HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES AXAD 15-KA UGSTO 2021

0
Sunday August 15, 2021 - 08:03:19 in Wararka by
  • Visits: 575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES AXAD 15-KA UGSTO 2021

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Farmaajo Oo War Kasoo Saaray Geeridii Ku Timid Guddoomiye Cabdullaahi Abyan

      Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaa day Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tii raanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhamm aan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka

baxay Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Gudd iga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho

      Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Marxuumku uu u soo adeegay dalkiisa iyo dadki isa, isaga oo soo noqday Wasiir, Xildhibaan iyo Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Do orashooyinka Heer Federaal oo uu hadda hayay.

"Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Abyan Nu ur oo muddo u soo adeegayey Qaranka Soomaal iyeed. Geerida ku timid waa mid murugo leh oo taabatay qalbiyadeenna, waxaanna uga tacsiyey nayaa qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Sooma aliyeed ee uu ka geeriyooday”.

     Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo dhammaan shacabka So omaaliyeed ee uu ka baxay.

    Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal ayaa Isbitaalka martiini ee magaalada Muqdisho ugu geeriyooday Cudurka halista ah ee COVID-19 oo ku dhacay, isla markaana uu la jiifay maamlmihii lasoo dhaa fay.

Cumar Filish Iyo Maamulka Sh/Hoose Oo AMIS OM Kala Hadlay Dadkii La Xasuuqay

Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Ma gaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Guddoomiyaha Gobolka Sha beellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa si wadajir kulama kala duwan ula qa atay saraakiisha qeybaha AMISOM iyo sidoo kale taliyaha ugu Sareeya howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya General Ndegeya Dio mede.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii baaritaan deg deg ah loogu sameyn lahaa dhacdadii argag axa laheyd ee ciidamada AMISOM ku xasuuqeen Allaha Unaxariistee dad shacab ah oo kunool dee gaanka Goolweyn ee Shabeellaha Hoose.

Duqa Muqdisho Cumar Filish iyo Guddoomiye Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa u shee gay Madaxda AMISOM inaan la aqbali karin falka asi gurcan ee lagu dilay 7-qof oo shacab ah, isla markaana loo baahan yahay in marxuumiintaas iyo eheladooda ay si deg deg ah u helaan cada alad. Maalmo kahor ayey aheyd markii Ciidamo ka tirsan AMISOM ay dad shacab ah oo aan wa xba Shalaysan ku xasuuqeen degaanka Goolweyn ee hoostega Magaalada Marka, iyagoona halkaas ku dilay 7-qof oo ay ku jiraan dad joogay Baar.

Ehelada dadka la laayay oo la hadlay warbaa hinta ayaa u sheegay in aan Meydka dadka la dilay la aasi doonin ilaa iyo Cadaalad ay hela an, isla markaana Madaxda dowladda Federa alka ka dalbaday inay wax ka qabtaan xasuuqii dhacay.

Midowga Musharaxiinta Oo Faah Faahiyey Shir Gaar Ah Oo Shalay U Furmay

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay Shir gaar ah ee Shalay oo sabti ah uga furmay Ma gaalada Caasimadda ah ee Muqdisho gaar ahaan hotelka Hotelka Jazeera

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur War same oo la hadlay warbaahinta ayaa u shee gay in Shirka u furmay Golaha uu socon doono muddo saddex maalmood ah, isla markaana looga hadlayo doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacday dowlad Goboleedyada iyo doorasha da soo socoto ee Golaha Shacabka.

Waxaa uu sheegay C/raxmaan C/Shakuur in Musharaxiinta ay iska xog-wareysteen do orashooyinkii dhacay iyo walaaca Qaar ka mid ah Musharaxiinta ay ka muujiyeen doorashooy inkii Aqalka Sare ee ka dhacay maamul Gobol eedyada.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Midowga Musharaxiinta ay kulamo la qaadan doonaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda maamulada dalka,Beesha Caalam ka & qeybaha kala duwan ee Bulshada, isla markaana ay kala hadli doonaan arrimaha doorashooyinka.

Ugu dambeyn C/raxmaan C/Shakuur ayaa Carrabka ku dhuftay in Shirka Golaha Shalay u furmay lasoo xiri doono maalinta Isniinta, isla markaana laga soo saari doono Shirka War-murtiyeed ku saabsan mowqifka Golaha ee doorashooyinkii Aqalka Sare ee dhacay iyo kuwa Golaha Shacabka ee soo socda.

Muxuu QOOR QOOR ka yiri eedeynta loo je ediyey, kadib doorashadii GALMUDUG?

       Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmu dug, Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo Habeen hore khudbad ka jeediyey xuska aas aaska 14-ka August ee maamulkaasi ayaa soo hadal-qaaday doora sh adii Aqalka Sare ee ka dhac day magaalada Dhuusamareeb, ka dib markii si aad ah loo dhali ilay qaabka ay u dhacday door ashadaasi.

      Qoor Qoor ayaa shaaca ka qaaday in doo rashada dalka ka billaabatay ay ku timid he shiis, isla-markaana ay tahay mid dadban oo sidii loogu talagalay ku socoto, sida uu hadalka u dhigay.

     Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in la’isku dul-qaato, isla-markaana la taa geero cidda ku soo baxda doorashada.

     "Dalku wuxuu ku heshiiyay doorasho dad ban marka doorasho dadban sideey tahay iyo sidii ay aheyd beey ku socotaa, hadadan adiga kursi ka soo helin ama midaa rabtay uusan kursi ka helina in xumani dhacday micnaheeda ma ahan horay aaan u socono.” Ayuu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi sii raaciyey "Adeer qofkas ta oo Soomaali ah ee soo baxa hadaa tahay musharax cod ka bari cod warso, waxaan lee nahay u dulqaado dalka doorashada uu ku he shiiyay si xun wax uu sheegna ha noqonin meeshii lagu tartami jiray xuShalay waa laga soo gudbaywanaaga aaad soo bandhigto ayaa laguugu dooranayaa,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli maam ullada Galmudug iyo Puntland lagu dhaliilay do orashooyinkii ka dhacay magaalooyinka Gar oowe iyo Dhuusamareeb ee maamulladaasi. Xigasho:caasimada.net

Arday Macalinkoodii Dugsi Qur’aanka Ku Dilay Degaan Ka Tirsan Gobolka Mudug

Wararka aan ka heleyno deegaan dule edka ah Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in gabaldhicii Shalay lagu dilay halkaas Macalin Dugsi Qur’aan oo aad loo yaqaanay.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in Mac alinka Dugsi Qur’aanka lagu dilay deegaanka Laan-Kadawo ee duleedka Koonfureed Maga alada Gaalkacyo, xili uu ku sugnaa hoygiisa, isla markaana uu dhex jiifay.

Laba wiil oo kamid ah Ardeyda Dugsi Qur’ aanka ayaa la sheegay inay macalinkoodii Dugsiga ee barayey Qur’aanka dileen, iyago ona dilkiisa u adeegsaday Faas ama maqar oo qeybaha sare ee jirka uga dhufteen, isagoona goobta ku geeriyooday.

Allaha u naxariistee Macalinka ayaa lagu magacaabi jiray Cadisalaan Maxamuud Ilka-weyne, waxaana Ardeyda ay ugu tageen gur igiisa oo ku yaalla deegaanka Laan-Kadawo, welina lama oga sababtay keentay falkaas dhacay.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii dara yaan in rag dhalinyaro ah oo kamid ah dadka deegaanka Laan-Kadawo ay gacanta ku dhig een Ardeydii dishay macalinkoodii Dugsi Qur’ aanka, kuwaasi oo lagu wareejiyay Ciidanka amniga Galmudug.

Dhacdadaan lagu dilay Macalinka Dugsiga ayaa Xalay aad looga hadal hayaa deegaan ka uu falku ka dhacay, waxaana falkaas si weyn uga naxay waalidiin farabadan oo carru urtooda dhigta Dugsiga Macalinka dhintay.

Farmaajo Oo Asteeyay Maalinta La Daga alanka Musuq-Maasuqa Soomaaliya

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dham maaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabad lagu daah-furayey Guddiga Madaxa Bannaan ee la dagaallanka Musuq-maasuqa iyo ka mid noqoshada Sharci yada Caalammiga ah ee la dagaallanka Mus uq-maasuqa ayaa tilmaamay in Guddigani uu gundhig u yahay

hufnaanta maamulka iyo maaliyadda ee dalka.

      "Guddigani waa mid dastuuri ah, waxaan sha rciga lagu dhisay saxiixay 21 Sabteembar 2019, Shalayna waxa aynu u taagannahay mu naasabaddan aynu ku daah-furayno. waxa ay tallaabadani dhiirrigelinaysaa fursadaha maa lgashiyada caalammiga ah ee dalka, kobaca dhaqaalaha, hufnaanta maaliyadda iyo kalso onida shacabku ay ku qabaan dowladnimada”.

Madaxweynaha oo dul istaagay dadaallada miro-dhalay ee ay Dowladda Federaalka Soo maaliya gelisay la dagaallanka musuq-maas uqa iyo ku tagri-falka hantida dadweynaha, ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in ay Soomaaliya ka mid noqoto Sharciyada Caa lammiga ah ee La Dagaallanka Musuq-ma asuqa, sida: Sharciga Heshiiska Midowga Afr ika ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa, Sharc iga Heshiiska Jaamacadda Carabta ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa iyo Sharciga Heshiiska Qarammada Midoobey ee la Daga allanka Musuq-maasuqa.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka duuleysa qorsheyaasha Qaran ee ku salaysan dhowridda xuquuqda muwaaddiniinta iyo ilaa linta hantida Qaranku waxa ay ku guuleysatay inaynu si rasmi ah uga mid noqonno Shalay Sharciyada Caalammiga ah ee La Dagaallan ka Musuq-maasuqa.” Farmaajo oo kula dardaa rmay Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaal lanka Musuq-maasuqa in ay waajibaadkooda u gutaan si ay ku dheehan tahay waddaniyad iyo hufnaan, ayaa sidoo kale xeeriyey in 14-ka Ogoosto loo aqoonsado Maalinta Qaran ee La Dagaallanka Musuq-maasuqa ee Jamhuuri yadda Federaalka Soomaaliya.

     Munaasabadda waxaa kale oo ka qayb ga lay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro ka tirsan Gol aha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil dhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Federaal ka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidammada Bo oliska iyo Asluubta Soomaaliyeed, Guddoomi yaha Guddiga Madax Bannaan ee La Dagaal lanka Musuq-maasuqa.

Wasiir Kaahin oo ka sheegaya sababtii Li xle loogu bixiyey "Astaanta Halganka”

      Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, Maxamed Kaahin oo ka qeyb-galay munaasi bad lagu daah furayay buug laga qoray taariikh dii Lixle oo kamid ahaa Mujaahidiinti SNM ay aa ka sheekeyay sababtii Lixle loogu bixiyey Astaantii Halganka Wasiir Maxamed Kaahin ayaa ugu horeyn tii Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) AUN ku tilm aamay inuu ahaa Nin geesi ah oo aan marn aba cabsan, oo halgankii gud aha si weyn uga waday, sida uu sheegay.

    Waxa uu sheegay in Lixle uu ku hantay su mada "Astaantii Halganka”, maadama uu ka mid ahaa labadii Sarkaal ee gudaha ka waday halganka, islamarkaana uu ahaa nin aad u diy aarsan oo uu ku dhici waayey taliskii xiligaas.

    "Lixle wuxuu ahaa Saraakiishii caanka ah eyd ee ciidamadii Soomaaliya, xaga aqoonta, aragtida iyo cilmiga Injineer ayuu ahaa nin aad u diyaarsan ayuu ahaa. Waxyaabihii la yaabka lahaa waxaa kamid ahaa marka aynu leenah ay Lixle iskamaanu siin Astaantii Halganka, waxaa ku garaneysaan ninka darajadaa leh ee ciidamada lagu hayn waayey, ee haddana hal gankii gudaha ka waday,” ayuu yiri Wasiir Ma xamed Kaahin.

     "Halgankii gudaha labo nin ayaa mas’uul ka ahaa ciidamadii, mid waa Maxamed Xaashi Dii riye (Lixle) iyo Axmed Maxamed Halac oo isag una Xamar Jooga. Maxamed Xaashi iyada oo halkaas laga raadinayo ayuu Hargeysa ayuu ku noola.”

Buug laga qoray nolosha mid kamida abwa anadii ugu waa wayna fanka oo Hargaysa lagu soo bandhigay

Buuga Joogaha-maqan oo laga qoray no loshii iyo taariikhdii faneed ee abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf, oo ahaa hal-abuur alifay qaar kamida heesaha iyo riwaayadaha ugu caansan uguna wanaagsan fanka Soomaaliy eed, ayaa lagu soo bandhigay Hargaysa.

Buuga Joogaha-maqan oo uu qoray qoraa dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Axmed Kara ama, ayaa lagu ururiyay dhaxal kii faneed ee uu abwaanku ifka kaga tagay iyo noloshiisii, is la markaana waxa lagu sugay taariikhda iyo so oyaalka ay leedahay murtida abwaan Xasan Qawdhan.

"Abwaan Xasan Qawdhan taariikhdiisa ku dheeraan maayo oo heesaha ugu caansan So omaalida, ayuu lahaa waxa buugani uu koob sanayaa, in suugaantii Xasan Qawdhan iyo shakhsiyadiisi laysku barto" sida waxa yidhi qoraaga buuga Axmed Karaama. Xafladda bandhigan buuga Joogaha-ma qan oo ka dhacday hoteelka Maansoor ee Har gaysa, ayaa waxa kasoo qayb galay saraakiil xukuumada ka tirsan, madaxda xisbiyada muc aaradka, bahda suugaanlayda, qoraayo iyo kumaan waayeel iyo dhalinyaro ah oo suug aanta abwaankanka la barbaaray.

Heesaha ugu caansan ee uu abwaanku alifay waxa kamida, heesta Miidaamo oo uu qa ado Axmed Mooge, Riyo oo uu qaado Max amed Saleebaan, Qalam-jalam oo uu qaado Muuse Ismaaciil Qalinle, Hoombaro oo ay wa da qaadan Bashiir Xadi iyo Hubo Nuura, Wax an tagay shabcantii oo uu qaado Maxammed Mooge iyo heeso kale oo badan.

Riwaayadaha uu abwaanku alifay waxa ugu caansan, Anaga oo waalan waagu noo bari, Yaan la waalin jacaylka iyo Wakhtigu nina waal nina waani oo ahayd riwaayadii ugu horaysay ee madaxwaynihii dowladii Kacaan ka Maxammed Siyaad Barre ka qayb galo daawashadeeda sanadkii 1973.

Abwaan Xasan Qawdhan waxa uu ku dha shay maagalada Hargaysa sanadkii 1944, fan kiisa waxa uu ka bilaabay magaalada Muqdi sho dhamaadkii 1969, kadib muddo dheer oo uu bahda sugaanlayda ka tirsana waxa uu ku xijaabtay waddanka Sweden 19, April, 2017 isagoo 73 sano jir ah.

Puntland : In ka badan toban qof oo cudur ka Covid19 ugu geeriyooday

Cudurka Covid19 ayaa si aad ah ugusoo labo kacleeyay deegaannada Puntland, iyadoo 24saac ee lasoo dhaafay ay magaalada Gar owe oo kaliya ugu geeriyoodeen labo qof oo dhalinyarro ah halka kuwa kale ay ku jiraan qeybta xaaladdaha degdega ah.

Duqa magaalada Garowe Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) ayaa sheegay in ay gab aabsi yihiin haamaha ogsijiinta ee caawiya dad ka naqasku ku dhego ee uu soo rito cudurka Covid19.

Magaalada Qardho ee gobolka Bari ayaa sidaas oo kale maalmihii lasoo dhaafay dad ba dan ugu geeriyoodeen cudurka.

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in tobankii berri ee la soo dhaafay xa nuunka dad badan laga helay ayna u geer iyoodeen ilaa 10 qof.

Waxaa shaybaarka lagu baaro covid19 lagu xaqiijiyay in nooca cusub oo ka halis badan kii hore uu yahay nooca hadda Puntland ka jira lo ona yaqaano Delta, waana nooc cusub oo India horay looga helay.

Wasaaradda caafimaadku waxay dadwey naha u soo jeedisay in dib loo soo celiyo taxa darkii gaar ahaan afxirashada, kala fogaan shaha, sidoo kalena dadweynaha ay tallaalka qaataan si loo xakameeyo

Maxay tahay xiisadda salka ku haysaa Soo maaliya ee ka taagan dalka Turkiga?

Xisbiyada mucaaradka ee dalka Turkiga ayaa si weyn uga soo horjeestay lacagta kaa lmada ah ee uu madaxweyne Recep Tayyip Er dogan dhowaan ugu deeqay dowladda federal ka Soomaaliya, taas oo gaareyso illaa 30 Milyan oo Dollar.

Mucaaradka Turkiga ayaa ka carooday go’ aanka madaxweynaha ee yabooha lacagtaasi, waxayna shaaca ka qaa deen in dalkooda aanu awoodin lacagtaas, ma adaama ay haatan ka jira an xaalado is biirsa day sida, dhaqaale xumo, Co vid-19 & dabka ka holcay a wadankaasi

Sidoo kale mucaarad ka sida weyn uga soo horjeedo madaxweyne Erdogan ayaa xu say in xilligan dowladda Tur kiga looga baahan yahay samatabixin, isla-mar kaana ay tahay in ay soo iibsato qalabka dab-damiska, si looga hortego dabka ku sii baah aya meelaha qaar dalkaasi.

     "Arrinta mudnaanta leh xilligan la joogo waa gudaha Turkiga waa in la iibsado qalabka dab damiska, si looga hortego dabka kasii so cda meelaha qaar ee dalkaasi,” ayuu lagu yiri bayaan uu soo saaray afhayeenka xisbiga sha cabka jamhuuriga ee uu hoggaamiyo Kamal Oglu.

    Sidoo kale afhayenka ayaa intaasi kusii dar ay "Dal aan heli karin 4 milyan oo Dollar oo ay ku iibsadaan diyaaradaha dab-damiska waxay go’aansadeen inay 30 milyan oo deeq ah siiy aan Soomaaliya,”.

     Dhinaca kale mucaaradka dalka Turkiga ay aa isku xiriiriyey kaalmadan lacageed iyo shi rkad ay leeyihiin qoyska wiilka uu Sodogga uu yahay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, taas oo haatan maamusha, isla-markaana gac anta ku heysa dekedda weyn ee dalka Maur itania.

     Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo tod obaadkii hore dowladaha Turkiga iyo Soomaal iya ay kala saxiixdeen heshiis ku kacaya 30 Milyan oo Dollar, isla-markaana bil wabo dowl adda federaalka ah la siinayo lacag gaareysa illaa 2.5 milyan oo Dollar, sida ku cad he shiiskaasi.Xigasho:Caasimadda.Net

Xildhibaanada beesha Xawaadle oo isugu tegay Beledweyne iyo ujeedka

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka 10-aad ee waqtigiisa dhammaaday iyo Siyaasiyiin ay aa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasoo oo la filayo inay dhawaan ka dhacdo doorashada kuraas kamid ah kuwa HirShabeelle ee Aqalka Hoose.

Xubnaha gaaray Magaaladab Beledweyne waxaa ka mid aha Wasiirkii hore ee Amniga Cabdirisaaq Cumar, Wasiirkii hore Waxbara shada Cabdullaahi Goodax Barre, Xildhibaan Qoone iyo Siyaasiga C/llaahi Sanbaloolshe oo sanadkii 2016 Xildhibaan loo doortay, balse markii Taliyaha NISA loo magacaabay ku wa ayay xubinnimadii Golaha Shacabka, tartan uu mar kale u galayna horaantii sanadkii 2018 looga adkaaday.Xubanaha gaaray Magaalada Beledweyne ayaa hordhac u ah wafdiga madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe oo la filayo inuu gaaro Magaalada Beledwey ne.

    Wafdigaan gaaray Beledweyne ayaa la fila yaa inay General Xuud iyo Beesha Xawaadle ku qanciyaan in madax weynaha HirShabelle uu si nabad ah ku imaa do Magaalada, waxaana muuqato in markaan loo ogolaan doono inuu ka dago Beledweyne.

    Magaalada Beledweyne ayaa waxaa Shalay ka dagtay diyaarad siday gawaarida dagaalka iyo hub, waxayna wararka ka imaan ayo magaalada sheegayaan inay dagan tahay.

    Beledweyne ayaa waxaa taala illaa 25 kursi oo Golaha Shacabka ah, waana kuraas intooda badantartan iyo loolan adag uu ka jiro, waxaa na ka mid ah Kursiga uu ku fadhiyo Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir oo xifaaltan kala kulmayo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo sanadkan raa dinaya kursi Xildhibaannimo.

Haweeney Soomaali Loo Diiday Ka Mid Noq oshada Baarlam aanka Australia Oo Sheeg tay In La Dooranayo

Sahra Sheekh Axmed Mustaf, oo u sharax an kursiga Baarlamanka Federaalka ee xaa fa dda ay ku badanyihiin Soomalida ee dalka Aus tralia ayaa lagala noqday ruqsaddii u ogo laan eysay in ay xubin ka ahaato xisbiga talada ha ya ee dalkaas.

Sahra ayaa waraysi ay BBC siisay ku she egtay in aysan ka harin musharaxnimada kurs iga Baarlamanka, balse ay ha dda go’aansatay inay u istaa gto si madax-ba naan, si loo doortay, isla mark aana xustay in la doran doono

Sahro oo ah haweeney So omaali ah ayaa sheegtay in sa babta uu xisbiga cuskaday ay ta hay lacag Soomaaliya looga soo diray, haye eshee taas uusan sharciga u diideynin. "Xisb iga wuxuu adeegsaday sharci ay meel marisay dowladdan middii ka horeysay, si xun ayuuna u fahmay lacagtaas.” ayey tiri Sahra.

Sharciga uu xisbiga cuskaday wuxuu dhi gayaa in qof musharrax ah oo xil u taagan in aan lacag looga soo dirin karin dalka dibadiisa.

"Lacagaha la sheegayo ee aan aniga helo waa kuwa la ii soo diro xilliyada fasaxa iyo cii daha oo gaaraysa ilaa saddex kun oo doollar, oo sanadkiiba hal mar carruurta loo soo diro, Adeerkay wuxuu soo diraa lacag yar ayuu carr uurta u soo dira maadama uu yahay nin iska mashquul badan. Sida uu wasiir Soomaaliya u ga noqdayna waxba ma uusan ii soo dirin. La cagaha laga hadlayana wuxuu ii soo diray ka hor inta uusan wasiirka noqonin” ayey tiri Sah ra Sheekh.

Sahro ayaa sannadkan go’aansatay in ay musharax noqoto oo ay u istaagto kursiga Baa rlamaanka ee xafadda ay dagantahay, markii hore waxay iska diwaan-gelisay xisbiga talada haya ee dalkaas oo hadda kala laabtay mush araxnimada.

DIYAARAD sidday gaadiid dagaal oo ka degtay M/Beledweyne

Diyaarad sidday gaadiid dagaal oo noocyo ka la duwan leh ayaa saacadihii la soo dhaafay ka degtay garoonka diyaaradaha Uga as Khaliif oo ku yaalla magaalada Beledweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaliya.

Wasaaradda amniga HirShabelle oo faah faahin ka bixisay gaadiidkaasi ayaa sheegtay inay ka ko oban yihiin shan ga ari oo Ca bdi Bile ah iyo afar Mooto no oca laba lugaaleyda ah, kuwa as oo ay tilmaamtay in ay si rasmi ah ugu wareejiy een maamulka G/Hiiraan

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda amni ga dowlad goboleedka HirShabelle ayaa wax aa lagu sheegay in gaadiidkan ay isticmaali do onaan ciidanka ammaanka, gaar ahaan kuwa sugaya amniga doorashooyinka ka dhacaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxay wasaaraddu shaaca ka qaaday in gaadiidkan iyo mootooyinkaba ay fu dudeyn doonaan howl-gallada amniga lagu xa qiijinayo ee ka socda HirShabelle. Horay wax aa Beledweyne looga dajiyey baabuur cusub oo ah kuwa aan xabaddu karin oo la sheegay inay adeegsan doonaan mas’uuliyiinta doora shooyinka u tegaya magaaladaasi.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, xilli ay weli dood ka taagan tahay in doorasho lagu qabto Beledweyn, maadaama uu haatan dhaq-dha qaaq ka

wado Janaraalka hubeysan ee Xuud oo ciidamo badan ku heysto duleedka magaal ada, kana soo horjeedo maamulka

Markab laga leeyahay Turkey oo lagu weeraray meel ka baxsan xeebaha Muqdisho

Markab laga leeyahay dalka Turkiga ayaa la gu weeraray meel ka baxsan xeebaha maga alada Muqdisho, sida uu Jimcihii shee gay Ururka Ganacsiga Badaha UK ee loo soo gaba iyo UKMTO.

Weerarka oo la rumeysan yahay inay fuliye en kooxaha buracda badeedda Soomaaliya ay aa abaare 7:45 am Jimcihii, waxa uu ka dhac ay meel 100-mile ka baxsan xeebta Muqd ishoMarkabka ayaa lagu warramayaa inuu we erarka ka baxsaday, islamarkaana shaqaalaha iyo markabkuba ay hadda bad qabaan.

Kooxda qiimeysa halista badaha ee EOS Risk Group ee fadhigeedu yaha y UK ayaa she egtay in markab ka oo sita calan ka Turkey laga leeyahay gobolka Anatolia ee dalkaas. Si kastaba, Turkiga weli wax war ah kama aysan soo saarin dhacdadan.

Inkasta oo dhacdooyinka burcad badeen imo ee xeebaha Soomaaliya ay aad u yaraade en sanadihii tagay, haddana waxaa jira weer aro si naadir ah mararka qaar u dhaca. Weera rkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee dha ca tan iyo bishii April ee 2019.

Sanadii 2011, ayaa ciidanka badda Midow ga Yurub ee EU Naval Force waxay weriyeen in xeebaha Soomaaliya ay ka dhaceen 176 we erar, ayada oo lagu qabsaday in ka badan 25 markab. Hase yeeshee tiradaas ayaa eber noq otay markii la gaaray 2016

Webiga Shabeelle Oo Fatahaad Cusub Ka Sameeyay Degaano Iyo Cabsi Jirta

Webiga Shabeelle ayaa fatahaad ku sameeyey tuulda Booda-ale oo ka mid ah tuulooy-inka hoos yimaada Maga-alada Jowhar ee Caasi-mada dowlad Goboleedka Hirshabeelle, waxaana laga helayaa faah faah-ino. Fatahaad a Webiga ayaa waxaa ka dha-shay khasaaro isugu jira dhimasho, dha-awac iyo mid hantiyadeed, waxaana la xaqi-ijiyay in laba Carruur ah oo biyaha ay qaadeen uu mid kamid ah meydkiisa baadi goob weli loogu jiro.

     Wasiirka wasaarada Beeraha iyo waraabka Hirshabeelle Maxamed Cumar oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in xaalada webiga xiligan ay tahay mid cabsi weyn ay ka qabaan, maadama biyihii ugu ba-dn-aa uu wado webigu suuro-galna ay tahay in deegaano hor leh looga barakaco.

     Sidoo kale Wasiir Maxamed Cumar oo hadalkiisa sii wada ayaa waxaa uu bulshada ugu baaqay laga qeyb qaato u gurmashada dadka ku barakacay fatahaada webiga shab-eelle uu ka sameey tuulada Boodaala iyo de-egaano kale oo hoostega Magaalada Jowhar.

     Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo dega-ano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ay-aa waxaa ka taagan casbi xoogan oo ay qad-aan dadka deegaanka oo ku aadan in Webiga uu mar kale sameeyo fatahaad kale oo kha-saaro geysata.

Rag Burcad Ah Oo Lagu Toogtay Xaafad Ka Tirsan M/ Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waa-berigii hore ee Shalay xaafad ka tirsan degm-ada Deyniile ee Gobolkaan Banaadir ku dilay rag hubeysan oo dadka dhac u geysan jiray, xiliyada habeenkii ah.

     Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Ciidanka amniga ay raggaas oo laba ahaa ku toogteen xaafadda Gubta ee degmada Deyniile, kuwaasi oo la sheegay inay dadka ka qaadan jireen Moob-eelada gacanta.

Burcada hubeysneyd ayaa xiligii la dilayay watay Mooto laba lugaaley ah, waxa-ana la tilmaamay in mid kamid ah ragga uu isku dayay inuu goobta ka baxsado, hay-eeshee Ciidanka amniga ayaa rasaas fara-badan ku furay, iyagoona geeriyooday.

      Saraakiisha amniga degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa horey u sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in burcad hube-ysan ay dhac u geystaan dadka shacabka ee kunool degmadaas, waxaana ragga la toogtay ay dhici jireen dadka.

     Si kastaba Ciidanka Booliska dowl-adda Federaalka ayaa horey sidaan oo kale degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ugu dilay rag buracd hubeysan oo dadka ka dhici jiray Telefoonka gacanta iyo waxyaabaha kale ay wataan, halka burcad kalena la qabtay.

QATAR oo Washington ka furtay dacwad ka dhan ah Eritrea Maxay isku hayaan?

     Bankiga Dhexe ee Qatar (QNB) ayaa maxkamad ku taalla magaalada Washington DC weydiistay inay amarto dowladda Eritrea inay bixiso lacag deyn ah oo gaareysa $300 oo milyan, kadib markii Asmara ay diiday inay ka jawaabto laba dacwad oo horey, waxaa sidaas werisay warbaahinta Bloomberg.

    Sida lagu sheegay warbixintan, Eritrea ayaa 200 oo milyan oo dollar ka amaahatay QNB oo ah Bankiga ugu weyn Bariga Dhexe ee deynta bixiya, sanadihii 2009 iyo 2010, waxayna soo celisay 45 milyan oo kaliya bishii May 2012.

QNB ayaa kadib dacwad ka furtay dalka UK sanadkii 2018, sida ku cad heshiiska. Garsoore ku sugan UK ayaa amray in Eritrea ay bixiso 253 milyan, oo ay ku jirto dulsaar, hase yeeshee Eritrea ayaa joojisay inay u jaw-aabto qareenada, sida warbixinta lagu shee-gay.

     Bankiga Qatar ayaa Ta-laadadii wuxuu go’aan ka codsaday xaakim federal Mareykan ah, isaga oo sheegay in do-wladda madaxweyne Isaias Afwerki, oo dalkaas xukumeysay 28 sano, ay iska indho tirtay warqado sharci ah oo loo diray.

QNB ayaa tuhunsan in Eritrea aysan u hoggaansameyn xukunada maxkamadda UK, ayna go’aansatay inaysan isku difaacin labada maxkamad ee UK iyo Mareykanka.

Go’aanka maxkamadda Washington, ayaa u fududeyn kara Bankiga QNB inuu raa-diyo kadibna la wareego hantida Eritrea ay ku leedahay caalamka, sida Bloomberg ay ku warrantay.

Madaxweyne taageere u ah Arsenal oo si adag uga hadlay ciyaartii Habeen hore.

    Inta badan lama arko madaxweynay-aasha oo ka hadlaya arrimaha kubbadda cagta balse guuldaradii Arsenal ay kala kulantay ciyaartii dhexmartay Brentford habeenkii Jim-caha ayaa soo jiitay mid ka mid ah taage-erayaashooda ugu weyn, Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame.

     Dhowr daqiiqo ka dib markii koo-xda fadhigeedu yahay magaalada London ay guuldarro 2-0 ah kala kulantay kooxda ku cusub hory-aalka Ingiriiska, ayaa madaxweyne Kagame qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhi-gay wuxuu ku sheegay in isbadal loo baah-anyahay, isagoo yiri "taageerayaasha Arsenal uma qalmaan inay la qabsadaan tan …. MAYA !!! Waxaan sidaas u leeyahay anigoo ka mid ah taageerayaasha waaweyn ee Arsenal. Isb-eddelku wuxuu qaatay waqti dheer inuu yima-ado!”

      Kagame ayaa sheegay in ay tahay in la soo afjaro dhex -dhexaadnimada kooxda oo ku dhameysatay kaalinta 8 -aad xilli ciyaa-reedkii hore isla markaana seegtay dhammaan tartamada kooxaha Yurub.

Madaxweynaha K/Galbeed oo soo dhameystiray liiska doorashada Musharaxiinta Aqalka sare

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa soo saaray liiska xubnahii ka dhinaa doorashada kuraasta Aqalka sare ee deegaan doorashadooda tahay Koonfur Galbeed Soo-maaliya.

Liiska uu soo saaray mad-axweynaha Koonfur Gal-beed ayaa ah sadax xubno-od oo ka dhinaa doorashada kuraasta Aqalka sare ee Soomaaliya xubnaha ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya.

Dooraashada Musharaxiinta la shaac-iyay ayaa lagu wadaa in maalinta berito ah ay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, sida lagu shaaciyay jadwalka ay soo saareen guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa noqonaya maamulkii labaad ee dhamey-stira dooraashada Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana maa-mulkii ugu horeeyay ee dhameystira dooraas-hada Aqalka sare noqday maamulka Puntland.



Itoobiya ‘oo beegsaneysa’ siyaasiyiinta Soomaalida ee

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cum-ar (Cagjar) ayaa digniin u jeediyay dadka uu sheegay inay taabacsan yihiin Ururka TPLF ee dagaalka kula jira Dowladda Itoobiya, isagoo dhanka kalena sheegay inaanay u dulqaadan doonin dadkaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan isku day kasta oo TPLF ku done-yso inay ku carqaladayso am-niga iyo nidaamka dowliga ee dalkaasi ka jira.

"Waxay Shalay ku doodeysaa TPLF inay rabto inay soo celiso nidaam federaali ah oo dowl-adda hadda jirta ay diidan tahay, laakiin 27 sano wixii ay fulin weyday dib oo dambe uma fulin doonto,” ayuu yiri Madaxweynaha oo la hadlayay dadweyne Shalay bannaanbax ka dhan ah TPLF ka dhigay Magaalada Jigjiga.

Madaxweynaha ayaa yiri "Kooxdaasi waxay isku arkaysay inay qabatay shaqo muhii-ma, oo ah ka hortagidda qowmiyadaha, waxay isku dirtay Soomaalida iyo Oromada, waxay isku dirtay Amxaarada iyo Oromada, waxay isku dirtay Banishaaguli iyo Amxaar-ada.”"Marka maadaama ay u arkaysay inay dadka iska wada horkeentay waxay aaminsa-neyd is bedelkii dhacay ma soconayo, oo cid la socon doontaa ma jireyso. Laba sano ayay ku jirtay howshaa, markii ay aragtay iyadoo nida-amkii iyo xisbiyadii dib loo habeeyay, iyadoo doorashooyinkii la’isku diyaariyay, iyadoo da-dkii uu ka maarmay, waxay qaadatay go’aan ah in dagaal ay qaaddo mooyee wax dambe oo u harsan oo rajo ay leedahay oo saamayn siyaasadadeed ay ku yeelanaysaa inaanay jireynin.”

Madaxweyne Cagjar ayaa ku hanjabay in gacan bir ah ay ku qaban doonaan Siyaas-iyiinta Soomaalida, ee taageersan Jabhadda Gobolka Tigrayga ee TPLF, si aanay u car-qaladeen amniga iyo horumarka ka jira Dowlad Deegaankooda, waana xilli siyaasiyiintaasi qa-arkood Shalay lagu xirxiray Magaalada Addis Ababa, oo ay ka wadeen shir ka dhan ah Maamulka Jigjiga.

Hoggaamiyeyaasha Dalalka Raashiya Iyo Jarmalka Oo Kulan Khaas Ah Yeelanaya

Madaxweynaha Raashiya, Valadamir Putin waxa uu bishan 20da magaalladda Mos-ko kula kulmi doonaa Haweeneyda Ra’isul-wasaaraha ka ah Jarmalka, Angela Merkel

Hadal ka soo baxay Madaxtooyada Raashiya ee Keremiliinka ayaa lagu sheegay inay Lab-ada Hoggaamiye ka wada xaajoon doonaan Iskaashiga Labada dal , Isdhaafsiga Dhacdo-oyinka Caalamiga iyo kuwa Gobaleedka ee ka hadalka u baahan.

Ajendayaasha wada hadalka Putin iyo Angel Merkel waxaa kaloo ka mid ah dhuu-maha Gaaska Dabiiciga, Mashruuca Tamarta ee Labada dal iyo Khilaafka Maraykanka ee Dhismaha Dhuumaha Gaaska ee isku xirayo Raashiya iyo Jarmalka.

Dhinaca kale, RW Jarmalka waxay bi-shan 22-da booqan doontaa caasimada dalka Ukrayn ee Kiyeef, iyadoo Madaxweynaja dalk-aasi, FOLODMAYIR ZELENISKI kala hadli do-ontaa Arrimaha Ammaankaiyo Xiriirka labada dal. 

Japan oo markii ugu horreeysey iibsan kara gawaarida gaashaaman ee Turkigu

Tokyo:-Gawaarida gaashaaman ee fudud ee Turkish-sameega ah ee ay soo saarto Nurol Makina oo loo yaqaan Yörük 4×4 ayaa ka mid noqday gaadiidka iskugu soo haray tartan ay furtay dowladda Japan.

    Haddii ay guulaysato Nurol Makina, waxay noqon doon-taa markii ugu horreeysey ee gaadiid gaashaaman oo uu Turkigu sameeyo laga iibiyo dalka Japan, balse waxaa sidoo kale final-ka la taagan 4 shirkadood oo kale.

    Shirkaddan Turkiga ah ayaa samaysa moodallo kala geddisan oo gaashaaman, wa-xana ka mid ah Ejder Yalçın 4×4 oo ah gaw-aari gaashaaman oo ay ku rakiban yihiin taayarro taatikaysan, Yörük, Ilgaz II oo gaashaaman ciidankana daabula (APC), Ejder Kunter oo ah qallaabi gaashaaman iyo Ejder TOMA oo loogu tala galay inuu rabshadaha la tacaalo, kuwaasoo 8-dii sanadood ee lasoo dhaafay ka shaqaynayey dalal kala geddisan oo haysta.

Waxaa dalalkaa ka mid ah Qatar, Kuwait, Hungary, Chile, Uzbekistan iyo Senegal, iyadoo Yörük 4×4 lagu soo bandhigay Carwada DSEI Japan Fair, oo ahayd carwo lagu bandhigo agabka ciidanka oo lagu qabtay Japan 2019kii.

    Haddii uu qalabkan Japan iibsado waxay sidoo kale Turkiga u sahlaysaa inuu noqdo tartame rasmi ah oo ka muuqda suuqyada caalamka, taasoo keenaysa inay sidoo kale soo dalbadaan dalal waawayn oo ay ku jiraan kuwa dhaca Aasiyada Baasifigga.

Koox hubeysan oo galay qasriga amiirka dalka Qatar

Burcad mid ka mid ah uu hubeysan yahay ayaa galay qasri uu degan yahay amiirka dalka Qatar, oo ku yaalla xeebta Faransiiska ee Cannes, halkaasi oo ay ka qaateen saacado iyo alaabo kale oo qaali ah, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen AFP

     Amiir Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa ka maqnaa qasriga markii ay kooxdan oo ka koobnaa afar qof ay galeen gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Mouans-Sartoux, sida uu sheegay il-wareedka, taasi oo xaqiijineysa xog ay markii hore baahisay warbaahinta RTL.

      "Dad ku sugnaa qasriga ayaa u hoggaansamay hanjabaadda burcadda kadib markii ay arkeen hub ay wateen,” ayuu yiri il-wareedka la hadlay AFP.

   Hase yeeshee wuxuu sheegay in dadka ku sugnaa qasriga aan bastoolad madaxa laga saarin.

     "Burcadda ayaa qaadatay alaab qaali ah, gaar ahaan saacado,” ayuu yiri il-wareed-ka.

      In kasta oo Amiirka uusan ku sugneyn qasrigaa, waxaa joogay xubno ka tirsan qoyskiisa, oo uu ku jiro ra’iisul wasa arihii hore ee Qatar oo reer Al-Thani ah, sida ay sheegtay warbaahinta RTL. 

     Dhowr ka mid ah hay’adaha sharci fulinta ee magaalo oyinka Grasse, Nice iyo Marseille ayaa furay baaritaan ku aaddan kiiska.

     Qoyska Sheikh Hamad bin Khalifa Al Thani, oo sanadkii 2013 ka tegay boqortooyada, kuna wareejiyey wiilkiisa Tamim, ayaa qasriga lahaa tan iyo sagaashamaadkii, wuxuuna ku fadhiyaa dhul cabirkiisu yahay 30 hektar, kuna yaalla Mouans-Sartoux.

      Sanadkii 2016, wuxuuna hal Milyan oo Dollar ugu deeqay Dadka degan Xaafaddan yar.

      Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Jabha dda TPLF Oo Ka Socda Jigjiga

Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Caasimadda deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Shalay isugu soo baxay

garoonka kubadda cagta ee magaa-lada jigjiga, si taageero ugu mujiyaan ciid-amada kala gedisan ee dagaalka kula jira jabhadda TPLF isla markaana lagu canba-areenayo gulufka Falaagada TPLF ay ku hayso deeganada dariska la ah ee Canfarta iyo Axmaarada.

Madaxda deega-anka oo ka qeyb galaya dibad bax-aan lana hadlayay shacabka ayaa ka hadlay hagardaam-ooyinkii ay TPLF u geysatay shacabka Dee-gaanka Soomaalida.

Banaabaxyo kan la mid ah ayaa ka dhacayay Toddobaadyadii la soo dhaafay Caasimadda dalka Itoobiya ee Adis Ababa iyo deegaano kale oo ka tirsan isla dalkaas.

Mustafe Muxumed Cumar, Madaxw-eynaha Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo madashaas ka had-lay ayaa sheegay in TPLF ay ku andacooneyso hadda in ay soo celi-nayso nidaamkii Federalka qoomiga ah ee ay ku guuldarersatay hirgalintiisii 27 kii sano ee ay xukunka heysteen.

Dowladda Canada oo 20,000 oo qaxooti ah qaadaneysa

Dowladda Canada ayaa sheegtay inay qaadan doonto ilaa 20,000 oo qaxooti reer Afghanistan ah, kuwaas oo ay ku jiraan mada-xda ururada haweenka, shaqaale dowladeed iyo dad kale oo wajahaya hanjab-aadyo ka imanaya Taalibaan, xi-llii maleeshiyada Taalibaan ay ku sii baaheen waddanka oo dhan.

"Xaaladda Afghanistan waa mid qalbijab leh, inaguna ma fiirsan doonno,” ayuu Wasiirka Socdaalka Marco Mendicino ka sheegay shir jaraa’id o uu Jimcihii qabtay.

Iyadoo Taalibaan ay ku sii siqeyso caasimadda, ayaa saraakiishu waxay sheege-en in ciidamada gaarka ah ee Canada ay qeyb ka yihiin qorshe kumeel gaar ah oo shaq-aalaha safaaradda Canada looga saarayo Kabul, laakiin faahfaahin dheeraad ah lagama bixin, maadaama howlka noocan ah uu yahay mid xaasaasi ah.

Horraantii Jimcihii, dalal badan oo ay ku jiraan Spain, Denmark, Norway iyo Netherl-ands ayaa ku dhawaaqay inay shaqaalaha safaaradahooda kala baxeen.Canada ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda Afghanistan.Isha: VOA

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani oo ka hadlay xaaladda ka aloosan dalkiisa

Madaxweynaha dalka Afghanistan Ashraf Ghani, ayaa wacad ku maray in dalka uu ka difaaci doona Taalibaan, xilli Taalibaanku ay ku sii siqayaan magaalada caasima-dda ah ee Kabul.

Khudbad gaaban oo uu jeediyay Mad-axweyne Ashraf Ghani wuxuu ku sheegay in ka saarista ciidamada qalabka sida ee Afg-hanistan ay tahay "ahmiyadda koowaad”, wux-uuna wada -tashiyo la yeelanayaa hogga-amiyeyaasha deegaanada iyo la –hawlg-alayaasha caalamiga ah ee u taagan horum-arka dalka.

Waxaa sidoo kale dagaal xooggan laga soo sheegayaa magaalada Maidan Shar oo 40 kilomitir oo keliya u jirta magaala madaxda Kaabuul.Waxaana wararka sheega-yaan in Taalibaan ay ku sii siqayaan Kabuul oo laga cabsiqabo inay gudaha u galaan inkastoo ay ciidamo ajaanib ah ay ku sugan yihiin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip