
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EEMAANTA OO AH SABTI 16-KA ABRIILE 2016-KA
Madasha Sare ee Amniga Africa, ayaa kulmisa hoggaamiyeyaasha Afrika, laama ha iyo ururrada caalamiga ee dhanka amn iga, khubarro iyo hay’ado kale. Waxaa ma dashan ay madaxda Afrika isku dhaafsada an fikrado la xiriira qaabka mashaakilaad ka Afrika loogu heli karo xal Afrika ay lee dahay, gaar ahaan arrimaha amniga.
R/ WASAARE KU XIGEENKA OO LA KUL MAY WAKIILADA REER GALBEEDKA EE SOMALIYA
Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Soma liya, Maxamed Cumar Carte, ayaa wuxuu Khamiistii uu la kulmay Wakiilada Wada mada Faransiiska, Ingiriiska iyo Mareykan ka ee u qaabilsan Somaliya.
Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka, ayaa Rep Peter Wilson, Rep Alexis Lamek, iyo Christopher Klein kala hadlay sidii looga wada shaqayn lahaa qodobada kala ah:
Hirgelinta nidaamka doorashooyinka ee dalka ku soo fool leh Iskudhafka Ciidam adda iyo tababarko oda
In la tashi laga sameeyo siyaasadda iyo amniga Qaranka, iyadoo lala tashanayo Maamul Goboleedyada Wadanka ka dhis an. Caawinta dhaqaalaha ee dhinaca Ciid amada Qalabka Sida, doorashooyinka iyo abaaraha ka jira qaybo ka mid ah Gobol ada Somaliya.
Maxamed Cumar Carte, ayaa waxaa ku lankan ku wehlinaayay Wasiirka Amniga Qaranka, C/risaaq Cumar Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Aadan Axmed.
MUUQAAL LA SOO BANDHIGAY OO AH GABDHO LAGA AFDUUBTAY DALKA NIGERIA
Cajalad muuqaal ah oo laga daawaday qaar ka mid ah gabdho u dhashay dalka Nigeria kuwaasoo labo sano kahor la afdu ubtay ayaa rajo geliyay qoysaska iyo asxa abta ay ka maqnaayeen.
Muuqaalkan oo uu helay taleefishinka CNN ayaa la duubay bishii December ay aa lagu arkay 15 ka mid ahaa gabdhahaa la afduubtay iyagoo is magacabaaya.
Gabdhahan ayaa laga afduubtay iskuul ay wax ka baranayeen magaalada Chibok waxaana qafaashay maleeshiyaad ka mid ah ururka Boko Haram.Gabdhahaan ayaa tiradoodu waxa ay gaareysay 276 xilligii la qafaalanayay iyadoo arintana ay dhalisay argagax iyo cabsi ay dareemeen qoysa ska gabdhaha.
dorraad ayaa waxa ay ku beegneyd sanadguuradii 2aad ee ka soo wareegatay afduubka gabdhahan. Muuqaalada la soo bandhigay ayaa ah kuwii ugu horeeyay ee la arko tan iyo bishii May 2014, waxana muuqaalkaa laga daawaday illaa boqol ka mid ah gabdhahaas. Dowlada Nigeria ay aa wada dadaalo xooggan oo ay ku done yso inay ku soo gacan geliso gabdhahan iyadoo la rumeysan yahay in qaar ka mid ah ay guursadeen dagaalyahanada halka kuwa kalena ay ka qeybgaleen weeraro ismiidaamin ah oo ka dhacay dalka Nig eria iyo wadamo kale oo deriska la ah.
WASIIRKA A. GUDAHA OO UGU BAAQAY DUU BABKA KA MAQAN SHIRKA JOWHAR INAY KU SOO BIIRAAN)
Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS C/ma an Maxamed Xuseen Odowaa ayaa ugu baaqay qeybaha weli ka maqan shirka ma amul u sameynta 2aad gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan isagoo gaaray shalay M/Jowhar ee xarunta gobolka sh/dhexe. Wasiir Odo waa oo ka soo laabtay dalka Sudan ayaa sheegay inuu dib ugu soo laabtay M/Jow har in la dardargeliyo wareegga labaad ee shirka maamul u sameynta 2da gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe ayna ogaadaan hal ka uu marayo shirka dhowaan ka furmay magaalada Jowhar.
"Waxaan ka soo ambabaxay M/Kharto um waxaana nagu weheliya safarka oday dhaqameedyo ka soo jeeda gobolka Hiir aan una yimid inay shirka ka qeybqaataan waxana aan ugu baaqeynaa inta maqan in ay ka soo qeyb qaataan taladana waan na ga wada dhaxeysaa.”ayuu yiri wasiirka arri maha gudaha oo la hadlay saxaafada mar kii uu ka soo degey garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.
Sidoo kale waxaa la hadlay saxaafada mid ka mid ah odayaasha la socday wasiir ka waxana uu sheegay in aysan shirka dii danayn raalina ka yihiin, ayna doonayaan in labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan ay la mid noqdaan maamulada kale ee ka jira dalka.
Wafdiga wasiirka arrimaha gudaha ay aa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan M/ulka G/Sh/dhexe oo uu ugu horeeyo Gud. G.Cali Cabdullahi Xuseen.
Waa safarkii labaad oo muddo toddoba ad gudahiis ah uu ku yimaado M/Jowhar wasiirka arrimaha gudaha waxaana uu 12 kii bishan uu si rasmi ah u furay wajiga lab aad ee shirka maamul u sameynta labada gobol. Shirka ayaa maalmihii la soo dhaaf ay waxaa ka qeybgalayay duubabka dhaq anka iyadoo duubabkana ay sameysteen guddiyo ka shaqeeya howlaha shirka.
HOGAAMIYAASHA DALALKA MUSLIMKA OO KU KULMAYA MAGAALADA ISTANBUL
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa martigelinaya inkab adan soddon hogaamiye oo ka socda wad amada Muslimka ah iyadoo shirweyne 2 maalmood soconaya uu ugaga furmay Dor raad magaalada Istanbul.
Madaxda ka qeybgalaysa shir madaxe edkan ayaa waxaa ka mid ah Boqorka Sa cudi Carabiya Salman bin Abdulaziz Al Sacud iyo Madaxweynaha dalka Iran Pres ident Hassan Rouhani, iyadoo 2da dal ay la kala safteen dhinacyada isaga soo horje eda dalalka Syria iyo Yemen.
Dowlada Turkiga ayaa dooneysa in kul an kan ay ku yareyso kala duwanaanta ka jirta wadamada Muslimka ee lagu qiyaaso dadk ku nool 1.7 billion. Hase yeeshee kul ankan ayaa waxaa hareeyay khilaafyada ka jira wadamada Siiriya iyo Yemen.
Kulankan oo lagu qabanayo magaaladii xilligii Cusmaaniyiinta xarun u ahayd waxa yna magaaladan ahayd meel qarniyaal la ga maamulayay wadamo fidsan Balkanis ka illaa iyo Qaliijka.
Hase yeeshee kulankan ayaa waxaa ka maqan oo aan ka soo qeyb galin hoga amiyaal ay ka mid yihiin Boqor Abdallaha Jordan iyo Madaxweynaha Masar elSisi.
Joogitaanka kulanka ee boqor Salmaan ayaa caddeyn kale u ah xiriirka sii diirana anaya ee u dhexeeya Turkiga iyo Sacuudi ga. Xiriirka labada dhinac ayaa hormaray markii Salman uu dhaxlay boqortooyada Sacuudiga, sanadkii tagay.
Hogaamiyaha dalka Turkiga ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee M/Ankara boqorka Sacudi Carabiya wax aana uu guddoonsiiyay billada ugu muhii msan dalka Turkiga.
MAAMULKA MUQDISHO OO SHALAY LAGU WAREEJIY AY 93 ASKARI OO BOOLIS AH
M/G/Banaadir, ayaa waxaa shalay la gu wareejiyay 93 askari oo boolis ah, ka gadaal markii loo soo gaba gabeeyay taba bar muddo 3 Bilood ah kaga soconaayay M/Muqdisho. Askarta tababarka loo soo gabagabeeyay, ayaa ah ardayda ka baxd ay fasalka 4aad ee Dugsiga Sare, kuwaa oo iyagu isu diiwaangeliyay inay ka qayb qaataan, kana shaqeeyaan nabadgelyada M/ Muqdisho.
Munaasabad lagu qabtay Xarunta Du gsiga Sare Ee School Polizio, islamarkaa na tababarka loogu soo xiraayay askartan, looguna wareejiyay M/mulka G/Banaadir, ayaa waxaa ka qaybgalay Taliyaha Ciidan ka Booliska Somaliya, General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, General Cali Xersi Bar re (Cali Gaab), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir & Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boor saani) iyo masuuliyiin kale.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya oo ka hadlaayay munaasabadaasi, ayaa wuxuu sheegay inay dhisayaan ciidan mu uqaal wanaagsan leh, islamarkaana ay dadka u soo dacwoon karayaan, sida uu yiri. Taliyaha, ayaa askartan cusub si ras mi ihi ugu wareejiyay M/mulka G/Banaad ir, oo muddo laba bilood ka hor si buuxdo loogu wareejiyay ammanka M/ Muqdisho.
Duqa Muqdisho oo isna ka hadlay mu naasabadaasi, ayaa wuxuu General Xaa mud uu ku ammaanay mid taariikh wana agsan kaga tagaaya dalka. Duqa Muqdi sho, ayaa ammaanay ardayda ka baxday Dugsiga Sare ee u bareertay inay ka mid noqdaan Ciidanka Booliska Somaliyeed, islamarkaana ay ku jiraan amaba laga heli karo General Xaamud oo kale.
Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa waxaa uu rajo wanaagsan uu ka muujiyay askar ta cusub ee tababarka loo soo xiray inay wax wayn ka tari doonaan nabadgelyada Caasimadda.Taliyaha boliiska ayaa dhex da u xirtay sidii is beddel muuqda uu ugu sameyn lahaa C. boliiska somaaliyeed.
MADAXWEYNE XASAN OO KHUDBAD KA JEE DIYAY JAAMACADDA IUA EE M/KHARTOUM
Xasan Sh. Maxamuud, Madaxweynaha JS, ayaa khudbad u jeediyay ardayda, ma callimiinta iyo madaxda Jaamacadda Caa lamiga ee Afrika (International Univeristy of Africa). Waxaa sidoo kale khudbadaasi ka soo qeybgaley mas’uuliyiin ka tirsan do wladaha Soomaaliya iyo Suudaan. Mada xweynaha, ayaa sheegay in Somaliya mu ddo dheer oo ay colaad ku jirtay ka dib, in ay haatan hayso dhabaha dib u soo kaba shada iyo wax wada qaybsiga dalalka gob olka iyo caalamka intiisa kale.
Madaxweynaha, ayaa khudbaddiisa ka ga hadlay taariikhda Somaliya iyo hanna anka hadda socda ee dhismaha Somaliya cusub, oo ku saleysan dimoqraadiyad, xas ilooni, horumar iyo iskaashi. "Waxaa Soo maaliya ay cashar ka baratey xilliyadii ad kaa ee ay soo martey. Waxaan sannadk an markii ugu horraysey dalka ka qabanqa abineynaa doorasho aan toos ahayn oo la gu soo dooranayo goleyaasha hoggaanka dalka,Waxaa Soomaali ay go’aansatey in ay mustaqbal cusub dhisato, kaalinna ka qaadato arrimaha gobolka iyo kuwa caala mka intaba.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.
Waxaa uu Madaxweynaha xusay in So maliya dhanka amniga ay horumar la tab an karo ku tallaabsatey , balse ay lagama maarmaan tahay in si wadajir ah looga wa da qeyb qaato dagaalka ka dhanka ah ur urka argagixisada Al Shabaab, oo uu shee gay inuu ku dhisan yahay aydoloojiyad shi sheeye. "Soomaaliya waa dal ay dagaalo daashadeen oo haatan dib u soo kabana ysa. Argagixisada Al Shabaab iyagoo ka faa’iideysanaya goobo badan oo dalka ka mid ah oo maamul la’aan noqday, ayay is ku ballaariyeen, laakiin markii dambe Ciid ammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay aa u awood sheegtay oo dalka intiisa bad an ka xorreeyay. Soomaaliya ma ahan, diy aarna uma ahan inay hoy u noqoto argag ixiso wata dano shisheeye, iyo afkaar aan wax diin ah shuqul ku lahayn.” Ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha, ayaa wuxuu qeexay in Somaliya oo kheyraad badan uu Ilaahay ku maneystey ay weli shacabkiisa baahan yihiin, taasina ay ka dhalatey qalooc ku yi mid siyaasaddii dalka lagu hagayey, haat anna la joogo waqti Soomaalida oo dhan looga fadhiyo inay la yimaadaan siyaasad wanaagsan oo dalka u horseeda nabad iyo horumar.
"Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad ka fogaataan siyaasadaha wax qeybinta, siyaasadaha colaadaha hurinaya, siyaas adaha wax burburinta iyo siyaasad kasta oo dib u dhac ku keeni karta mujtamaca. Waxaa hubaal ah in ummad kasta oo ku kacda siyaasadaha noocaan ah ay lumin eyso sharaftii iyo karaamadii ay dadka ku dhex lahayd.” Sidaasi waxaa yiri Hogaam iyaha Somaliya.
GEN.L BASHIIR GOOBBE OO SHAACA KA QAADAY WAR FARXAD LEH
Gen.Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), Taliyaha Ciidanka Asluubta Soma liya, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay waqtigooda uga faa’iideeyaan maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe Xamar.
Taliyaha, ayaa waxaa uu sheegay in maxaabiista ay baraan farsamooyin kala duwan, si marka laga sii daayo xabsiga ka ga faa’iideystaan wixii la soo baray, bulsha dooduna ay uga faa’iideeyaan.
Taliyaha, ayaa xusay inay juhdi ku bixi yaan, si aanay ciqaab xabsiga ugu muteys an maxaabiista, islamarkaana ay iska xil saareen daryeelkooda. Gen. Bashiir Goo be, ayaa waxaa lagu ammaanay inuu is bedel wayn ka hirgeliyay Xabsiga Dhexe Xamar, tan iyo mrkii uu xilka qabtay mu ddo laba sano laga jooggo.
Xabsiga Dhexe Xamar, ayaa waxaa ma rkii ugu horeysay laga hirgeliyay shaasha do, ay maxaabiistu kala socoto dhacdooy inka caalamka, waxaadna arkeysaa inay ka daawadaan wararka dunida, ciyaaraha iyo weliba aflaamta.
Bashiir Goobe, ayaa hadalkan ka shee gay kulan Khamiistii lagu qabtay Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir, oo lagu xusaayay weerarkii saddex sano ka hor ka hor ay Shabaabku ku qaadeen xarunta Maxkamadda.
XIL. SHEEGEY IN UU KA BADBAAD EY WEE RAR SIYAASADEYSAN OO LAGU SOO QAADEY.
Xildhibaan C/fataax Nuur Mataan oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somal iya,ayaa wuxuu sheegay in dabley hubey sani ay habeen hore ku soo weerartay hoy ga uu ka degan yahay D/ Beled Xaawo Ee Gob olka Gedo.
Xildhibaan C/fataax Nuur Mataan, ayaa xaq iijiyay in dhawr nin oo hubeysan ay ha been hore laba xabo oo bambo gacmeyd ah iyo rasaasta nool nool, ku soo weerart ay hoygiisa, hase ah aatee uu ka badbaad ay. Mudanaha Baa rlamaanka Somaliya ka tirsan, ayaa ilaa ladiisa ku ammaanay inay iska caabiyeen kuwii weerarka soo qaad ay, islamark aana ay fashiliyeen waxa uu ujeedkooda ahaa.
C/fataax Nuur Mataan ayaa waxaa uu weerarkaasi ku sheegay mid siyaasadeys an,ayna ka dambeeyaan siyaasiyiin uu sheegay inay u dhalatay Gobolkaasi Ge do, walow aanu carab dhabin waxa ay isu gu jiraan. Xildhibaanka oo maalmo ka hor uun dib ugu laabtay Degmada Beled Xaa wo, ayaa sidoo kale mid siyaasadeysan ku sheegay qarax miino oo maalintii Talaada da lagu weeraray Gudoomiyaha Degmad aasi, Yuusuf Maxamed C/qaadir (Yuusuf Kaanti).Dhanka kale wararka laga helaayo De gmada Beled Xaawo, ayaa waxay xaqiiji nayaan in xurguf aan buurnayn ay u dhax eyso Siyaasiyiinta kala taabacsan Dowlad da Dhexe Somaliya & Maamulka Jubba land. Saddex qof oo dumar ah, ayaa ku dhaawacantay weerarka lagu qaaday ho yga Xildhibaan Mataan, oo ku yaala xaaf adda Kabooley, gaar ahaan dhinaca Isbit aalka Khaliil. Sidoo kale waxaa jira askari ka tirsan ilaalada Xildhibaanka oo dhaaw ac aad u fudud uu ka soo gaaray weerar kaasi. Xigasho: Dulqaadka.com
WASIIR FARGEETI OO SHIR KAGA QAYBGALAY MAGAALADA WASHINGTON
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Som aliya, Maxamed Aadan Ibraahim (Farge eti), ayaa waxaa uu Magaalada Washing ton Ee Xarunta Wadanka Mareykanka, uu Khamiistii kaga qaybgalay shir ay soo qa ban qaabiyeen Banki ga Adduun ka & Hay’ adda IMF.
Shirkan, ayaa wax aa diiradda la gu sa ray hour marinta dha qaala ha iyo la dagaa lanka musuq maasu qa, gaar ahaan dadka iyo shirkadaha dowl adaha kala baxsanaa ya canshuuraha. Wasiirka oo hadal ka jee diyay shirkaasi, ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Somaliya ay ku guuleysatay inay wax ka qabato dhaqaalaha dalka.
Wasiirka, ayaa sidoo kale soo hadal qa aday heshiis ay Somaliya toddobaadkii ho re la gashay Hay’adda IMF, oo ku saabsa naa in Somaliya laga cafiyo lacago amaah ahayd oo lagu yeeshay. Wasiir Fargeeti, ayaa heshiiskaasi waxaa uu ku sheegay mid muhiim u ahaa Dowladda Dhexe So maliya, iyadoona uu markale IMF kaga ma had celiyay aqbalaadda in Somaliya laga cafiyo amaahdaasi.
KOOXO HUBEYSAN OO TOOGTAY MADAXA NABADSUGIDDA DEGMADA QORYOOLEY
Warar naga soo gaaray degmada Qory ooley ayaa sheegaya in madaxdii hay’ad da nabadsugidda degmadaasi ay toogteen kooxo ku hubeysan bastoolado, halkaasi oo uu ku geeriyooday. Sida ay sheegaya an goob joogayaal shabakadaan u waram aySomaliweyn.com, Taliyaha nabadsugid da degmada Qoryooley oo lagu magacaa bo Axmed Bulle ayaa la sheegayaa in xill igii la tooganayay uu marayay waddo ku ta ala bartamaha M/ Qoryooley.
Daqiiqado ka dib waxaa goobta soo ga aray ciidamada ammaanka dF iyo kuwa AMISOM, iyagoona halkaasi ka qaaday meydka taliyaha, ka dib markii ay goobta isaga baxsadeen kooxihii falkaasi ka dambeeyay. sidookale maamulka degma da Qoryooley ayaa ku hanjabay inay cada aladda hor keenayaan kooxihii ka dambe eyay dilka taliyaha, iyagoona halkaasi du rba ka bilaabay dhaqdhaqaaqyo la xariira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay dilka tali yaha. xigasho:somaliweyn.com
SIILAANYO: DOWLADDA FEDERAALKA AH EE SOMALIA WAA INAY QADARISO MADAXBANAANIDA SOMALILAND
Madaxweynaha Somaliland, Axmed Ma xamed Siilaanyo, ayaa soo saaray shalay warbixin uu ku sheegay inaysan Somalil and ka mid ahayn Maaamullada Somalia, balse ay tahay dal ka madaxbannaan Soomaaliya. Siilaanyo ayaa kaga jawaaba yay hadalkan go’aankii kasoo baxay Mad ashii Wadatashiga Soomaaliya, gaar aha an qodobka ku saabsan in xildhibaanada Baarlamaanka ku metelaya Somaliland ay soo Xulayaan madaxdhaqameedka.
Warmurtiyeedka Madaxweyne Siilaa nyo ayaa u qornaa sidan: Anigoo ku hadl aya Afka Somaliland, waxaan halkan ku caddeynayaa Mowqifkeenna ku aaddan Warmurtiyeed dhawaan kasoo baxay shir kii ay yeesheen qaybaha Somaliya, kaa soo khuseeyey qaabka doorasho ee dalka asi ee 2016.
Warmurtiyeedka Soomaaliya ee u dam beeyey waa Tallaabo macnodarro iyo Da andaansi lagu sheeganayo, laguna soo darayo Soomaaliland inay qayb ka tahay geedi socodka qaabka doorashada ee soomaaliya. J/Somaliland qayb kama ah an Somali, weligeedna ka noqonmayso, hadday federal tahay iyo hadday si kala ta hayba. Waxaa lagama maarmaan ah inma anka lagu hayo in Somaliland oo Madaxbannaan ay la gashay Soomaaliya heshiis midnimo oo sharcinimada heshiiskaa laft iisa su’aali ka taagan tahay.
Somaliland way diiday heshiiskaas min dimada Somaliland iyo Somalia aftidii dast uurka ee dadka laga qaaday horrantii 1961kii, iyagoo Somaliland si buuxda uga laablaabatay 1991kii, kuna caddeysay go’aankeedii ka noqoshada midnimadaasi, isla markaana baaqi ku ahaanayso la soo noqoshada madaxbanaanideeda, sida ku cad, aftidii muwaadiniinta Somaliland ee 2001.
Somaliland ka qaybgelimayso qaabka doorasho ee Soomaaliya. Dawladda Som alilandna iyadaa leh awoodda sharci, Muw aaddiniinteeduna u doorteen inay ku hada sho Afkooda iyo mag acooda, kulana xaajo on karto cid kale, odayaal, madaxdhaqam eed, iyo cid ay magacaabeento ona ma ma teli karaan J/Somaliland, ciddii sidaa iskudayda ama ku andacootaana, waxaa loo arkayaa inay ku kacday khiyaamo, waana Sharcidarro, waxay tarayaana maba jirto.
Somaliland cidda Awoodda bixisaa ee xi lka cid u doorataa, Alle Ka Sakow, waa Da dweyneheeda. Waxaan marar badan soo bandhignay nidaamkayaga diimuqraadiy adeed, annagoo qabanay doora shooyin si nabad ah ku dhacay, xor iyo xalaal ahaa, oo dhawr jeer qabsoomay. Wakhti xaadirk an na, waxan isu diyaarinaynaa doorasha da madaxweynaha, madaxweyne ku xige enka iyo ta waki illada ee 2017ka, kuwa soo ka gooni ah, waxshaqo ahna aan ku lahayn qaabka doorasho ee Soomaaliya 2016.
Somaliland waxay door shariif ah ka qa adanaysaa dadaal kasta oo keenaya nab ad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda gobolka Geeska Afrika, waxanay mar 2a ad caddeynaysaa siday uga go’an tahay wadahadalkii Somaliland iyo Soomaaliya ee ay kor joogaha ka ahayd beesha caal amku ee bishii Juun, 2012, laguna raadin ayey falanqaynta danaha labada dhinac, iyadoo lagu xadaynayey sida loo gaadha yo xidhiidh nabadgelyo ku dhisan oo laba da dhinac yeeshaan must aqbalka.
Wadahadalkaasi ayaa annaga naga go’an, hase ahaatee, iskudayga dhinaca kaliya ee ay Soomaaliya waddo, ee ay So maliland ku soo darayso qaabkeeda doora sho, wuxuu si cad uga hor imanayaa wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya ee 19 January, 2014 ee ahaa inay labada dhinac faraha kala baxaan wax kastoo dhibaato ka dhex abuuri kara labada dhinac, sida hadal iyo habdhaqan aan loo baahnayn oo fogayn kara wada hadalada labada dhinac.
Sida awgeed, waxan ugu baaqaynaa DF ah inay qaddariso madaxbanaanida Somaliland iyo aw oodda dadkeedu siiyeen dawladdooda, iyo dimuqraadiyadda ay ku doorteen. waxan ku boorrinay naa Soomaa liya inay faraha kala baxdo qaranimada Somaliland.".
SHAN MADAXWEYNE AFRIKAAN AH OO AAN HAYSAN SHAHAADO JAAMACADEED
Madaxweynayaasha caalamka ayaa dadku ay ka fishaan inay yihiin dad aqoon sare leh oo wax barashada ka gaaray heer jaamacadeed. Hase yeeshee hogaamiyaal Afrikaan ah ayaan waxbar ashada heer jaa macadeed ka gaarin iyagoo qaarkood aan ba ka gudbin dugsi sare.
Haddaba aan qor madan ku soo qaa dano shan Madax weyne oo xukumo dalal Afrikaan ah ku waasoo aan wax ba rasho heer Jaama cadeed gaarin bal se xukuma dalalko oda.
1.Dennis Sassou Nguesso, Republic of the Congo Nguesso ayaa magaalo ku taal galbeedka dalkiisa ee Dolisie waxa uu ku qaatay tababar macalinimo isa goo aan Ja amacad u gudbin. hase yeeshee hogaami yahan oo aan haysan shaha ado Jaamacadeed ayaa maam ulayay dalkiisa tan iyo bishii Oktoobar 19972. Madaxweyne Nguesso ayaa dhowr je er ku guuleystey doorashada dal kiisa wax ana uu xilligii uu dhalinyarada ahaa ku soo barbaaray ciidamada.
DenisSassouNGuesso
2 Saias Afwerki, Eritrea
Madaxweynaha dalka Eritrea ayaan dhamaysan waxbarashadiisa dugsiga sare hase yeeshee waxaa uu sanado badan ha atan hogaanka u hayay dalkiisa. Waxa uu Afwerki sida la diiwaang eliyay ka qalin jebi yay Dugsiga sare ee Makonnen hase yee shee waxa uu ku guuldareystey in uu Jaa macad u gudbo taas bedelkeedna waxa uu ka qeybgalay halgankii loogu jirey xore ynta dalka Eritrea.
PresidentIsaiasAfwerkiinterview2
3Paul Kagame of Rwanda
Madaxweynaha Rwanda Kagame ayaa kamid ah hogaamiyaasha Afrikaanka ah ee aan shahaado jaamacadeed weligood qaadan, waxana uu Kagame waxbarasho ku qaatay xero qaxooti oo ku taal dalka Ug anda isagoo halkaa ka bartay luqada Engl ishka iyo dhaqanka Uganda.
Kagame ayaa horaantii toddobaatame eya dii waxaa geeriyoday aabihiis waxana xilligaas uu ahaa mid dhiganayay dugsiga sare ee Kampala mana dhamaysan wax barashadiisii dugsiga sare.
presidentpaulkagame7
4 Yahya Jammeh, Gambia
Madaxweynaha dalka Gambia Yahya Jammeh ayaa caan ku ah tababar xoog leh oo dhinaca milatariga oo uu soo qaat ay markii uu dhameeyay waxbarashadiisii dugsiga sare ee magaalada Banjul.
Sanadkii 1984tii ayuu ku biiray ciidamada qaranka ee dalka Gambia waxana uu ga aray labo xiddigle sanadku marka uu ahaa 1989 kadibna waxa uu noqday taliyaha Bo oliska Milatariga ee dalkiisa isagoo ka dib na noqday Madaxweyne.
Jameh
5 Muhammadu Buhari, Nigeria
Hogaamiyaha caanka ah ee dalka Nige ria Muhammadu Buhari ayaa ka mid ah madaxda wadam ada Afrika ee aan Jaam acad gelin. Hase yeeshee Buhari ayaa du gsiga hoose ku galay Daura iyo Mai’ adua gobolka Katsina ee Waqoyiga Nigeria.
Kadib waxa uu Buhari wax ku bartay dug siga Katsina Model sanadkii 1953 waxana uu dugsiga sar e ku dhamaystey Katsina Provincial Secondary School intii u dhex eysay 19561961
.Waxaa Diyaariyay Mohamed A. Aseir
GAAS OO DIFAACAY HAY’AD KRISHTAN AH OO ARIMO YAAB LEH KA WADO GAROOWE;
Md.C/welli Maxamed Cali Gaas ayaa ka jawaabay qoraal dhawaan warbaahinta ay baahisay oo lagu she egay in hayada Wor ld Vission doney so shaqaalo u go’day dii nka Kari shtanka.
Madaxweyne Gaas ayaa sheeg ay in wax culees ah aysan ahe yn in hayadaasi ay ku xayaysiiyo barteeda internetka iney u baahan tahay shaqaala haasi oo kale, isa ga oo sheegay in shaqaalo cadaan iyo aj aaniib ahba ay ku sugan yihiin magaalada Garowe.
C/welli Gaas wuxuu sidoo kale shee gay in magaalada ay ka shaqeystaan ku wo u dhashay dal alka Kenya iyo Uganda kuwaasi oo ka shaqeysta magaalada ayna la mid yihiin dadka hayada u sha qeynaya.
Wuxuu kaliya sheegay ineysan wanaags aneyn in qof Soomaali ah oo qaatay diinta asi uusan ka shaqeyn karin magaalada Kismaayo.
Xigasho:somaliweyn.com
SHACABKA KURDIDA IYO TURKIGA OO DAG AAL GACMAHA LA ISKULA TEGAY KU DHEX MARAY DALKA JARMALKA
M/Frankfurt ee dalka Jarmalka waxaa shalay ka dhacay dagaal gacmaha la isku la tegay oo dhex maray boqolaal qof oo ka soo kala jeeda qowmiyada Kuriga iyo Turk iga, waxaana halkaasi ka dha cay qasaare baaxad leh oo soo gaaray dadweynihii dagaalamayay.
Ciidamada Booliska dalka Jarmalka oo fara badan ayaa la geeyay goobaha ay ku dagaalama yeen shacabka Kurida iyo Tur kiga, hase yeeshee waxay ku guul dareys teen inay xakameeyaan rabshadaha iyo dagaalka labada qowmiyadood.
Dagaalka 2da dhinac ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhowaad toban ruux iyo ti ro intaasi ka badan oo ku dhaawacantay, iyadoo markii ay xaaladdu faraha ka bax day la kordhiyay ciidamada Booliska, kuw aasi oo markii dambe ku guuleystay inay kala eriyaan dhinacyada dagaalamayay.
Muuqaallo dheeraad ah (Guji / Riix)
Dadka ka soo jeeda Kurdida iyo Tur kiga ayaa tobankii ee ugu dambeysay wax ay si xad dhaaf ah ugu soo qulqulayeen dalalka Yurub tan iyo markii ay dagaalada ka dhacee dalalkooda, iyadoo tir ada ugu badan degan yihiin dalka Jarmalka.
MAGAFE HOOWSHIISII OO YURUB KA BILAABTAY, AFDUUB 4.5 U DHOW.
Dalka Talyaaniga waxa lagu xidha dad ka bada ka soo gala ee ehelkooda lacag ineey soo diraan lagu qasbaa. Afduubka waxa sameeya dadka Soomaali ah oo dal kan sii joogay oo ah kuwa bada ku yimid oo cilimigan ku soo guuriyay saxaraha dal ka Libya.
Afduubku wuxu ku dhaca badana dhal in afka aan aqoon, cunto a an heeysan oo dalka aqoon tiisu ka maqan tahay.
La heeystsyassha waxa laga afduuba meelaha tree nada laga raaco iyo xerya ha ya soo dhoweeynta.
Waxa loo balan qaada in Yurubta kaleh la geeynay oo qaar ka mid ah dhalinta wa xa la saara train u baxaya magaalo kaleh Itaaliya ka mida iyadoo loogu sheego ine ey u socdaan dal kaleh. Bal se markeey ga adiidka ka soo degaan ayeey ogaadaan in lacag laga qaatay lana soo habaabiy ay, halkaana afduubayaasha kaleh ayaa ka hela.
Mararka qaar waa loo hanjaba hadeey Isku dayaan baxsasho. Jirdilna waa laga hadlay laakiin cadeeyn adag looma hayo.
Balse tahdiid waxa looga dhiga Talyaani ga ayaan kuu dhiibo oo faro lagaa qaadi si aanad uga bixin dalkan.
Ugu dambeeyn reerahooda lala hadashi iya oo lacag laga qaata markaasi ayaa la dhoofiya ama lacagta la cuna oo la sii daaya.
Haddi la heeystahu yaqaano dad bee sha ah oo shaqadan ku hoowlan waxay la xaajoodaan afdu ubaha reerka kale ah oo gacan ku heeynta ayaa is badasha balse hoowshu isma dooriso. Taasina waxay ficilkan u yeeshay 4.5 hanaanki ahaa.
Waxaa diyaariyay:/Q:Cali Musa Cabdi
SAFAARADDA MAREYKANKA OO TABABAR KU SAABSAN SIDA LOO SOO TEBIYO DOORASHO OYINKA U SOO XIRTAY SAXAFIYIIN KA SOCD AY DALALKA KENYA IYO SOOMAALIYA
Waxaa M/Nakuru oo ah caasimadda 4aad ee dalka Kenya lagu soo gabagabe eyay tababar ku saabsanaa habsami u soo warinta codbixinta doorashooyinka dalka Soomaali ya. Tababarkan oo lagu qa btay xarunta maktab adda qaranka Kenya ayaa wa xaa wariyeyaa shii ka qeyb gal ay lagu baray casharo la xiriira habsami u soo bandhigidda doorashooyinka, gaar ah aan sidii qaab mas’uu liyad ku jirto weriyey aashu uga soo warami lahaayeen loollam ada doorashooyinka.
Wadammada Soomaaliya iyo Kenya ay aa waxaa ku soo fool leh doorashooyin madaxtinimo iya doo arrintan la adligeed tababarkaan loo fidiyey weriyeyaal kala ge disan oo ka socday idaacadaha ugu waa weeyn labada wadan. Macallimiinta ca sharada bixinayay waxaa ku jiray khubaro Sooma aliyeed oo ku xeel dheer aqoonta warbaahinta iyo weliba tan doorashooyin ka waxaana khubarada asi ka mid ahaa Yuusuf Garaad Cumar oo horey qudhiisu ugu soo loolamay doorasho madaxweyne nimo.
Waxaa dhanka Kenya casharrada bixi nayey mas’uuliyiinta ugu sareysa ururka dowliga ah ee Media Council of Kenya iyo kuwa kale. Intii uu socday tababarka, wax aa aqoon isweydaarsi soo bandhigay wer iyeyaasha Soomaalida iyo kuwa warbaah inta ugu afka dheer Kenya, waxaana weri yeyaasha Kenya ay ka warameen nat iijooyinkii laga dhaxlay doorashooyinkii Ke nya ka dhacay sanadihii 2007 ilaa 2008.
Weriyeyaasha Soomaalida ee idaacadaha iyo telefishinnada ayaa iyaguna ka warbixi yey qaababka ay Soomaaliya uga dhici karto doorashooyin bilow ah iyagoo she egay in nidaamka doorashooyinka ee heer ka gobol uu Soomaaliya gaarsiin doono mustaqbalka nidaam heer sare ah oo qof walba iyo codkiis ah.
Tababarka ka dib ayaa waxaa goobta shahaadooyin ka bixiyey mas’uuliyiinta ugu sareysa ee qunsuliyadaha Mareykan ku ku leeyahay wadammada Kenya iyo So omaaliya.
QM OO SHAACISAY IN QIYAASTII 60-MILYAN OO RUUX AY U BAAHAN YIHIIN KAALMOOYIN BANI'AADAMNIMO
Warbixin cusub oo ay QM.soo saartay, ayaa lagu xusay in 60-Milyan qof oo ku no ol caalamka daafihiisa ay u baahan yihiin kaalmooyin deg-deg ah, iyadoo sheegtay inay arrintaan sabab u tahay cimilada El Nino oo haatan jirta. Xafiiska QM ee isku-xirka Arrimaha Gargaarka, ayaa warbixin tan ku sheegay in kala-bar dadka ay cimi ladan saameysay ay ku nool yihiin K/ Q/A frika, halkaasoo ay ku dhufteen abaarihii u gu darnaa ee soo marta muddo Toba neeyo Sannadood ah.
Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu xusay in 13 waddan oo ku yaal K/iyo Bartiga Q/A frika ay abaaruhu si daran u saameeyeen, waxaana lagu sheegay warbixinta in cul ayska ugu weyn ay ku hayso dadka Ito obiya. Dalka Itoobiya ayaa in ka badan 10 milyan qof ay si deg-deg ah ugu baahan yihiin cunno, kaddib markii ay ku dhufteen abaaro ba’an, xaaladana ay uga sii dartay El Nino.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in cimladu ay is-bedeshay, iyadoo an tii ugu xo oganeyd ee la diiwaan-geliyo, iyadoo sa meysay waddamada; Zimbabwe, Suuda an, Somalai iyo Lesotho, halka Malawi ay isku biirsadeen Abaaro iyo daadad.
QM ayaa Warbixintan ku xustay in Dow ladaha iyo hay’adaha Caalamiga ah ay sa re u qaadaan kaalmooyinka ay bixiyaan, lo ona baahan yahay lacag dhan 2-milyan oo doollar si loo sii wado dadaalada Gar-gaar ka la rabo in lagu badbaadiyo malaayiin tan qof ee ay abaaruhu saameeyeen.
Ugu dambeyn, Warbixintu waxay ka dig tay in xaaladda ay ku nool yihiin dad bad an ay sii xumaan karto lixda bilood ee ugu damb eysa Sanadkan 2016-ka, haddii aan an gargaar degdeg ah lala gaarin.
BOGGA CIYAARAHA
ISKU AADKA CHAMPIONS LEAGUE OO LA SOO SAARAY. REAL MADRID VS MAN CITY IYO ATLETICO MADRID VS BAYERN MUNICH
Uefa ayaa shaacisay waqtiga ay koox waliba ciyaari doonto lu gta hore iyo lugta danbe ee ware ega afar dha maadka Cha mpi ons League oo isku aadkiisa goordhow lagu qabtay magaalada Nyon ee dalka Switzerland.
Manchester City ayaa lugta hore soo dhaweyn doonta kooxda Real Madrid wax aana la ciyaari doonta habeenka talaada da ee 26ka bishaan April, halka habeenka Arbacada ee ku xigta ee 27ka bisha April ay ciyaari doonaan kooxaha Atletico Madr id iyo Bayern Munich ciyaartaasoo ka dhici doonta Vicente Calderon. Lugta 2aad Bayern Munich ayaa soo dhaweyn doonta Atletico Madrid habeenka talaadada ee 3-da bisha May, halka habe enka ku xiga ee arbacada ee 4ta bisha May ay Manchester City soo booqan doon to Bernabeu si ay lugta labaad u wajaha yaan Real Madrid. Champions League Semi Final 2016
Taariikhda La ciyaarayo Semi Finalka Champions League:-
Lugta Hore
26ka April Man City v Real Madrid
27ka April Atletico Madrid v Bayern Munich
LUGTA DAMBE
3da May Bayern Munich v Atletico Madrid
4-ta May Real Madrid v Man City.
Champions League
TACSI LOO DIRAYAO EHELADA XAAJIYO MARXUUMAD XALIIMO CALI XUSEEN OO MUQDISHO KU GEERIYOOTAY
Col.Nuur Xasan Xuseen {Nuur Cadde} ,Maxamed Nuur Xasan, Jen.Xasan Xuseen Xasan {Muunga ab}Abuukar Axmed Ma xamed {A.Ganeey} Dr.Cismaan Axmed Jimcaale {Dr .jimmy},Salaado Axm ed Jimcaale, Madiino Axmed Jimcaale Xabiibo Axm ed Jimcaale,{Biibto},Muxuddiin Axmed Jimca ale,Nuurto Cali Cumar,C/Naasir Cali Cumar Qadro Cabdullaahi Cali, Ilmo Faad umo Maxamed Macoow,Xaaji Maxamuud Axmed Jimcaale {Shataar} iyo caruurtiisa, Aamino Axmed Jimcaale iyo Carteeda Reer Xuseen Nuur Cadoow,Dhammaan Reer Axmed Jimcaale Cigalle Reer Jimcaale Cig alle iyo Reer Geeddoow Cigalle, Aamino Maxamed Macoow iyo Caruurteeda oo kala ah :Faadumo Xuseen Xasan Carab,Xabiibo Xuseen Xasan Carab {Xab iibo Shiino}, Maxamed Xuseen Xasan Carab, Ilmo Mako Maxamed Macoow guud ahaan tood, Dr. Maxamed Xus een Axmed {Dr. Suufi, Cismaan Xuseen Aw Axmed {Wary eel},Cumar Xuseen Axmed, Da’uud Xuseen Axmed, Faa dumo Xuseen Axmed, Maryan Xuseen Axmed ,Hooyo Jiino Cali Caddoow,dhammaan ilmo xuseen aw Axmed Maxamed Calsoow, Xaliimo Maxamu ud Hilowle, Cabdullaahi Maxmauud Axmed, Sahro Maxamuud Axmed, Shamso Max amuud Axmed, Shukri Maxamuud Axmed,Dhammaan Ilmo Maxa muud luugne,Faadumo Maxmed Cilmi, Xaawo Maxamed Cilmi, Maxamuud Maxamed Cilmi, Axmed Maxamed Cilmi, Maryan Maxamed Cilmi,Dhammaan Ilmo Bat uulo Aw Axmed Maxamed Calasoow, Xabiibo Xasan Maxamed Calsoow, iyo Carruuteeda , Ilmo Mako Xasan Maxamed Calsoow iyo Caru uteeda,Ilmo Madiino Xasan Maxa med Calasoow iyo Caruuteed, Reer Cismaanciil Sh.Cali, Muum ino Sh. Cali iyo Carruut eeda xabiibo Xasan Afrax, Jaliilo Xasan Axmed, Bashiir Xasan Axmed {Bashiir BBC} C./laahi Maxamuud Jimcaale {C. Abk oow},Xuseen Maxa muud Jimcaale Xuseen Abkoow}, Xaawo Maxamuud Jimc aale {Xaawo Neero} Dhammaan Caruurtooda,Ing. Maxamed Cali Madoobe iyo Caruurt iisa, Maxamuud Max amed Cali Kiishweyne Iido Habar waay Firti iyo Car uurt eeda Dhammaan Dadkaasi oo ku kala sugan daafaha caalamka waxaay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Ruqiyo Cali Cabdulle,Nadiifo Cali Cabdulle Ilmo Iddoow Cali Cabdulle iyo Guud ahaan ilmo aha Marxuummadda meelkast oo ay kala jobaanba walaalahood iyo caruurtoodaba, Sidoo kale Marxuumadda walaalaheed Jabriile Cali Xuseen, Sahro Jen. Jabriile Cali Dr.,Maxamuud Xasan Maxamed {Dr Ingariisoow} iyagoo ugu Tacsiyadeynayo Geeridii ku timid MARXU UMAD XAAJIYA XALIMO CALI XUSEEN 13/4/2016-ka oo Arbaca aheyd Subaxdii ku Gee riyoodtay Magaalad Muqdisho waxayna Alle ugu baryayaan Marxuu madda inuu Alle Jannadiisa Fardo wzo aheyd uu ka Waraabiyo intii ay ka Geeriyootayna Samir iyo Iima an Saadaq ah ka siiyo
Aamiin Aamiin Aamiin
INNAA LILLAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN
TACSI
Dhammaan Madaxda Iyo Xubnaha ururka haween ka Qaranka soomaaliyeed , Dhammaan Urur rada Bulsha da Reydka soomaaliyeed ee dalka iyo ururrada COGWO INXA, ku mideysan dhamm aan haweenka soomaaliyeed dalka soomaaliya waxay Tacsi Tiiraanyo Leh U Dirayaan Ruqiyo Cali Cabdulle oo Hooyadeed Marxuumad Xaajiyo Xaliimo Cali Xuseen oo 13/4/2016-KA ku geeriyootay Mag aalad muqdisho waxaayan alle ugu barayayaan inuu marxuumadda jannada ugu bishaareeyo intii ay ka Geeriyootayna uu Samir iyo iimaan ka siiyo Aamiin Aamiin Aamiin
INAA LILLAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN
TACSI TIIRAANYO LEH
Shariifo Cadoow,Xabiibo Xaaji Jimcaale,Xaawo Maaxi Maxamuud,Sahro Cumar Maalin,Bintoow Ismaan Heesoow,Fartuun Xasan Sobral, Aamino Qoryooleey,Sahro Maxamed Axmed,Khadiijo Cos oble Cali,Maryan Axmed Hilowle,Dahabo Susow, Saf iyo Baarbe Cali, Aamino Caalim Maxamuu d,Canab Xasan Cali,Abwaanad Xaliimo, Dahabo Sh. Maxamuud, Xaliimo Calaso ow,Jahaawir Baarqab,Ruqiyo Axmed Jimcaale, Xabiibo Deexeed,Faadumo Yuusuf,Maryan daqal, iyo Bahda wargeys ka Mog adishu Times Daily News Paper waxay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Ruqiyo Cali Cabdulle iyo walaalaheed iyagoo ugu Tacsi yadeynayo Geeridii ku timid HooyadeedMarxuumad Xaajiyo Xaliimo Cali Xuseen13/4/2016ka ku Geeriyootay M/Muqdisho waxayna Alle uga baryay aan inuu Marxuumadda alle janadiisa ka waraabiyo ehelka iyo axsabta ay ka geeriyootayan uu sa mir iyo iimaan saadaq ah ka siiyoAamiin Aamiin AamiinINNAA LILLAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN
NATIONLINK
QIIMO DHIMIS BALAARAN
BISHAARO , BISHAARO, BISHAARO
Shirkada isgaarsiinta Casriga caalamiga ah ee NATIONLINK waxaymacaamiisheeda sharafta leh u sameysay Qiimo Dhimis Dal & dibad ah Muddo 2 bilood ah oo ka bilaabaneynsa 18 / 03/2016 waana adeega ku shubashada ah ( prepaid ka)
A.Wicitaanada Gudaha Dalka oo dhan ku shubo $1 kuna hadal140 daqiiqo Habeen iyo Maalin
B.Wicitaanada Dibada : ku shubo$1 oo ku hadal 10 daqiiqowadamada
- USA.
- CANADA
- CHINA.
- INDIA.
- AUSTRALIA.
- BANGLADESH.
- MALAYSIA.
- PAKISTAN.
- SOUTH AFRICA
- SWEDEN
NATIONLINK ISKUXIRAHA DADWEYNAHA
FAAHFAAHIN DHEERI AH, FADLAN WAC 100/222/333
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EEMAANTA OO AH SABTI 16-KA ABRIILE 2016-KA
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GAARAY DALKA ITOOBIYA Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxa muud ayaa ka degay magaalada Addis Ab aba, isagoo uga sii gudbi doona magaala da Baxardaar ee dalka Itoobiya oo manta uu ka furmi doono Shirkii 5aad ee Mada sha Sare e