Gobolada Shabeellaha dhexe iyo Nugaal oo laga helay ceelalkii ugu shidaalka badnaa
Shirkad shidaalka baarta oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa Soomaaliya ka calaamadisay gobolada ugu kheyraadka badan ee laga helo dhagxaanta qaaliga ah, shidaalka iyo saliidda noocyadeeda kala duwan.
Shirkadda Conoco oo Mareykanka laga leeyahay ayaa Soomaaliya ka calaamadisay gobolka Nugaal iyo gobolka Sh/dhexe degmadiisa Warsheekh degaano ka tirsan, halkaasi oo ay weli ku yaalaan ceelal laga helay shidaal isla markaana afka ka daboolan.
Mid ka mid ah odayaasha Degmada Warsheekh ayaa shabakadaan u sheegay in shirkadda Conoco ay degaanadaasi ka sameysay ceel shidaal, kaasi oo afka ka daboolan muddo 40-sano ka badan.

"Halkaan waxaa ceel shidaal ka qoday shirkad Mareykan ah, waan xusuustaa anigoo 25-sano jir ah ayayna ka shaqeynayeen muddo 6-bilood ah” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha degmada Warsheekh oo magaciisa qariyay.
Dhinaca kale degaano ka tirsan gobolka Nugaal oo u dhow magaalada Garowe waxaa iyana daboolan dhowr ceel oo laga helay shidaal iyo macaadin kale oo aan weli la caddeynin waxa ay yihiin, inkastoo shirkadihii tegay burburkii kaddib ay ku guul darreysteen inay soo saaraan macaadinta iyo shidaalka ku jira gobolada Puntland ee W/Bari Soomaaliya.

0 