Wasiir Fargeeti oo shir kaga qaybgalay Magaalada Washington (SAWIRRO)

0
Friday April 15, 2016 - 19:57:06 in Wararka by
  • Visits: 867
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Fargeeti oo shir kaga qaybgalay Magaalada Washington (SAWIRRO)

    Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliya, Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti), ayaa waxaa uu Magaalada Washington Ee Xarunta Wadanka Mareykanka, uu Khamiistii kaga qaybgalay shir ay soo qaban qaabiyeen Bankiga Adduunka & Hay'adda IMF.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliya, Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti), ayaa waxaa uu Magaalada Washington Ee Xarunta Wadanka Mareykanka, uu Khamiistii kaga qaybgalay shir ay soo qaban qaabiyeen Bankiga Adduunka & Hay'adda IMF.

Shirkan, ayaa waxaa diiradda lagu saray horumarinta dhaqaalaha iyo la dagaalanka musuq maasuqa, gaar ahaan dadka iyo shirkadaha dowladaha kala baxsanaaya canshuuraha.

Wasiirka oo hadal ka jeediyay shirkaasi, ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Somaliya ay ku guuleysatay inay wax ka qabato dhaqaalaha dalka.

Wasiirka, ayaa sidoo kale soo hadal qaaday heshiis ay Somaliya toddobaadkii hore la gashay Hay’adda IMF, oo ku saabsanaa in Somaliya laga cafiyo lacago amaah ahayd oo lagu yeeshay.

Wasiir Fargeeti, ayaa heshiiskaasi waxaa uu ku sheegay mid muhiim u ahaa Dowladda Dhexe Somaliya, iyadoona uu markale IMF kaga mahadceliyay aqbalaadda in Somaliya laga cafiyo amaahdaasi.

WashingtonWashington1Washington2Washington3Washington4Washington5Washington6Washington7Washington8Washington9Washington91Washington92Washington93Washington94

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip