxaa na la sheega in tirada macalimiinta ugu badan ee Kenyan ka ah ee ka shaqeeya waddam ada Gee ska Afrika ay Somaliland marti galiso.
Rag dhac u geysanyey dad shacab ah oo xal ay lagu qabtay degmada Heliwaa
Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaal iya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa Habeen hore howl-gal qorsheysan ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu xaqiijinayey amniga degmadaasi.
Saraakiisha horkaceysay howl-galkan ayaa shee gay inay ku baxeen kooxo burcad ah oo cabasho ay kasoo gudbeen dadka deegaanka, isla-marka ana ay gacanta kusoo dhigeen Ragga la soo qab tay oo 2 ah ayaa waxa ay ku hubeysnaayeen mindi iyo bistoolad macmal ah, sida ay shaaca ka qaadeen saraakiil ka tirsan taliska ciidanka Booliska.
Sidoo kale raggan oo lagu soo bandhigay xaru nta maamulka degmada Heliwaa ayaa lagu qab tay moobeelo ay ka soo dhaceen dadka shacab ka ah, sida uu talisku sheegay.
Dhankiisa guddoomiyaha cusub ee degmada Heliwaa Mire Salaad Dhuxulow ayaa sheegay in ay ka go’an tahay ka hortega kooxaha burcad da ah, isla-markaana ay sugayaan amniga.
Habeen hore ayey aheyd markii sidan oo kale rag hubeysan oo amni darro waday lagu qabtay degmada Kaaraan, kadib howlgal ay ka sameeye en ciidanka amnaaka Soomaaliya.
Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa saraakiisha laamaha ammaanka waxa ay xoojiyeen howl-gall ada lagu xaqiijinayo amniga caasimada, maadaa ma ay ka dhacayaan doorashooyin.
Booliiska dowlad degaanka Soomaalida oo gacanta ku dhigay hub fara badan.
Wararka ka imaanaya dowlad deegaanka Soo maalida ayaa sheegaya on Ciidamada gaarka ah ee ka howlgala kantoroolka Magaalo qaran ay ga canta kusoo dhigeen hub shar ci daro ah, kuwaas oo la doon ayay in la geliyo ma gaaladaas.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlad deegaanka ayaa shee gay in hubka lagu waday gaari islamarkaana ay la socdeen rasaas fara badan oo jawaano lagu shubay.
Dhanka kale Saraakiisha waxay sheegeen in ay Ciidamada mar kasta heegan ugu jiraan ka hortaga waxyaabaha halis galinaya bulshada & amn iga.
ISKA ILAALI KIBIRKA!!!=FAALLO=
Nin Boqor ahaa oo kibray ayaa, Muufo Saxara da isaga tiri Jiray. Ka dibna Musqusha ku ridi ji ray.
Markii Dambe Abaar ayaa dhacday Dadkii wa xa ey noqdeen kuwa Baahi u dhintay & kuwa De egaankii isaga Qaxay, Kaligii ayuu ku soo haray Magaaladii,
Markaa ayaa Dantu ku khasabtay inuu Musqu shii Dib u qodo si uu u cuno Muufadii uu Saxara da isaga tiri jiray.
Sannadkaan Axmed oo ahaa wiil Carab ah oo khaliijka ku noolaa ayaa Bisadiisii Lagu mag acaabi Jiray "Zuuzuu” waxa uu u iibiyay Dahab qiimahiisu yahay 1.625 ( Hal Million Lix Boqol iyo 25 kun Dollar. ( F.S: 1aad).
Hore ayaa Nin Taajir ahaa oo u dhashay khaliijku uu Hashiisii "Ummu Khalid” oo Rati ka le uu u Aroosinaayay, ayuu u soo iibiyay Dah ab dhowr Million Dollar ah.
Taajirkaa oo dhaliil badan loogu soo jeediy ay Baraha Bulshada.( F.S: 2 & 3aad).
Ummaddii Islaamka oo Baahan, miyeeyna og eyn in Aakhiro la weeydii doono, Xoolahii lagu siiyay Xageed ku bixisay. Somaliyeey Haddii aad Hantile noqoto, ku dadaal marka hore in ey xalaal tahay, ka dibna ha ku kibrin Sida Ragaa kor ku xusun waa iga Talo
Qore: Yahya Amir
WAR-MURTIYEED 7-QODOB AH OO LAGA SOO SAARAY SHIRKII GOLAHA WADATASHIGA QARAN
Golaha Wadatashiga Qaran ayaa war-murtiyeed ka soo saaray shir lab adii maalmood ee u dambeeyay uga socda magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka dalka
War-murtiyeedka kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa lagu soo saaray 7-habraac oo loo ga heshiiyey doorashooyinka, kuwaas oo kala ah.
1 – Habraaca Dhiirigalinta Daahfurnaanta Doorashada
2 – Habraaca Maamulka Maaliyadda Doorashada
3 – Habraaca Xulista Ergada Doorashada
4 – Habraaca Amniga Doorashada
5 – Habraaca ilaalinta Qoondada Haweenka
6 – Habraaca doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland &
7 – Hawlaha Lataliyayaasha Farsamo ee Golaha Wadatashiga Qaran.
Golaha ayaa isla qaatay in Ergooyinka doorashada ee dooranaya Gol aha Shacabka ay soo xulaan duubabka, nabadoonada ka diiwaan gashan xukuumadda iyo Bulshada rayidka, taasi oo ay hubinayaan guddiga doo rashada heer Dowlad ee heer federaal.
Sidoo kale Ergada Somaliland ayaa waxaa soo xulaya duubabka na badoonada iyo bulshada rayidka ee la isla ogol yahay, kuwaasi oo ay hubin doonaan guddiga maamulka doorashada Somaliland iyo xafiiska Rooble.
Golaha ayaa si waafaqsan heshiiskii 27-kii May waxay go’aamiyeen in la abuuro guddiga amniga doorashada oo ka kooban 10 xubnood oo ka kala imaanaya Talisyada maamulka, Taliska booliska Soomaaliyeed iyo Ra’iisul wasaaraha.
Halkan hoose ka aqriso War Muriyeedka laga soo saaray shirkan;
Dad ku dhintay shil gaari oo ka dhacay deg mada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.
Muqdisho:-Xaafadda Buundo 1-aad ee deg mada Waaberi saddex qof ayaa ku nafwaayay qofkalana waa ku dhaawacmay kaddib markii uu xakamaha (fariin) goostay Gaari nuuca daa bulaha Ardayda ah.
Gaariga oo kasoo fariin goostay dalcadda dhanka wadada dabka ayaa dulmaray qaar ka mid ah dadkii ku sugnaa wadada hareeraheeda waxa uuna ugu dambeyn gudaha u galay guri ay ku noolaayeen dad shacab ah.
Dad ku sugnaa goobta shilka ka dhacay ayaa noosheegay in ay arkeen dhimashada ilaa sad dex ruux iyo dhaawaca qof kale.
Kooxda Ahmed Massoud ee DAGAALKA ku iclaamiyey ururka Taalibaan oo hadda sheegay inay doonayaan…
Ciidamadii hore ee dowladda Afghanistan ee billaabay muqaawamada ka dhanka ah kooxda Taalibaan ayaa isku diyaarinaya "dagaal daba dheeraada,” balse waxay sidoo kale diyaar u yihi in wada-xaajood, sida uu sheegay afhayeen u hadlay.
Tan iyo markii Taalibaan ay xukunka la waree geen, kumanaan qof ayaa gaaray Dooxada Panj shir, si ay u helaan aag ay ku bad-baadaan ug una biiraan dagaalka, sida uu sheegay Ali Mai sam Nazary .
Waxaa halkaas ku sugan Ahmed Massoud, oo ah wiilka taliyihii caanka ahaa ee Mujaahidiinta Af ghanistan Ahmed Shah Massoud, oo ay dileen Al-Qacida, laba maalmood ka hor weerarkii September 11, 2001.
Sida uu sheegay Nazary, Ah med Massoud ayaa halkaas ku di yaariyey dagaal-yahano dhan 9, 000 oo askari, inkasta oo aan si ma dax-banan loo xaqiijin karin tiradas
Kooxdan oo la baxday Jabhadda Iska-Caabinta Qaranka (NRF), ayaa sheegtay in ahmiyaddeeda koowaad ay tahay in laga fogaado dagaal dhiig badan uu ku daato, ayna doonayaan nidaam cusub oo dowladeed.
Hase yeeshee Nazary ayaa sheegay in koox da ay isku diyaarisay dagaal, islamarkaana haddii Taalibaan aysan wada-xaajood gelin, ay wajihi do onaan muqaawamo ka dhacda dalka oo dhan.
Shuruudaha nabad aan la galno Taalibaan, waa in dowladda laga dhigaa mid aan hal meel la ga xukumin, iyo nidaam xaqiijiya cadaaladda bul shada, sinnaanta, xuquuqda iyo xoriyadda dadka oo dhan,” ayuu yiri Nazary oo ah madaxa xiriirka arrimaha dibedda ee kooxda NRF.
Waxa uu yiri in haddii aysan Taalibaan middaas aqbalin uu jiri doono "dagaal daba-dheeraada.”
Inkasta oo Taalibaan ay gacanta ku hayaan inta badan dalka, Nazary waxa uu sheegay in malee shiyo ku sugan meelaha qaar ay billaabeen iska caabin, islamarkaana ay xulufo la sameysteen kooxda NRF ee uu hoggaamiyo Massoud.
"Taalibaan ma joogi karaan meel kasta, kheyra adkooda waa xadidan yahay. Ma haystaan taage erada aqlabiyadda,” ayuu yiri.
Ahmed Massoud ayaa dhowaan sheegay in cii damadiisa ay diyaar u yihiin inay qaadaan iska ca abin wax ku ool ah, wuxuuna Mareykanka ugu ba aqay inay hub iyo rasaas siiyaan maleeshiya diisa.
Faallo uu Arbacadii ku qoray wargeyska Wa shington Post ayuu Ahmed Massoud ku yiri "Ma reykanka wuxuu weli hub weyn u noqon karaa di moqraadiyadda,” isaga oo taageeraya malee shiyadiisa.
"Waxaan Shalay kasoo qorayaa Dooxada Pan jshir, waxaan diyaar u ahay inaan qaado raadkii aabahey, aniga oo haysta muajaahidiin diyaar u ah inay mar kale ka hortagaan Taalibaan,” ayuu yiri. Isaga oo rajeynaya inuu raaco "raadkii aab nihiis” ayaa Massoud waxa uu sheegay inay ku soo biireen xubno ka mid ah ciidamadii gaarka ah aa ee Afghanistan "oo ka niyad jabay is-dhiibi ta anka taliyayaashooda.”
Hoggaamiyeyaasha Turkiga iyo Jarmalka oo ka wada hadlay xaalada Afgaanistaan.
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel oo ku wada xiriiray khadka Telefoon-ka ay aa ka wada hadlay xaaladda Afgaanistaan, mada xweynaha Turkiga ayaa sheegay in talaabooyin dheeri ah la qaado si wax looga qabto qulqulka qaxoontiga Afgaanistaan maadaama Turkiga ho re u qaabilay shan milyan oo magalgelyo doon ah ayna ku adag tahay inuu wajaho xaaladda maga ngelyo doonka Cusub.
Bayaan kooban oo kasoo baxay Agaasimka is gaarsiinta Madaxweynaha Turkiga ayaa lagu yiri " Yurub waxa ay leedahay waajibaadyo muhiim ah si looga hortago socdaalka aan joogtada ahayn inuu isu beddelo dhibaato.”
Erdogan iyo Merkel ayaa ku heshiiyeen inay si dhow u wada shaqeeyaan si ay u taageeraan sha qada hay’adaha caalamiga ah ee Afgaanistaan iyo dalalka deriska la ah. Xigasho: Daily Sabah.
Qaxootigii ugu horreeyay ee Afghanistan oo la filayo inay Shalay soo gaaraan Uganda.
Saraakiisha Uganda ayaa xaqiijiyay in dal koo du uu Shalay oo Axad ah qaabilayo 145 qof oo ka mid ah qaxootiga laga soo daadgureynayo dal ka Afghanistan, waxaana wadahadal maalmo qaatay kadib, Uganda ay oggolaatay marti-galinta qaxootiga Afghanistan. Arrintan ayaa imaaneysa maalin kadib markii si kumeel gaar ah loo hakiyay daadgureynta Ka bul, sababo la xiriira xarunta qaabbilaadda dadka qaxaya ee ee dalka Qatar oo buux dhaaftay.
Esther Anyakun oo ah wasiir ku xigeenka Wasaa radda U-diyaargarowga Musiibooyinka iyo Qaxoo tiga, ayaa VOA u sheegtay in hay’adda Laanqey bta Cas ee Caalamiga iyo hay’adaha kale ee is kaashiga la leh ay dowladda Mareykanka kala shaqeynayaan sidii Shalay dalka Uganda loo ke eni lahaa 145 qof oo horudhac u ah dadka la soo daadgureynayo.
Horraantii toddobaadkan, ayay Anyakun she egtay in Uganda ay aqbali doonto illaa 2,000 oo qaxooti Afghanistan ah, inkasta oo mas’uuliyiin kale ay sheegeen in arrintu weli tahay mid laga doodayo.
Wasiirka Gargaarka, U -diyaargarowga Musi ibooyinka iyo Qaxootiga ee Uganda, Hillary Onek, ayaa su baxnimadii Sabtida u sheegay mid ka mid ah Idaacadaha maxalliga ah ee dalkaas in qaxootiga Afghanistan ka imaanaya ay u badan yihiin haween iyo carruur, wuxuuna intaas ku daray in magaalada Entebbe looga diyaariyay hoteeladii ay degi lahaayeen.
Dowladda Itoobiya oo sameysaneysa baro bulsho oo u gaar ah.
Itoobiya ayaa sheegtay iney ku hawlan tahay sameysashada baro bulsho oo iyada u gaar ah, kadib kolkii ay ku eedeeyeen bogag ga Facebook iyo Twitter iney yihiin kuwo kasoo horjeeda danta dalkaas.
Dhawaan unbay aheyd kolkii BBC-da warbixin ka diyaarisay, sida marin habaabinta dhanka xo gta dalkaas ay caadi ugga noqotey, tan iyo intii ay bilaabtey colaadda ka dhex kooxda fallaagada TPLF iyo dowladda dhexe. Itoobiya ayaa dhalee ceysay in bogag bulsheed la xannibay, lagana saarey waxyaabihii ku keydsanaa.
Ka hor doorashooyinkii ka dhacey Itoobiya bi shii June, Facebook ayaa sheetay iney ka saart ey barihii shabakad been abuur aheyd.
Barahan ayaa lala xiriiriyey hey’add la shaqey sa dowladda, oo u xilsaaran dabagalka isgaarsiin ta iyo internet-ka.
Aggaasimaha wakaaladda amniga ee warfaa finta ee dowladda, Shumete Gizaw, ayaa sheeg ay in Itoobiya horumarineysom aalado bedeli kara barnaamijyada farriimaha la isugu diro ee Whats App-ka,& madasha muqalka tooska ee Zoom-ka.
Waxey shirkadaha reer galbeedka ku tilma antey dowladda Itoobiya kuwo aan u shaqeyneyn danka guud ee dalka Itoobiya.
MADAX GOBOLEEDYADA OO SI RASMI AH U INQILA ABAY DOOR ASHADA IYO GUDDIGA DOORASHADA OO LA AWOOD TIRAY
Waxaa Shalay Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shirkii golaha wadatashiga qaranka ee Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo heshiis looga gaaray habraacyada doorashooyinka, sida xulista ergada doorashada, amiga doorashada, dhaqaalaha ku baxaya iyo qaab ka loo ilaalinayo qoondada haweenka.
Heshiiskaan ayaa daaha ka rogaya in golahaan ka kooban ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada ay la wareegeen awooda doorashada xildhibaanada golaha shacabka, waxaana ku jira qodobo u sahlaya inay gacanta ku dhigaan ergada wax dooraneysa.
Doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa sida ku cad heshi isyadii hore iyo habraacii uu dhawaan soo saaray guddiga doorashada ee heer federaal waxay dhigayaan in awooda ugu badan ee doorashada xubnaha golaha shacabka ay leeyihiin qabaa’ilka kursiga iska leh.
Noqol ka mid ah habraaca looga heshiiyey soo xulidda Ergada waxaa looga hadlay qaabka cod-bixinta ergada iyo inta uu kooramkoodu ku buuxsami karo, waxaana lagu yiri, "Kooramka codbixinta ergada wa xa uu ansax noqonayaa marka ay joogaan ugu yaraan seddax meelood laba meel oo ergo ah.”
Qodobkaan ayaa cadeynaya in 101-da xubnood ee Ergada ah 67-qof oo ka mid ah ay soo dooran karaan xildhibaanka, iyadoo laga kaaftoomi karo 34-ka qof ee kale.
Tani waxay madaxda dowlad goboleedyada oo sidey rabeen u maamushay doorashada xubnaha Aqalka Sare fursad awood u sine ysaa, in goobta doorashada laga hor istaago ergada inta aysan rabin, oo codkooda aysan ku kalsooneyn, maadama uu heshiiskaan u ogolaanayo inay ka maarmaan ugu yaraan 30 ka mid ah ergada soo dooraneysa halkii kursi.
Sidoo kale heshiiskaan qeybtiisa hubinta ergada waxaa lagu yiri, "Si loo hubiyo fuhnaanta amni iyo sugnaanta ergada, liiska ergada ee kusi kasta waxaa hubinaya guddi hoosaadka amniga ee guddiga doorashada dowlad goboleedyada, si looga hor-tago faro-gelinta argagixisada, iy agoo ka hubinaya hey’adaha dembi barista iyo xasilooni darada amni ee doorashada.”
Halkaan madaxda dowlad goboleed yadu waxay ka heli karaan fursad kale oo ay ku dhimi ka raan tirada xubnaha ergada ah ee soo dooranaya kursi xil dhibaan, sida in xubintii la do ono lagu adkeeyo warqadda dembi la’aanta, sidaasna co deynta doorashada looga reebo.
Qodobadan ayaa awoooda ka qaad aya guddiga Hirgelinta Door ashooyinka Heer Federaal (FIET) oo awoodiisii oo dhan lagu wareejiyey Guddiga Heer Maamul Goboleed ee ay u taliyaan madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, waxaana awoodihii Guddigan ku soo haray kor meerid, ogaanshaha maamul ka miisaaniyadda Doorashada iyo kaliya shar ciyad iyo shahaado siinta xildhibaannada.
Dad Shacab Ah Oo Ku Dhintay Isbuurasho Ka Dhacdey Bannaanka Garoonka Diyaaradaha Ee Kabul
Toddobo qof oo rayid ah ayaa ku dhintey isbuurasho ka dhacdey ban naanka garoonka diyaaradaha ee Kabul, iyadoo ay si waliba isugu daya yaan iney ka cararaan la wareegista dalka Afghanistan ururka Taliba, si da ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ingiriiska.
Afhayeen u hadley wasaaradda difaaca, ayuu ku sheegay war ay soo saareen iney wajahayaan caqabado aadu xun, ha yeeshee ay sa meynayaan wax waliba oo ay awoodaan, si ay u badbaadiyaan shacab ka, una xakameeyaan amni darida jirta.Wuxuu intaa raaciyey iney jiraan goobo ay wax ka dhaceen oo ku beegan bannaanka garoonka, iyadoo kumanaan reer Afghanistan ah ay isku dayayaan iney baxsadaan. Dalal badan ayaa ku guul dareysteen iney caawimaad u fidiyaan muw aadiniintooda, iyo dadkii reer Afghanistan ee la shaq eynayey.
Illaa iyo afar kun iyo shan boqol oo ciidamo Mareykan ah, ayaa si kmg ah u maamulaya garoonka caalamiga ee Hamid Karzia, iyadoo ay jiraan sagaal boqol oo ciidana oo Ingiriisa oo Iyana ilaaliya garoonka, iyagoo qeyb ka ah dadaalada lagu sugayo amniga duulimaadyada wax daad gureynaya.
Dagaal yahanada Taliban ayaa joogga baraha laga soo galo garoonka, iyagoo xirey dad reer Afghanistan ee aan wadanin aqoonsiga, ee doonayay iney dhoofaan. Xigasho:caasimadda.net
TODDOBA QOF OO LAGU DILAY GAROONKA KABUL IYO TAALIBAAN OO SHEEGTAY CIDDA KA MAS’UUL AH, KADIBNA QAADAY TALLAABO
Britain ayaa sheegtay in toddoba qof oo shacab Afghan ah lagu dilay qalalaase Sabtidii ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaaha Ka bul, halkaas oo dad badan ay ku xoomeen ayaga oo isku dayaya inay ga araan garoonka si looga qaado.
Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa la xarbinayey inay la taacaalaan kuman aanka qof ee isugu jira ajaaniibta iyo shacabka Afghanistan ee ka cara raya dalkaas, kadib markii ay xukunka la wareegeen Taalibaan.
"Waxaan maskaxda ku haynaa dhammaan qoyska toddobada ee ku dhintay Kabul,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Wasaaradda Gaashaan dhigga Britain, isag aoo aan faah-faahin ka bixin sida ay wax u dhaceen.
Taleefishinka Sky News ee Britain ayaa baahiyey muuqaallada sad dex ka mid ah meydadka oo yaalla dibedda garoonka.
"Xaaladda waa mid aad caqabad u leh, waxaanse isku dayeynaa wax kasta oo aan awoodno si aan u xakameyno, ugana dhigno mid amni ah oo sugan, sida ugu macquulsan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wa saaradda Gaashaandhigga Britain.
Dhinaca kale, kooxda Taalibaan ayaa ku eedeysay Mareykanka inay mas’uul ka yihiin qaska ka jira garoonka diyaaradaha Kabul.
aan ognahay leh, waxay ku guul-darreysteen inay kala dmabeyn ka hi rgeliyaan garoonka. Nabad iyo xasilooni ayaa ka jirta dhammaan dalka intiisa kale, hase yeeshee jahwareer ayaa ka taagan garoonka,” Waxaa sidaas yiri Amir Khan Mutaqi, oo ah sarkaal ka tirsan Taalibaan.
Taalibaan ayaa hadda kala dambeyn kusoo rogtay banaanka garoonka, ayaga oo rasaas kor u ridaya, kuna qasbayaa shacabka inay safaf galaan.
Qaar ka mid ah dad goobjoogeyaal ah ayaa laga soo xigtay in amar
ka Taalibaan uu shaqeeyey, dadkuna ay si nabdoon ugu jiraan safaf dhaadheer oo gala garoonka. AFP, REUTERS, VOA
DALKA SUCUUDIGA OO LAGU XIREY NIN CAAYEY XAASKA NABIGA MUXUMAD NNKH.
Booliiska Sucuudiga, ayaa xirey nin la sheegay in uu ku caayey nabi Muxummed "NNKH” xaaski isa Caa’isho baraha bulshada Ninka la xirey ayaa dadiisa waxaa lagu qiy aasey soddomeeyo, isa goo galiyey aflagaadada meel ka dhaca bar ay la isku weeydaarsa do afkaaraha.
Afhayeenka booliiska ee magaalada Riyadh, Maj Khaled al-Kraidis, ayaa warkan ku sheegay barta waaxda ammaanka ee Sucuudiga 20-kii bishan August. Sida uu sheegay afhayee nku, waxaa lagu sam eeyey ninkan la xirey baa ritaan, iyadoo loo gudbiyey xeer ilaalinta guud.

HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES ISNIIN 23-AUGUST 2021
....