
Ololaha afarta bilood oo si rasmi ah uga bilowday Muqdisho (Kala duwanaanshiyaha ololayaasha)
Dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ayaa isugu jira dhowr nooc, iyadoo siyaasiyiin, xildhibaano iyo rag doonaya inay ka mid noqdaan dowladda cusub ee dalka ka dhalaneysa dabayaaqada sanadkaan 2016-ka.
Xaafado dhowr ah oo ku yaala magaalada Muqdisho waxaa la kireystay dhammaanba guryihii ugu waaweyn, iyadoo xisbiyada dalka ay isku diyaarinayaan ololahooda doorashada isla markaana diyaar garow ugu jira sidii ay door ugu yeelan lahaayeen labada aqal oo iyagu sal u ah xukuumadda cusub.
Sidoo kale dalka dibadiisa ayaa iyana waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo ay Soomaalida jago-doonka ahi ka wadaan, gaar ahaan qurba-joogta, siyaasiyiinta iyo xubno horay xilal uga soo qabtay xukuumadihii ugu dambeeyay ee dalka soo maray.
Madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaalida ee iyagu bilaabay ololahooda, waxaa ka mid ah: Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu iminka madax ka ah xukuumadda Federaalka ee hadda talada dalka hoggaamineysa, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Dimoqoraadiyadda PDP.
Waxaa kale oo ka mid ah: Ra’iisal Wasaarihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo oo isagu heysta aqlabiyadda shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba.
Xubnaha kale ee iyagu bilaabay ololahooda siyaasadeed oo tiradoodu gaareyso ku dhowaad 20-xubnood, ayaa waxaa kale oo barbar socota siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka caanka ah ee doonaya inay ka mid noqdaan labada aqal ee uu dalku yeelanayo.


0 



Ololaha afarta bilood oo si rasmi ah uga bilowday Muqdisho (Kala duwanaanshiyaha ololayaasha)
Magaalada Muqdisho waxaa si rasmi ah uga bilowday ololihii ugu adkaa uguna ballaarnaa oo ay sameynayaan xubno ka tirsan xisbiyada dalka, siyaasiyiin, shaqsiyaad caan, kuwo horay xilal u soo qabtay, ganacsato iyo hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo maqaam k