Akhristoow, ma ogtahay in aad Cuntay Hilib Doofaar.

0
Monday August 16, 2021 - 20:02:25 in Wararka by
  • Visits: 794
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhristoow, ma ogtahay in aad Cuntay Hilib Doofaar.

    ,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,

Qof Muslim ah ayaa isku Diyaarinayo in uu Masjidka aado Salaadda Jimcaha, waxa uu ku soo qubeysanayaa Saabuunta "Zesti”, ( F.S: 1aad). waxa uu ku soo cadayeestay Daawada ilkaha ee "Crest”, waxa uu hore u sii iibsanayaa Xanjada "iskuwaash” si uu u sii calaanjiyo oo Afka ugu Carfiyo. ( F.S: 2 & 3aad). Xaaskiisuna Bushimaha ayeey Caseeysanee Markeey Arooska Aadee.

Ma iska Akhrisay waxa ku dul qoran, mase ogaatay waxa ey ka sameeysan yihiin Saddaxduba?. in ey ku jirto Xeeyrta Doofaarku.

Waxaan Farmashiye ku yaal Deg/ Xamar weyne ka soo iibsaday Kaniini Kaabsol ah, waxaan Akhriyay warqada la socoto, waxaa ku dul qoran in Qolofka ku dahaaran Daawda ee Kaabsolku uu ka sameeysan yahay Xuubka Caloosha Doofaarka. waan iska celiyay Daawadii, Nasiib wanaag isla Farmashiyihii ayaan ka helay isla Kaabsolkii oo lagu qafilay Xuub ka sameeysan Dhir.

Markii ugu horeysay ee la sameeyo Warshad Nacnac Xanjo ee uu sameeyay Mr. Thomas Adams ( 4 May. 1818- 7 Feb. 1905 ) oo ahaa Seynis yahan Mareykan ahaa, ilaa maanta Xanjo badan ayaa lagu sameeyay Subag Doofaar. Ma wada ahan dhamaan Xanjada, ee wax iska hubi.

Xoolaha Hilibkooda la cuno, waxaa jiro hab islaami ah oo loo qalo, iyo in Bisinka lagu bilaabo, Australiya oo Hilib u soo dhoofiso Sucuudiga ayaa la amray in ey Habka Qaliinka islaamka marsiiyeen Xoolaha ey Sucuudiga u soo dhoofinayaan. waana ogolaadeen, laakin ma jirin Cid hubto in ey sidaa yeeleen.

Markii dambe ayey soo dhoofiyeen Hilib Kaluun oo gasacadeysan waxeyna ku soo dul qoreen, "Waxaa loo gowracay Kaluunkaan Habkii islaamka”. ( Dubixa bi Dariiqa islaamiya) isma weydiin Kaluunka mala gowracaa. waxaa la dareemay in Xoolaha kalena aan la marsiin dariiqii islaamka, Laakin la isaga qoro oo kaliya.

Shiinaha iyo Faransiska ayaa dhoofiyo Hilib Doofaar oo ey ku dul qoran tahay waxaa loo Gowracay Habkii islaamka.( F.S: 4 & 5aad)

Walaaloow iska hubi waxa aad isticmaaleysid waxa ey ka sameeysan yihiin, sida: Daanga Gaaleedka iyo Buskutka qaarkii oo lagu dubaa xeyrta Doofaarka. waa badanyihiin Nuucyada Cunto iyo waxyaabaha kale ee Naloogu dhax qariyo Hilibka ama Dufanka Doofaarka, waadna heli kartaa Qaar ka mid ah Liisaska ey ku qoran yihiin.( F.S: 6-11aad) Badeecadaan 90% waa taal Dalka.

FG: Yeeyna iga caroon Ganacsatada leh "Super Market-yada” ey Badeecadaasi Taalo. waxa ey iga tahay Ogaal wadaag iyo ku Baraarujinta Bulshada Islaamka, ka fiiri Liisaska Cilmi baariseed ee la hubiyay.

Wadamada Qaarkood ayaa hadda bilaabay on ey ka reebaan in ey ku dul qoraan in Doofaar ku jiro, waxaase lagu ogaaday sheybaarada wadamada leh "Quality Control” lagu hubiyo waxa Dalka loo soo dhoofiyo.Qaarkoodna weli waa ku qoraan.

FG: wixii aan ku khalday iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.


la soco, Qeybta Labaad: Cabitaanada Khamriga laguugu soo dhax qariyay ee laga yaabo in aad ogaal la’aan Cabtay

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip