Wiil Soomaali ah oo lagu soo oogay Dacwad la xiriirta inuu qirtay inuu doonaayay inuu Daacish ku biiro

0
Saturday April 16, 2016 - 10:45:07 in Wararka by
  • Visits: 831
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil Soomaali ah oo lagu soo oogay Dacwad la xiriirta inuu qirtay inuu doonaayay inuu Daacish ku biiro

    Wiil Soomaali Maraykan ah, oo ku nool gobolka Minnesota ayaa qirtay inuu qorsheynayay inuu ku biiro kooxda dowlada Islaamiga ee Daacish ee ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq, iyadoo dalka maraykanka ay ciqaab weyne ka tahay inaad qirato inaad d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiil Soomaali Maraykan ah, oo ku nool gobolka Minnesota ayaa qirtay inuu qorsheynayay inuu ku biiro kooxda dowlada Islaamiga ee Daacish ee ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq, iyadoo dalka maraykanka ay ciqaab weyne ka tahay inaad qirato inaad doonaysid inaad ku biirto urur argagixiso.
Dowladda Maraykanka waaxdeeda Cadaaladda ayaa in ka badan 75 qof ku soo oogtay kiisas la xiriiray ku biiritaanka dowlada Islaamiga ee Daacish ee sheegtay inay masuul ka ahayd weeraradii argagixiso ee ka dhacay magaalada Baaris bishii Nofember ee sanadkii hore iyo weerarkii ka dhacay bishii Maarso ee sanadkan magaalada Brussels oo ay ku dhinteen 31 qof.

Wiilka Soomaali Maraykanka ee qirtay inuu doonaayay inuu ku biiro Daacish ayaa lagu magacaabaa Cadnaan Faarax. waxaa lagu wadaa inuu wajihi doono xabsi dhan illaa 15 sano.

Dhanka kale Wiilkaan ayaa da’diisu waxay tahay 20 jir, kaasi oo qirtay mid ka mid ah dacwooyinka lagu soo oogay ee la xiriiray inuu taageero qalab oo aan la cayimin u fidiyay urur argagixiso oo Caalami ah, sidaana waxaa sheegay afhayeenka xafiiska xeer Ilaaliyaha dalka Maraykanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip