Orodyahano Soomaali ah oo Kaalimaha hore ka galay tartanka Maaratoonka ee Olombikada

1
Sunday August 08, 2021 - 19:44:39 in Wararka by
  • Visits: 2554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Orodyahano Soomaali ah oo Kaalimaha hore ka galay tartanka Maaratoonka ee Olombikada

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Eliud Kipchoge oo u dhashay dalka Kenya ayaa ku guuleystay kaalinta kowaad ee orodka dheer ee Marathoon-ka,halka kaalinta labaad iyo saddexaad-ba ay ku guuleysteen 2 wiil oo Soomaali ah, oo u ordayay labo dal oo Yurub ku yaalla.

Cabdi Nageeye oo u ordayay dalka Netherlands ayaa galay kaalinta labaad waxaa uuna sidaasi ku qaatay billadda Qalinka , halka Bashiir Cabdi oo u ordayay dalka Belgium-uu galay kaalinta saddexaad sidaasi oo u ku qaatay billaddii harsaneyd ee Maarta.

Nageeye wuxuu ku dhashay bishii Maarso 1989 magaalada Muqdisho, Soomaaliya. Isaga oo 6 jir ah, waxaa dib u -dejin loogu sameeyay sidii qaxootinimo dalka Nederland. Ka dib markii uu afar sano ku qaatay Netherlands, waxa uu muddo kula soo noolaa qoyskiisa Suuriya iyo Soomaaliya. Ka dib, Nageeye wuxuu ku soo noqday Netherlands isagoo sii maraya Itoobiya waxaana soo korsaday qoys Oldebroek ah.

Bashiir Cabdi oo u ordayay dalka Belgiumka galayna kaalinta 3aad waxa uu dhashay sannadkii 1989 bishii bishii Feebarweri, isaga oo ku dhashay magaalada Ceel Afweyn, ee gobolka sanaag, Somaliland.

Waxa uu u ordaa dalka Biljam, waxaana uu caan ku yahay orodka dheer. Wuxuu ka qayb galay 10,000m orodka ah oo dhacayey sannadkii 2014 horyaalada ciyaaraha fudud ee Yurub. Ciyaarihii Olombikada ee Rio de Janeiro ee 2016kii. Bashiir wuxuu ku tartamay labada orod ee 5000m iyo 10000m.

Nageeye pakt zilver op marathon en helpt maatje Adbi aan brons
00:33
Client ID: 12breepe2jgg



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip