Maamulka Muqdisho oo shalay lagu wareejiyay 93 askari oo boolis ah (SAWIRRO)

0
Friday April 15, 2016 - 19:42:03 in Wararka by
  • Visits: 871
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Muqdisho oo shalay lagu wareejiyay 93 askari oo boolis ah (SAWIRRO)

    Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa shalay lagu wareejiyay 93 askari oo boolis ah, ka gadaal markii loo soo gaba gabeeyay tababar muddo saddex bilood ah kaga soconaayay Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa shalay lagu wareejiyay 93 askari oo boolis ah, ka gadaal markii loo soo gaba gabeeyay tababar muddo saddex bilood ah kaga soconaayay Magaalada Muqdisho.

Askarta tababarka loo soo gaba gabeeyay, ayaa ah ardayda ka baxday fasalka afaraad ee Dugsiga Sare, kuwaa oo iyagu isu diiwaangeliyay inay ka qayb qaataan, kana shaqeeyaan nabadgelyada Magaalada Muqdisho.

Munaasabad lagu qabtay Xarunta Dugsiga Sare Ee School Polizio, isla-markaana tababarka loogu soo xiraayay askartan, looguna wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa ka qaybgalay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya, General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, General Cali Xersi Barre (Cali Gaab), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir & Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) iyo masuuliyiin kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya oo ka hadlaayay munaasabadaasi, ayaa wuxuu sheegay inay dhisayaan ciidan muuqaal wanaagsan leh, isla-markaana ay dadka u soo dacwoon karayaan, sida uu yiri.

Taliyaha, ayaa askartan cusub si rasmi ihi ugu wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir, oo muddo laba bilood ka hor si buuxdo loogu wareejiyay ammaanka Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho oo isna ka hadlay munaasabadaasi, ayaa wuxuu General Xaamud uu ku ammaanay mid taariikh wanaagsan kaga tagaaya dalka.

Duqa Muqdisho, ayaa ammaanay ardayda ka baxday Dugsiga Sare ee u bareertay inay ka mid noqdaan Ciidanka Booliska Somaliyeed, isla-markaana ay ku jiraan amaba laga heli karo General Xaamud oo kale.

Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa waxaa uu rajo wanaagsan uu ka muujiyay askarta cusub ee tababarka loo soo xiray inay wax wayn ka tari doonaan nabadgelyada Caasimadda.

BoolisBoolis1Boolis2Boolis3Boolis4Boolis5




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip