HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 17-AUGSTO 2021

0
Tuesday August 17, 2021 - 09:35:59 in Wararka by
  • Visits: 635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 17-AUGSTO 2021

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
Rooble oo lagu soo dhoweeyey Qaahira iyo war laga soo saaray safarkiisa

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ay aa gaaray Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, ka dib markii uu Dorraad ka duul ay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
      Ra'iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Qaahira International dhiggiisa dalkaas Mustafa Madb uuli iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Masar.
Ra'iisul Wasaare Rooble iyo wafdigiisa ay aa ku tagay dalka Masar booqasho rasmi ah oo ku saleysan xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga labada dale e Masar iyo Soo maaliya.
       Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa casu umaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dal ka Masar Cabdulfitaax Al-sisi, waxayna labada dhinac yeelan doonaan kulammo ay uga wada xaajoo doonaan arrimaha khuseeya xiriirka labada dal.
       Ra'iisul Wasaare Rooble waxaa safarkaan ku wehlinaya wasiirka arrimaha dibadda Max amed Cabdirisaaq, wasiirka waxbarashada, Cabdullaahi Abuukar Xaaji iyo mas'uuliyiin ka le oo ka tirsan goleyaasha dowladda.
Socdaalka Ra'iisul Wasaaraha ee dalka Ma sar ayaa qaadan doona mudo laba cisho ah, waxaana ka warbixiyay safiirka Masar ee Soo maaliya Ilyaas Cumar Abuukabar.
       Dowldaha Sacuudiga Iyo Somalia Oo Ka Wada Hadlay Maalgashiga Kalluum eysiga
     Dowladda Sacuudiga ayaa ka baaraan de gayso inay Maalgelin ku samayso qeybaha ka la duwan ee Dhaqaalaha Somalia.
Wargeyska AAWSAT ee Sacuudiga laga le eyahay, balse ka soo baxa magaalada London ayaa qo ray Xogta ku aadan Qor sh aha Dowla dda Sacuudiga ku doonayso inay maalgelin ku bixiso Mashruuca Kalluume ysiga Somalia.
      Wargeyska waxa uu qoray in Saraakiil ka socotay Hay'adda Guud ee Sacuudiga ugu qa abilsan Ganacsiga Dibedda ee GAFT iyo dhi gooda Somalia ay Kulan Khaas ah ku yeeshe en Caasimadda dalka Cu maan ee Masqat.
Muddadii uu socday Kulankaasi waxay Er gada Sacuudiga sheegeen inay Somalia ka jirto Fursado badan oo maalgashi, gaar ahaan Mashruuca Kalluumeysiga.
      Dalka Somalia waxa uu ka mid yahay dalal ka ugu Xeebta dheer Qaaradda Afrika, isla ma rkaana hayinka u ah dhoofinta Xoolaha iyo Kalluumeysiga ee Afrika. Si kastaba ha ahaa tee,Hay'adda Guud ee Sacuudiga ugu qaabil san Ganacsiga Dibedda ee GAFT waxaa loo asaasay sare u qadida Hawlaha       Maalgashiga Sacuudiga iyo in la adkeeyo Mowqifka Sacuud iga ee Ganacsiga ee Maandiqada iyo guud ah aan Caalamka.
Midowga Musharixiinta oo kulan la qaatay Urrurada Bulshada Rayidka


     Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxwe ynaha ayaa Maalintii Saddexaad oo xiriir ah waxaa ay kulan ku leeyihiin Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho, kaas oo ay kaga hadla yaan xaaladda doorashooyinka Soomaaliya.
      Kulanka Maanta ayaa waxaa ku biiray Urrur ada Bulshada rayidka oo Midowga Musharixiin ta kala hadlay arrimahaa la xiriira doorashooy inkii dhacay ee Aqalka Sare iyo kuwa Aqalka Hoose ee dhawaan dhacaya, kuwaas oo sida ay ku billowdeen ay Midowga Musharixiinta walaac ka muujiyeen.
Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa Urrurada Bulshada rayidka waxaa
     uu la wadaagaymowqifka Musharixiinta ee sida ay ku billowdeen doorashooyinka Aqalka Sare iyo in kuwa Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka ay noqdaan kuwo ku dhaca si xur iyo xalaal ah.
     Guddoomiyaha Urrurada Bulshada Rayid ka Soomaaliyeed Cusmaan Muxudiin Shaatax ayaa markale ku celiyay in sida ay ku billowd een doorashooyinka Aqalka Sare ay yihiin musuq maasuq, isla markaana ay noqon doon aan kuwo dhibaato ku noqon doonta dowladda soo socota.
Xubnaha Midowga Musharixiinta oo wada la tashiyo kala duwan ayaa waxaa la filayaa inay kulamo kala duwan la yeeshaan Ra'iisul Wasaare Rooble oo gacanta ku haaya
      howlaha doorashoohinka iyo Wakiilada Beesha Caalamka.
Madaxweynaha Puntland oo Maanta xar igga ka jaray Waddada NECSOM
        Garoowe:-Madaxweynaha dowlad gobole edka Puntland Mdane Siciid C/hi Deni, ayaa Maanta xarigga ka jaray Waddada NECSOM oo isku xirta Jidka 30-ka iyo Laamiga weyn ee Garoowe kuxira Ma galoyinka kale ee Puntlan d.
Waddadaan cu sub ee laamiga ah ayaa kha rashka ku baxay waxaa dhamma antiis bixisay dowlad goboleedka Puntland, wa xayna ka mid aheyd 4 Waddo oo Madaxweyne Deni dhagg ax dhigay 7-June 2021.
Q/Midoobay Oo Ka Hadashay Xaaladda Ka Taagan Afghanistaan
    Xoghayaha guud ee Q/Mido obay Antonio Gutterres ayaa ko oxda Taliban iyo dagaalyah ana da kaleba ugu baaqay inay deji yaan xaal adda si loo badbaadi yo nolosha shacab ka.Bayaan ka soo baxay afhayeenkiisa, ayuu Gutteres ku shegay inay qasab tahay in wax laga qabto baahiyaha bini'aadanimada, xuquqda iyo xoriyadda dadka oo dhan. Xoghayaha Qaramada Midoobay waxaa uu si gaar ah walaac ugu muujiyay mus taqbalka haweenka iyo gabdhaha yar yar ku waas oo bayaanka lagu sheegay inay waajib tahay in il gaar ah lagu eego.
Ra'isul Wasaarihii Dalka Malaysia Muxi yadiin Yaasiin Oo Is Casilay
      Muxiyadiin Yaasiin oo muddo 17-bilood hayey xilka Ra'isul-wasaaraha dalkaasi ayaa Is-ca silay, iyadoo ay Xukuum adiisana burburtay.
Ra'isul-wasaaraha ayaa waayey Taageeradda Isba haysigiisa, wux uuna noq day Ra'isul-wasaaraha ugu xilka gaabnaa ee dalkaasi soo mara.
Boqorka dalka Malaysia, Suld aan C/llaahi Suldaan Axmed Sha ah waxa uu aqbalay Is-casilaadda Ra'isul-wa saarihii dalkaasi, iyadoo RW is-casilay laga dal baday inuu xilkii sii hayo inta Ra'isul-wasaare cusub laga soomagaca abayo
    Midowga Musharixiinta Oo Walaac Ka Muuji yay Qaabka Ay Ku Billawdeen Doora shooyinka Dalka
     War murtiyeed laga soo saaray Shirka Mido wga Musharaxiinta ee saddexda maalmood u socday, ayaa waxaa laga soo saaray qodobbo dhowr ah,
waxaana ay ku baaqeen in kaalinta Dow lad Goboleedka ay noqoto fududeynta iyo ha bsami u qaba shada doorashada.
War-murtiyeedka ay soo saareen Midowga musharxiinta Madax weynaha ayaa wax aa Xukuumadda loo gu baaqay in doora shada aqalka hoose ay noqoto mid daah furan, waxa ana sidoo ka le uu gol ohu walaac ka muujiyay qaab ay ku billawdeen doorashooyinka dalka.
Waxaa War murtiyeedka lagu soo koobay afar qodob oo G/Midow ga Musharixi inta ay ku sheegeen kuwo lagama maar maan ah oo doorashada dalka ka dhacaysa Muhiim u ah.
Hoos ka akhriso Warmurtiyeedka
 
 

DF oo guullo ka sheegatay howlgal ka dhacay Baay
     Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay aa ka hadashay howl-gal qorsheysan oo saaca dihii lasoo dhaafay ciidamada milatariga dalka Soomaaliya ay ka sameeyeen duleedka M/Ba ydhabo ee xarunta gobolka Baay.
        Taliyaha qeybta 60-aad ee ciidamada Xoo gga dalka Soomaaliyeed, General Maxamed Sheekh C/hi (Ciirow) oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in howl-galkaasi ay ku la wareegeen deegaanka Goofgaduud Shabe eley oo ka tirsan gobolkaasi.
      Sidoo kale taliyaha ayaa xusay inay weera rkan ku dileen ugu yaraan 9 xubnood oo ka tir sanaa kooxda Al-Shabaab, ayna burburiyeen saldhig ay ku lahaayeen halkaasi.
        Gen.Ciirow ayaa sidoo kale intaasi ku dar ay in haatan ku sugan yihiin deegaanka Goofg aduud Shabeeley, isla-markaana ay si wadi do onaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
       Dhanka kale ma jiro weli wax hada ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aad dan howl-galkaas ee ay guullaha ka sheegatay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
       Xaaladda goobihii lagu dagaallamay ayaa weli kacsan, waxaana dadka deegaanka ay ca bsi ka muujinayaan inay markale soo rogaal celiyaan xoogaga Al-Shabaab.
      Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka socday howl-gallo ballaaran oo ay si wada jir ah fulinayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM
Wiil Dhalinyaro Ah Oo Ku Geeriyooday Ba dda Warsheekh Iyo Faah Faahin Kasoo Baxeysa
      Wararka aan ka heleyno D/Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in barqadii Maanta meel ku dhow xeebta degmadaas uu ku geeriyooday Wiil dhalinya ro ah oo bad da ay qaaday.
      Dad ku sugan Warsheekh oo la had lay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Wi ilka dhalinyarada ahaa ay badda ka qaaday halka loo yaqaano Qululubta ee xigta dhinaca Waqooyi, xili uu halkaas badda uga dabaalan ayey.
        Allaha u naxariistee Wiilka geeriyooday ay aa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Ax med Xuseen, waxaana xeebta gaaray dadwey ne farabadan oo qaarkood soo qaaday Meyd ka Marxuumka.
Maxamed Axmed ayaa kamid ahaa Xer Subacley ah oo maalmo ka hor degmada War sheekh ee G/Sh/Dhexe ee Maamulka Hirshab eelle u tegay ka qeyb galka siyaaro ka socota degmadaas.
      Iyadoo Maanta Marxuum Maxamed Axmed Xuseen lagu aasay qabuuro ku yaalla gudaha Warsheekh, waxaana geeridiisa ka naxay Qoy skiisa iyo         Culumadii diinka soo baray, maad aama uu ahaa wadaad Subcley ah Hargaysa: Xaflad loo dhigayay xildhiba an oo la joojiyay
Ciidanka booliiska Somaliland, ayaa jooj iyay xaflad taageerayaal hablo ahi u dhigayeen xildhibaan Axmed Nuur Yuusuf (Guruuje), oo ka soo baxay xisbiga Kulmiye ee talada haya lakiinse la fikir ah mucaaradka.
      "Xildhibaanka xaflada loo dhigayay waa xil dhibaannadi aakhirkii u codeeyay caddaalada iyo isbadalka waxa lagu eryan ayaana waa ma xaad noo ga codaysay, ha dda naga codaysay dhulka ayaanu kugu cidhiidhyay naa ayay u egtahay" sida waxa yidhi Xildhibaan Max ammed Jaamac Kodbuur.
       Xildhibaan Xasan Ogaal oo kamid ahaa xil dhibaannadii xaflada kasoo qayb galay ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan ciidanka booliis ka Somaliland, ay ugu yimadeen Hoteelkii ay xafladu ka dhacaysay isla markaana ay u shee geen in saraakiisha amaanku ku amreen in ay xaflada joojiyaaan.
     "Saddex sarkaal ayaa noo yimid, waxay na gu wargaliyeen in amar lagu soo siiyay in xafl ada ay joojiyaan, waxaanu waydiinay sababta, waxay yidhaahdeen amar baanu qabnaa, wa xa nasoo diray xubnaha naga sareeya ee la hadla, wasiirka arrimaha gudaha, taliyaha cii danka iyo badhasaabka la hadla ayay yidhaa hdeen" ayuu yidhi xildhibaanku.
      Xildhibaan Guruuje oo ah shakhsiga xafla da loo dhigayay ayaa saacado ka hor xaflada bogiisa Facebook kusoo qoray "xafladaha iyo casuumahadaha midna ma tago cidkasta oo i casuuntay ha iska raali ahaato" isla markaana xildhibaanku muu joogin xaflada ay ciidanku baajiyeen ee isaga loo dhigayay.
       Xaflada kadib ayuu haddana Guruuje qo ray "habeen dhawayd ayay hablo ka mid ah dadkii isoo doortey igu casuumeen xaflad Ho tel Xayaad , xafladii oo aanan waxba kala so con qaban qaabadeeda, ayaa maqribkii la igu wargeliyay in la keeney askar police ah , ka dibna waxaan ku wargeliyay in xafladda la iska joojiyo si aan Muranba u imanin"
Xaflada ciidanku joojiyeen ayaa ahayd xafl ad qaar kamid ah hablaha taageerayaasha u ah xildhibaan Guruuje, ay ugu qabanayeen hot eel Xayaat oo ku yaala magaalada Hargaysa, ilaa hadana ma cadda sababta keentay in xukuumadu ay beegsato xaflada.
Xigasho:somaliweyn.com
      Jubbaland oo ka hadashay Shaqaaqadii ka dhacday degmada Doolow
      Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha ju bbaland S/Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhu maal ayaa waxaa uu umahad celiyey dhamaan intii ka qeyb qa datay xalintii shaqaaqadii yareyd ee ka dhacday degmada doloow ee Gobolka Gedo.
       Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa sidoo kale loogu mahad celiyay Odaya asha dhaqanka oo ugu horeeyo suldaanka , maamulka degmada ,taliyaha guutada 10aad , taliyaha nabad sugida gobolka.
       Sidoo kale waxaa loo mahad celiyay Taliy aha Ciidanka xooga dalka Soomaliyeed, aba an duulaha ciidanka XDS iyo taliyaha ciidanka lugta sidii nabad galyada aheyd ee loo xaliyey shaqaaqadii yareyd ee ka taagneyd degmada doloow. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa xiisad u dhaxeeysay      Ciidamada dowladda Soo maaliya ay geysay gobolka Gedo & kuwii uu dowladda ku wareejiyay Cabdirashiid Janan ay ka taagneyd degmada Doolow balse xal laga gaaray.
      Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Garo onka Diyaaradaha Baydhabo
       Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerar madaafiic ah ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Shaati Gadu ud ee M/Baydhabo, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda So omaliya iyo kuwa AMISOM.
       Dad ku sugan M/ Bay dhabo ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in ay maqlay een jugta madaafiicda, kuwaas oo ku dhacay Xaafada ku dhow dhow Garoonka diy aaradaha M/Baydha bo.
       Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku daraya an in Ciida mada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM kuna sugan Garoonka diyaaradsha Magaalada Baydhabo ay dhankooda madaafiic dhowr ah ugu jawaabeen Xubnaha Al-Shab aab ee weer arka madaafiicda ah kusoo qaaday.
       Weerarka Madaafiicda ah ee lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli doora shada Aqalka Sare ay ka dhacday Magaalada Baydhabo sidoo kale ay Ciidamada Nabads ugida wadaan howlgallo amniga lagu xaqiij inayo.
Kalluumeysato ku geeriyootay Xeebaha Gobolka Jubbada Hoose
       Maamulka Jubbaland ayaa faah faahin guud ka bixiyay dad kalluumeysato ahaa oo ku dhintay Xeebaha G/Jubbada Hoose, kadib da beylo xoogan oo ka kacay Xeebaha Gobo lkaas.
        Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga & kheyra adka Badda Mamaulka Ju bbaland Cabaas Cali ibra ahim ayaa sheegay in dab eeylaha kacay ay sabab een inay qalibmaay 11 do omood, isla markaa na ay ku dhinteen 5 Ru ux oo kalluum eysato ahaa.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ay dabeylaha sidoo kale burburiyeen Guryo ku yaal Xaafada Calaleey ee magaalada Kisma ayo, kuwaas oo xigay dhinaca Badda, balse aan wax khasaaro ah ka dhalan.
      Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Kallu umeysiga & kheyraadka Badda Maamulka Jubbaland Cabaas Cali ibraahim ayaa uga digay dadka ku nool xeebaha Gobolka & Kal luumeysatada Gobolka Jubbada Hoose inay Badda galaan, isla markaana ay taxadar ka muujiyaan dabeeylaha socda.
Sanad walba marka la gaaro xilligaan oo ka le ayaa waxaa dabeeylo xoogan ay ka billow daan inta badan Xeebaha dalka Soomaaliya, waxaana ku dhinta qaar kamid ah kallu umeysatada kuna burbura dooman dhowr ah. 
Afhayeenka Ururka Taalibaan "Ma Jiri Doono Wax Aargoosi Ah"
       Afhayeenka ururka Taalibaan ayaa BBC-da u sheegay "in aysan jiri doonin wax aargoosi ah" oo lagula kici doono shacabka reer Afgha nistaan.
"Waxaan dadka reer Afgh anistan u ballanqaadaynaa, gaar ahaan kuwa jooga Ka bul in naftooda iyo hant idooda ay tahay ammaan- ma jirta cida laga aargoosan doono," Ayuu Suhail Shaheen ku yiri BBC.
       "Hoggaankeennu wuxuu faray ciidamadeenna inay ku sugnaadaan iridda Kabul – inays an soo gelin magaalada. Waxaan sugnaba waa in si nabad ah xilka lagula kala wareego "
      Waxa uu sidoo kale sheegay in dhammaan dadka reer Afgaanistaan ay ka qeybqaadan doonaan dowladda Islaamka – taasoo la micno ah in dadka reer Afgha nistan ee aan Taali baan ahayn lagu dari doono.
Ogow magaca cusub ee loo bixinayo Afgha nistan marka la dhiso dowladda TALIBAN
     Taliban ayaa Shalay si buuxda gacanta ugu haysa magaalada caasimadda ah ee Ka bul marka laga reebo garoonka diyaaradaha, kadib markii madaxweyne Ashraf Ghani uu dalka ka cararay.
      Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa maamula ya ciidamada Mareyk anka, oo isku dayaya in ay si nabdoon magaal ada ugala soo baxaan muwaadiniintooda, sha qaalaha diblomaasiyadeed iyo Afgaaniyiinta la shaqeeyey.
      Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Taliban ayaa isku ballaariyey magaalada, waxaa na qaarkood ay ku sugan yihiin madaxtoyada.
Afhayeenka Taliban, Suhail Shaheen ayaa sheegay in kooxda ay maalmaha soo socda ye elan doonto wada-hadallo ku saabsan dhisidda dowlad Islaami ah oo loo dhan yahay.
      Sarkaal kale oo ka tirsan Taliban ayaa she egay in magaca cusub ee dowladda uu noqon doono Imaaradda Islaamiga ah ee Afghanist an, oo ah magacii horey loogu yaqiin intii Tal iban ay xukumi jireen, ka hor inta aanu Marey kanka ridin 2001.
     Hawada magaalada ayaa waxaa lagu arka yaa diyaaradaha qumaatiga ukaca oo daad-gureynaya shaqaalaha Mareykanka, oo la she egay inay maalmo ku qaadan doonto inay si buuxda uga baxaan magaalada.
      Dadka magaalada laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ah safiirka Mareykanka.
Waxaa istaagay duulimaadyadii ganacsiga, waxaana magaalada laga maqlayaa rasaas go os goos ah. Shacab badan oo reer Afghanis tan ah ayaa ka cararaya dalka, ayaga oo qaar kood ka cabsi qaba xukunka Taliban. Madax weynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa shee gay inuu dalka ka cararay "si looga hortago dhiig daata," ayada oo Taliban ay si ra smi ah u galeen madaxtooyada dalka ee ku taalla magaalada caasimadda ah ee Kabul.
Ghani ayaa sheegay inay la noqotay "in mu waadiniin badan ay shahiidi lahaayeen, islamarkaana Kabul la burburin lahaa," haddii uu sii joogi lahaa.
"Taliban waa ay guuleysteen, waxayna had da mas'uul ka yihiin sharafta, hantida iyo dhow ridda walaalahood," ayuu Ghani ku yiri bayaan uu soo dhigay faecbook.
      "Waxay iminka wajahayaan tijaabo kale oo taariikhi ah. Ama waxay joogteyn doonaan ma gica iyo sharafta Afghanistan, ama waxay ahm iyad siin doonaan meelo kale iyo shabakado," ayuu yiri
     Ghani ma uusan shaacin halka uu u carar ay, hase yeeshee warbaahinta ugu weyn Afgh anistan ee Tolo ayaa sheegtay inuu aaday dal ka Tajikistan.
Boqolaal Ciidamo Mareykan Ah Oo Ku Waja han Kabul Iyo Wararkiii Ugu Dambeeyay Afghanistaan
      Toddobaadyo un ka hor inta aanay dowlad da Mareykanka soo geba-gebeyn kasoo saari sta militarigeeda ee dalka Afghanistan, ayaa taliyayaasha waxay boqolaal askari oo cusub u direen magaalada Kabul.
      Waxay shegeeen in hadafka uu yahay in diblomaasiyiinta Mareykanka iyo xulufadooda reer Afghanistan laga soo daad-gureeyo halka as, kadib markii ay si rasmi ah ula wareegtay kooxda Taliban.
      Sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa goor dambe oo Axaddii ah VOA u xaqiijiyey in Mareykanka uu 1,000 askari oo kale oo ka tirs an guutada 82-aad ee qeybta Airborne Brigade Combat u diray gar oonka diyaardaaha Hamid Karzai ee Kabul, halkaasi oo saraakiisha iyo        muwaadiniinta Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeeya ay gabbaad ka dhigteen.
Tegitaanka ciidankan cusub ayaa tirada gu ud ee ciidamada Mareykanka ee Afghanistan ka dhigeysa 6,000, taasi oo saddex jeer ka badan tirada ciidankii Mareykanka halkaas uga sugnaa markii ay billaabeen ka bixitaankooda, bishii May.
hore, sarkaal Mareykan ah oo codsaday in aan la magacaabin ayaa VOA u sheegay inay gacanta ku hayaan maamulka safaaradda iyo garoonka diyaaradaha. Hase yeeshee saa cado gudahood ayaa waxaa rasaas ay kusoo dhaceysay garoonka.
Pentagon-ka ayaa goor dambe oo Axaddii ah sheegay inay la wareegeen maamulka haw ada garoonka, ayaga oo gacan ka helaya cii damada Afghanistan.
       "Duulimaadyada ganacsi waa ay socdaan, inkasta oo mararka qaar uu hakad ku imana yo," waxaa sidaas yiri afhayeneka Pentagon-ka John Kirby.
"Boqolaal muwaadiniin ah oo ay ku jiraan shaqaale Mareykan ah iyo rayid kale ayaa illaa hadda lasoo qaaday," ayuu yiri Kirby. "Waxaan sii dhisi doonnaa awood aan ku dedejineyno soo qaadista muwaadiniinta Afghanistan ee halista ku jira."
Kirby ayaa ka digay in "halis kasta oo lagu soo rogo howlgalka Mareykanka loo qaadan doono si dhab ah, loogana jawaabi doono aw ood xooggan."
       Diblomaasiga ugu sarreeya Mareykanka ayaa la-wareegista Taliban ee dalka Afghani stan ugu yeeray "mid qalbiga xanuujineysa," wuxuuna sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka shaqeynayaan inay dhammaan dadka Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeeyey kasoo saaraan dalkaas.
       Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blin ken ayaa sheegay in badqabka shaqaalaha Mareykanka, oo weli ku sugan safaaradda, iyo Afgaaniyiinta caawiyey ay tahay "shaqadoda 1aad." "Mareykanka wuxuu sameyn doonaa wax kasta oo suurta-gal ah oo aan awoodno, si aan uga soo baxno dalka, haddii taas ay ta hay waxa ay doonayaan," ayuu Blinken u she egay Barnaamijka State of the Union ee tale fishinka CNN.
       "Taliban waxba ma aynan weydiisan. Wax aan u sheegnay haddii ay faraha lasoo galaan shaqaalaheena ama holwgalladeena inta aan ka baxeyno, ay jiri doonto jawaab deg deg ah oo adag," ayuu yiri Blinken.
Madaxweyne Biden Oo Loogu Baaqay Inuu Is-Casilo
        Qoraal uu soo saaray Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump waxa uu ugu baaqay Mada xweyne Joe Biden inuu iska casilo xilka, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Daalib aan la wareegeen dalka Afg anistan.
       Trump waxa uu ku eedee yey Biden inuu ku kacay Gu ul-daradii ugu weynayd ee Taar iikhda Mara ykanka.
Dhinaca kale, Waaxda Difaaca Maraykanka waxay sheegeen inay 6,000 oo Askari u direen Afganistan, si ay u soo daad-gureeyaan Muw aadiniinta Maraykanka ee ku sugan caasim adda Afganistan ee Kabul.
      Milliteriga Maraykanka waxay la wareege en Maamulista Garoonka Caalamiga ee Kaa bul, iyagoo hakiyey Duullimaadyadii Ganacsi ga ee isticmaali jirtay Garoonkaasi.
       Afhayeenka Waaxda Difaaca Marykanka, John Kirby ayaa sheegay inay Ciiddanka Mara ykanka la wareegeen Mas'luliyada Garoonka, iyagoo taageerayo dhigooda Afganistan.
      Wararka kale ee ka imaanayo Caasimadda Kabul waxay sheegayaan inay Daalibaan la wareegeen Telefishinka Qaranka Afganistan, iyagoo Fariin la soo  duubay ka bahiyey TV-ga.
      Waxay ugu baaqeen dadka Reer Afganistan inay ku nagaadaan Deganaansho, iyadoo Habeen hore ahayd Habeenkii u horeeyey ee ay Koo xda Daalibaan ku sugan tahay gudaha Kabul, gaar ahaan Qasriga Madaxtooyada ee dalkasi.
AL-SHABAAB IYO TAALIBAAN: 3-ARRIMOOD OO AY KA SIMAN YIHIIN IYO 3 AY KU KALA DUWAN YIHIIN.
 
      Al-Shabaab iyo Taalibaan waxay labaduba ka tirsan yihiin ururka Al-Qaa cidda ee ka howlgala meelo ka mid ah caalamka. Balse waxaa jira arrimo ay ka siman yihiin labada kooxood iyo kuwo ay gabi ahanaba ku kala duwan yihiin.
Taalibaan oo micnaheedu yahay "arday", oo asal ahaan ka timid luuqadda Pashto, waxay soo if baxeen 1990-meeyadii, xilligaas oo ay ka soo billowdeen waqooyiga dalka Pakistan, kaddib markii ay ciida madii midowga Soviet ka baxeen dalka Afghanistan.
         Waxaa la aaminsan yahay in dhaqdhaqaaqaas u badan Pashto-ga, uu markii ugu horreysay u abuur may qaab diimeed – oo inta badan ay lacag ku bixine ysay boqortooyada Sacuudga oo ku dadaaleysay fidinta fikradda Muslimiinta Sunniyiinta ah.
Dhanka kale, Al-Shabaab waxay markii ugu horreysay abuurmeen 2006-dii ka dib markii laga adkaaday xoogaggii maxkamadaha Islaamiga ee muddada kooban awoodda ballaaran ku yeeshay ee Soomaaliya.
        Sidoo kale, Magaca Al-Shabab oo micnhiisa luuqadda carabiga uu yahay "dhallinyaro", waxaa la aaminsan yahay inay la baxeen garab ka tirsanaa maxk amadaha Islaamiga ee Soomaaliya ka abuurmay oo markii horena ahaa garab kii ciidamada.
Tan iyo xilligaas waxay al-shabaab dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya ee taageerada ka heysata beesha caalamka.
         Haddaba maxay ka siman yihiin labadan kooxood ee jihaad doonka ah, maxayse ku kala duwan yihiin?
Waxaan ku hor mareynaa saddex arrimood oo ay isku mid ka yihiin labada urur ee kala ah al-Shabaab iyo Taalibaan.
1- Inay ka wada tirsan yihiin Al-Qaacidda Taalibaan iyo Al-Shabaab waxay wa da hoos tagaan shabakadda Al-Qaacidda ee dhaqdhaqaaqyada ka sameysa meelo ka mid ah caalamka.
Madaxda Al-Qaacida, ee uu ugu horreeyay Osama Bin Laden, waxa uu sal dhiggooda ahaa Afghanistan ka hor inta uusan Mareykanka weerar ku qaadin.
2001-dii markii uu billowday dagaalka Afghanistan, waxay Taalibaan iyo Al-Qaacida si wadajir ah ula dagaallamayeen ciidamada Mareykanka iyo xulaf adiisa.
         Sidoo kale Al-Shabaab waxa ay caddeysatay inay tahay garab ka tirsan Al-Qa acidda, iyagoo Soomaaliya ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaa sha kooxdaas oo uu ka mid ahaa ninkii loo heystay qaraxyadii safaaradaha Mareykanka ee Nairobi iyo Dar Es Salaam, Fazul Maxamed.
Hoggaamiyeyaasha Al-Qaacida ayaa sidoo kale horay u caddeeyay in Taalib aan iyo Al-Shabaab labaduba ay ka tirsan yihiin garabyadooda, waxayna dhowr jeer arrintaas ku muujiyeen farriimo ay soo direen.
Intaas waxaa sii dheeraa in Soomaaliya ay tageen dagaalyahanno ajaanib ah oo ka socday Al-Qaacida, kuwaas oo al-shabaab ku taageerayay dagaalka ay kula jirto dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ajaanibta ah ee ku sugan dalka.
2- XUKUNKA ISLAAMIGA AH
        Taalibaan iyo Al-Shabaab waxyaabaha ay ka siman yihiin waxaa ka mid ah in labaduba ay sheegeen in ay ujeeddadooda tahay sidii ay xukun islaami ah ugu soo rogi lahaayeen dalalka ay ka dagaallamayaan.
Ururradan waxay isku mid ka yihiin inay yihiin Muslimiin sunniyiin ah iyo sidoo kale in ay aaminsan yihiin fikirka loo yaqaanno Wahaabiyada ee Sacuudiga.
      Madaxda Taalibaan oo hadda la wareegay caasimadda Afghanistan ee Ka bul waxay sheegeen inay xukunka shareecada Islaamka dib ugu soo celin doonaan waddankaas, waana markii ugu horreysay ee ay awoodda si buuxda u qabsadaan muddo 20 sano gudahood ah. Al-Shabaab qudheeda waxay nidaa mkaas ku xukuntaa magaalooyinka ay gacanta ku heyso ee Soomaaliya. Wax ayna horey u dalbadeen in dalka oo dhan lagu xukumo shareecada Islaamka.3- La dagaalanka Ururka la baxay dowladda Islaamka (IS)
       Al-Shabaab iyo Taalibaan waxay ka siman yihiin in ay cadow ku yihiin urur ka la magac baxay Khilaafada Islaamka, oo kooxo tageero u ah ku leh Afrika, sida Boko Haram.
       Labada kooxoodba waxay la dagaallameen xoogagga kooxda IS oo awood ku yeeshay dalalka Ciraaq iyo Suuriga, ka hor inta aan la wiiqin.
Kooxda IS waxa ay dhaqdhaqaaqyo ka sameeyeen gudaha Soomaaliya, balse waxa ay meelo badan ku dagaallameen Al-Shabaab.
Dhanka Afghanistan waxay dagaallo xooggan dhex mareen dagaalyahanna da Taalibaan iyo kuwa IS oo doonayay inay ku xoogeystaan waddankaas.
Arrimahaas oo dhan waa kuwa ay laba kooxood ka siman yihiin, balse wax kasta isku mid kama ahan, gaar ahaan marka ay timaaddo fikradaha qaarkood.
     Waxaan tusaale usoo qaadaneynaa saddex waxyaabood oo ay ku kala duwan TAALIBAAN IYO AL-SHABAAB:
1- Wadahadallada nabadda.
      Dhanka diblomaasiyadda, isku mid kama ahan al-Shabaab iyo Taalibaan, gaar ahaan sannadihii ugu dambeeyay. Horay ururka Taalibaan waxaa loogu aq aannay inuu dagaal ku raadiyo wax walba, balse waayadan waxaa istiraatiiji ya ddooda ku soo kordhay diblomaasiyad iyo wadahadal. Dhowr goor ayay wa kiillo ka socda Taalibaan miiska wadahadalka la fariisteen ergooyinka dowladda Afghanistan iyo Mareykanka, iyagoo ka wada xaajoonayay sidii nabad loo gaari lahaa. Arrintaas waxay billaabatay wixii ka dmabeeyay markii hoggaanka koo xdan uu la wareegay Hibatullah Akhundzada.
Illaa hadda oo ay la wareegeen waddanka Afghanistan, waxa ay sheegeen inay diyaar u yihiin in wadaxaajood ay la sameeyaan dalka Turkiga. Pakistan ayaa waddo dadaal ay labada dhinac isugu soo dhaweyneyso.
Xafiis howlaha siyaasadda iyo diblomaasiyadda u qaabilsan ayay Taalibaan ku leedahay magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar.
Marka la eego al-Shabaab, erayga "wadahadal" kuma jiro qorshahooda "inta ay ciidanka ajaaniibka ku sugan yihiin dalka", sida ay horey u sheegeen madaxdeeda.
Al-Shabaab waxay dowladda Soomaaliya la dagaallameysay in ka badan 10 sano Marar badan waxay madaxda al-Shabaab u sheegeen inaysan wax wad ahadal ah gali doonin dowladda Soomaaliya.
2 – Qaabka maamulka
     Maamulka Taalibaan wuxuu u dhisan yahay qaab cad oo howlaha loo kala leeyahay.
Hoggaamiyaha kooxda waa Hibatullah Akhundzada, oo horay u ahaan jiray madixii hore ee waaxda caddaaladda Taalibaan.
Ku xigeenkiisa dhinaca siyaasadda Mullah Abdul Ghani Baradar.
      Ku xigeenka dhinaca militariga na waa wiilka uu dhalay aasaasihii Taalibaan Mullah Cumar, waxaana lagu magacaabaa Mullah Mohamed Yacquub.
Ku xigeenka saddexaad waa Sirajuddin Xaqaani, oo ah madaxa garabka Xaqaani.
 
      Mullah Abdul Hakeem, ayaa haya xilka kormeeridda howlaha caddaaladda ee kooxda.
Waxay kooxda leedahay Guddiyaal isugu jira Militari, Sirdoonka, Siyaa sadda, Dhaqaalaha iyo 13 guddi oo kale.
 
Waxaa la aaminsan yahay in Taalibaan ay taageero ballaaran ka heysto shacabka, taasina ay u suurtagalisay in ay si fudud ku gaaraan meelo badan.
       Al-Shabaab inta la ogyahay ma lahan nidaam cad iyo hanaan maamul oo la mid ah midka Taalibaan. Way leeyihiin hoggaan sare, afhayeen iyo madax gobollada u kala qaabilsan, balse weli ma aysan sheegin sida ay awoodda u kala leeyihiin.
       Waxaa lagu yaqaannaa oo kaliya in ay leeyihiin Hoggaamiye iyo afhayeen.
Balse magaalooyinka ay gacanta ku hayaan waxaa ka dhisan maamullo fuliya adeegyadooda.
3- Awoodda ciidanka
      Marka la fiiriyo awood ahaan, farqi aad u weyn ayaa la aaminsan yahay inuu u dhaxeeyo cududda militari ee Al-Shabaab iyo Taalibaan.
Inkastoo aan tiro sax ah la heynin, dagaallamayaasha kooxda Taalibaan waxay khubarada u kuur gasha ku qiyaasadaan in ka badan 150,000 oo hub eysan.
        Tiradaas waxay la eg tahay kala bar ka mid ah ciidamadii militariga Afghan istan ee shaqeynayay xilligii ay dowladda dhisneyd.
Balse labaatankii sano ee la soo dhaafay awoodda kooxdan ayaa wiiqantay waxayna aad uga yar tahay awooddii ay lahaayeen markii ay Afghanistan maamulayeen ee ka hor 2001-dii.
       Al-Shabaab awood ahaan way ka hooseysaa Taalibaan.
      Waxaa tirada dagaallamayaash Al-shabaab lagu qiyaasaa inta u dhaxeysa 7,000 ilaa 9,000, walow laga yaabo in ay tiradaas isbaddashay dhowrkii sano ee la soo dhaafay. Xigasho:BBCSomal
DHOWR QOF OO LAGU DILAY GAROONKA DIYAR ADAHA EE KABUl
       Dhowr qof ayaa Dorraad lagu dilay Garoon ka Diyaaradaha ee caas imadda dalka Afga nistan ee Kabul, kadib, markii ay Ciiddanka Maraykanka rasaas fureen.
      Ilo dhanka Amaanka ayaa sheegay inay Cii ddanka Maraykanka ee la wareegay Garoonk aasi ay ras aaseeyeen dad Reer Afgaan ah oo ku sugnaa xayn daabka Garoonka oo uu Ciriiri badan ka jiray.
Wakaalladda Wararka FP waxay mar sii horeysay sheegtay inay Ciiddanka Maraykan ka rideen rasaas digniin ah, si ay dib u cel iyaan dad badan oo ku soo xoomay Dhabaha ay Diyaaradaha ka hinqadaan, kuna soo deg aan (The Runway).
Goobjoogayaal kale la hadlay Wakaalladda Wara rka REUTERS waxay shee geen in ugu yaraan 5 qof lagu dilay Rasaasta ay Ciiddanka Maraykanka ku fureen dadweyne badan oo ku yaacay Diyaarad Garoonka tag nayd, si ay u baxsadaan Cabsida iyo Hubaal La'aanta ka jirta magaalladda Kabul.
Warbaahinadda Caalamka waxay qaarkood sheegayaan in ugu yaraan 3 qof la gu dilay Garoonka Kaabul. 
 
SOMALIA

CALAAMADDA GANACSIGA – OGEYSIISKA GUUD

SUN

OGAYSIIS HALKAN WAXA LOO BIXIYAY in sumadda ganacsi ee kor ku xusan ay tahay astaanta ganacsiga:
Oracle America, Inc., a corporation organised and existing under the laws of the State of Delawareof500 Oracle Parkway, Redwood Shores, California 94065, United States of America

waxaana loo adeegsadaa xiriirinta:

Qalabka kombiyuutarka, adeegayaasha, iyo aaladaha wax lagu kaydiyo; qalabka kombiyuutarka.

OGAYSIIS WAXAA KALOO BIXIYAY in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad adeegsata sumadda ganacsiga ee la sheegay ama ku dayasho kasta ama haddii kale ku xadgudubta xuquuqda shirkaddaas.

 
AKHRISTOOW, MA OGTAHAY IN AAD CUNTAY HILIB

 DOOFAAR.
 
     Qof Muslim ah ayaa isku Diyaarinayo in uu Masjidka aado Salaadda Jimcaha, waxa uu ku soo qubeysanayaa Saabuunta "Zesti", ( F.S: 1a ad). waxa uu ku soo cadayeestay Daawada ilkaha ee "Crest", waxa uu hore u sii iibsanayaa Xanjada "iskuwaash" si uu u sii calaanjiyo oo Afka ugu Carfiyo. ( F.S: 2 & 3aad). Xaaskiisuna Bushimaha ayeey Caseey sanee Markeey Arooska Aadee.
        Ma iska Akhrisay waxa ku dul qoran, mase ogaatay waxa ey ka sameeysan yihiin Saddaxduba?. in ey ku jirto Xeeyrta Doofaarku.
Waxaan Farmashiye ku yaal Deg/ Xamar weyne ka soo iibsaday Ka niini Kaabsol ah, waxaan Akhriyay warqada la socoto, waxaa ku dul qoran in Qolofka ku dahaaran Daawda ee Kaabsolku uu ka sameeysan yahay Xuubka Caloosha Doofaarka. waan iska celiyay Daa wadii, Nasiib wanaag isla Farmashiyihii ayaan ka helay isla Kaabsolkii oo lagu qafilay Xuub ka sameeysan Dhir.
        Markii ugu horeysay ee la sameeyo War shad Nacnac Xanjo ee uu sameeyay Mr. Thomas Adams ( 4 May. 1818- 7 Feb. 1905 ) oo ahaa Seynis yahan Mareykan ahaa, ilaa Maanta Xanjo badan ayaa lagu sameeyay Subag Doofaar. Ma wada ahan dhamaan Xanjada, ee wax iska hubi.
Xoolaha Hilibkooda la cuno, waxaa jiro hab islaami ah oo loo qalo, iyo in Bisinka lagu bilaabo, Australiya oo Hilib u soo dhoofiso Sucuudiga ayaa la amray in ey Habka Qaliinka islaamka marsiiyeen Xoolaha ey Sucuudiga u soo dhoofinayaan. waana ogolaadeen, laakin ma jirin Cid hubto in ey sidaa yeeleen.
       Markii dambe ayey soo dhoofiyeen Hilib Kaluun oo gasacadeysan waxeyna ku soo dul qoreen, "Waxaa loo gowracay Kaluunkaan Habkii islaamka". ( Dubixa bi Dariiqa islaamiya) isma weydiin Kaluunka mala gowracaa. waxaa la dareemay in Xoolaha kalena aan la marsiin dariiqii islaamka, Laakin la isaga qoro oo kaliya. Shiinaha iyo Faransiska ayaa dhoofiyo Hilib Doofaar oo ey ku dul qoran tahay waxaa loo Gowracay Habkii islaamka.( F.S: 4 & 5aad)
Walaaloow iska hubi waxa aad isticmaaleysid waxa ey ka sameeys an yihiin, sida: Daanga Gaaleedka iyo Buskutka qaarkii oo lagu dubaa xeyrta Doofaarka. waa badanyihiin Nuucyada Cunto iyo waxyaabaha kale ee Naloogu dhax qariyo Hilibka ama Dufanka Doofaarka, waadna heli kartaa Qaar ka mid ah Liisaska ey ku qoran yihiin.( F.S: 6-11aad) Badeecadaan 90% waa taal Dalka.
     FG: Yeeyna iga caroon Ganacsatada leh "Super Market-yada" ey Bad eecadaasi Taalo. waxa ey iga tahay Ogaal wadaag iyo ku Baraarujinta Bulshada Islaamka, ka fiiri Liisaska Cilmi baariseed ee la hubiyay.
Wadamada Qaarkood ayaa hadda bilaabay on ey ka reebaan in ey ku dul qoraan in Doofaar ku jiro, waxaase lagu ogaaday sheybaarada wadamada leh "Quality Control" lagu hubiyo waxa Dalka loo soo dhoo fiyo.Qaarkoodna weli waa ku qoraan.
FG: wixii aan ku khalday iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.
la soco, Qeybta Labaad: Cabitaanada Khamriga laguugu soo dhax qariyay ee laga yaabo in aad ogaal la'aan Cabtay Qore: Yahya Amir
 

MUXUU YAHAY TUSAALAHA UU ABIY U SOO QAATAY SOMALIA?
 
      R/wasaaraha dalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed oo ka hadlayey xaaladda cakiran ee dalkiisa ayaa tusaale u soo qaaday dalal ay ku jirto Soomaaliya, kuwaas oo uu tilmaamay inay ka jirto khatar weyn iyo sidoo kale Afduub.
Abiy ayaa shaaca ka qaaday in wadamo badan oo add uunka ku yaallo ay ka jirto xaalad kala tagga ah ee ay haa tan wajaheyso dowladdiisa, isl-amarkaana ay tahay in laga hortego oo dadaal la sameeyo, si la'isugu hayo Itoo biya oo mid ah, sidoo kalena leh awood xoogan.
       Dalalka uu carabbaabay Abiy ee uu sheegay inay khataraha ka jiraan ayaa waxaa ka mid ah Soomaaliya, Yugoslavia, Suuriya iyo Liibiya. "Dalal badan oo adduunka ah ayaa soo maray khatarta afduubka iyo ka la tagga aan Maanta wajahayno," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha wadanka Itoobiya. Sidoo kale waxa uu intaasi sii raaciyey "Dalalkaas waxa ka midah, Soomaaliya, Yugoslavia, Suuriya, iyo Liibiya, waana la afduub tay."
Ujeedka tusaalaha Abiy oo hadal heyn badan dhaliyey ayaa waxa ay dad badan ku tilmaameyn mid digasho ah oo uu ku liidayo Soomaaliya oo haatan xulafo la'ah.
      Hadalkan sidoo kale wuxuu kusoo aadayaa, iyada oo haatan Itoob iya ay jaheyso mowjado dagaal oo wejiyo kala duwan leh, sida dagaalka Tigray iyo kan Soomaalida & Canfarta.
Si kastaba Soomaaliya ayaa hadda xiriir dhow la leh Itoobiya, kaas oo sii xoogeystay 4-tii sano ee uu xafiiska joogay madaxweynaha mud do xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo
 

 
AL-SHABAAB OO U DABAAL DAGTAY GUUSHA TAALIBAAN

 
       Warbaahinta taabacsan ururka Al-Shabaab ayaa daabacday qoraal ay ku sheegeen in ururka uu ku farxay jabkii soo gaaray dowladda Afg hanistaan ee uu caal amka aqoonsanyahay, si doo kale waxa ay soo dhaw eyeen sida ay Taalibaan ula wareegtay maamulka dalkaas. " Allaahu Akbar maga alada Kaabuul ayaa ku dhacday gacanta ciid amada Imaarada Islaamiga ah" sidaas ayaa la gu qoray website-yada Calamada iyo Somali Memo."Dabaaldegyo ayaa ka bilaawday wa danka oo idil, Calanka Towxiidka ayaa laga suray fagaarayaasha waaweyn ee Kaabuul, sawirro ay baahisay Imaarada ayaa muujinay ay mujaahidiinta oo ku roondaynaya xaafad aha Kaabuul iyadoona noloshu si caadi ah kusoo laabatay." ayaa lagu qoray bogga Cala mada.com.
Isla boggaas ayaa sidoo kale lagu qoray : "Waa 20 sano oo halgan jihaad ah kadib oo guushii muslimiinta reer Afghanistan ay xaq iiqoowday, madaxdii dabadhilifyada ee Taa ngiyada Mareykanka lagu keenay iyo boqolaal kii kun ee ciidamadii shisheeye ayaa iy agoo ja bay dalka isaga cararay."
 BBC SOMALI

..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip