
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADSHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 17-KA ABRIILE 2016-KA
Shirkan ayaa waxyaabaha diiradda lagu saarayo waxaa ka mid ah waxqabadkii shantii san no ee la soo dhaafey, xaaladda nabadgelyada iyo amniga ee Africa, doorka qaaradda ee amniga caalamka, iyo fikrado isdhaafsi la xiriira tayeynta amniga iyo xalinta xasaradaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in madashan ay gogol xaar wanaagsan u tahay qaaradda Afrika inay mashaakilaadkeeda xal u hesho, kana wada shaqeyso la dagaalanka xagjirnimada, kala qoqobka shucuubta Afrika iyo in diiradda la saaro horumarka iyo iskaashiga caalamka intiisa kale.
Madasha Sare ee Amniga Africa, ayaa kulmisa hoggaamiyeyaasha Afrika, laamaha iyo ururr ada caalamiga ee dhanka amniga, khubarro iyo hay’ado kale.
Guddoomiyaha Madasha Sare ee Amniga Afrika, Olusegun A. Obasanjo oo ah Madaxw eynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, oo furitaanka kulanka ka hadley ayaa sheegay in Afrika aan looga maarmin inay door muuqda ku yeelato go’aaminta arrimaha amniga caalamka, maadaama ay leedahay muhimad dhaqaale, siyaasad iyo amni intaba.
Shirkan labada maalmood soconayaa ayaa dadka ka hadli doona waxaa ka mid ah hoggaam iyeyaasha Africa, Xoghayihii hore ee Guud ee Qaramada Midoobay, Kofi Annan iyo diblomaasiyiin kale.
DOWLADDA FEDERALKA OO KA CODSATAY DOWLADDA MOROOKO TAAGEERO DHINACYADDA AMMAANKA IYO SIRDOONKA
Ra’isulwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu Wasii rka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyadda Moroko, Salaaxudiin Mezeruur kula kulmay Shirmadax eedka 13aad ee Dowladaha Islaamka uga socday magaalladda Istanbuul ee dalka Turkiga.
Ra’isulwasaaruhu waxa uu tilmaamay inuu dalka Somalia soo wajahay dagaal dheer oo ay kula jiraan Alshabaab, wuxuuna Dowladda moroko ka codsaday Taageero kasta oo la xiriira Hawl aha Ammaanka iyo Airdoonka iyo sidii loo qaadi lahaa Hawlo Khaas ah.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyadda Moroko, Salaaxudiin Mezeruur oo ka hadlay Kulankaasi waxa uu tilmaamay inay Morooko danaynayso Deganaansha Somalia iyo in laga guuleysto Kooxaha Xagjirayaasha ee caqabadda ku ah Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.
Waxa uu intaasi ku daray in Boqorka dalka Moroko, Maxamedka Lixaad uu had iyo jeer ku hawlan yahay sidii Taageero u siin lahaa Somalia iyo Horumarinta Awoodaha lagama maarmaanka ee Dibudhiska Somalia.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Boqortooyadda Moroko, Salaaxudiin Mezeruur waxa uu sheegay inay Dowladda Somalia kala saxiixan doonaan Heshiis dhinaca Ammaanka, si ay Hay’addaha Ammaanka Somalia taageero uga siiyaan Hawlgalladda lagu xoojinayo Ammaanka Somalia.
IGAD OO BEENISAY INAY DIIDEEN INUU MUWAADIN SOMALI AH XIL SARE KA QABTO URURKAASI
Ergayga Gaarka ee IGAD ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay inaysan jirin Qoraal ay ka heleen Madaxweynaha Somalia oo ku aadanaa Maga caabista Muwaadin Somalia oo qaban doona Xilka Xoghayaha Guud ee IGAD.
ilo Diplomaasi ayaa horey ugu xaqiiyey Radio Dalsan inay Dowladaha xubnaha ka ah Ururg obaleedka IGAD laaleen qoraal uu Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud horey ugu diray Gudd oonka Sare ee IGAD oo ku adaanaa Magacaabistaasi.
Ambassador Afey oo barta Twitterka ugu waramay Weriye Xasan Cali Osman "Istiila” oo ka tirsan Radio Dalsan ayaa sheegay inaysan haatan jirin Jago ka bannaan Ururgobaleedka IGAD.
"Taasi run ma aha, Xafiiskana Jago kama bannaana” ayuu yiri Ambassador Afey
FAAHFAAHIN KU SAABSAN DAGAALKA KA DHACAY MAGAALADA MARKA EE GOBOLA SHABEELAHA HOOSE .
Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Labo maleeshiyo beeleed ayaa shalay ka dhacay Magaal ada Marka ee Gobola Shabeelaha Hoose .
Dagaalka ayaa bilowday galabnimadii shalay waxa uuna soo gaaray ilaa caawa sida ay idea cada simba ee Magaalada Muqdisho u sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Shabe elaha Hoose ee dowlada soomaliya.
Lama ogo qasaaraha soo kala gaaray ciidamadii maleeshiyo beeleedka ee ku dagaalamay Magaalada Marka balse madaafiic ay labada dhinac ay isweedaarsadeen ayaa la sheegay in ay ku dhacday garaash baabuurta lagu xareeyo oo ku yaala Magaalada marka.
Marar badan waxaa kusoo laablaabtay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose dagaalka dhaxmara maleeshiyo beeleedka wada daga Magaalaas.
WASIIRKA MAALIYADDA OO WASHINGTON UGA QAYBGALAYA SHIRKII BANGIGA ADUUNKA & IMF
Wasiirka Maaliyadda Somalia Maxamed Aadan Ibraahim Farketi iyo Wafdi uu ka mid ahaa hay'adaha lacagta dalka, Guddiga Maaliyadda u qaabilsan Baarlamaanka, Lataliyayaala ka kala so cda wasarada Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe ayaa ka qaybgalay shirkii Sanadlaha ah ee IMFta iyo Bangiga Adduunka.
Shirkan ayaa waxaa isugu yimaada wakiilo ka kala socda Caalamka, waxaana looga hadlaa Caqabadaha ka jira Dhaqaalaha Adduunka, Sidii loo gacan qaban lahaa Dalalka dhaqaalahoodu Hooseeyo, In kor loo qaado maalgashiga lana sii wado daymaha la siinayo dalalka soo koraya.
Farketi ayaa shirka ka jeediyay khudbad ka hadlaysa heerka uu dhaqaalaha Somalia shalay marayo, daynta lagu leeyahay dalka iyo sidii looga cafin lahaa.
"Shirkaan waa mid Sannadkiiba mar la qabto, waxaana nasiibwanaag ah in uu shirkan kusoo beegmay xilli maalmo ka hor ay Dowladda Soomaaliya iyo Hay’ada IMFta ay kala saxiixdeen he shiis ku aaddan sidii Soomaaliya looga cafin lahaa daymaha lagu leeyahay," ayuu yiri Wasiir Farke ti.
Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. "Waxaan fursad u helnay inaan la kulanno madaxda ugu sarreysa Bangiga Aduunka iyo IMFta, si loo sii ambaqaado dhamaystirka heshiiskii Nairobi."
Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyadda Somalia ayaa xilliyadii u dambeeyay ugu jiray dadaal si dii loo hagaajin lahaa shuruucda Maaliyadda Dalka, si shacabka Soomaaliyeed iyo caalamka ugu kalsoonaadaan dhaqaalaha soo gala dalka.
KENYA OO XUKUN DIL AH KU RIDAY MUWAADIN SOOMAALIYEED.
Maxkamad ku taalla Magaalada Mombassa ayaa Dil ku xukuntay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Suudi Maxamed Suudi oo loo heysto dilka wadaad caan ka ahaa Magaalada asi.
Muwaadinkaan Soomaaliyeed ee Maxkamaddaasi Kenya ay xukuntay ayaa la sheegay in la gu helay dilka Sheekh Maxamed Idiris oo si weyn looga yaqaanay Magaalada Mombasa.
Suudi oo 44 jir ayaa Maxkamaddy sheegtay in uu qirtay dambigiisa , waxaana Sheekh Max amed Idiris dilkiisa uu yimid xilli uu ka soo baxay Masjid.
Kenya ayaa sanadihii u dambeeyay la dhibaatooneysay weeraro kaga yimaada dhanka Xara kada Al Shabaab oo iyagu gacansaar laleh Ururka Al Qaacida.
Qoyska Ninkaan la xukumay ayaa ku andacoonaya in aysan Kenya ridin xukun dil ah illaa sa nadkii 1987.
XUKUUMADDA SUCUUDIGA OO UGA DIGTAY DOWLADDA MAREYKANKA INAY MEELMARISO SHARCI DHAN KA AH
Boqortooyada Saudi Arabia ayaa uga digtay xukuumadda Washington inuu go'i doono xiri irka Dhaqaale ee ka dhexeeya, haddii Congresska Mareykanka uu Ansixiyo Sharci dhigaya in loo qabsan karo Saudi Arabia Weerarkii AlQaeda ay Mareykanka ku qaadday 11kii September 2011kii.
Xukuumadda Riyadh, ayaa ku goodisay inay iibin doonto dhamaan hantida ay ku leedahay dalka Mareykanka oo qiimaheedu ku kacayo boqollaal bilyan oo doollarka Mareykanka ah.
Wargeyska New York Times, ayaa daabacay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga, Adel alJubeir uu digniintan u gudbiyay Maraykanka mar uu booqanayay magaalada Washington bi shii lasoo dhaafay.
"Haddii xildhibaannada Mareykanka ay meelmariyaan shacigan cusub waxaa imaan doonta in Sucuudiga uu ku qasbanaado inay iibiyaan dhammaan wixii hanti ah oo ay Mareykanka ku leey ihiin, kuwaasoo ku kacaya lacag dhan 750bilyan oo doollar," ayuu hadalkiisa ku sheegay Adel al-Jubeir.
Sidoo kale, Waxaa jirta kala Qaybsanaan xoog leh oo ku dhexjirta Xubnaha Congresska Mareykanka oo sharcigaan gacanta ku haya, iyadoo uu ka digay maamulka Madaxweyne Barack Obama inay arrintani keeni karto cawaaqibxumo siyaasadeed iyo mid dhaqaale.
"Waa wax lala yaabo, Xukuumadda Washington ay difaacdo Saudi Arabia oo Muwaadiniin teeda dhibaato u geystay," ayay tiri Mindy Kleinberg oo seygeedii uu ka mid ahaa boqolaalkii qof ee ku dhintay weerarkii 9/11. Iyadoo sidoo kalena ka mid ah koox dhibbanayaal ah oo sharcigaan dab ada ka riixaya.
Dhanka kale, Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo madaxweyne Obama la filayo inuu bo oqasho ku tago Sucuudiga Arbacada Todobaadkan, isagoo kulan looga hadlayo arrimo kala duwan la yeelanaya Boqorka Saudi Arabia iyo qaar ka mid ah saraakiil xukuumadda, balse ma cadda in weerarkii 9/11 uu ka mid noqon doono waxyaabaha ay kawada hadli doonaan.
Ugu dambeyn, Xukuumadda Sucuudiga ayaa had iyo jeer waxay beenisay inay ku lug lahayd Weerarradii ay AlQaacida ku qaadday Magaaloyinka New York iyo Washington Sanadkii 2011kii, oo Ragii weerarradaas gaystay ayaa intooda badan u dhashay Boqortooyada Saudi Arabia.
AMISOM OO DAD SHACAB AH KU DILAY DEEGAANKA BUULO MAREER EE SH/HOOSE
Wararka ka imaanaya deegaanka Buula Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheeg aya in Ciidamo ka tirsan AMISOM ay shalay ku dileen afar ruux oo shacab ahaa, kuwaasoo saar naa gaari.
Ciidamada AMISOM ayaa rasaas huwiyay gaari yar oo nooca Suzuki ah oo ay la socdeen dadkan oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho.
Afarta ruux ee ay dileen Ciidamada ayaa waxaa ku jirtay haweeney da’ aheyd oo xaalad caaf imaad loogu soo waday magaalada Muqdisho, waxaana lala dilay gabar ay ayeeyo u aheyd.
Sidoo kale labada ruux ee kale ayaa ahaa Ganacsato laga yaqaanay deegaanka, waxaana magacyadooda lagu sheegay Daa’uud iyo Maxamuud Macalin.
Dadka deegaanka ee ka carooday falkan dilka ah ee ay geysteen Ciidamada AMISOM ayaa banaan bax ay uga soo horjeedeen AMISOM ka dhigay deegaanka Buulo Mareer.
Ma jirto markii u horeysay ee Ciidamada AMISOM ay dad rayid ah ku laayeen deegaan ka tir san Shabeellaha Hoose, sanad ka hor ayay aheyd markii dad shacab oo isku qoys ahaa ku xasuuqeen magaalada Marka.
WAXGARADKA GOBOLKA HIIRAAN OO MAR KALE QAADACAY SHIRKA MAGAALADA JOWHAR..
Kulan shalay ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan oo ay ka qeyb galeen Odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa dhamaan odoyaasha waxa ay tilmaameen in aysan jirin ergo ka tagtay Magaalada Baladweyne oo ka qeyb gashay shirka maamul u sameynta goboll ada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe oo dhawan ka furmay wajigiisa labaad magaalada jowhar.
Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa oo kulan ka qeyb galay ayaa sheegay in aysan dowlada Fedraalka Soomaliya ka jawaabin codsigii ahaa in gogasha shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe In loosoo wareejiyo Magaalada Beled weyne ee Gobolka Hiiraan.
Wali waxa uu qilaaf ka taagan yahay hanaanka loo wajahaayo shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe o dhawaan uu furey Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud
XILDHIBAANO KA TIRSAN BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO MOOSHIN KA KEENAY SHIRKA MAAMUL U SAMEYNTA HIIRAAN IYO SH/DHEXE EE KA SOCDA JOWHAR..
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin ka keenay shirka maamul u sameynta labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee gogoshiisa ay taalo magaalada Jowhar.
Sida wararka ay sheegayaan , In Xildhibaanada mooshinka ka keenay shirka Jowhar ay gaar ayaan 42 Xildhibaan.
Soo jeedinta Xildhibaanada kadib ayaa waxaa la isla gartay in la muddeeyo xilli kale, maa ddaama uu buuxsami waayay kooramkii cod u qaadista mooshinkan.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in kulanka soo socda looga doodi doono mooshi nkan ujeedkiisa yahay in dib loo dhigo shirka Jowhar ka socdo.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaanada mooshinka ka keenay shirka Jowhar ay ku jiraan Xildhibaano ka soo jeeda Gobolka Hiiraan, kuwaasoo taageersan shirka dib u heshiisiinta ee ka socda magaalada Beledweyn.
Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Odawaa ayaa waj iga Labaad ee shirka ka furmay magaalada Jo whar.
MURASHAX MAREYKANKA DONALD TRUMP OO LAGU EEDEEYAY KU XADGUDUB XUQUUQDA AADANAHA AH
Madaxa Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee QM Sayid Racad AlXuseyn ayaa wuxuu weerar af ka ah ku qaaday Musharraxa ugu cadcad Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareynaka, Donald Trump.
AlXuseyn ayaa sheegay in mushraxan doonaya inuu madaxweynaha ka noqdo Mareykanka uu gaysanayo xadgudub. Isagoo sheegay inuu yahay ruux aad u taageersan jirdilka iyo dhibaato oyinka kale ee ka dhanka ah bani'aadamnimada.
"Trump waa murashax maalqabeen ah oo aad u jecel waxyaabaha ay ka mid yihiin jirdilka iyo in Muslimiinta dabagal lagu sameeyo, taasoo xadgudub ku ah xuquuqda aadanaha," ayuu yiri Sayid AlXuseyn.
Sidoo kale, Sayid ayaa intaas ku daray in eexda iyo Munaafaqnimada aysan calaamad hog gaan wanaagsan caalamad u ahayn, isagoo intaas ku daray in hadallada ku dhisan nacaybka ays an majaajillo iyo maaweelo.
Donald Trump oo ah murashax u taagan xilka madaxnimo ee Mareykanka ayaa horraantii sannadkan wuxuu hadal aad saameyn u yeeshay uu ka jeediyay dalka Mareykanka, kaasoo ahaa in mulimiinta aan loo ogolaan inay soo galaan Mareykanka.
Hadalkan, ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay Madaxda Caalamka intooda badan, iyadoo Tump lagu sheegay inuu yahay ruux aan u qalmin inuu hoggaamiyo Mareykanka, taasoo laftiisa dhaawac weyn u geystay.
Ugu dambeyn, Hadalka Sayid AlXuseyn ayaa noqonaya midkii uu soo jeediyo Mas'uul ka tir san Caalamka, iyadoo horay ay hay'ad Caalami ah u sheegtay in haddii Trump uu Madaxweyne ka noqdo Mareykanka ay taasi ka dhigan tahay caqabad kale oo dunida soo wajahday.
Ciidamada Puntland ee Gaalkacyo oo la ogaaday inay dileen nin Oromo ah iyo nin Koonfurta Somaliya ka soo jeeda
Kadib markii saddex Maalin ka hor deegaanka Gobsho ee duleedka Magaalada Gaalkacyo lagu arkay meydka labo ruux oo mid uu yahay Somali halka kan kalena uu yahay Oromo, ayaa dilka loo geystay labadaasi ruux waxaa la sheegay inay geysteen ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland.
Labada ruux ee dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray C/laahi Xaaji iyo Cabdi Wahaab, waxa ana ay ka shaqeynaayeen Hotelka Uunlaaye ee ku yaal Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo. Hotel Uunlaaye 31kii Bishii March maalin Khamiis ah waxaa ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux naftiisa haligay, Qaraxaasi waxaa sheegtay Ururka Al Shabaab.
Habeenkii Sabtida Isbuucii aynu soo dhaafnay ayaa labadan nin lagala baxay Hotelka Uunla aye oo ay ka shaqeynaayen sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Maamulka Hotelka, waxaana la baxay ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.
Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ah Maamulaha Hotelka Uunlaaye ayaa sheegay in rag gaan laga kaxeystay Hotelka ayna wateen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland, isaga oo sheegay durb adiiba arintaasi inuu ku wargeliyay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Mudug, si arintaasi wax looga qabto.
"Waxaan la xiriiray Taliyaha Qaybta Booliska oo aan ku idhi falkaas ayaa Hotelka ka dhacay waxna nalama soo socodsiin, waa tii Hotelka agtiisa Shil uu ka dhacay cid wax na weydiisayna ma lahan labadaasi nin oo Shaqaalaha ah ayaa ciidanka ay la tageen Taliye ogoow ayaan ku idhi, laak iin wuxuu iigu jawaabay wax hadeer Boolis ahaan howlgalkaasi aan amar ku siinay ma jiraan, laak iin Hay’ado kale oo Dowlada leedahay oo baaris wada inay jiraan ayaa suuragal ah ayuu igi yidhi.” Sidaasi waxaa yiri Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ah Maamulaha Hotelka Uunlaaye
Iyadoo arinta sidaasi ay tahay ayuu sheegay maamulaha Hotelka Uunlaaye in loo soo shee gay maalmo kadib meydka labada ruux ee Hotelka lagala baxay oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo, kadib markii meydkooda laga soo qaaday deegaanka Gobsho halkaasi oo lagu dilay.
Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland oo arintaan ka hadlay ayaa sheegay inaysan garan karin sababta iyo cida dishay ragaasi.
Waxaa xusid mudan xilliga ay dhacaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka in si gaar ah deeganada Puntland loogu beegsado dadka Oromada ah iyo dadka ka soo jeeda Koonfurta Som aliya.
Ciidanka raggaan kala baxay Hotelka ayaa la sheegay inay yihiin ciidan ka tirsan kuwa Ma amulka Puntland oo labadan nin uga shakiyay inay wax ka ogaayeen Qaraxii Ismiidaaminta ee ka dhacay afaafka Hore ee Hotelka Uunlaaye 31kii Bishii March, taasina waxa ay keentay in dil qor sheysan ay ciidamada u geystaan labadan ruux.
Ninka Oromada ah ayaa la sheegay muddo fog inuu ku noolaa Magaalada Gaalkacyo, Xa askiisa iyo caruurtiisana ay ku sugan yihiin Magaaladaasi.
SHIINAHA OO DALBADAY LIISKA DADKA LAGU TUHUNSANYAHAY ARGAGIXISONIMADA..
Dowladda Shiinaha ayaa wadamada sanadkaan ka qeyb galaya shirka wadamada dhaqaala ha ku hor maray ee G20 ka codsatay in ay kusoo wareejiyaan liiska kooxaha iyo shaqsiyaadka lagu tuhunsan yahay argagaixisanimada ee ay diiwaan galiyeen.
Xukuumadda Beijin ayaa dooneysa in ay ka hor tagto dhaqdhaqaaqyo amni darro ah oo ay kooxahaasi ku waxyeeleyn karaan kulankaasi G20 oo sanadkaan ka dhacaya magaalada Hangz hou ee dalka Shiinaha.
Arrintaan ayaa waxaa asbuucii lasoo dhaafay shaaciyay wargeys maxali ah oo ay leedahay dowladda Shiinaha kaasoo kasoo baxa gudaha wadankaasi, kaasoo soo xigtay qaar ka mid ah saraakiisha ammaanka.
Sarkaal ka tirsan laamaha la dagaalanka argagaxisada ee dalka Shiinaha oo lagu magacaa bo Hou Le ayaa sheegay in ay dadaallo badan u sameyn doonaan sidii ay uga hor tagi lahaayeen in kooxaha ceynkaasi ah ay bartilmaameedsadaan shirka ay ku kulmayaan madaxda dunida.
Kulanka G20 oo ay ka qeyb gali doonaan hoggaamiyeyaasha iyo wakiillada 20ka wadan ee ugu dhaqaalaha badan caalamka ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo dabayaaqada bisha Siteembar ee sanadkaan 2016ka.
HAY'ADAHA BISHA CAS SOMALIA IYO ICRC OO CUNO KA QAYBIYAY GOBOLADA WAQOOYI EE SOOMAALIYA
Hay'adda ICRC iyo Bisha Cas ee Somalia, ayaa sheegay inay 60,000 ruux oo ay abaaruhu saameyeen u qabisay Gargaar cunno ah oo isugu jiray; Bariis, Digir iyo Saliid kuwaas oo ku nool deegaanno ku yaalla Gobollada Waqooyiga Somalia ee ay abaaruhu ku dhufteen.
Roobabka oo hoos u dhacay, ayaa sababay inay xaaladdu sii xumaato; kuwaa oo keenay qiimaha xooluhu hoose u dhaco. Taasoo sabab u noqotay inay heli waayaan qoysaska ku nool dee gaannada ay abaaruhu ku dhufteen inay daqli ay ku noolaadaan helaan.
"Cunnoyaraanta iyo abaaraha ayaa sababay in xaaladdu noqoto mid adag oo saameyn xooggan ku yeeshay nolosha bulshada deegaannada ay abaarahani saameeyeen ku nool," ayuu yiri madaxa ICRC ee Soomaaliya, Jordi Raich Curco.
Isagoo hadalkiisa raaciyay. "Nasiibdarro, tani ma ahan mid cusub, balse sanadihii aynu ka soo gudbunay ayay Somalia ku dhufteen abaaro iyo daad saameyn ku yeeshay bulshada. Waxaan an rajeynayaa in gargaarkeennu uu caawinaad u noqon doono dadka badan oo abaaraha xilligaan taagani ay saameyn xun ku yeesheen."
Hay'adda ICRC ayaa xustay in gargaarkan isugu jiray Bariiska, Digirta iyo Saliida Raashinka lagu karsado ay ka qaybinayaan deegaanno ka tirsan Gobollada Nugaal, Bari, Sool iyo Sanaag, taa soo ay ugu talogaleen inay dadku isticmaalaan inta roobabku si wanaagsan uga da'ayo deegaanad aas bilaha u dhexeeya Abriil iyo Juun ee Sannadkan.
Dhanka kale, Hay'addu waxay sheegtay in Somalia ay sanad walba soo marto xilli biyo la'a ani ay ka dhacdo deegaannada qaarkood, kaddib markii ay hoos u dhacyo ku yimaadaan biyaha ce elasha oo ah isha keliya ee biyaha laga helo. iyadoo ku baaqday inay tahay in la xoojiyo helitaanka biyaha.
"Sannadkaan, Biyo la'aantu waxay ahayd mid aad u adag," ayuu yiri Madaxa mashaariicda Hay'adda ICRC ee Somalia, Fernando Resta. wuxuuna intaas ku daray. "Qiimaha Biyaha, Waa ku wo aad uga Qaalisan intii hore. Qoysaska aan gargaarka siinayno qaarkood waxay raashinka ku iib sanayaan lacago aad u yar si ay u awoodaan inay biyo ku iibsadaan lacagtaas."
Ugu dambeyn, Hay'adda ICRC ayaa sheegtay in Sannadkii 2014kii ay qaybo ka mid ah kuwa ay abaartu saameysay ee Somalia ka hirgeliyeen 11ceel oo laga qoday, 10ceel gacmeed ah iyo wel iba 20-kannaal oo biyaha Roobabku ay ku hooraan.
Hay'addu waxay intaas ku dartay in Sanadkii 2015kii, ay dadka ku nool gobollada ay abaaru hu saameeyeen u qaybisay 23,000 oo geed timireed ah, si ay ugu adeegsadaan ganacsiga beer aha.
TIRADDA QAXOOTIGA SOOMAALIDA EE MAGANGELYADDA LAGA SIINAYO MARAYKANKA OO SII KORDHAYSO
Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda Ilaaladda ku haysa Dibudejinta Qaxootiga ee The Refugee Resettlement Watch(RRW) ayaa sheegtay ina in ka baadan 130,000 oo Qaxooti Soomaali ah dibudejin loogu sameeyey dalka Maraykanka tan iyo sannadkii hore ilaa iyo bilowga sannadkan 2016ka,
Tiradaasi kuma jiraan Soomaalida magangelyodoonka iyo kuwa Tahriibayaasha ee sida sharcidarradda ku soo galay ama ku jooga dalka Maraykanka.
Hay’adda Kormeerta Dibudejinta Qaxootiga ee RRW waxay sheegtay inay 750 Qaxooti Soo maali ah bil kasta la keeno Maraykanka, si ay Nolol Dibudejin ah uga bilaabanto dalkaasi.
Warbixinta Hay’adda RRW waxay sheegtay in Qaxootiga Soomaalida intooda badan Dibud ejin ka helaan 10Gobal oo ka mid ah Maraykanka oo inta badan qaata Qaxooti badan.
Dhinaca kale, Hay’adda RRW waxay soo bandhigtay Shaxda Goballadda Maraykanka sida ay u qaateen Kumaanka kun ee Qaxootiga Soomaalida ee sannadkii hore ilaa bilowga sannadkan gaaray Maraykanka.
Waxayna Goballadda u kala qaateen Qaxootiga Soomaalida sidatan:
|
1. |
Gobalka Minnesota |
563 |
qof |
|
2. |
Gobalka Arizona |
410 |
qof |
|
3. |
Gobalka Ogio |
301 |
qof |
|
4. |
Gobalka Fenelfaniya |
292 |
qof |
|
5. |
Gobalka Washington |
222 |
qof |
|
6. |
Gobalka Misuuri |
214 |
qof |
|
7. |
Golbalka Kaliforniya |
204 |
qof |
|
8. |
Gobalka Arizona |
176 |
qof |
Warbixinta Hay’adda RRW waxay sheegtay in Qaxootiga Soomaalida intooda badan Dibud ejin ka helaan 10Gobal oo ka mid ah Maraykanka oo inta badan qaata Qaxooti badan.
Dhinaca kale, Hay’adda RRW waxay soo bandhigtay Shaxda Goballadda Maraykanka sida ay u qaateen Kumaanka kun ee Qaxootiga Soomaalida ee sannadkii hore ilaa bilowga sannadkan gaaray Maraykanka.
Waxayna Goballadda u kala qaateen Qaxootiga Soomaalida sidatan:
|
1. |
Gobalka Minnesota |
563 |
qof |
|
2. |
Gobalka Arizona |
410 |
qof |
|
3. |
Gobalka Ogio |
301 |
qof |
|
4. |
Gobalka Fenelfaniya |
292 |
qof |
|
5. |
Gobalka Washington |
222 |
qof |
|
6. |
Gobalka Misuuri |
214 |
qof |
|
7. |
Golbalka Kaliforniya |
204 |
qof |
|
8. |
Gobalka Arizona |
176 |
qof |
NATIONLINK
OGEYSIIS
QIIMO DHIMIS BALAARAN
BISHAARO , BISHAARO, BISHAARO
Shirkada isgaarsiinta Casriga caalamiga ah ee NATIONLINK waxay macaamiisheeda sharafta leh u sameysay Qiimo Dhimis Dal & dibad ah Muddo 2 bilood ah oo ka bilaabaneynsa 18 / 03/2016 waana adeega ku shubashada ah ( prepaid- ka)
A.Wicitaanada Gudaha Dalka oo dhan ku shubo $1 kuna hadal140 daqiiqo Habeen iyo Maalin
B.Wicitaanada Dibada : ku shubo$1 oo ku hadal 10 daqiiqowadamada
- USA.
- CANADA
- CHINA.
- INDIA.
- AUSTRALIA.
- BANGLADESH.
- MALAYSIA.
- PAKISTAN.
- SOUTH AFRICA
- SWEDEN
NATIONLINK ISKUXIRAHA DADWEYNAHA
FAAHFAAHIN DHEERI AH, FADLAN WAC 100/222/333
TACSI LOO DIRAYAO EHELADA XAAJIYO MARXUUMAD XALIIMO CALI XUSEEN OO MUQDISHO KU GEERIYOOTAY
Col.Nuur Xasan Xuseen {Nuur Cadde} ,Maxamed Nuur Xasan, Jen.Xasan Xuseen Xasan {Muunga ab}Abuukar Axmed Ma xamed {A.Ganeey} Dr.Cismaan Axmed Jimcaale {Dr .jimmy},Salaado Axm ed Jimcaale, Madiino Axmed Jimcaale Xabiibo Axm ed Jimcaale,{Biibto},Muxuddiin Axmed Jimca ale,Nuurto Cali Cumar,C/Naasir Cali Cumar Qadro Cabdullaahi Cali, Ilmo Faad umo Maxamed Macoow,Xaaji Maxamuud Axmed Jimcaale {Shataar} iyo caruurtiisa, Aamino Axmed Jimcaale iyo Carteeda Reer Xuseen Nuur Cadoow,Dhammaan Reer Axmed Jimcaale Cigalle Reer Jimcaale Cig alle iyo Reer Geeddoow Cigalle, Aamino Maxamed Macoow iyo Caruurteeda oo kala ah :Faadumo Xuseen Xasan Carab,Xabiibo Xuseen Xasan Carab {Xab iibo Shiino}, Maxamed Xuseen Xasan Carab, Ilmo Mako Maxamed Macoow guud ahaan tood, Dr. Maxamed Xus een Axmed {Dr. Suufi, Cismaan Xuseen Aw Axmed {Wary eel},Cumar Xuseen Axmed, Da’uud Xuseen Axmed, Faa dumo Xuseen Axmed, Maryan Xuseen Axmed ,Hooyo Jiino Cali Caddoow,dhammaan ilmo xuseen aw Axmed Maxamed Calsoow, Xaliimo Maxamu ud Hilowle, Cabdullaahi Maxmauud Axmed, Sahro Maxamuud Axmed, Shamso Max amuud Axmed, Shukri Maxamuud Axmed,Dhammaan Ilmo Maxa muud luugne,Faadumo Maxmed Cilmi, Xaawo Maxamed Cilmi, Maxamuud Maxamed Cilmi, Axmed Maxamed Cilmi, Maryan Maxamed Cilmi,Dhammaan Ilmo Bat uulo Aw Axmed Maxamed Calasoow, Xabiibo Xasan Maxamed Calsoow, iyo Carruuteeda , Ilmo Mako Xasan Maxamed Calsoow iyo Caru uteeda,Ilmo Madiino Xasan Maxa med Calasoow iyo Caruuteed, Reer Cismaanciil Sh.Cali, Muum ino Sh. Cali iyo Carruut eeda xabiibo Xasan Afrax, Jaliilo Xasan Axmed, Bashiir Xasan Axmed {Bashiir BBC} C./laahi Maxamuud Jimcaale {C. Abk oow},Xuseen Maxa muud Jimcaale Xuseen Abkoow}, Xaawo Maxamuud Jimc aale {Xaawo Neero} Dhammaan Caruurtoo da,Ing. Maxa med Cali Madoobe iyo Caruurt iisa, Maxamuud Max amed Cali Kiishweyne Iido Habar waay Firti iyo Car uurt eeda Dhammaan Dadkaasi oo ku kala sugan daafaha caalamka waxaay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Ruqiyo Cali Ca bdulle,Nadiifo Cali Cabdulle Ilmo Iddoow Cali Cab dulle iyo Guud ahaan ilmo aha Marxuummadda meelkast oo ay kala jobaanba walaalahood iyo caruurtood aba, Sidoo ka le Marxuumadda walaalaheed Jabriile Xali Xuseen, Sahro Jen. Jab riile Cali Dr.,Maxamuud Xasan Maxamed {Dr Ingariiso ow} iyagoo ugu Tacsiyadeynayo Geeridii ku timidMARXU UMAD XAAJIYA XALIMO CALI XUSEENshalay oo Arbaca aheyd Subaxdii 13ka Abriile 2016ka ku Gee riyoodtay Magaalad Muqdisho waxayna Alle ugu baryay aan Marxuu madda inuu Alle Jannadiisa Fardowzo aheyd uu ka Waraabiyo intii ay ka Geeriyootayna Samir iyo Iima an Saadaq ah ka siiyo
Aamiin Aamiin Aamiin
INNAA LILLAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN
TACSI
Dhammaan Madaxda Iyo Xubnaha ururka haween ka Qaranka soomaaliyeed , Dhammaan Urur rada Bulsha da Reydka soomaaliyeed ee dalka iyo ururrada COGWO INXA, ku mideysan dhamm aan haweenka soomaaliyeed dalka soomaaliya waxay Tacsi Tiiraanyo Leh U Dirayaan Ruqiyo Cali Cabdulle oo Hooyadeed Marxuumad Xaajiyo Xaliimo Cali Xuseen oo maanya ku geeriyootay Mag aalad muqdisho waxaayan alle ugu barayayaan inuu marxuumadda jannada ugu bishaareeyo intii ay ka Geeriyootayna uu Samir iyo iimaan ka siiyo
Aamiin Aamiin Aamiin
INAA LILLAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN
TACSI TIIRAANYO LEH
Shariifo Cadoow,Xabiibo Xaaji Jimcaale,Xaawo Maaxi Maxamuud,Sahro Cumar Maalin,Bintoow Ismaan Heesoow,Fartuun Xasan Sobral, Aamino Qoryooleey,Sahro Maxamed Axmed,Khadiijo Cos oble Cali,Maryan Axmed Hilowle,Dahabo Susow, Safiyo Baarbe Cali, Aamino Caalim Maxamuud,Canab Xasan Cali,Abwaanad Xaliimo, Dahabo Sh. Maxamuud, Xaliimo Calasoow,Jahaawir Baarqab,Ruqiyo Axmed Jimcaale, Xabiibo Deexeed,Faadumo Yuusuf, Maryan daqal, iyo Bahda wargeys ka Mog adishu Times Daily News Paper waxay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Ruqiyo Cali Cabdulle iyo walaalaheed iyagoo ugu Tacsi yadeynayo Geeridii ku timid HooyadeedMarxuumadXaajiyo Xaliimo Cali Xuseen13/4/2016ka ku Geeriyootay M/Muqdishowaxayna Alle uga baryay aan inuu Marxuumadda alle janadiisa ka waraabiyo ehelka iyo axsabta ay ka geeriyootayan uu sa mir iyo iimaan saadaq ah kasiiyo
Aamiin Aamiin Aamiin
INNAA LILLAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN


0 



WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADSHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 17-KA ABRIILE 2016-KA
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYBGALEY FURITAANKA SHIR MADAXEEDKA AMNIGA AFRIKA Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay ka qeybgaley furitaanka Shir Madaxeedka 5aad ee Madasha Sare ee Amniga Qaaradda Afrika (Tana HighLevel Forum