Chelsea oo ku guuleysatay Koobka UEFA Super Cup+Sawirro +Video

1
Thursday August 12, 2021 - 15:58:24 in Wararka by
  • Visits: 2715
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea oo ku guuleysatay Koobka UEFA Super Cup+Sawirro +Video

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Kooxda Chelsea ayaa ku guulesatay Koobka UEFA Super Cup kaddib markii ay guul kaga gaartay naadiga Villarreal rigoorayaal 6-5 kulan leysku daalay oo waqti dheeri ah la aaday kaasoo ku dhammaaday bar-bardhac 1-1 ah.


Qeybt hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda reer England ee Chelsea.

Daqiiqadii 27-aad kooxda Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta, kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Hakim Ziyech, oo caawin ka helay saaxiibkiis Kai Havertz.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

73 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Villarreal ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca, kaddib markii uu 1-1 ka dhigay ciyaarta Gerard Moreno,axaana goolkan ka caawiyay Boulaye Dia

90-ka daqiiqo ee loogu talagalay kulanka ayaa wuxuu ku soo idlaaday bar-bardhac 1-1 ah oo ay isku mari waayeen labada kooxood Chelsea iyo Villarreal, waxaana la aaday 30 daqiiqo oo waqti dheeri ah, si loo xaqiijiyo kooxda ugu dambeyn loo caleemo saarayo ku guuleysiga koobka UEFA Super Cup.

Ugu dambeyntii kooxda Chelsea ayaa ku guuleysatay Koobka UEFA Super Cup, kaddib markii rigoorayaal 6-5 ah ku garaacday naadiga Villarreal, Kaddib ciyaar aad u xiiso badan oo ka dhacday garoonka Windsor Park ee Northern Ireland.

Chelsea vs Villareal

Chelsea 1-1 Villarreal (6-5 pens): Blues win the Super Cup with Kepa Arrizabalaga the hero


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip