Orodyahanka Maxamed Axmed oo kaalinta 2aad ka galay Orodka 5000m ee Olombikada Adduunka

1
Friday August 06, 2021 - 23:12:36 in Wararka by
  • Visits: 2373
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Orodyahanka Maxamed Axmed oo kaalinta 2aad ka galay Orodka 5000m ee Olombikada Adduunka

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Maxamed Axmed oo asalkiisu yahay Soomaaliya balse u orda dalka Canada ayaa ka galay kaalinta labaad tartanka orodada 5000 mitir ciyaaraha Olombikada adduunka ee ka socda dalka Japan.

Mo Ahmed ayaa ku orday 12.58.61,hase yeeshee waxaa kaalinta koowaad galay tartankan Orodyahanka reer Uganda Joshua Cheptegei oo heysta rikoorka adduunka waxana uu ku orday 12: 58.15.

Kaalinta 3aad ayaa waxaa galay Paul Chelimo oo u ordayay dalka Maraykanka waxana uu ku guuleystay bilada maarta 12: 59.o5.

Orodka 5000 ayaa ka mid orodada caalamka ugu muhiimsan waxaana dhowrkii sano ee la soo dhaafay haystay tartankan orodyahanka Mo Farah oo sanadkan ka haray tartanka Olombikada ee ka soconaya wadanka Japan.

Orodyahano asalkoodu yahay Soomaali balse u ordaya wadamo kale ayaa ka mid ah ciyaartoyda ka qeybgalaysa tartanka olombikada oo haatan gabagabo ku dhow.

Taariiqda Maxamed Axmed oo kooban;

Maxamed Axmed, waxa uu bishii january 1991dii ku dhashay magaalada Muqdisho, waxa uu u ordaa dalka Canada. Axmed wuxuu hore ugu guuleystay billadda maarta ah ee 5000 m ee tartanka orodka adduunka ee 2019 ee Doha, oo uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee Canadian ah ee billad ku muteysta dhacdadaas. Waxaana uu sidoo kale laba billadood oo qalin ah ku guulaystay Ciyaaraha Barwaaqo-sooranka ee 5000 iyo 10,000 m .Axmed waxa uu sidan oo kale qayb ka ahaa Olombikada Xagaaga ee 2012 iyo 2016.

orodyahanka maxamed axmed oo kaalinta 2aad ka galay orodka 5000m ee olombikada adduunka



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip