Ciidamada Amisomoo dad shacab ku laayey Sh/Hoose

0
Tuesday August 10, 2021 - 19:30:42 in Wararka by
  • Visits: 183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Amisomoo dad shacab ku laayey Sh/Hoose

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Wararka laga helaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ay dad shacab ahaa ku rasaaseeyeen qeybo ka mid ah gobolkaas, kadib markii qarax miino lagula eegtay agagaarka Shalanbood.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday ciidamadaasi, xilli ay marayeen inta u dhexeysa Golweyn iyo Danow ee gobolka Sh/Hoose.

Guddoomiyaha deegaanka Shalanbood Nuur Cismaan Raage oo ka hadlay dhacdadaasi ayaa ku eedeeyey ciidanka AMISOM inay si bareer ah u laayeey shacab beeraley ah.

Nuur Cismaan ayaa xusay in qaraxa kadib ciidanka AMISOM ay galeen beer ay ku sugnaayeen 4 shaqaale ah iyo ninkii iska lahaa, sidoo kalena ay wadada qabteen labo darawal, kadibna ay hal goob isugu geeyeen, ayna rasaas ku laayeen, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Koonfur Galbeed iyo dowladd federaalka ah inay soo fara-geliyaan arrintaas, si wax looga weydiiyo taliska guud ee ciidamada AMISOM.

 
 

Inta badan ciidamada AMISOM ayaa dilal iyo tacadiya kale u geysta dadka shacabka ah, xilliyada ay weerarada dhaba-galka ah kala kulmaan dagaalyahanada Al-Shabaab.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip