Kenya oo dad u dhashay Taiwan u musaafurisay dalka China.

0
Saturday April 16, 2016 - 10:52:17 in Wararka by
  • Visits: 832
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo dad u dhashay Taiwan u musaafurisay dalka China.

    Taiwan ( Republic of China ) waa dhul jasiirad ah oo ilaa 1945-kii ka tirsanaa dhul weynaha China , kacaankii Ka dhashay dalka China ayaa sabab u noqday in Taiwan ay 1949-kii ku dhawaaqdo in ay tahay dowlad ka madax banaan China.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taiwan ( Republic of China ) waa dhul jasiirad ah oo ilaa 1945-kii ka tirsanaa dhul weynaha China , kacaankii Ka dhashay dalka China ayaa sabab u noqday in Taiwan ay 1949-kii ku dhawaaqdo in ay tahay dowlad ka madax banaan China.
China waxey dadaal u gashay sidii aaney wax aqoonsi ah u heli laheyn ilaa iyo 21 dal oo caalamka ah ayaa aqoonsan iyo dowlada vetican( Holy See ) kuwaas oo 3 kamid ah ay African yihiin.

 

Taiwan bedka guud ee dhulkeeda waa 36.193 Km, tirada dadkeeduna waa 23.476.646 Qof, waxeyna xuduudo la leedahay dalalka Japan , Phillippine iyo China , magaalo Tiwan waa Taipei, Taiwan waa dalka ugu cufnaanta dadka ee dhulka 649 Qof ayaana ku nool halkii kilo Mitir oo Laba jibaaran.

 

China waa dalka dunida ugu dadka badan caalamka 1.376.049.000 Qof ayaana ku nool , dhinaca kale China waa dalka afraad ee dunida ugu dhulka weyn 9.596.961 kilo Mitir Laba jibaaran ayuuna gaarayaa bedka dhulka China.

 

Labada dal China iyo Taiwan waxaa ka dhaxeeya loolan balaaran oo dhinaca siyaasada ah, China waxa ay aaminsan tahay in Taiwan at ka tirsan tahay dhul weynaha China , halka Taiwan ay ku doodeyso in ay tahay dal madax banaan .

 

Xilligan aynu joogno Xaalada siyaasadeed ee labada dal aad ayey u ka aan tahay kadib markii dowlada Kenya 45 Qof oo u dhashay Taiwan ay u musaafurisay China , Taiwan ayaa China ku eedeysay in ay afduubatay muwaadiniinteeda, Kenya ayaan aqoonsaneyn Taiwan sidaa ayeyna dadka reer Taiwan ugu musaafuriyeen China taas oo dhabar jab weyn oo dhinaca siyaasada ah u noqday madaxda dalka Taiwan.

WD: Muuse Maxamed Cusmaan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip