Safaaradda Mareykanka oo tababar ku saabsan sida loo soo tebiyo doorashooyinka u soo xirtay saxafiyiin ka socday dalalka Kenya iyo Soomaaliya

0
Friday April 15, 2016 - 22:07:00 in Wararka by
  • Visits: 853
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safaaradda Mareykanka oo tababar ku saabsan sida loo soo tebiyo doorashooyinka u soo xirtay saxafiyiin ka socday dalalka Kenya iyo Soomaaliya

    Waxaa magaalada Nakuru oo ah caasimadda 4-aad ee dalka Kenya lagu soo gabagabeeyay tababar ku saabsanaa habsami u soo warinta cod-bixinta doorashooyinka dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magaalada Nakuru oo ah caasimadda 4-aad ee dalka Kenya lagu soo gabagabeeyay tababar ku saabsanaa habsami u soo warinta cod-bixinta doorashooyinka dalka Soomaaliya.
thumbnailthumbnail

Tababarkan oo lagu qabtay xarunta maktabadda qaranka Kenya ayaa waxaa wariyeyaashii ka qeyb galay lagu baray casharo la xiriira habsami u soo bandhigidda doorashooyinka, gaar ahaan sidii qaab mas’uuliyad ku jirto weriyeyaashu uga soo warami lahaayeen loollamada doorashooyinka.

Wadammada Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ku soo fool leh doorashooyin madaxtinimo iyadoo arrintan la adligeed tababarkaan loo fidiyey weriyeyaal kala gedisan oo ka socday idaacadaha ugu waaweeyn labada wadan.

Macallimiinta casharada bixinayay waxaa ku jiray khubaro Soomaaliyeed oo ku xeel dheer aqoonta warbaahinta iyo weliba tan doorashooyinka waxaana khubaradaasi ka mid ahaa Yuusuf Garaad Cumaroo horey qudhiisu ugu soo loolamay doorasho madaxweynenimo.

Waxaa dhanka Kenya casharrada bixinayey mas’uuliyiinta ugu sareysa ururka dowliga ah ee Media Council of Kenya iyo kuwa kale.

Intii uu socday tababarka, waxaa aqoon isweydaarsi soo bandhigay weriyeyaasha Soomaalida iyo kuwa warbaahinta ugu afka dheer Kenya, waxaana weriyeyaasha Kenya ay ka warameen natiijooyinkii laga dhaxlay doorashooyinkii Kenya ka dhacay sanadihii 2007 ilaa 2008.

Weriyeyaasha Soomaalida ee idaacadaha iyo telefishinnada ayaa iyaguna ka warbixiyey qaababka ay Soomaaliya uga dhici karto doorashooyin bilow ah iyagoo sheegay in nidaamka doorashooyinka ee heerka gobol uu Soomaaliya gaarsiin doono mustaqbalka nidaam heer sare ah oo qof walba iyo codkiis ah.

Tababarka kadib ayaa waxaa goobta shahaadooyin ka bixiyey mas’uuliyiinta ugu sareysa ee qunsuliyadaha Mareykanku ku leeyahay wadammada Kenya iyo Soomaaliya.

Xafiiska Wararka ee HOL


Nairobi, Kenya.

xigasho:-hiiraan.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip