HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 18-AUGSTO 2021

0
Wednesday August 18, 2021 - 09:07:43 in Wararka by
  • Visits: 693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 18-AUGSTO 2021

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Rooble oo la kulmay Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxweynihii hore ee dalka, Soomaaliya Md.Cabdiqaasim Salaad Xasan ku booqday hoyga uu ka degan yahay M/Qaahira ee D/Masar.

R/Wasaaraha ayaa sheegay inuu Madaxweynihii hore ee dalka warbixin ka siiyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan tan doorashooyinka.

R/Wasaare Rooble ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada waxaa uu u qornaa”Waxaan caawa hoygiisa M/Qaahira ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo aan uga mahadceliyay doorkiisii dowlad dhiska Somaliya iyo kaalintiisa odaynimo.

Waxaan Madaxweynaha uga warbixiyay xaaladda dalka guud ahaan, gaar ahaan howlaha doorashooyinka, anigoo ka dhageystay talooyin iyo tusaalooyin dhaxalgal ah.”

Safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga oo waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay

Danjiraha Cusub ee dhowaan dowladda F

ederaalka ah ee Soomaaliya u magacaawday dalka Sacuudiga ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaas.

Danjire Saalim Macow Xaaji ayaa waxaa waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay wasiir kuxigeenka wasaaradda Arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha baratakoolka Sayid Khaalid Bin Feysal.

Munaasabadda gudbinta iyo guddoonka oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacuudiga ee Magaalada Riyaadh, waxaana goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga Danjire Saalim Macow Xaaji iyo wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha baratakoolka Sayid Khaalid Bin Feysal ayaa waxaa ay uga wada hadleen sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ee ka dhaxeeya labada dal iyo 2da Shacab.

Danjire Saalim Macow Xaaji ayaa uga mahad celiyay dowladda Sacuudiga sida ay u soo dhaweeysay, waxaana uu sheegay in uu wax weyn ku kordhin doono horunarinta iyo cilaaqaadka iyo wax wada qabsiga ay wadaagaan labada dowladood.

Dowladda Sacuudiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha xiriirka taariikhiga ah la leh Soomaaliya, waxaana dowladda Federaalka Soomaaliya ka caawisaa dhinacyo badan, sidoo kalena ay saameyn ballaaran ku leedahay siyaasadda Soomaaliya.

Jaamacadda Carabta Oo Taageero Hor Leh U Ballan Qaaday Dowladda Somalia

Ra’iisul Wasaaraha XFS Md.Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga dalka Masar ayaa maanta booqday xarunta Jaamacadda Carabta ee M/ Qaahira, halkaas oo uu ku soo

dhaweeyay Xoghayaha Jaamacadda Carabta Axmed Abulqeyd.Xog-hayaha Jaamacadda Carabta oo R/Wasaare Rooble uga mahadceliyay booqashadiisa ayaa warbixin ka siiyay qaab howled ka JC, isagoo ku soo wareejiyay qeynaha ay ka kooban tahay.Dr. Axmed Abulqeyd ayaa R/w/ha ku boggaadiyey kaalintiisa hoggaamineed ee arrimaha doorashoiyinka iyo dib- u heshiinta, isagoo ballan qaaday in Jaamacadda Carabtu ay taageero dhan walba ah la garab joogto Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

R/Wasaare Rooble ayaa dhankiisa ka mahadceliyay soo dhaweynta, isagoo tilmaamay in Soomaaliya oo xubin ka ah dalalka Jaamacadda Carabtu ay taageero dheeri ah ka fileyso walaalaheeda ku bahoobay JC, gaar ahan xilligan muhiimka ah ee dalku galay doorashada.

R/Wasaaraha Xukuumadda iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa shalay booqasho ku gaaray dalka Masar, waxaana Rooble uu lulan 2geesood ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas iyo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirrada

Beesha dadkii lagu laayey Golweyn oo go’aan culus kasoo saartay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay shir ay isugu yimaadeen ugaasyo, odayaal dhaqan iyo beeralayda gobollada Shabeellada dhexe iyo Shabeellada Hoose, kaas oo looga arrinsanayey dadkii shacabka ahaa ee AMISOM ay dil wadareedka ugu geysatay D/GolweynBayaan ka soo baxay shirkaas waxay ku cadeeyeenwaxgaradkii maanta isuyimid in AMSOM ay weli diidan tahay inay qirato dilka dadkii shacabka ahaa ee Golweyn ay ku leysay.

Falkaas waxa uu Golweyn dhacay 10-kii bishan, waxayna waxgaradkii maanta Muqdisho ku shiray bayaan ay soo saareen ku sheegeen inay aad uga caroodeen sida ay ula dhaqantay AMISOM, markii ay dadkaas dileen kadib.

"Caradeenu kama dhalan kaliya xasuuqii dadkeena ee waxaa dabka ku sii shiday sida ixtiraam darrada ah oo ay noola dhaqmeen saraakiisha AMISOM markii aan isku daynay inaan kala hadalno dadkii ay naga dileen iyo inkiraad ay ku kacayaan, iyadoo wax kasta ay cadyihiin,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale warka ka soo baxay waxgaradkii maanta kulmay waxaa lagu sheegay in AMISOM ay xasuuq joogto ah ku heyso shacabka ku nool gobollada Shabeellooyinka, iyagoo ku baaqay in kacdoon culus laga sameeyo falkaan, go’aana ku soo saaray in meydadka dadkaan aan la aasi doonin ilaa AMISOM ay ka qirato dilkoodii.

Ugaaska beelaha Mudullood, Ugaas Maxamuud Ugaas Cali oo kulankaas kadib VOA la hadlay ayaa sheegay in dhowr jeer ay arrintaas kala kulmeen saraakiisha AMISOM, balse ay si cad u diideen inay qirtaan dadka ay laayeen, waxuuna mar kale wacad ku maray inaan la aasi doonin meydadka dadkaas oo weli qaboojiye ku jira.

"Markii aan mudo wadahadalnay waxay saraakiisha AMISOM na yiraahdeen guddi nagu dara, aan soo aragno meesha dadka lagu dilay, markii meesha la tegay waxaa la wada qiray in dadkaas ay ahaayeen shacab si gar-darro ah loo dilay, kadib waxaan ka sugeynay inay qirtaan inay falkaas ka dambeeyeen, balse waa ka meer-meereen, iyagoo og inay dhibaata daas geysteen,” ayuu yiri Ugaas Maxam uud.

Waxa uu sheegay in arrintaan aysan ka hari doonin ilaa dadkaas ay cadaalad ka helaan, "Haba yaraatee rajo lagama qabo inaan arrintaan ka harno, wado kasta oo sharcigu noo ogolyahay ayaan mari doonaa, waa daali doonaan hadey AMISOM is leedahay, ma daali doono,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Soomaaliya & Sweden oo ka wada hadl ay xajiijinta qoondada Haweenka.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay danjiraha dowladda Sweden ee Soomaaliya, Staffan Tillander.

kulan gaar ah oo ay yeesheen ayay kaga wada hadlay habsami u socodka doorashooyinka gaar ahaan xaqiijinta qoonddada dumarka ee 30%.

Danjire Staffan Tillander, oo wakhtigiisa dhammaaday ayaa wasiir Xaniifa ugu mahadcelisay wada shaqeyntiisa muddadii uu ahaa danjiraha Sweden ee Soomaaliya, waxayna u rajaysay mustaqbal wanaagsan ka dib marka uu ku laabto dalkiisa.

Dowladda Sweden ayaa kamid ah dalalka taageera dhismaha dowladnimada Soomaaliya, si gaar ah wasaaradda haweenka iyo safaaradda Sweden waxaa ka dhexeysa wada shaqeyn fiican oo la xiriirta arrimaha haweenka iyo xuquuqda aadanaha.

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay qabsashada Taalibaan ee Afghanistan

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay xaalada ka taagan dalka Afghanistan, taasi oo ay gacan ku haynteeda la wareegtay kooxda Taalibaan.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Jaabiri ayaa sheegay in dhacdada Afghanistan laga baran karo sida ay waxba usoo kordhineyna joogitaanka ciidamo Ajnabi, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu xusay in 20 sano dowladda Afghanistan lagu bixinayay waqti iyo qarash badan, haddana ay ugu dambeyntii u gacan gashay kooxda Taalibaan, oo ay si weyn isku hayeen, taasi oo ku tusineysa in taageerada caalamka ay waxba soo kordhineyn haddii gudaha la isku duubneyn.

"Waxaa ka baraneyna (dhacdada Afghanistan) in joogitaan Ajnabi iyo ciidan Ajnabi marnaba la isku haleyn karin, in shacabka Soomaaliyeed u istaagan inay garab galaan dowladnimadooda, ciidankooda ay dhistaa oo qaraniimadooda ka shaqeeyaan, ayagu isku tashadaan,” ayuu yiir.

"Dadka qalafsan ee nagu dhex-jira ee naga fikir duwan ee marna aan raali laga wada noqon karin in meel looga soo wada jeesto oo aqoon-yahanada Soomaaliyeed ay kasii digaan baaritaana ka sameeyaan arrinta ka dhacday Afganistaan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed ay dowladooda garab istaagan, isagoona ka digay in dalkeena ay ku imaan karto arrin lamid ah mida Afghanistan, haddii aan laga fikirin oo laga hortagin, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntiina waxa uu soo jeediyay in baaritaan lagu sameeyo ciidamada dowladda, si uusan cadowga uga faa’iideysan, islamarkaana ay horseedin in dalkeena uu ka dhaco waxa ka socda Afghanistan.Hadalka Wasiiru-dowlaha ayaa kusoo aadaya xili si weyn loo hadal hayay waxa dhici kara haddii ciidamada AMISOM ka baxaan Soomaaliya, inkasta oo ay duruufaha ku xeeran labada wadan ay kala gedisan yihiin.


Guddoomiyahii deegaanka Garasbaale ey oo u dhintay dhaawac culus oo kasoo gaaray qarax lala

Wararka ka imaanaya deegaanka Garasbaaley ee duuleedka magaalada Muqdisho ayaa

Sheegaya inuu dhaawac culus oo soo gaaray guddoomiyahii deegaanka Garasbaaleey uu u geeriyooday kadib markii qarax xoogan lala beegsaday gaarigii uu saarnaa guddoomiyaha.

Allah u naxariiste guddoomiyahii Garasbaaleey Maxamed Abuukar Afrax ayaa la sheegay xiliga qaraxa lala beegsaday uu maraayay inta u dhaxeysa degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaleey gaar ahaan waaxda lagu magacaabo Fooriloow.

Wax ka yar sadax bilood ayaa laga jooga markii guddoomiyaha maanta dhintay loo magacaabay xilka guddoomiyaha deegaanka Garasbaaleey, kadib markii guddoomiyahii isaga ka horeeyay ee lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Axmed Cali Garyare isna lagu dilay qarax noocaan oo kale ah.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxa maanta lagu dilay guddoomiyahii deegaanka Garasbaaleey, iyo dhaawaca laba ka mid ah askartii ilaalineysay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka gobolka Banaadir oo ku aadan qaraxa lagu dilay guddoomiyahii deegaanka Garasbaal

Dhinaca kale waxaa ka hadlay dilka guddoo mayihii geeriyooday Guddoomiyihii horeiyo duqii muqdisho Md.n Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ka hadlay geerida G/yihii deegaanka Garasbaaleey ee duleedka M/Muqdisho, isagoo Cambaareeyay falka lagu dilay Marxuum Maxamed Abuukar Faaraxisagoo yiri:-canbaaraynayaa weerarka diin iyo damiir la’aanta ah ee ay kooxda al shabaab

Madaxweynaha Jabuuti oo Colaada Itoobiya kala hadlay Ergay ka socday Mareykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Jabuuti, Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Jeffrey Feltman.

Kulan gar ah oo ay yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa ay uga wada hadleen qaab –dhismeedka socdaal loogu talagalay xoojinta nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka.

Kulanka Madaxweyne Geelle iyo Ergayga Maraykanka ee Geeska Afrika wuxuu u diirada lagu saaray qaab -dhismeed lagu hormarinayo tirakoobka guud ee arrimaha amniga iyo xaaladaha colaadaha ee ka socda Gobolka, waxaana lagu go’aamiyay madal lagu garto xeelado iyo habab isku dhafan oo ku habboon xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee gobolka ayaa lagu yiri” Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Jabuuti.

Isaga oo hogaaminaya xog -hayaha madaxa fulinta, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, J/Jabuuti waxay si joogto ah u siisaa taageero qiimo leh xallinta khilaafaadka qaybtan adduunka.

Maadxweynaha Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dalkiisa uu hoy u yahay saldhigga milateri ee ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay Afrika, taasina ay daaha ka qaadayso iskaashiga mudnaanta leh iyo istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya labada ummadood ee dhinaca difaaca iyo amniga.Sidoo kale Madaxweyne Geelle waxaa uu sheegay in tallaabada Jeffrey Feltman uu ku tagay gobolka ay la xiriirto sidii xal wada -hadal ah loogu heli lahaa colaadda ka taagan Itoobiya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Xubnaha Aqalka sare ee la doortay

Madaxweynaha DG/Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa munaasabad isugu jirtay Mahadcelin Golaha Baarlamaanka iyo soo dhoweynta Xildhibaanada Cusub Aqalka Sare ugu sameeyey M/ Baydhabo.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliya, Xubno kamid ah 2da Gole ee Maamulka K/Galbeed, Xubno ka tirsan Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer D/Goboleed ee K/Galbeed & mas’uuliyiin kale.

Maa Laftagareen ayaa uga mahad celiyay Golaha Wakiilada Koonfur galbeed ee doortay 8-da Xubnood ee Aqalka Sare ku matala Maamulka, waxaana uu ku amaanay inay sameeyeen taariikh wanaagsan oo ay kaga duwan yihiin maamulada kale.

Sidoo kale ayuu mahad celiyay Guddiyada doorashooyinka Heer federaal iyo Heer dowlad Goboleed ee K/Galbeed, isaga oo sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed ay si kalsooni leh u qabteen doorashadii Aqalka Sare.

Dhawaan ayaa waxaa la filayaa in degaannada K/Galbeed iyo degaannada kal ee dalka inay ka bilaawdaan doorashada Aqalka Hoose ee golaha Shacabka, iyada oo u diyaar garoog xoogan uu ka socdo dalka.

Shirkii afaraad ee culuumta caafimaad ka oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirkii 4-aad ee Culuumta Caafimaadka oo ay si wadajir ah u wada qabanqaabiyeen Jaamacadda SIMAD iyo Jaamacadda Jamhuuriya ayaa Maanta Ka furmay Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiir dowlaha wasaarada Waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri, Gudoomiyaha

Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed ahna Gudoomiyaha Jaamacada SIMAD Daahir Xasan Carab, Gudoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya Eng Maxamed Axmed Maxamuud, Gudoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr Maxamed Maxamuud Bideey, Macallimiin, Cilmibaarayaal.

Shirka Oo Muddo Laba Maalin ah Muqdisho ka socon doona ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa Arrimaha Caafimaadka Soomaaliya, soo laba kacleynta Covid-19 iyo soo bandhigidda Cilmi baarisyo ay sameeyeen cilmi baarayaal ka tirsan Jaamacadaha SIMAD iyo Jamhuuriya.

Gudoomiye ku xigeenka Cilmi baarista iyo horumarinta Jaamacadda Jamhuuriya ahana Gudomiyah Gudika Qabanqaabada Shirka Qaasim Cabdi Jimcaale oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in labada Maalin ee shirku uu socdo lagu soo bandhigi doono inka badan 20 cilmi baaris oo ay sameeyeen cilmi baarayaal ka tirsan Jaamacadaha SIMAD iyo Jamhuuriya.

Sido kale Shirkan labada maalin socon doona ayaa waxaa daah furay Wasiir dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdiraxmaan Jaabiri, waxa uuna labada Jamaacadood ee SIMAD iyo Jamhuuriya ku amaanay kaalinta ay ka qaadanayaan horumarinta Ardayda iyo DalkaDhinaca kale Gudoomiyaha Midowga Jaamacadaha Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Jaamacada SIMAD Daahir Xasan Carab, Gudoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya Eng Maxamed Axmed Maxamuud ayaa ballan qaaday in ay joogteyn doonaan Barnaamijyada ay ku tayey nayaan kuna hormarinayaan Macallimiinta, Cilmibaarayaasha iyo Ardayda Soomaaliyeed

Ugu dambeyn waxaa la filayaa in Shirka Caafimaadka ee Maanta ka furmay in Maalinta Barrita ah lagu soo gaba gabayndoono.

Faahfaahino kasoo baxaya dad Xalay lagu dilay deegaanka Bacda ee gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya deegaanka Bacda oo ka mid ah deegaannada hoos yimaada degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi habeenkii xalay ahaa maleeshiyaad hubeysan ay ku dileen laba ruux oo midi haweeney tahay.

2da marxuum ee Xalay lagu dilay deegaanka Bacda ayaa lagu magacaabi jiray Galad Xasan Siyaad iyo Raxma Xiireey, kuwaas oo la sheegay iney caan ka ahayeen deegaanka Bacda ee G/Hiiraan.Maleeshiyaadkii dilka geystay ayaa la sheegay in dilka kadib ay si deg deg ah uga baxsadeen goobta, waxaana la sheegay in dilka 2dan ruux uu la xiriiro aanooyin Qabiil oo muddooyinkii dambe ay isku dilayeen laba beelood oo kasoo kala jeeda gobolada Galgaduud iyo Hiiraan.

2da qof ee weerarka lagu dilay ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Galad Xasan Siyaad iyo raxma Xiireey , kuwaas oo caan ka ahaa degaan Bacda, waxaana la sheegay in dilkooda uu salka ku haayo aanooyin qabiil oo kajira G/ Hiiran.Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka degmada Matabaan oo la xiri Ira dilka Xalay ka dhacay deegaanka Bacda oo horay sidoo kale loogu dilay dad kala duwan oo u badnaa Darawalo gaadiid.

Xukuumada Somaliland oo xidhay sheekh caan ah

Ciidamada amaanka Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay Sheekh Maxammed Sheekh Ismaaciil, oo ah sheekh caan ka ah gudaha Somaliland iyo meelo badan oo deegaanada Soomaalida kamid ah sida ay sheegtay gabadh uu sheekhu dhalay.

"Waxa saaka xaruntiisi shaqo laga dhex qaatay Sheekh Maxammed Sheekh Ismaacil oo ah culimada waa wayn ee Somaliland, ahna aabahay, waxa qaatay ciidanka danbi baadhista, ilaa hada oo ay tahay 5:00pm mahayno warkiisa, meelkastana waanu ka waynay" ayay tidhi.

Sheekha oo xarun caafimaad oo caan ah kuleh M/Hargaysa, ayaa Sahan TV Axadii u sheegay in sarkaalka haysta Ciidamada Sirdoonka Somaliland ee gobolka Sanaag, uu u haysto danbi aanu garanayn isla markaana, uu xoog kaga soo saaray magaalada Ceerigaabo, oo uu sheegay in uu u joogay howlo nabadayn ah maalmihi u danbeyay.

Waxa kale oo uu sheekhu sheegay in madaxa sirdoonaka gobolka Sanaag uu u sheegay in loo haysto socdaal uu ku tagay magaalada Badhan oo uu u tagay in uu daweeyo dad buka sida uu sheegay, waxana falka sirdoonku sheekha kula kacay cambaareeyay maayar ka Ceerigoobo Ismaaciil Xaaji Nuur.Sheekh Maxamed oo maanta Hargaysa lagu xidhay sida gabadh uu dhalay sheegtay, ayaa hore usoo qaatay 7 sano oo xabsi ah kadib markii lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa falal argagixiso oo Somaliland ka dhacay xiligii dowladi Riyaale iyadoo markii danbe cafis madaxwayne lagu sii daayay 17, May, 2011.


Madaxweynihii Hore Ee Afgaanistaan ​​Xamiid Karzai Oo Daalibaan La Xiriiray

Madaxweynihii hore ee Afgaanistaan ​​Xamiid Karzai ayaa xiriir la sameeyay urur-ka Daalibaan,si xaaladda dalka loo dajiyo dibna loogu soo celiyo naba-dii iyo kala dambeyntii.

Mr Karzai wuxuu ahaa hogaami-yaha Afghanistan intii u dhaxeysay sanadihii 2001-2014.

Wuxuu sheegay in uu ka mid yahay gole ka kooban saddex xubnood oo ka shaq-eynaya in awoodda si nabad ah loogu war-eejiyo Daalibaan.Golaha waxaa sidoo kale ku jira hoggaamiyaha xisbiga Hezb -e Islaami, Gulbuddin Hekmatyar – oo ahaa dagaal ooge hore oo siyaasi noqday iyo guddoomiyaha Golaha Sare ee Dib -u -heshiisiinta Qaranka iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, Cabdu-llah Cabdullah.

Wareysi uu BBC-da siiyay, Mr Karzai wuxuu ku sheegay in goluhu uu xiriir la sameeyay hoggaanka Daalibaan, ayna la sha-qeyn doonaan.

"Muhiimaddu waa nolosha iyo badba-adada dhammaan dadka reer Afgaanistaan ​​ujeeddadeenuna waa inaan taas dhisno” ayuu yiri Mr Karzai.

Sidoo kale wuxuu Mr Karzai sheegay in Daalibaan ay u sheegeen inay mas’uuliyiin magacaabeen si ay xoogga u saaraan ka sha-qeynta ammaanka magaalada.

Madaxweynihii hore ee Afghaanistaan ayaa rajo ka muujiyay inay hirgasho tallaabada uu qaaday ee ah ka shaqeynta amniga Afghaa-nistaan gaarahaanna magaalada Kaabul.

Khuburo amni oo ka digay in Al-Shaba ab ay tusaale ka dhigan karto Taalibaan.

Qabsashada degdegta ah ee Taalibaan ay ku qabsatay Afghanistan ayaa muujineysa walaac ah inay dhiirri-gelin karto kooxaha kale ee maleeshiyaadka ah ee ka dagaallama caalamka, sida Al-shabaabka Soomaaliya.

Khubaradu waxay ka digayaan in haddii howlgalka caalamiga ah ee jooga Soomaaliya isku dayaan inay amniga ku wareejiyaan dowladda Soomaaliya xilligan, in dunidu arki karto soo noqnoqoshada wixii ka dhacay Afghanistan.

Cabdusalaam Guleed oo ah sarkaal hore oo ka tirsanaa sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajihi karto xaalad la mid ah tan Afghanistan, haddii aysan dowladda Soomaaliya soo afjarin ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye.

Guuleed ayaa hadalkan sheegay maalin kadib markii Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa u dabbaaldegtay dhicitaankii dowladda Afghanistaan, wuxuuna sheegay in inkasta oo Al-Shabab aysan lahayn awoodda milatari ee Taalibaan, haddana aanu shaki ku jirin inaysan wa xbahor istaagi doonin haddii ay doortaan jidkaas.Ku xigeenkii hore ee ee Hay’adda Sirdoonka Sooomaaliya, Guuleed, wuxuu intaas ku daray in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay hadda gacanta ku hayaan ayna mas’uul ka yihiin amniga inta badan gobollada dalka, iyagoo taageero ka helaya ciidamada nabad-ilaalinta ee AMISOM.

Bishii Abriil, ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waxay la wareegeen hoggaanka howlgallada, sida lagu qeexay Qorshaha Kala –guurka Soomaaliya oo ay oggolaadeen dowladda iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AMISOM.

Qorshahan ayaa ah istaraatiijiyad ay ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM si tartiib tartiib ah ugu wareejin doonaan mas’uuliyadaha amniga – hay’adaha amniga Soomaaliya kahor bixitaankooda, waxaana qorshahan oo la saxiixay 2018 ku jira dhimista ciidamada shisheeye.

Bishii la soo dhaafay, milateriga ayaa sheegay in ka badan 250 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay howlgallada milateriga Soomaaliya oo aan caawimaad ka helin AMISOMIsagoo ka hadlayay wareysi uu siiyay warbaahinta maxalliga ah, la -taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Cabdi Saciid Cali, wuxuu si adag u diiday in la isbarbar dhigo xaaladaha amniga ee Muqdisho iyo Kabul, ama milateriga Soomaaliya oo la barbardhigay ciidamada Afghanistan.

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ayaa Al-Shabab ka saaray Muqdisho 2011, laakiin kooxda ayaa wali fulisa qaraxyo iyo weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.Waxay dhowaan ay ku hanjabtay inay carqaladeyn doonto doorashooyinka Soomaaliya ee socda, iyadoo uga digtay ergooyinka qabaa ilka inaysan ka qayb qaadan howlaha doorashada.

Xukuumada Somaliland oo iska difaacday eedo uga yimid xildhibaan wakiilada ka tirsan

Wasiirka Xanaanada xoolaha Soma-liland Siciid Sulub Maxammed, ayaa beeniyay in deegaanka Magaalo-cad ee gobolka Awdal la hoos keenay gobolka Gabiley sida uu xukuu-mada ku eedeeyay xildhibaan Axmed Yaasin oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland.

wasiirka ayaa sida uu xildhibaanku sheegay si kaduwan sheegay in deegaanka Magaalo-cad laga samaynayo beer laga beeri doono calafka xoolaha, oo wasaarada xanaanada xooluhu masuul ka tahay, isla markaana lagu kobci-nayo tayada iyo taranta xoolaha.

"Mashruuca calafka xoolaha ee Waj-aale oo ah mashruuc wasaaradu hindistay oo anuu markaan xilka la wareegay bilawnaa, siy-aada wasaaradu ka leedahayna ay ahayd in lagu tayeeyo taranka xoolaheena, cadkooda iyo caanahooda, oo dooga nafaqada u leh xoolaha lagu beero" ayuu yidhi

"Anagu ka wasaarad ahaan dhulka makala xadayno, kala xadaynta waxa qaabi-lsan wasaarada arrimaha gudaha, mashruuca-asina mid ku xidhan gobol iyo degmo mid-na maaha, waa mashruuc qaran, mashruuc qolo sheegan karto maha, mashruuc deegaan sh-eegan karo maaha" ayuu hadalkiisa ku daray.

Xildhibaan Axmed Yaasin oo ka tirsan golaha wakiilada ee Somaliland isla markaana laga soo doortay gobolka Awdal, ayaa xukuu-mada ku eedeeyay in deegaanka magaalo cad ay siinayso gobolka Gabilay.

In Ka Badan 600 Qof Kana Baxsaday Kaabul Oo Laga Dejiyey Dal Carbeed

In ka badan 600 qof oo Reer Afganis-tan ah oo naftooda kala baxsanayey Xaallad-aha Cakiran ee dalkooda Hooyo ayaa waxaa shalay u suurto-gashay inay iska soo buuxi-yaan Diyaarad Milliteri oo taagnayd Garoonka Caalamiga Hamid Karzai International Airport ee magaalladda Kabul.

Kumanaan qof ayaa waxay shalay ku xoomeen Garoonkaasi, kadib, markii ay cabsi ka qaadeen Kooxda Daaliban oo la wareegtay Kaabul iyo Talada dalkaasi.

In ka badan 600 oo qof oo dadkaasi ka mid ah waxay bila Tikidh, Bilaa Baasaboor iyo Fiiso La’aan dhex fariisteen Diyaarad Xamuul oo ay Milliteriga Maraykanka leeyihiin.

Sawiro la qaaday ayaa waxaa ka muu-qday Diyaaraddaasi oo nooceedu ahaa C-17 Globemaster III oo ay boqolaal qof oo u badnaa carruur iyo haween oo dhex fadhiya sadxiga ama gudaha Diyaaradaasi.

Sida laga soo xigtay Shabakadda Warrka ee Defence One waxaa Diyaaradasi raacay 640 qof oo Afghans, waxaana la ru-meysan yahay inay ahayd markii u horeysay oo dad tiradaasi leh ay raacaan Diyaaradda Xamuulka ee C-17 Globemaster III.

Dhinaca kale, Diyaaradda markii ay ka degtay Garoon ku yaalla Qatar waxaa Cand-hada Diyaaradda laga helay cadad hilib la rumeysan yahay qof ku xayirmay halkaasi.

Muuqaalo kale ayaa muujinayey dad ka sii hoobanaya Diyaaradda oo Hawada sare ku duulaysay.

Ugu yaraan 7 kale ayaa maydkooda laga helay Garoonka Hamid Karzai Interna-tional Airport, kuwaasi oo la sheegay inay As-karta Maraykanka toogteen, halka kuwo kalena ay ku dhinteen Isbuurasho ka dhacday Garo-onkaasi.

Saacado Kadib geeridaasi waxay Wa-axda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon shaacisay in la toogtay 2 nin oo hubeysnaa oo ka mid ahaa dadkii ku soo xoomay Garoonka Kabul.

Diyaarad Nooca Xamuulka Oo Hawada Ku Burburtay

Diyaarad Xamuul oo ay lahaayeen Cii-ddanka Raashiya ayaa maanta burburtay, xilli ay ku jirtay Duullimaad Tijaabo ah.

Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Ilyus-hin Il-112V military transport plane waxay ku burburtay meel ku dhow Saldhiga Ciiddanka Cirka ee Kubinka oo 63 KM dhanka Galbeed kaga toosan caasimadda dalka Raashiya ee Mosko.

Saldhigaasi ayaa lagu wadaa in dham-aadka isbuucan lagu qabto Bandhiga Diya-aradaha iyo Qalabka Milliteriga.

Muuqaalo laga baahiyey Telefishinka Dowladda Raashiya iyo Baraha Bulshada ayaa waxa ka muuqday Diyaaradda oo uu Olol qabsaday, ka hor intaysan dhulka ku qarxin.

Waxaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen 3 Duuliye oo la socday Diyaaradaasi oo mga-cyadooda lagu kala sheegay: Nikolai Kuimov, Dimitry Komarov iyo Enjineer Nikolai Khul-deyev.

Warar aan weli la xaqiijin ayaa shee-gayo inuu Shilkaasi dhacay, kadib, markii uu dab ka kacay mid ka mid ah Labada Matoor ee Diyaradda.

Kooxaha Gurmadka ayaa gaaray goo-bta ay kuburburtay Diyaaradaasi oo ahayd no-ocii ugu dambeeyey ee Ilyushin 112V.


GUDDIGA DOORASHOOYINKA OO SOO BANDHIGAY HABRAACA DOORASHADDA GOLAHA SHACABKA


Gudiga hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal ayaa Maanta soo saaray habraaca iyo shuruudaha loo marayo hanaanka doorashada Golaha Shacabka ee sanadka 2020/2021 maadaama inta badan la doortay Xubnaha Aqalka Sare.

Guddiga ayaa marka hore wax-aa ay soo saareen qaab dhisme-edka Gudiga xulista Ergada doo-raneysa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 1aad ee Soomaaliya, kuwaas oo u dhigan.

QAAB-DHISMEEDKA GUDDIGA NULISTA ERGADA

Ergada Doorashada waxaa soo xulaya Guddiga Xulista Ergada oo ka kooban Oday-dhaqameedyo iyo wakiilo ka socda bulshada Rayidka oo ka wada tirsan beesha ama jifooyinka wadaaga kursiga.

2: Beel ama Jifo kasta ee wadaagta kursi waxaa xulista ergada ku matalaya Saddex Oday dhaqameed oo jifadaas ama beeshaas ah iyo labo

(2) wakiil oo ka socdabulshada rayidka ee beesha as/Jifadaas, labada wakiil ee bulshada rayidkawaa in mid ka mid ah tahay haween.

XULLIDDA ERAGADA SOMALILAND WAXAY NOQONAYSAA WADAAG.

Ergada wax dooranaysaa waa inay matalaan dhammaan jilibyada ay ka kooban tahay jifada ama beesha kursiga iska leh.

Xubin kasta oo ka mid ah Guddiga Xulitaanka Ergada (GXE) kama tirsanaan karto guddi xulis ergo kursi kale.

Kursi kasta ee ka mid ah 275 kursi wuxuu lahaanayaa guddi shan xubnoodah oo soo xula ergo (101).

Xubin ka tirsan Guddiga Xulista Ergo ma noqon karo guddi xulista ergo kale ama murashax doorashada u tartarma.

Guddiga Xulista Ergada wuxuu u soo xulayaa ergada doorshada si wadar ogol ah.

Bulshada Rayidka waa Guddiga Xulista Ergada kursi waliba waxaa uu yeelanayaa labo (2) xubnood oo ka socda bulshada rayidka ah.Labada (2) xubnood ee bulshada rayidka matala waa in xubin kamid ah haween noqoto.

Bulshada Rayidka, waxay ka kala imaanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida culimada, ganacsatada,macalimiinta,takhaatiirta,dadka gargaarka ka shaqeeya iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ka soo jeeda beesha ama jifada kursiga iska leh.

HABRAACA GUDDIGA XULISTA ERGADA:

Xubanaha soo xulaya ergada waa shan (5) xubnood, waxayna ku imanayaan:-Duubka ugu sareeya dhaqanka beesha ama jifada wadaagta kursiga ayaa soo xulaya shanta xubnood, isagoo la tashanaya Nabadoonnada Caaqillada.

Shanta Xubnood waxay soo xulayaan ergada (101) boqol iyo kowda qof ah, ayagoo la tashanaaya Nabadoonmnada, Samadoonnada iyo wax garadka beesha ama jifada wadaagta kursiga.

Shaxda Xulista Ergada Soo Xulista Ergada.Maalmaha,Hanaanka, Xulista Guddiyada Soo Xulaya Ergooyinka.10Maalmood.

Diyaarinta lisaska Guddiyada Soo Xulista, Ergada. Kursi walba waxaa soo xulay shan qof. Xaqijinta liisaska Guddiga soo Xulista Ergada si,waafaqsan Xeerka Odayaasha Dhaqanka,Bulshada Rayidka iyo Ergada ee Hufnaanta,Doorashada, 4 Maalmood ,Tababarista Guddiyada Xulista Ergooyinka.

Diyaarinta Jadwalka Tababarada, Diyaari nta Agabka Tababarada,DiyaarintaCasharada TababaradaBixinta Tabab arada, Soo gudbinta lisaska Ergada Doorashooyinka., 6 maalmoodSoo gudbinta liisaska ergo-doorashooyin ka si waafaqsan Habraaca Golaha Wadatashiga Qaranka,6 Maalmood Xaqijinta, Diiwaan-gelinta iyo shaacinta ergooyinka, liisaska kama dambeysta ah.

Xaqüjinta liisaska ergada doorashada siWaafaqsan habraaca Golaha WadatashigaQaranka, Kursi kasta oo ka mid ah 275 kursi ee Golaha Shacabka waxa doora naya 101 ergo, iyadoo la hubinayo in qay baha kala duwan ee bulshada ay u dhanyihiin.

Guud ahaan tirada ergada ka qayb-qaadaneysa doorashada xubnaha Golaha Shacabka 2020/2021 Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya waa 27,775 ergey.iyadoo kuraasta Somaliland ay yihiin ergo wadaag.

Xogta iyo War-galinta Beelaha.

Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay ku war-galiyaan duubabka dhaqanka inay soo xulaan guddiga xulista ergooyinka.

Waxaana la siinayaa:

Foomka Guddiga Soo Xulista ergada, si ay u buuxiyaan una saxiixaan Kadib marka ay duubabku soo gudbiyaan liiska guddiga soo xulista ergada, waxaa guddiga xulista la siinayaa:

Qoraal tilmaamaya shuruudaha ergada laga rabo

Foomka Liska Ergooyinka

Guddiga Xulista Ergooyinka waxay soo gudbinayaan liiska ergada kursi kasta ee loo qoondeeyay beeshaljifada, iyagoo adeegsanaya foomka diiwaangalinta ergada oo ay soo wada saxiixeen guddiga xulista ergada kursigaas, kaasoo caddeynaya qoondada haweenka, qaybaha bulshada ee ka qayb noqonaya ergada.Guddiga Maamulaya doorashada heer Maamul goboleed ayaa ka qaadaya laba sawir oo teesare ah xubin kasta oo ergada ka mida .

SHURUUDAHA ERGAYGA:

Xulashada qofka ka mid noqonaya ergada-doorashada waxaa saldhig u noqonaya

SHURUUDAHAN SOO SOCDA:

In uu yahay Soomaali, kana tirsanyahay beeshajifada kursiga iska leh,

In da ‘disu aanay ka yareyn 18 sano,

In miyirkiisu dhanyahay, awoodna u leeyahay in uu codeyn karo.

In uu fahamsanyahay masuuliyadda doorashada.

in uusan ahayn musharrax u taagan labada aqal midkoodna.

Inaysan maxkamadi ku ridin xukun ciqaabeed kama dambeys ah shantii sano ee ugu dambeysay, kaas oo lagu mutaysanayo xabsi.

In uusan hayn xil siyaasadeed waqtiga doorashada

In uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada.

MATALAADDA BULSHADA:

Ergada u codeyneysa kursi walba waa inay ka koobnaataa qaybaha kala duwan ee bulshadabeesha ama jifada kursiga leh, sida haweenka, dhallinyarada, ganacsatada, culuma’udinkaiwm

a. Haweenku waa inay ka koobnaadaan ugu yaraan 30% wadarta Ergada (31 ergay).Dhallinyaradu waa inay noqdaan ugu yaraan 20% ee wadarta guud ee ergooyinka(20 ergay).Ergada inteeda kale waxay noqonayaan quybaha kala duwan ee bulshada.Deegaannada Ergada Laga Diiwaan-galinayo.

Foomka diiwan-galinta ergada waa inay ka muuqataa magaca dawlad goboleedka, magaalada doorashadu ka dhacayso, lambarka kursiga, qabilka, magaca oo afaran, magaca hooyada oo seddaxan, taariikhda dhalashada,goobta dhalashada iyo teleefanka ergayga Sidoo kale waa inuu ku qoran yahay magacyada, saxiixa, taariikhda, Guddiga Xulista Ergada iyo magacyada, taariikhda, waana inay ka muuqataa saxiixyada GMDHDX iyo GHDHF

Hubinta iyo Xaqijinta Ergada

Marka liisaska ergada ay soo dhamaystiraan guddiga xulidda ergada, waxaa ka dib loo gudbinayaa guddiga maamulaya doorashada heer maamul goboleed (GMDHDX), waa in la hubiyaa, si loo ogaado in isku dheelitirnaan sax ah lagu saleeyay beesha ama jifada kursiga wada leh.

Haddii hubintu ay muujiso in ergada aysan soo buuxin shuruudaha erganimada ama heerarka matalaadda ay qaldan yihiin hannaankan soo socda ayaa la marsinayaa.

Haddii liiska la soo gudbiyey uusan waafaqsaneyn shuruudaha soo xulista ergada., GMDHDX wuxuu ku wargalinayaa Guddiga xulista ergada ee kursiga la dooranayo inay dib-u eegis ku soo sameeyaan 3 maalmood gudohood, Guddiga Xulista ergada waxay liiska u gudbinayaan guddiga GMDHDX, guddigu wuxuu dib-u-cegayaa oo xaqijinayaa liisas-ka kahor inta uusan u gudbin GHDHF, si uu u hubiyo adeegsiga saxda ah ee shuruudaha ka mid noqoshada ergada Haddii Beel/lifo ay diido inay u soo gudbiso magacyada si waafaqsan shuruudaha xulidda ergada loo cayimay,guddiyada GMDHDX & GHDHF waa inay xalliyaan khilaafka soo xulidda ergada.

Doorashada kursiga ergadisa aan la soo gudbin ama aysan sax ahayn ma dhacayso doorashadiisu inta laga gaarayo xal sax ah oo kama dambays ah.

Ka mid ahaanshaha Ergada:

Haddii qof ergay ah uu xubinnimada baneeyo, xaalad deg deg ah awgeed, sida dhismasho, jirro ama dano shaqsi, waxaa badeli kara Guddiga Xulista Ergada, iyagoo kaashanaya Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee heer dawlad goboleed muddo laba maalmood, ka dibna waxaa hubinaya GHDHF.

Aqoonsiga Ergayga (ID Card)

Maalinta codeynta, ergada doorashooyinka waxay tagayaan xarunta cod-bixinta, si loo siyo aqoonsiga codbixiyaha.Guddiga Xulista Ergada kursigaas la dooranayo ayaa xaqijinaya ergada codeynaysa inay tahay ergadii saxda ahayd.

Shaqaalaha GMDHDX waxay siinayaan aqoonsiga cod-bixiyaha ergay kasta, kaas oo magacisa ku jiro liiska la xaqijiyay ee ergada wax dooranaysa.

Kooramka: Si beel/jifo loogu qabato doorasho kur si, ugu yaraan waa inay soo xaadiraan 80% ergada doorashada oo u dhiganto sideetan iyo kow (81) ergo, haddii kooramka aanan la buuxin lama qabanayo wax doorasho ah ilaa kooramka kursigaas uu dhameystirmo.

Ergay kasta wuxuu soo bandhigayaa aqoosiga cod-bixiyaha ee la siiyay, mana codeyn karo aqoonsiga cod-bixiyaha la’aantiis. Kursi kasta waxaa guddiga GMDHDX uu soo saarayaa 101 aqoonsi cod-bixiye ah oo kaliya

Kuraasta Somaliland waxay noqonayaan ergo wadaag. Halkii ergo ee ah 101 waxay dooran karaan 1 ilaa 5 kursi.

CUTUBKA 2AAD

DIIWAAN-GALINTA MUSHARIXINTA

Waqtiga&Hannaanka,Hannaanka,Muddada, Tababaridda,Shaqaalaha,Diiwaangelita, 3 maalmood, Musharraxa, 12 Maalmood

Diiwaan-galinta musharixiinta golaha shacabkaIyo aqoonsi-siintooda:

Bilabida Diwangalinta MusharaxiintaG/Shacabka

Daabicidda dhammaan foomamka iyoShahaadada

Musharaxnimada Golaha ShacabkaUjeeddada hannaanka diiwan-gelinta musharaxa waa in fursad loo siiyo muwaadiniinta doonaya inay tartamaan, lagana hubiyo oo keliya inay buuxiyeen shuruudihii musharaxnimada. Hanaanka diwan-galinta murashaxa wuxuu soconayaa 12 maalmood.

Nidaamka & Gobaha Diiwan-gelinta Musharisnta.

Musharraxu wuxuu iska diiwaan-gelinayaa deegaan doorashada uu yaalo kursiga uu u tartamayo, asagoo buuxinaya shunuudaha hoos ku qoran ee Musharixiinta G/Sh/Baarlamaanka Federaalka.

Goobaha Diwan-gelinta Musharixinta.

1.Garoowe,Puntland,2.Bosaso,1.Samareeb,Galmudug2 Gaalkacyo,HirShabelle,1.Jowhar,2.Baledweyne

.Baydhabo,K/Galbeed,2.Baraawe,1.Kismaayo,Jubaland, 2 Garbahaarey, 1.Muqdisho,Somaliland

& Banaadir …EEG BOGGA6AAD,

KA YIMID BOGGA 5AAD

SHURUUDAHA MUSHARIXIINTA

Inuu yahay muwaadin J/ Federaalka SoomaaliyeedDhimirkiisu u dhan yahay, ,Da’diisu ka wayn tahay 25 sano, Aan xuquuuqdiisa muwaadinnimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay, Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.,In uusan ka tirsanayn ama wax xiirir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah, In uu haysto warqadda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) ee dalka.

Saraakiisha/taliyayaasha ciidamada, xubnaha guddiyada madaxa banaan ee Qaranka haddii ay tartamayaan waa in ay is casilaan saddex 3) todobaad ka hor wakhtiga diwaan gelintamusharaxiinta.

9.Musharax kasta oo u tartamaya G/Shacabka waa inuu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka.

Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya GolahaShacabka waxay noqonaysa $ I0,000, (Toban Kun oo dollar) oo ragga ah iyo $5,000. (shan Kun oo Dollar) oo dumarka ah.

LACAGTA DIIWAN-GALINTA MUSHARAXIINTA DIB LOOMA SOO CELINAYO.

Qoondada Haweenka

Xildhibaanada Golaha Shacabku waa in ay noqdaan ugu yaraan 30% haween, taasoo xaqijinteeda xil ka saranyahay gudiyada doorashooyinka GMDHDX iyo GHDHF, Odayaasha dhaqanka, Bulshadarayidka iyo Maamul Goboleedka.

Beel/Jifo kasta oo seddax kursi leh mid ka mid ah waa in loo asteeyo in ay kutartamaan haween kaliya.Haddii beeshaasi ay astayn weydo kursi ay ku tartamaan haweenka, waxaa astaynaya Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah DF/(GMDHDX) iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal (GHDHF), ayagoo kaashanaya D/Goboleedka uu kursigu yaallo Kuraasta kale ee dhiman way u furan yihiin inay ku tartamaan haweenku.

KA NOQOSHADA MURASHAXNIMADA.

Murashax kasta wuu ka bixi karaa tartanka wakhti kasta, ka hor inta aan la daabicin liiska murashaxnimada ee kama dambeysta ah, isaga oo buuxinaya Foomka Ogeysinta Dib-uga- noqoshada Murashaxnimada.Haddii murashax uu dhinto kadib diiwangalinta murashaxa, balse wali aysan doorashadu dhicin waxaa xaqijinaya GMDHDX, waxaana dib loo furayaa diiwaan gelinta murashaxnimada haddii uu hal murashax ku soo haro tartanka kursigaas.

Ugu dambeyn xafiiska Xisaabiyaha Guud ayaa dhankiisa soo saaray lacaga laga doonayo musharixiinta Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo sida ay ku bixinayaan.

XAFISKA XISABIYAHA BUUD EE DAWLADDA

The Federal Republic of SamaliaOffice of the Accountant Genera

Date: 1&07/2021

REF: XNGs5/2021

Muqdinhe

Ku: Xoghayaha Joggtada ah ee Xafiska Ra’iisul WasarahaMogdisho

Og: Hantidhawrka Guud e Qaranka

Og Wasaaradda Maaliyadda

MugdishoLicedde: Xisaabaadka Guddiga DoorashooyinkaWaxan halkaan idinkugu soo gudbinayaa xisaabadka Guadliga Doorasbooyinka e kaga furan Bangiyada gaar ka ah: (Private Banks) Sida Shaxda Hoos Ku Xusan:

Xisaab Numbarka, Magaca Xisaabta, Ne. Magaca Bangiga, Howlaha Doorashooyinka 34053499

1Salam Bank, 2 Dahabshil Bank Howlaha Doorashooyinka 104113673Sidas daraadeed waxaa idinka rajaynaynaa inaadsidas ula socotaanWada Shaqgeyn wacanFatuma Osman Farah Xisaabiyaha Guud Fe Dawladda.=DHAMMAAD=

Xigasho:-risaalacom

WAA AYO TAALIBAAN?

WASHINGTON:-Taalibaan waxay horey u xukumeen Afghanistan 1996-kii ilaa 2001, ayaga oo dalka kusoo rogay nooc ka mid ah shareecada Islaamka oo aad u adag. Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa fikradaha kooxda iyo taariikhdeeda.

SIDEE LOO AAS-AASAY TAALIBAAN?

Taalibaan waxa ay aheyd mid ka mid ah kooxihii ka dagaalamayey dagaalkii sokeeye ee Afghanistan ee sagaashamaadkii, kadib markii ay dalkaas ka baxeen ciidamadii Midowga Soviet. Kooxdan ayaa 1994-kii kasoo baxday magaalada Koonfureed ee Kandahar. Aas-aasaheeda wuxuu ahaa Mullah Mohammad Omar, oo imaam ka ahaa magaalada, kaasi oo hoggaaminayey kooxda illaa dhimashadiisa 2013-kii.

XIRIIRKA MAREYKANKA

Taalibaan waxay markii hore xubnaheeda ka heshay dagaal-yahanadii wax iska caabinta Afghanistan ee Mujaahidiin, kuwaas oo Mareykanka oo uu ka taageeri jiray dagaalkii ka dhanka ahaa ciidamada Soviet-ka ee sideetamaadkii.

SIDEE TAALIBAAN KU QABSATAY XUKUNKA?

Kadib markii Midowga Soviet uu ka baxay Afghanistan 1989-kii, ayna ku xigsatay burburka dowladdii Afghanistan, wuxuu dalku galay dagaal sokeeye. Taalibaan waxay taageero ku heshay inay ballan qaaday inay soo celineyso amarka iyo kala dambeynta. 1994-kii waxay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Kandahar, ayaga oo aan la kulmin wax iska cabin ah oo muuqda, waxaana markii la gaaray 1996-kii, ay qabsadeen caasimadda Kabul.

MAXAY TAALIBAAN AAMINSAN YIHIIN?

Taalibaan waxay Afghanistan ku xukumeen si waafaqsan shareecada Islaamka oo fasiraad adag laga bixiyey. Dadka oo fagaare lagu khaarijiyo, laguna karbaasho ayaa caadi ahaa, waxaana haweenka badankood laga mamnuucay inay shaqeeyaan ama ay wax bartaan, ayada oo sidoo kalena lagu qasbay inay xirtaan burqa jirkooda oo dhan daboolaya. Taalibaan waxay sidoo kale mamnuucday buugaagta reer galbeedka.

MUXUU YAHAY XIRIIRKOODA AL-QACIDA?

Taaliban waxay gabbaad siiyeen Al-Qacida, oo xilligaas uu hoggaaminayey Osama bin Laden. Al-Qacida waxay xirooyin tababar ka sameysatay Afghanistan kuwaas oo ay u adeegsatay inay ku diyaariso weeraro ka dhacay caalamka, oo uu ka jiraan weeraradii lagu qaaday Mareykanka 11-kii September 2001.

SIDEE XUKUNKA KU LUMIYEEN?

Wax kayar bil kadib weeraradii September 11, Mareykanka iyo xulufadiisa ayaa qabsaday Afghanistan. Markii la gaaray horraantii December, dowladdii Taalibaan ayaa burburtay, waxaana Mareykanka uu billaabay inuu Afgaaniyiinta kala shaqeeyo dhismaha dowlad dimoqraadi ah.

MAXAA XIGAY?

Kadib guul-darradooda, hoggaamiyayaasha Taalibaan waxay u carareen meelaha ay ku xooggan yihiin ee koonfurta iyo bariga Afghanistan, ama deegaanada ku teedan xuduudda Pakistan. Kooxda ayaa kadib hoggaamisay dagaal muqaawamonimo ah oo ka dhan ah dowladda cusub ee Afghanistan ee Mareykanku taageerayey, ayaga oo adeegsanaya miinoyinka dhulka lagu aaso & qaraxyo is-miidaamin ah

Sanadkii tegay, dowladda Mareykanka ayaa Taalibaan kala xaajootay heshiis kadib labaatan sano oo ay ku lug laheyd Afghanistan.Heshiiska ayaa waxa uu dejiyey jadwal ay ciidamada Mareykanka kaga baxaan dalka, taas beddelkeedana Taalibaan ay joojiyaan weerarada ka dhanka ah Mareykanka, ayna wada-hadal la galaan dowladda Afghanistan. Si kastaba, kadib bilo ay wada-hadallo u socdeen Taaliaan iyo dowladda Afghanistan, waxay ku guul-darreysteen in lagu gaaro heshiis nabadeed.DALALKEE AQOONSADAY TAALIBAAN?

Kaliya dalal faro ku tiris ah ayaa aqoonsaday dowladda Taalibaan markii ay xukunka haysay 1996-kii illaa 2011, waxaana ka mid ahaa Pakistan, Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya. Ma cadda, haddii dalalka badankood ay aqoonsan doonaan dowladda cusub ee Taalibaan; si kastaba, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa bishii tagtay sheegay Afghanistan ay noqon doonto qaran cidlo go’an ah, haddii Taalibaan ay awoodda kula wareegaan xoog, oo ay gaystaan xasuuq.

Qaar ka mid ah xogaha ku jira warbixintan waxaan kasoo qaadanay Reuters iyo AFP.

XIGASHO:VOA

Dalibaan Oo Ku Dhawaaqday Cafis Gu ud Farriina U Dirtay Shaqaalaha Afganistan

Ururka Daalibaan ayaa waxay Cafis u fidiyeen dhamaan Shaqalaha Dowladda Afganistan, waxayna ku booriyeen inay dhamaantooda oo ay Haweenka ku jiraan ku soo laabtaan Shaqada, 2 maalin kadib, markii ay Kooxda Daalibaan la wareegeen Awoodda dalka Afganistan.

Enamulalhi Samangani oo xubin ka ah Guddig Dhaqanka ee Daalibaan ayaa Cafiskaasi kaga dhawaaqay Telefishinka Dowladda Afganistan ee ay gacanta ku hayaan.

Waxa uu tilmaamay inaysan Daalibaan doonaynin inay Haweenku noqdaan Dhibanayaal.

Mar uu ka hadlayey Qaab Dhismeedka Do




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip