HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 22-AUGSTO 2021

0
Sunday August 22, 2021 - 08:00:08 in Wararka by
  • Visits: 679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 22-AUGSTO 2021

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Maxaa looga hadlay shirkii shalay u furmay Golaha Wadatashiga Qaranka ?

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho ayaa la isku afgartay ajandaha iyo mudada uu shirku socon doono Afhayeenka Xukum adda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Mucalimuu ayaa sheegay in shirka Looga hadlay dardargelinta howlaha doorashooy inka, diyaar inta habraacyada doorashada Golaha Shacabka , raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka ee aan weli soo xeroonin iyo sidii horey loogu wadi lahaa doorashooyinka dalka ka bilowday.

"Ajandayaasha iyo maalmaha uu soconayo shirku ayay si wayn isku afgarteen madaxda ka qeybgashay shirka shalay.”ayuu yiri afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Mucalimuu.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in R/Wasa are Rooble uu ka dalbaday madaxda maamulad da dalka inay soo dhamaystiraan doorashada xu bnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Inta badan maamul goboleedyada ayaa iyagu horey u guda galay howsha doorashada gaar aha an doorashada aqalka sare. Maamulka Hirshabe ele oo kali ah ayaan wali bilaabin doorashada xubnaha aqalka sare.

Maamulada K/Galbeed iyo Puntland ayaa iy agu soo dhameystiray xubnihii aqalka sare uga mid noqon lahaa, halka Jubbaland iyo Galmudug ay wali dhowr kuraas dhiman tahay.

Wasaaradda Beeraha & Waraabka Soomaaliya oo lagu wareejiyey gaadiid muhim ah.

Waxaa Muqdisho shalay lagu qabtay muna asabad agab wareejin ah oo ay agaasintey Hay ’adda Cuntada iyo Beeraha ugu qaybsan QM isla markaana ay goobjoog ka ahayd Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka DF Somalia.

Waxaa munaasabadda loo qabtay si DF Somalia loogu wareejiyo gaadiid ay ku dee qeen Ururka Midowga Afrika oo ka koobnaa 12 mooto, 6 cagaf cagaf iyo 4 gaari oo ah Toyota dusha ka furan.

Gaadiidkan ayaa loogu tala galay in loo ade egsado dhanka beeraha isagoo qayb ka ah qor shaha mug dhisidda loo samaynayo hay’adaha DF Somalia ee ku burburay dagaallada sokeeye.

”Agabkani wuxuu sare u qaadayaa qorshaha ay DF ku doonayso kordhinta wax soo saarka beer aha.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Hay’adda FAO.

Rooble oo jawaab kulul ka bixiyey falkii ay ku kaceen Amisom, qaaday tallaabo

Ra/Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horeysay ka hadlay falkii ay ciidamo ka tirsan AMISOM dil wadareed ugu geysteen dad shacab ah oo degaan M/Golw eyn ee G/Sh/Hoose 10-kii bishan.

R/ wasaare Rooble ayaa shalay u yeeray safiirka dowladda Uganda u joogay Soomaaliya iyo taliska ciidanka AMISOM, waxuuna kala hadl ay dhacdadii xanuunka badneyd ee dadka rayid ka ah ay ku laayeen, kuwaas oo aan weli meyd adkooda la’aasin. Rooble oo kulankii uu xub nahaas la yeeshay kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gud di heer wasiirro ah uu u xil-saaray baaritaanka dhacdadaas xanuunka leh ee ciidanka AMISOM ay u geysteen shacabka reer Golweyn. "Waa arr in foolxun oo aan aad uga damqanay, waxaa shalay tacsi iigu yimid safiirka Uganda iyo taliska AMISOM, cid aan ka aqbaleyno ma jirto in dhib loo geysto shacabka Soomaaliyeed, waa lama ta abtaan shacabkeenu, waxaan diyaar u nahay oo naloo igmaday inaan u istaagno oo xaqooda aan u soo dhicino, sidaas darteed waalidiinta Sooma aliyeed ee dadkoodii la dilay waxaan leeyahay sa mir Allaha naga siiyo dadkaas,” ayuu yiri R/Wasa are Rooble.

Waxa uu sheegay in guddi uu u saaray baarit aanka qaabkii loo dilay dadkaas, isla markaana ay sida ugu dhaqsaha badan bulshada ula soo wadaagi doonaan wixii kasoo baxa baaritaank aas. "Waxaan magacaabay guddi wasiirro ah oo kala ah, wasiir amniga, wasiirka cadaaladda, wasi irka gaashaandhigga iyo wasiirka arrimaha guda ha oo berri la kulmi doona safiirka Uganda iyo tal iska AMISOM, arrintaas ayey ka hadli doonaan, safiirka iyo saraakiishu waxay ii xaqiijiyeen in cii dankii dhibkaas geystay gacanta lagu hayo oo maxkamad lasoo taagi doono, anagana waan ku daba geleynaa, wixii kasoo baxana gadaal ayaan idinkala soo wadaagi doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray ra’iisul wasaare Rooble.

Tan iyo 10-kii bishaan ehellada dadkii lagu dil ay Golweyn waxay dalbanayeen in cadaalad ay helaan oo ciidanka AMISOM ay qirtaan dhibka ay geysteen, iyagoo sheegay in kulamo ay la qaateen saraakiisha AMISOM ay ka meer-meer een qirashada gabood falkaas, waxayna ehelladu wacad ku mareen in meydadka dadkaas oo juwaano ku jira aan la aasi doonin, illaa inta ay ka helayaan cid qaadata mas’uuliyadda dilkooda.

Banaanbaxyo waaweyn ayey ka dhigeen magaal ooyinka Muqdisho, Golweyn iyo magaalooyin ka le oo ka kala tirsan labada Shabeelle, waxayna cod dheer ku sheegeen in AMSIOM ay tix-gelin ka waayeen, taasna aysan aqbali doonin.

AMSIOM ayaa 10-kii bishaan hal goob ku di shay 7-qof oo ku sugnaa deegaanka Golweyn, waxayna markii ay toogteen kadib ku qarxiyeen miino, taas oo jirkoodii ka dhigtay mid goo-go’ay oo juwaano lagu guray, illaa hadana waxa uu ku jiraan qaboojiye, sida ay sheegeen ehellada dad kii la laayey.

Xog: Guudlaawe oo go’aan ka gaaray kursiga Xaaji Muuse Suudi ee liiska Aqalka Sare

Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa la filayaa inuu liiska musharax iinta Aqalka Sare kusoo daro Senator Muuse Su udi Yalaxow, ka dib markii uu iska caabiyey cada adisyo xooggan, sida ay sheegtay in ay ogaatay Caasimada Online.

Sida aan xogta ku helnay, madaxweyne Guudl aawe ayaa ku gacan seeray dalab kaga yimid Vil la Somalia, oo ku aaddana in liiska laga saaro Xa aji Muuse, oo ka mid ah siyaasiyii nta sida weyn uga soo horjeeda madaxweyne Farmaajo, islamar kaana ka mid ah hoggaamiyeyaa shii hagayey ciidankii Badbaado Qaran ee soo galay Muqdisho.

"Lagama yaabo in Muuse Suudi iyo cid kasta oo maqaam ku dhex leh beesha Mudulood aan ka reebo liiska,” waxaa sidaas xaqiijiyey Cali Guu dlaawe, sida ay Caasimada Online sheektay in ay u sheegeen siyaasiyiin ka tirsan beesha oo uu la hadlay.Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in liiska lagu soo dari doono Senator Dr. Cusma an Maxamuud Dufle iyo Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, oo ka mid ah Senatorada beesha Mud ulood.

Dhaqanka beesha Mudulood oo aad u xoogg an, iyo magaca ay siyaasiyiinta ku leeyihiin bee sha dhexdeeda ayaa la rumeysan yahay in darte ed uu madaxweyne Guudlaawe u diiday inuu u hoggaansamo cadaadiska Villa Somalia.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa sidoo kale dii day isku day kale oo ay Villa Somalia ku dooney say in liiska lagu daro siyaasiyiin tartan adag ge lin kara xubnahan.

Si kastaba, Guudlaawe ayaa laga yaabaa in uu Villa Somalia ku qanciyo inuu liiska ugu daro dhowr qof oo la siinayo kuraasta beelaha kale ee Senataradooda lagu dooranayo HirShabeelle, oo Guudlaawe uusan cadaadis badan kala kulmi do onin.

Maamulka HirShabeelle ayaa ah kan kaliya ee aan illaa hadda soo magacaabin liiska musharax iinta Aqalka Sare, waxaana la filayaa in madax weyne Guudlaawe uu liiska soo saaro kadib dha mmaadka shirka wada-tashiga qaran ee ka fur may Muqdisho.

Dowlada Soomaaliya oo beenisay in dalka la ga joojiyay duulimaadyada Fly Dubai iyo Air Arabia

D/Federalka ayaa beenisay warar sheegaya in W/Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay dalka ka joo jisay duulimaadyada shirkadaha Diyaaradaha ee Fly Dubai Iyo Air Arabia.

W/Gaadiidka iyo Duulista Hawada DFS, wa xay ay ummadda Soomaaliyeed u caddaynaysaa inaanu jirin habayaraatee amar ka soo baxay Wa saaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada DFS, kaas oo dalka lagaga joojiyay Shir kadaha Diyaaradaha ee Fly Dubai Iyo Air Arabia.

WG&D/Hawada DFS, waxay uga di gaysaa dadka iyo Warbaahinta wararkaas been abuurka ah faafinaya inay joojiyaan wararkaas be enta ah ee ay bulshada Soomaaliyeed ku majara habaabinayaan.

Xukuumada Somaliland oo war cusub kasoo saartay dugsiga Abaarso iyo jam acadda Barwaaqo

Wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland, ay aa sheegtay inay baadhis galinayso dugsiga Aba arso iyo jaamacadda Barwaaqo oo dadka qaar ku eedeyeen in maamul koodu ka shaqeeyo arrimo diinta Islaamka khilaafs an.

Wasaarada aayaa she egtay in madaama oo ay soo baxayaan tuhunno la xidhiidha Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso , oo ah in maa mulaha Jaamacaddaasi ay tahay Baadariyad faa finaysa Diinta Kiristanka ay wasaaradaha waxba rashada iyo diintu baadhi donaan waxa ka run ah tuhunada.

"Wasaaradda Diinta iyo Awaaafta oo kashana ysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, waxa ay baadhayaan oo ay gacanta ku hayaan tu hunnadaasi soo baxaya. Sidaa daraadeed, dad weynaha waxaa laga codsana yaa in ay dhawra an natiijada baadhitaanka ee arrintani" ayaa lagu yidhi warsaxafadeedka.

Madaxa jaamacadda Barwaaqo ee ka fircantay dugsiga Abaarso, gabadha lagu magacaabo Joy Isa, ayaa lagu eedeeyay in ay tahay baadariyad ka shaqaysa fidinta diinta Masiixiga isla marka ana waxa looga shakiyay in ay diin faafin ka wad ay jaamacadda ay maamulka ka tahay

Cabdi Xaashi oo qoraal afar qodob ah u di ray Rooble iyo madax goboleedyada




Golaha Siyaasiyiinta Somaliland (Somali Pol itical Council) ee uu hogaamiyo G/ye Cabdi Xaa shi ayaa baaq u diray R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyo madax goboleed yada oo uu shalay shir uga furmay Muqdisho

Golaha ayaa Madasha Wadatashiga Qaran ka codsaday inay gacan ka gaystaan xal u helidda khilaafka weli ka taagan guddi ga doorashooyinka xildhibaana da G/lada waqooyi, oo 2 gar ab kala ah, islamarkaana kala doortay 2 hog gaan oo kala raacsan C.Xaashi & M. Guuleed.

Golaha ayaa soo jeediyey 4 qodob oo xal u no qon kara khilaafkan, balse ma cadda haddii ay jir to cid dhageysaneysay, kadib markii R/wasaare Rooble uu si cad ula saftay garabka Mahdi Guul eed, sheegayna in khilaafkan lasoo xiray.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Golaha Siyaasiyiinta Somaliland

Golaha Siyaasiyiinta Somaliland (Somali Poli tical Council) ee uu hogaamiyo Gudoomiye Cabdi Xaashi wuxuu 11-kii bilood ee la soo dhaafay u halgamayey ama ku hadlayey codka iyo rabita anka Bulshada, Siyaasiyiinta iyo Musharaxiinta Reer Waqooyi ee doonaya in ay maamushaan oo u madaxbananadaan doorashadooda, hase aha atee nasiib daro qadiyadda iyo rabitaanka umm adda Reer Waqooyi waxaa la geliyey muran iyo khilaaf siyaasadeysan oo aan dhamaad lahayn oo ay gadaal ka riixayaan Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday iyo dad adeegayaal ah.

Madasha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo markeedii horeba aanu ka tirsanaynay in ay ku dhisantay si cadaalad daro ah oo aanay dadka midnimada u taagani ku lahayn wax metelaad ah, waxay keentay in uu jiitamo khilaafka ka jira ma amulka iyo madaxbanaanida doorashada reer wa qooyi oo ilaa shalay oo meelo badan la soo saar ay Senators-kii Barlamaanka 11-aad naloo diidan yahay in aanu aayahayaga ka tashano oo si mad axbanaan u maamulano doorashadayada.

R/Wasaaraha iyo Madaxda dawlad goboleedy ada dalka ee shalay shirku uga furmayo Muqdi sho, waxaanu ugu baaqaynaa in si niyad wanaag iyo Soomaalinimo ku jirto ay noola galaan xal u helida khilaafka ka taagan maamulka iyo madax banaanida doorashada Xildhibaanada ka soo je eda G/ waqooyi (Somaliland) oo sidii aanu marar badan qoraal iyo afba ku gudbinay qodobo la kala doorto (options), kuwasoo noqon karay xal kama dambeys ah laakiin nalaga diiday.

haddana waxaanu soo jeedinaynaa si doora shadu u qabsoonto in la qaado talooyinkan hoos ku qoran

1. In la dhiso guddoon Reer Waqooyi ah (Ste ering Committee) doorashada maamusha oo no ogu jirta halka maamul goboleedyada oo kale, gaar ahaan tan aqalka sare.

2. In si cadaalad ku jirto loo mideeyo 2da dhi nac ee Gudiga SEIT Somaliland ee la kala jebiy ey, loona sameeyo gudoon mideysan.

3. In habraacyada la sameynayo lagu tixgeliyo duruufaha gaarka u ah doorashada xildhibaanada ka soojeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland) oo mudnaanta iyo miisaanka ay leeyihiin la siiyo oda yaasha dhaqanka ee ku jira 135ta, maadaa ma ay yihiin madam keliya ee aanu haysano.

4. In goobta doorashada iyo amnigeedu noqdaan kuwo laysku haleyn karo oo u siman Odayaasha dhaqanka, ergooyinka iyo mushara xiinta, si furana ay u imaan karaan warbaahinta iyo goobjo ogyaasha kale. =Dhammaaad=

Arday gaareysa 9,000 oo la siiyay deeq waxb arasho oo bilaash ah.

Arday gaareysa 9000 oo ka soo jeeda qoysas danyar iyo barakacaal ku nool degmooyinka Bal cad iyo Jowhar ee gobalka Shabellaha Dhexe ay aa horraantii bishan waxaa u billaabatay waxba rasho bilaash ah oo ilaa dugsiga hoose iyo dugsida dhexe ah.

Deeqdan waxbarasho oo qeyb ka ah mashruu ca Bar ama Baro oo ah mid loogu talagalay dan yarta aan awoodin inay iska bixiyaan lacagta waxbarashada.

Arintaan ayaa sare u qaaday sa Waxbarashada Dalka, gaar aha an Qoysaska aan awoodin in Car uurtooda geeyaan goo baha Wax barashada, waxay na sare u qaadaysaa Mooral ka dadka Barakayaa sha ah.

Xildhibaan Goodax Barre oo si kulul uga hadlay xaalada gobolka Hiiraan fariina u diray Raysal wasaaraha Soomaaliya

Xildhibaan C/hi Goodax Barre ayaa si faahfa ahsan uga hadlay xaalada cakiran ee dhanka siy aasadeed ee ka taagan maamulka Hirshabeelle gaar ahaan gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Goodax ayaa marka hore R/wasaa raha Soomaaliya u diray fariin ku socota wax ka qabashada tabashada ay ka qabaan shacabka reer Hiiraan maamulka Hirshabeelle si loo baajiyo inuu dhiig ku daato M/Baledweyne lagana war eejiyo doorashada Xildhibaanada Aqalka hoose qeybta deegaan doorashad ooda tahay Baledweyne.

"R/Wasaare Rooblow, Soo maali oo dhan waxay abaal kaaga haysaa in aad dalka ka badbaadisay qalalaase iyo dib-u-socod, wax aana dalka u jiheysay doorasho. Waxaan rajeyn ayaa in aad si wanaagsan uga warhayso xaalad da lagu dhisay Hirshabelle iyo tabashooyinka ka ji ra, sidaan ognahay dalka doorasho ayuu u dar eeray, reer Baladweynana diyaar ayey u yihiin in Guddiga Doorashooyinka si nabad-galyo leh u soo dhaweeyaan.

Haddii aad ku raacsantahay in M/ Ba ladwey ne dhiig lagu daadiyo, doorashadana Jowhar loo wareejiyo, Rooblow barasho wanaagsan.

Haddii aadan ku raacsaneyn, nabaddoonimadii lagugu bartay reer Hiiraan hakaa arkaan" ayuu yiri Xildhibaan Goodax.

Dhinaca kale C/G/Barre ayaa si adag u dhalii lay siyaasiyiin kasoo jeeda G/Hiiraan oo Baledwe yne gaaray iyo madaxda ugu sareysa Hirshabee lle oo uu ku eedeyay iney burburinayaan masiirka umadda reer Hiiraan oo ay ka shaqeyn hayaan in colaad ka dhacdo gobolka Hiiraan.

"Wadatashiyadii socday, waxaa hakad galiyay wafdi uu hogaaminayo Yusuf Dabageed oo ga daal ka yimid, isla markaana qaarkood hadallo da andaansi ah baraha bulshada u mariyay dadka deegaanka una arka xalka keliya inay dagaalama an.. Wafdiga Dabageed wuxuu iigu muuqday dad colaad xambaarsan Isla markaana ku shaqayna ya fikirkii Dabageed ee ahaa "Haddii Cali Guud laawe uusan imaan Baladweyne doorasho kama dhacayso" Waa ayaan darro &nasiib xumo weyn in dadka nuucaas ah ee Muqdisho taleefanka lo oga hagayo, inay ummad dhan masiirkooda u bu rburiyaan danah ooda shaqsiga ah, iyagoo sheeg anaya in ay dadkaan matalaan, isla markaana ay abuuraan colaad iyo qalalaaso, si ay Guudlaawe B/weyne u keenaan iyadoo loogu caga-jugleyn ayo in doorashada laga wareejinayo Baladweyne" ayuu yiri Xildhibaan Goodax.

Waxuu sidoo kale sheegay Xil.Goodaxe haddii qof ku dhinto M/Baledweyne oo laga abaabuli haayo colaad inuu masuuliyadeeda qaadi doono madaxweynaha Hirshabeelle Cal Guudlaawe..

Hadalka Goodax ayaa imaanaya xili maal mo ka hor M/Baledweyne ay gaareen siyaasiyiin u badan Xildhibaanada laga soo doorto Baledwey ne kuwaas oo qaarkood mudadii ay Xildhibaana da ahayeen aanan hal booqasho ku tagin Baledw eyne, iyadoo ay jirtay mudadaasi ay matalayeen shacabka reer Hiiraan in dhibaatooyin badan ka dhaceen magaaladaasi sida Fatahaado iyo daga alo geystay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed waxaana xiligaan joogitaan kooda Baledweyne uu noqonaya sidii markale loogu dooran lahaa Xildhibaanimo.

Wasaaradda waxbarashada oo qaadeyso talla abo culus iyo Jaamacado la xirayo

DFS , gaar ahaan Wasaaraddeeda waxbarasha da ayaa shaacisay in diyaarisay nidaam gaar ah oo loogu tala-galay in la marsiiyo jaamacadaha ku yaalla gudaha dalka, si loo hubiyo xaggataya dooda.

Wasiirka W/waxbarashada Soomaaliya, Md.C/hi Abuukar Xaaji (Carab) oo ka hadlayey ar rimaha waxbarashada ayaa sheegay in nidaamka ay diyaariyeen ka wasaarad ahaan ay dhowaan gaarsiin doonaan jaamacadaha, ka hor doora shooyinka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay xirmi jaamacadaha qaar, ga ar ahaan kuwa aan buuxin nidaa mkaas iyo shuruudaha ay dajisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

"Waan wadnaa howsha jaamacadaha, ayaan dha weed waxa aan sameynay ma dhisan yihiin nida am ahaan waad aragteen waxa qaylo ka daba-dhacayay, kahor doorashada waxa aan qaybiney naa nidaam aan u diyaarinay Jaamacadaha oo ja amacaddii buuxin weysay waan xireynaa oo ma sii shaqeyn doonaan” ayuu yiri W/W/BSomaliya.

Md.C/hi Carab ayaa sidoo kale intaasi kusii da ray in muhiimaddu ay tahay in ardayda Soomaa liyeed ay helaan waxbarasho heer sare ah, isla-markaana tayo leh.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda ja amacadaha dalka inay ku dadaallaan tayada ca sharada iyo horumarinta maadooyinka ay dhiga an, si ay ardayda uga faa’iideystaan.

Horey dowladda Soomaaliya ayaa u shaaci say jaamacadaha ku yaalla gudaha dalka ee aqo onsan tahay, waxaana ay soo saartay liiska jaa macadaasi oo ay ku qiimeyso nidaam ahaan xag ga dhismaha, haatana waxa ay ka fakireyso dhan ka tayada ee waxbarashada.

Ciidamo loo tababaray Miino Baarista oo tababar loogu soo xiray Magaalada Baladwyne.

Xubno ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soo maaliyeed guutada 5-aad qaybteeda 27-aad ay aa shalay loo soo xiray tababar la xiriira miino ba rista, tababarkan oo u socday 20 ka mid ah cii danka mudo 6 bilood ah ayaa u gu soo xirmay shalay xerada Ce elgale ee M/Beledweyne.

Tababarkan ayaa waxa bixina yey khuburo ka socotay Heya’adda UNMAS oo Heya’adda miinooyinka ee Q/M. Taliyaha ciidan ka guutada 5-aad qaybta 27-aad Col Maxamuud Xasan Ibraahim ayaa shahaadooyinka Guddoons iiyey saraakiisha iyo Ciidanka Tababarka u soo dhamaaday,ayaa ka hadlay muhiimada uu taba barkan u leeyahay CXDS isagoo faray ciidanka in ay wixii ay tababarka ka korodhsadeen ugu sha qeeyaan dalka &dadka Soomaaliyeed

Shirka Istiraatiijiyadda Xalka Waara oo ka furmay Jowhar

Shir wadatashi ah oo ku saabsan diyaarinta qorshe hawleedka Istiraatiijiyadda Xalka Waara 2021- 2022 ee D/G/Hirshabe elle ayaa shalay la gu daahfu ray M/Jowhar. Shirka waxaa ka qeyb galay Wasiirrada W/ daha Q&gargaarka ee D/G/ Hi rshabeele, qaar ka mid ah madaxda W/daha D/ G/Hirshabeelle, Agaasimaha Xafiiska Xalka waa ra ee W/Qorsheynta Qaranka iyo Khubaro kale.

Shirkan Wadatashiga ah ayaa socan doona mud do 3 Maalmood ah iyada oo la la tashanayo wa saaradaha, Ganacsatada, Ururr ada bulshada ray idka ah, dadka fatahaadaha ku barakacay iyo ha y’adaha ka shaqeeya arrim aha barakacayaasha ee ka howl gala D/G/Hirshabeele.

Maamulka Degmada iyo kan G/Shabeelada dhexe ee Maamulka Hirshabeelle ayaa yiri "Waxa an soo dhaweynaynaa Qorshe Howleedka Istara ajiyadda Xalka Waara taas oo muhiimad gaar ah ka maamul ahaan noo leh, waayo waxaa dhib xo oggan nagu haysa maareynta Arrimaha fatahaad da, abaaraha iyo barakaca tirada badan ee ka jira gobalka marka waxaan idinka rajeynaa in Xal Wa ara oo aan wax uga wada qaban karo inuu ka soo baxo wadashigan”.

Agaasimaha xafiiska xalka Waara Marwo Sa hra Cabdi Maxamedayaa tiri " Muhiimadda safar kadegmada Jowhar waxa ay tahay sidii aan u di yaarin lahayn Qorshe Howleedka Istaraajiyada Xalka Waara ee DG/Hirshabeele, taas oo naga caawinaysaa sidii aan ugu gun gaari lahayn arri maha barakaca ee ay keenan abaaraha, fatah aada iyo colaadaha”.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyin ka DGH Md. Cabdi Mahad C/hi ayaa bogaadiyay howshan baaxadda leh ay isla wadaan W/ Q/ta DF& tan DG/Hirshabeelle.Md. Saadiq Salaad Wa rsame W/Wasaradda Q/ta D/G/Hirshabeele oo fur ay shirka wadashiga ayaa yiri "inaan shalay ka wada hadalno diyaarinta qorshe howleedka Istar aajiyada xalka waara 2021-2022 ee DG/Hirshaba le waa talaabo weyn waana ku faraxsan nahay in Dowlada dhexe gacan naga siiso arrinka sidii aan Xal Waara ugu gaari lahayn waxyaabaha ay ka mid yahiin barakaca ay keena fatahaada iyo abaaraha”.

Sidoo kale, wasiirka kula dar daarmay madax da iyo saraakiisha ka socda DG/Hirshabeele inay maskax tuujin fiican ay sameeyn sidii aan wax wanaagsan oo ah kuwa wax ku ool ah ugu qaban dadkeenna ee ku dhiban deegaanada maamulke enna marka waa inaan xooggeenna galino diyaa rinta Qorshe howleedka Istaraajiyadan Xalka Wa ara 2021-2022 DG/Hirshabeele.

Madaxweyne Deni Oo Magacaabay Agaasi me Waaxeedyo Cusub

Madaxweynaha D/Puntland Md.Siciid C/hi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 24 ee 19ka August 2021, kuna saabsan magacaabid Agaasime Waaxeedyo.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay:Dastuurka D/Puntland Qodobkiisa 80aad. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidoodaiyo waaya-aragnimadooda shaqo.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dardar gelinta shaqooyinka Dowladda.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeen ka Dowladda Puntland Wuxuu xeeriyey:

1. Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta D/Puntland

1.1. Waxaa Faysal C/hi Maxamed loo magicaab ay Agaasimaha Waaxda Maamulka &Maaliyadda ee W/Amniga D/Puntland. 1.2. Waxaa C/dir Cali Suleymaan loo magacaabay Agaasimaha Waax da Amniga ee W/Amniga D/Puntl nd.

1.3. Waxaa Cabdixakiin Cabdile Guu leed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Qors heynta ee W/Amniga D/Puntland.

1.4. Waxaa Jaamac Maxamed Yuusuf loo magi caabay Agaasimaha Waaxda DDR-ta ee W/ Amni ga D. Puntland -1.5. Waxaa Maxamed Muuse Ja amac loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Mi inada ee W/Amniga D/Puntland

2. Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland

2.1. Waxaa C/hi Ciise Cumar (Rabiile) loo mag acaabay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee W/X/Xoolaha Dowladda Puntland

2.2. Waxaa Sharmaarke C/hi Ducaale loo maga caabay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee W/ X/Xoolaha Dowladda Puntland

2.3. Waxaa Aadan Caabi Samatar loo magic aabay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Xoola ha ee W/X/Xoolaha Dowladda Puntland

2.4. Waxaa Saadiq C/hi Axmed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Fidinta Adeegyada Caafim aadk Xoolahaee WXX Dowladda Puntland2.5. Waxaa Maxamed Fu’aad Warsame loo magacaa bay Agaasimaha Waaxda Shaqada, Shaqaalaha iyo Tababarada ee W/XX/ Dowladda Puntland

2.6. Waxaa Cabdiraxmaan Maxamed Muuse loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Wax soo saar ka Xoolaha ee WX X/ Dowladda Puntland

3. Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo GuriyayntaDowladda Puntland.

3.1. Waxaa Cabdirisaaq Jaamac Nuur loo magac aabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maali yadda ee W/Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriya ynta Dowladda Puntland.

4.Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyar adda & Ciyaaraha

4.1. Waxaa Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee W/Shaqada, Shaqaalaha, Dhal inyaradda & Ciyaaraha Dowladda Puntland.

* Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madax weynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Dhaawacyo Culus Loogu Gaystay Dalka Koonfur Afrika

Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa dhaawacyo kala duwan waxaa loogu gaystay dalka Koofur Afrika, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan weerarkaasi lagu qaaday muwaa diniintaasi Soomaaliyeed ee qaybta ka ah dadka Soomaaliyeed ee ganacsiga ku leh dalkaaasi.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in labo muwaadin oo Soomaaliyeed dhaawac yo loogu gaystay dalkaasi, waxaana maagc-yado oda lagu soo koobay Xundubeey iyo Jaceyloow, waxaana la sheegay in dhaawacy-adodu ay yihiin kuwo culus.

Weerarka ayaa ka dhacay Kraaifontein oo ka tirsan M/Cape Town ee Dalkaasi K/Afrika, wa xa-ana la sheegay in kooxo Burcad koofur African ah ay weerareen dhallinyaraadasi Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale wararku waxaa ay intaas ku darayaan in xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay halka lagu magacaabo Kraaifontein oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalkani Koonfur Afrika, taasi oo la sheegay in lagu weeraray dha linyaraasi. Waxaa hadda socda Baaritaanno la sheegay in ay sameynayaan Boolisku, waxaana maalmihii la soo dhaafay socday boob iyo qalala asi ka taa gnaa degaankaasi, waxaana ganacsat ada Soo maaliyeed ee Magaaladaasi ku nool ay walaac ka muujiyeen dhacdadaasi.

Dalka Koofur Afrika waxaa ku ganacsada Soo maali farabadan, waxaana inta badan ay la kulm aan dilal iyo dhac aan xisaab lahayn, iyadoo bilihii la soo dhaafay xaaladda dalkaasi ay ahayd mid kacsan.

Wararkii ugu dambeeyay ee dalka Afghanistan

Duulimaadyadii uu Mareykanka muwaadinintii sa ku daad gureynayay ayaa dib uga bilowday Afgaanistaan ​​kadib markii la hakiyay ku dhawaad ​​7 saacad ood Jimcihii. Saldhigga Mare ykanka ee Qatar ayaa noqday mid buux dhaafay oo aan qa abili karin dad dambe, taasoo kuqasbeysa Washi ngton inay ku dadaasho inay hesho dalal kale oo qaabila dadka imanaya.

Waxaa wali garoonka diyaaradaha ee Kabul ka taagan jahwareer ka dhashay dadka badan ee doonaya inay garoonka ka dhoofaan. Hoggaam iye Taalibaan ah oo ay baadi -goobayaan Marey kanka iyo QM ayaa ka soo dhex muuqday caasim adda Afghanistan ee Kabul, ka hor wada –hadalla da lagu dhisayo dowlad cusub.

Khalil Haqqani, oo qayb ka ah shabakada Xa qaani ee mayalka adag, ayaa lagu sawiray isaga oo ku dhex jira dad badan oo ku sugnaa caasim ada Afgaanistaan ​​jimcihii, isga oo ay hareerihiisa taagnaayeen rag hubaysan oo ku labisan dares ka milatariga.

Sawirrada ayaa muujinayay Haqqani oo masaa jid ku jira oo khudbad u jeedinaya dad misaajidka ku sugnaa. Horraantii 7baadkan,Abdullah Abdul lah – oo ah madaxa G/Sare ee Dib -u –heshiisiin ta Qaranka ee Afghanistan – ayaa soo bandhigay sawirro kulan uu la yeeshay Haqqani iyo wafdigi isa Taliban, iyo sidoo kale madaxweynihii hore ee Afghanistan Xamiid Karzai.

Haqqani wuxuu ka mid yahay ragga sida weyn uu u baadi -goobayo Mareykanka, waxaana mad axiisa la dul dhigay $ 5 milyan.

Aasaasaha kooxda Taliban ahna hogaamiye ku xigeenka Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa ga aray caasimada Afghanistan ee Kabul.

Sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaan ayaa u she egay wakaaladda wararka ee AFP in Baradar uu la kulmi doono "hoggaamiyeyaasha jihaadka iyo siyaasiyiinta si loo dhiso dowlad loo dhan yahay”.

Baradar, oo sidoo kale ah madaxa xafiiska siy aasadda kooxda ee Doha, ayaa Talaadadii gaa ray Afghanistan isagoo ka degay magaalada Kan dahar. Waa hogaamiyaha ugu sareeya ee Taalib aan ee hadda dalka ka jira waxaana loo badina yaa inuu noqon doono hogaamiyahadowlad ay soo dhisi donaan Taliban.

Prof. Yaxye : Reer Afgoye yaan la dulmin!!!.

Afgoi ma ahan Magaalo Daraad la degay ( F.S: 1-5 ). Ma ahan in la yiraa waxaa la duminaa Xaa fad dhan oo Daaro Dabaqyaa leh, Dowr Boqol oo guri iyo Masaajid .Sa babtuna ma ahan Dan guud ee waa Qaab dhul Boob Shakhsiy aad ah. (F.S:6&7).

Horay ayaa la isagu Dayay in la boobo, Laakin Maxkamadda ayaa Ca deeysay in ey leeyihiin Dad Reer Afgoi ah, loona Xoog sheeganayo Hadda. Masuuliyiintu yeyna Bo obin Shacabka Masaakinta ah ee Hore Daadadkii aan laga daryeelin ( F.S:8- 9 ) . Afgoi ha loo daa yo Bilicdeeda ( F.S:10-20) Somaliya ma ahan Ma rkii ugu horeysay ee DeegaanShacab la boobo.

Cadaaladda ha loo hiiliyo.

Qore: Yahya Amir

Ra’iisul Wasaraaha Britain oo beddelay mo wqifkiisii ku wajahnaa kooxda Taalibaan

Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ay aa beddelay mowqifkiisii ku wajahnaa kooxda Taalibaan, isaga oo sheegay in Britain ay la shaq eyn doonto kooxdaas haddii ay lagama maarm aan noqoto.

Hadalkan ayaa ka duwan kii Johnson kasoo ye eray Toddobaadkii tegay markii Taalibaan ay la w areegtay gacan ku haynta Afghanistan, markaasi oo uu sheegay in UK aysan marnaba aqoonsan doonin kooxdaas.

"Waxa aan doonayo inaan u xaq iijiyo shacabka ayaa ah dadaallade ena siyaasadeed ee ku aadan xal u helista Afghanistan. La-shaqeyn ta Taalibaan, haddii lagama maar maan noqoto, dabcan way dhici doontaa,” ayuu yiri Johnson.

Hadalka Johnson ayaa imanaya ayada oo Daraad, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu taageero u muujiyey kooxda Taalibaan kana di gay cadaadiska ay dalalka Reer Galbeedka isku dayayaan inay kooxdaas saaraan.

Madaxweyne Putin oo hadlayey kadib kulan uu Moscow kula yeeshay ra’iisul wasaaraha Jarma lka Angela Merkel, ayaa sheegay in dalalka kale ee caalamka, oo uu la jeedo reer galbeedka, ay san qiyamkooda ku qasbin kuna soo rogin Afghanistan.

Johnson ayaa dhinaca kale sheegay in xaala dda garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kabul, halkaasi oo ku xoomeen kumanaan qof oo reer Afghanistan ah, si ay dalka uga cararaan, inay hadda soo wanaagsaneyso.

Dowladda Britain ayaa sheegay inay xaqiijisay daad-gureynta 1,615 oo qof, tan iyo Sabtidii tag tay, oo ay ku jiraan 399 qof oo British ah, 230 sha qaalaha safaaradda ah, & 420 qof oo Afghans ah.

Shacabka Afghanistan ee ka cararaya Taal iba an oo wax ka daran kala kulmay Mareykanka

Askarta Mareykanka ee ku sugan garo-onka diyaaradaha Hamid Karzai ee magaalada Kabul ayaa cunto uu ku jiro hilibka doofaarka u qeybinaya kumanaanka shacab ee reer Afghanis-tan ee ay halkaas ka daad-gureynayaan.

Ciidamada Mareykanka ayaa isku dayaya inay Af-ghanistan ka saaraan ku dhowaad 60,000 oo qof oo Afghans ah, kuwaas oo isugu jira dad la shaqeyn jiray ciidamada Ma-reykanka iyo ehelladooda.

Hase yeeshee qaar ka mid ah dadkan ayaa ka war helay in cunto doofaar lagu siinayo garoonka, taasi oo diintooda wax u dhimeysa, sida laga soo xigtay xubno ka mid ah.

Haweeney ka mid ah dadkan, oo ayada iyo nink-eeda iyo gabadheeda ay sugayaan in halkaas laga qaado, ayaa barta Instagram-ka soo dhigtay sawirrada cuno baakadeysan oo hilibka doofaar uu ku jiro.

"Waxay nagu quudinayaan doofaar, oo aaney diinteena ogoleyn. 95% dadka halkan ku sugan ma aqrin karaa English,” ayey haweeneyd-an ku tiri qoraal ay soo raacisay sawirka ay soo dhigtay Instagram.

"Cunada nama siiyaan ee meel fog fog ayey ayada oo baakadyesan kasoo tuurayaan,” ayey tiri.

Diinta Islaamka ayaa si adag u mamn-uuceysa in Muslimiinta ay cunaan hilib doofaar.

Haweeneydan ayaa sidoo kale ka hadashay xaal-adda liidata ee ay kumanaanka qof ee reer Afgh-anistan ku wajahayaan garoonka diyaaradaha Kabul, oo ay sugayaan in laga daad-gureeyo.

Waxay sheegtay inay dul seexanayaan dhagxaan iyo qashin, xilli qabow darran uu jiro, xilli ciidamada Mareykanka ay qoryo ku qabana-yaan.

"Ma haysano wax hub ah, waxaan isku dayeynaa kaliya inaan halkan ka baxno,” ayey tiri.

Kumanaan qof oo shacab Afghanistan ah ayaa garoonka diyaaradaha u cararay kadib markii Ta-alibaan ay la wareegtay gacan ku haynta Afghan-istan, ayaga oo ka cabsi qaba in kooxdaas ay beegsato.

Digniin dhanka ammaanka ah oo ka soo ba xday safaaradda Mareykanka ee Kabul.

Safaaradda Mareykanka ee Afgaanis-taan ​​ayaa soo saartay digniin dhanka amniga ah oo lagula talinayo muwaadiniinta Mareykanka inay ka fogaadaan inay u safraan garoonka diy-aaradaha ee Kabul.

Taladan ay bixisay safaradda oo lagu daabacay boggeeda internetka, waxay safaarad-du ka digtay "khataro amni oo ka dhalan kara albaabbada garoonka”.

"Waxaan kula talinaynaa muwaadiniinta Mareykanka inay ka fogaadaan inay u safraan garoonka diyaaradaha ayna ka fo-gaadaan irdaha garoonka waqti-gaan haddii qofka shaqsi ahaan uusan amar ka haysan wakiil ka socda dowladda Mareykanka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Safaaraddu waxay sheegtay in muwaadin kasta oo Mareykan ah oo ku sugan Afgaanistaan ​​oo aan weli buuxin foomka Codsiga Dib -u -celinta "ay sida ugu dhaqsaha badan u sameeyaan”.

Waxay intaas ku dartay: "Ha soo wicin safaaradda Mareykanka ee Kabul si aad u hesho faahfaahin ama warbixinno ku saabsan duulima-adka.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in weli ay fowdo ka jirto garoonka iyadoo dadweyne fara badan ay u dadaal ugu jiraan sidii ay u gaari lahaayeen gudaha garoonka.

Pakistan: Carruur lagu dilay Qarax Ismiida amin ah.

Qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday gaari ay la socdeen muwaadiniin Shiinees ah oo ka dhacay Gwadar oo ku taalla gobolka Balochi-stan ee koonfur -galbeed Pakistan ayaa lagu dilay laba carruur ah, saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha bo-oliiska.

Ma jirin sheegatay mas’uuliyadda weera-rkii Jimcihii.

Liaquat Shahwani, oo ah afhay-eenka xukuumadda gobolka Bal-ochistan, ayaa u sheegay wakaa-ladda wararka ee Reuters "Laba carruur ah ayaa ku dhimatay weerarka, saddexna way ku dhaawacmeen.

Qaraxa ismiidaaminta ayaa ka dhacay wadada East Bay ee magaalada dekedda leh ee Gwadar abaare 7 -da fiidnimo (14:00 GMT). Mu-waadiniinta Shiinaha ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud, sida lagu sheegay war ka soo baxay booliska.

Dagaalyahannada gooni u goosadka ah ayaa kacdoon hubeysan oo muddo dheer ka wa-day Balochistan.

Weerarka ayaa yimid ka dib markii weer-ar bas lagu qaaday gobolka waqooyi-galbeed ee Pakistan ee Khyber-Pakhtunkhwa halkaas oo lagu dilay 13 qof oo ay ku jiraan sagaal shaqaale Shiinaha ah iyo laba askari oo Pakistan ah hor-aantii bishaan.

TAALIBAAN oo dagaal looga dilay 15 xubno od, lagana qabsaday saddex degmo

Ciidamo daacad u ah dowladdii la riday ee Afghanistan ayaa Jimcihii Taaliban dib uga qabsaday saddex degmo oo ku yaalla waqooyiga dalkaasi maalmo uun kadib markii ay kooxdu dib u aas-aastay maamulkeedii dalkaasi.

Warbaahinta bulshada ee ta-abacsan Taalibaan ayaa xa-qiijiyay in ciidamadoodu ay dib uga gurteen gobolka Baghlan. Waxa ay she-egeen in ugu yaraan 15 dagaallamayaasha Talib-an ah ay ku dhinteen 15 kalana ay ku dhaawa-cmeen waxa ay ugu yeereen dhabarjebinta cafiskii ay kooxdu u fidisay xubnaha dowladdii hore ee Afghanistan.

Abdul Hamid, oo ah taliye maxalli ah ee koox lagu tilmaamay kacdoonka ka dhanka ah Taalibaan ayaa ku sheegay farriin muuqaal ah oo uu ka soo diray degmada Andrab in ciidamadiisu ay qarka u saaran yihiin degmo kale, islamark-aana wacad ku maray in uu qabsan doonaan gobolka Baghlan oo dhan.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in Taalibaan ay dalbatay ciidamo dheeri ah oo ka dagaalamaya degmada Andrab.

Weerarkan ayaa yimid maalmo kadib markii Amrullah Saleh oo Madaxweyne ku xigeen u soo noqday Madaxweynaha sida iskiis ah isku musaafuriyay ee Ashraf Ghani uu ku dhawaaqay inuu abaabulayo ciidan xoogan oo iska caaybiya Taalibaan oo uu ka wado gobolka uu ka soo jeedo ee Panjshir.VOA

Aasaasaha Kooxda Taliban Oo Shalay Kabul Ka Degay

Aas-Aasaha kooxda Taliban ahna hoga-amiye ku xigeenka Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa gaaray caasimada Afghanistan ee Kabul.

Sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in Bara-dar uu la kulmi doono "hoggaam-iyeyaasha jihaadka iyo siy-aasiyiinta si loo dhiso dowlad loo dhan yahay”.

Baradar, oo sidoo kale ah madaxa xafiiska siyaasadda kooxda ee Doha, ayaa Talaadadii gaaray Afghanistan isagoo ka degay magaalada Kandahar.

Waa hogaamiyaha ugu sareeya ee Taalibaan ee hadda dalka ka jira waxaana loo badinayaa inuu noqon doono hogaamiyahadowlad ay soo dhisi donaan Taliban.


SIDA SOOMAALIYA AY UGU NOQOTAY TURKIGA ALBAABKII UU KA GALAYAY AFRIKA.


Toban sano kahor, markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erd ogan, uu cagta dhigay Muqdisho, isagoo ku tegay booqashadii ugu sarre ysay ee hoggaamiye uu ku tago Soomaaliya ayaa waxay taasi indhaha caal amka u soo jiidday xaaladda daran ee bani’aadannimo ee ka jirtay dalkaas. Muhiimad da 1aad ee Turkiga ayaa ahayd inuu gar gaar bani’aadannimo gaarsiiyo dadka ay saa mey say abaarta, oo ahayd tii ugu darne yd ee Bar iga Afrika ka dhacda muddo 60 sano ah.

Si loo fududeeyo gaarsiinta gargaarka, waxaa durba Muqdisho ka billo wday mashaariicda dhismaha waddooyinka, safaaradda Turkiga ee Muq disho ayaana la furay.

Ururro-dowladeedka iyo kuwa bulshada rayidka ee Turkiga ayaa gargaar bani’aadannimo, kuwo horumarineed, dhismaha iskuullada iyo deeq wa xbarasho u fidiyay ardayda Soomaaliyeed si ay wax uga bartaan Turkiga. Wax yar kaddib, safaarado kale oo shisheeye ayaa la furay, magaaladuna horumar ayay sameyneysay, iyadoo soo jiidatay maalgashi iyo qurbojoogta oo dalka ku soo laabaneysay.

Albaabbada ganacsiga ee labada dal ayaa la furay. Shirkadaha Turkiga ayaa bilaabay inay maalgashadaan Soomaaliya, qaarkoodna waxay heleen qandaraasyo heer sare ah oo ay ku maamulayaan dekadda iyo garoonka Muqdisho. Dhanka kale, ganacstao badan oo Soomaali ah ayaa ganacsiyo ka furtay Turkiga, boqollaal kalena Tukriga ayay ka dhigteen hoyga waxba rashada sare iyo caafimaadka.

Dadaallada Turkiga ee Soomaaliya ayaa inta badan loo arkaa kuwo guu leystay. Turkiga iyo Soomaaliya ayaa muujiyay muhiimadda ay xiriirka taar iikheed iyo kan dhaqan u leedahay xoojinta xiriirkooda iyo hiigsashada qaa bab kale oo iskaashi looga yeelan karo dhinacyada kale.

Soomaaliya oo Geeska Afrika ku taalla ayaa noqotay albaabka uu Turkigu ka galayo Bariga Afrika iyo dalalka saxaraha Afrika ka hooseeya.

Daraad oo ay ay taariikhdu ahayd Aug. 19, 2021, waa sanadguurada 10-aad ee ka soo wareegatay soo celinta xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya. Xiriirkaas, ayaa lagu wadaa inuu sii xoogeysto, sida ay sheegayaan khuburada.

Ujeeddo ka baxsan awoodda jilicsan

Horumarro xiriir ah oo isugu jira heer caalami, gobol iyo gudaha ayaa lab ada dal waxay ku dhiirrigeliyeen inay ballaariyaan xiriirkooda ka baxsna bani’aadannimada, horumarinta, dhaqanka iyo ganacsiga.

Kaddib afgembigii dhicisoobay ee July 15, 2016 ka dhacay Turkiga ayna soo abaabuleen dhaqdhaqaaqa FETO, Turkiga ayaa ku fekeray inuu xoojiyo joogitaankiisa Bariga Dhexe iyo Afrika, halkaas oo ay ku xoogeysanayeen kooxaha argagixisada.Gobol ahaan, Turkiga ayaa ka walaacsan saameynta dalalka sida Imraatka Carabta inuu faafiyo dano lid ku ah Turkiga. Dhanka kale, taageerada Mareykanka ee waqooyiga Suuriyauu ku siiyo YPG, oo xiriir la leh PKK, oo ah ururkii mas’uulka ka ahaa dhimashada kumannaan muwaaddiniin Turki ahaa oo la dilay tan iyo sanaidhii 1980-meeyadii, ayaa ku kalliftay Tukriga inuu militari ahaan saameyn ugu yeesho gobolka haddii uu doonayo inuu xajisto danihiisa qaranka.

Isagoo dhiirrigelin ka helaya horumarka teknolojiyadeed ee militarigiisa si da Bayraktar TB2, ayaa Turkiga wuxuu adeegsaday awooddiisa sida laga ar kay Libya, Suuriya iyo gobolka Nagorno-Karabakh ee Azerbaijan.

Isagoo daneynaya inuu xajisto danihiisa istaraatiiji ee Soomaaliya, Tukriga ayaa machadka militariga ee TURKSOM ka dhisay duleedka Muqdisho si loogu tababaro ciidamada Soomaaliya.

Caalamka ahaan, Turkiga ayaa fursad u arkay inuu ka faa’iideysto duni da talada wadaagta taas oo u oggolaaneysa in Turkiga quwad gobolka ka jirta ahaan uu is kala fidiyo isla markaana muujiyo sida uu muhiim u yahay.

Soomaaliya ahaan, waxaa muhiimad koowaad u ahaa in dalka laga xoreeyo al-Shabaab sidoo kalena ay ilaaliso xudduudaheeda.

Si taas loogu guuleysto, Soomaaliyawaxay raadineysay saaxiib militari oo awood leh oo si deeqsinnimo leh u taageera. Ku dhowaad 2,500 oo ciidamo Soomaali ah ayaa tababar ku qaatay TURKSOM, Tukriga ayaana qalab mil itari ugu deeqayay Soomaaliya. Ciidamada Soomaalida ee uu Turkiga tababaro Ilaa iyo haatan, ciidamada uu Turkigu tababaray ayaa safka hore ka ahaa dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab iyagoo qeyb ka ahaa Ciidamada Qaranka Soomaaliya (SNA) waxayna awoodeen inay xoreen magaalooyin muhiim ah sida Janaale oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Waxaa intaas dheer, weerarrada al-Shabaab ee caasimadda Muqdisho ay aa yaraaday.

TURKSOM ayaa sidoo kale muhiim u ah Soomaaliya, ciidamada AMI SOM ayaa si tartiib tartiib ah u yareynayay joogitaankooda dalka si SNA lo ogu oggolaado inay la wareegaan la dagaallanka Alshabaab.

Go’aanka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ee ilaa 800 oo ciidamo Mareykan ah looga saaray Soomaaliya bishii December ee sanadkii hore ayaa sidoo kale ka dhigan in doorka Turkiga ee dib u dhiska SNA ay tahay degdeg ayna tahay in la dardar geliyo.

Quwad cajiib ah

Arrimahaas ayaa Turkiga ku dhiirrigeliyay in hannaanka awooddiisa jili csan ee Soomaaliya iyo gobolka uu ku milo awood adag si uu u xajisto dan ihiisa qaran iyo kuwa istaraatiijiyadeed.

Joseph Nye, oo ah saynisyahan siyaasadeed oo Ameerikaan ah ayaa isku dhafiddan ku tilmaamay "quwad cajiib ah.”

Awoodda cajiibka ah ee Turkiga ee sii kordheysa ee Soomaaliya ayaa muhiim u ah labada dhinac. Marka la eego Turkiga, waxay ka dhigi kartaa dal door muhiim ah ka cayaaraya gobolka Geeska Afrika, isagoo sii balla arinaya joogitaankiisa dalalka saxaraha ka hooseeya.

Soomaaliya marka la eegana, guul weyn ayay u tahay inay hesho saaxiib da acad ah la iskuna halleyn karo ah sida Turkiga isla markaana doonaya inuu caawiyo xilli ay xaalad adag ku jirto.Dadka qaar ayaa qaba in wixii ka dhacay Afghanistan ay tahay inay cashar weyn u noqoto Soomaaliya, iya goo qaba in taageero caalami ah aan la isku halleyn karin.

Xigasho:BBCSomali

WAA AYO JOY ISA, GABADHA MURANKA KA DHEX ABUURTAY BULSHADA SOMALILAND?

Joy Isa oo ah madaxweynaha jaamacada Barwaaqo ee Hargaysa, waa gabadh reer Nigeria ah, waa macalimad aqoonta heer sare ka gaadhay oo shahaadada doctorate degree ka diyaarinaysa kulliyada waxbarashada, waa gabadh soo maamushay dugsiyo badan, waana wadaadad diinta Masiixiga ku xeel dheer.

Isa ayay hadal haynteedu baraha bulshada la wareegtay ka dib markii Cabdimalik Muuse Cold oon, uu soo bandhigay inay tahay wadaadad tab liiqi ah oo diinta Masiixiga faafisa, taasi oo bulsh ada muran badan oo u jeedada Isa ay Somaliland u joogto lax xidhiidha ka dhex dhalisay bulshada, waxana la rumaysan ya hay in sababta darteed Coldoon loo xidhay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip