SAXIIXEYGA WAAN ILLAABAY' Waa arrinta baryahaan kacsan

0
Friday April 15, 2016 - 23:06:13 in Maqaallo by
  • Visits: 1018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAXIIXEYGA WAAN ILLAABAY' Waa arrinta baryahaan kacsan

    Mudaddii burburka ka dib Soomaaliya wax badan ayaa soo hagaagaya, waxaana tartiib tartiib usoo muuqanaya ifafaalo dowladeed, iyadoo asxaab badan ay indhaha ku soo kala qaadeen iyadoo xabadi dhacayso oo aan wax kala danbayn ah jirin, taasoo sababtay i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudaddii burburka ka dib Soomaaliya wax badan ayaa soo hagaagaya, waxaana tartiib tartiib usoo muuqanaya ifafaalo dowladeed, iyadoo asxaab badan ay indhaha ku soo kala qaadeen iyadoo xabadi dhacayso oo aan wax kala danbayn ah jirin, taasoo sababtay in dadkaasi nidaam dowladeed wax ka fahamsaneyn oo ay adag tahay in ay la qabsadaan hababka dowlada.
Cilmibaaristii ugu danbaysay ee laga sameeyay Soomaaliya ee ku saabsaneed dadyowga ku nool waxaa lagu ogaaday in dadka ku nool Soomaaliya 75% ay kayar yihiin 40-sano taasoo sababi karta dadkaasi in nidaam dowladeed adag tahay sidii ay ula qabsan lahaayeen, waayo 30 sano kudhowaad xaalad aan caadi ahayn ayaaba lagu jiray, Waxba yaanan kusii fogaan sharaxaada arimahan, balse waxaan u sii guda galayaa halku dhiga qoraalkeygan ee aan ku soo xusay kor.

Waayahan danbe waxaa aad usoo badanaya Bankiyadda sida gaar ah loo leeyahay ee Soomaaliya ka shaqeeya kuwaas oo lacagaha la dhigto, waliba ay sii dheer tahay sanadahan danbe in shaqaallaha kala duwan ee shirkadaha,Wasaaradaha & Hay’adahaay ugu shubaan shaqaalahooda Bangiyadaasi qaar ka mid ah oo ay hore heshiis ula galleen.

Shaqsiga Bangiga lacagta dhiganaya ama loogu soo shubo waxaa qasab ah in uu buuxiyo sharuudaha furasha koontada taasoo ay ka mid tahay sawir in laga qaado & Baasaboorkiisa oo koobi ah, waxaase sii dheer in laga rabo saxiix uu saxiixo si hadhow marka uu lacagta kala baxayo koontada uu saxiixiisa kula baxo.

Arintan saxiixa ayaa ah mashaqada ugu badan ee ka dhax dhacda macaamilka koontada furtay & bangiyada gaarka loo leeyahay, waxaa dhacda marka ruux koonto furanayo oo la yiraahdo saxiix halkaan uu wax iska xariiqo ka dibna loo maleeyo in uu saxiixiisa runta ah yahay.

Marka uusoo baxo oo mudo laga joogo lasoo wargeliyo in koontadiisa ay lacag u taalo uu damco in uu kala soo baxo ayaa foom lacag la bixid buuxiyaa ka dib waxaa dhacda in saxiixa uu illaabo ileyn awalba meel ayuu isaga fallaaday, ka dib waxaa dhacday in uu keeni waayo in uu sameeyo sidii uu awal sameeyay ka dibna ay meeshaasi ka billaabataa, waxaa dhacda in meesha laga yaabo in ay mashquul tahay oo ay yartahay fursad wax la isugu sheego ileyn waad garan kartaa meel shaqaallo mushaar ka qaadanyo.

Ninkii koontada lahaa lacagtiisa ayuu rabaa ninka bankigana ma siin karo oo waxbaa qaldan is afgaran waa ayaa meesha ka jira oo waxbaa qaldan, markii la hubiyo ka dib waxaa dhacda in la yiraahdo badal saxiixa oo si wanaagsan isaga eeg balse aan dhicin in si sax wax u dhacaan oo uu toosiyo, ugu danbeyn markasta uu yiraahdaa "SAXIIXEYGA WAAN ILLAABAY” arintan ayaa ah arin ka kacsan magaalada waayahan.

Ugu danbeyn waxaan ku soo gaba gabeynayaa macaamilada furanayo koontooyinka in ay iska hubiyaan, sidoo kale Bangiyada ku deg deg in koonto laga furto iyagana yeysan diiwan galin qof si deg deg ah illaa ay si dhab ah wax u hubiyaan.

asad-dhayow


W/D Asad Abukar Ali (Asad Dhayow)
Email asaddhayow@gmail.com
Mogadishu-Somalia



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip