Kenya: Nin Kadambeeyay Dil Sanadkii 2014 Loo Geystay Sheekh Caan ahaa oo Dil lagu Xukumay

0
Saturday April 16, 2016 - 10:46:34 in Wararka by
  • Visits: 771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya: Nin Kadambeeyay Dil Sanadkii 2014 Loo Geystay Sheekh Caan ahaa oo Dil lagu Xukumay

    Maxkamada sare ee Magaalada Mombasa ayaa xukun dil ah ku riday nin lagu soo eedeeyay in uu kadambeeyay dilkii loo gestay Gudoomiyahii hore ee Golaha Imaamyadda & Waacidiinta Kenya Sheekh Maxamed Idiris, wadaadkaas oo la sheegay sidoo kale inuu ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada sare ee Magaalada Mombasa ayaa xukun dil ah ku riday nin lagu soo eedeeyay in uu kadambeeyay dilkii loo gestay Gudoomiyahii hore ee Golaha Imaamyadda & Waacidiinta Kenya Sheekh Maxamed Idiris, wadaadkaas oo la sheegay sidoo kale inuu kasoo horjeeday olole la sheegay in al-Shabaab dhallinyaro u dagaalanta loogu abaabuli jiray oo ka jiray sida lasheegay gobolka xeebta ee Kenya.
Maxamed Sudi oo ah eedeysanaha oo lagu xukumay dil shalay ayaa la sheegay in lagu helay dambigii lagu soo oogay oo ah in uu ka dambeeyay falkaasi dilka ah.

Xaakimka sare ee maxkamadaas, Martin Muya ayaa sheegay Mr Sudi in lagu helay caddeyn buuxdo oo horseeday Xukunkaasi in lagu rido.

Sheeqa oo ahaa mid kamid ah Culuma udiinka sida weyn loo yiqaanay ayaa la dilay 10-KII bishii Juun ee sanadkii 2014-kii.

Maxamed Sudi oo ah eedeysanaha lagu xukumay dilka

 

Dilkaasi wixii kadambeeyay ayaa laamaha amaanka bilaaben baritaano ballaaran oo lagu baadi goobayay qofkii kadambeeyay dilka loo gestay sheeqa oo markii dambana lagu helay MaxamedSudi.

Sheekh Idiris ayaa ka tagay afar xaas iyo 25-caruur ah, dhanka kalana ninka shalay xukunka dilka ah lagu xukumay ayaa la sheegay in uu xubin ka ahaa koox la mamnuucay oo lagu magacaabo MRC waxaana la sheegay in uu hestay Mr Sudi 108 cajalado oo ah kuwo falal argagixisonimo ah ay ku duuban yihiin.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip