Waxaa soo badanaya Dhalinyarada kasoo baxsaneysa Xeryaha tababarka ee Ciidamada Soomaaliya ee la geeyay Dalka Eretareeya kadib markii ay la kulmeen dhibaatooyin kala duwan sida ay qaarkood qaarkood oo la hadlay Galka Baarista oo kamid ah Barnaamijyada ka baxa VOA.
Sababta keentay in dhalinyaradaas ay ka baxsadaan Xeryaha loo geeyay tababarka ayaa ah in ay waayeen daryeel Caafimaad, cunno xumo iyo ciqaab adag oo lagu dhexmariyo Xeryaha la geeyay sida ay sheegeen.
Dhalinyaradaan warkooda ayaa la waayay, waxaana xigay Warbixinno kasoo baxay dhinacyo kala duwan oo muujinaya in dhalinyaradaas ay ka qaybgaleen dagaalka ka dhacay Ismaamulka Tigray inkasta oo ay beenisay Dowladda Federaalka.
DG Puntland ayaa 10-June 2021 soo bandhigtay 5-dhalinyaro ah oo kasoo baxsatay Xeryaha ciidanka Eretareeya, todobaadyadii u dambeeyay waxaa soo baxsaday dhowr iyo toban ruux oo Soomaaliya dib ugu soo laabtay.
28- June & 1- July-2021 waxaa dalka soo gaaray qaar kamid ah dhalinyarada loo qaaday tababarkaas, waxaana ay sheegeen in ay la kulmeen dhibaatooyin ay kala kulmeen xeryaha in loo sheegay in loo qaadayo Dalalka Qadar & Turkiga balse la geeyay Eretareeya.
Maxamed Faarax waxa uu kamid ah dhalinyaradii ugu dambeysay ee kasoo baxsatay Eretareeya waxaana uu sheegay in ay aaminsanayeen in socodkoodu uu ku wajahnaa Dalka qadar balse ay ka war-heleen diyaaradda oo caga dhigatay.
" Asmara waxa aan ka degnay Goor maqrib ah, waxaana aaminsaneen in aan u socono qadar, waxaana ogaanay markii diyaaradda ay caga dhigatay oo nalagu dhahay kusoo dhawaada Asmara”.
Sarkaal Eretariyaan ah oo 1-dii July 2021 tagay Muqdisho waxa uu Galka Baarista u sheegay in ciidankii ugu dambeeyay ee la geeyay dalkaas uu aaminsan yahay in ay dhan yihiin 2,767 (Labo kun, todobo boqol, lexdan & todobo ruux) oo daad-gureyntoodu billaabatay 13-kii June 2020.
Saddexda Xero ee la geeyay Ciidanka ayaa kala ah: Bahabaari oo ku taalla Gobolka Gargara oo 40 KM u jirta Magaalada Asmara ee Caasimadda Eretareeya waxaa la geeyaa ciidanka marka ay qaadanayaan dhibbowga (Tababarka ugu horeeyo).
Xerada labaad oo lagu magacaabo Weeco waxaa lagu tababaraa Ciidanka Kumaandooska, xerada saddexaad waa Raas Xamaas oo u dhaw Magaalada Musawaq waxaana leh Ciidanka Badda.
Sidee ayay u suuragashay in ay soo baxsadaan Dhalinyaradaan?
Dalka Eretareeya oo ah waddan dhaqaale ahaan aad u hooseeya isla markaana socodkiisu uu yahay ayay kasoo baxsadaan dhalinyarada Soomaalida ee tababarka loo geeyay kadib markii garab ay ka heleen dad u dhashay dalkaas.
Maxamed Faarax waxa uu ku sheegay qaabka ay usoo baxsadeen:"Lug ayaan kusoo baxnay, muddo 6-cishe ah oo aan soo soconay kadib waxa aan tagnay Itoobiya gaar ahaan Magaalo xuduudda ku taalla oo la dhaho Badda xigtana dhanka Canfarta, Nin ayaa inoo yimid oo weydiin kadib aan isku sheegnay in aan Soomaali nahay waxaana uu nagu dhahay waxa aan idiin geynayaa nin dhalinyaro Soomaali ah horay u waday”.
Maxaa ka jira in dagaal toos ah uu dhexmaray Dhalinyarada iyo Ciidanka Eretareeya?
Iska hor imaad ayaa dhexmaray Askarta Soomaalida & Macalimiinta Eretariyaanka ah, kadib markii mid kamid ah Macalimiinta uu isku daldalay, kadib waxa uu dagaal dhexmaray Dhalinyarada Soomaalida & kuwa Eretareeya. Sida ay xaqiijiyeen Maxamed Faarax oo soo baxsaday & sarkaal katirsan Dowladda oo codsaday in aan magaciisa la sheegin.
Dhalinyarada ku tababaraneysay xerada shaqaaqada ka dhacday waxa ay dhan yihiin 1,500 (Kun iyo shan boqol oo askari), isku dhacaaas ayaa sababay geerida 7-Askari oo Soomaali ah sida ay sheegeen qaar kamid ah dhalinyarada soo baxsatay.
Tirada guud ee Askarta tababarka loo geeyay Eretareeya waxa ay gaareysaa5,167(Shan kun, boqol lexdan iyo todobo askari) oo u kala xareysan Xerada 1-aad waxaa la geeyay900(Sagaal boqol oo Askari), qaybta labaad waa1,500(Kun iyo shan boqol) & qaybta saddexaad oo dhan2,767(Labo kun, todobo boqol, lexdan & todobo askari) sida uu sheegay Maxamed Faarax oo kasoo baxsaday tababarka Eretareeya.
Waalidiinta dhalinyarada tababarka Eretareeya loo qaaday ayaa dhowr jeer Muqdisho ka dhigay dibadbaxyo ay ku dalbanayaan in meel lagu sheego wiilashooda, waxaase jira warbixinno kala duwan oo muujinaya in Dhalinyarada Soomaalida ay ka qaybgaleen dagaalka Tigray.
XIGASHO:RADIOMUSTAQBAL
Asmara ayaan ka degnay Maqribkii, in aan u socono dalka Qatar ayaa naloo sheegay, markii diyaaraddu caga dhigadhiganeysay ayaan ogaanay in aan Eritrea tagnay"
...