General BashiirGoobeoo shaaca ka qaaday war farxad leh

0
Friday April 15, 2016 - 19:30:33 in Wararka by
  • Visits: 912
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    General BashiirGoobeoo shaaca ka qaaday war farxad leh

    General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliya, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay waqtigooda uga faa'iideeyaan maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe Xamar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliya, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay waqtigooda uga faa'iideeyaan maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe Xamar.

Taliyaha, ayaa waxaa uu sheegay in maxaabiista ay baraan farsamooyin kala duwan, si marka laga sii daayo xabsiga kaga faa’iideystaan wixii la soo baray, bulshadooduna ay uga faa’iideeyaan.

Taliyaha, ayaa xusay inay juhdi ku bixiyaan, si aanay ciqaab xabsiga ugu muteysan maxaabiista, isla-markaana ay iska xil saareen daryeelkooda.

General Bashiir Goobe, ayaa waxaa lagu ammaanay inuu is bedel wayn ka hirgeliyay Xabsiga Dhexe Xamar, tan iyo mrkii uu xilka qabtay muddo laba sano laga jooggo.

Xabsiga Dhexe Xamar, ayaa waxaa markii ugu horeysay laga hirgeliyay shaashado, ay maxaabiistu kala socoto dhacdooyinka caalamka, waxaadna arkeysaa inay ka daawadaan wararka dunida, ciyaaraha iyo weliba aflaamta.

Bashiir Goobe, ayaa hadalkan ka sheegay kulan Khamiistii lagu qabtay Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir, oo lagu xusaayay weerarkii saddex ka hor ka hor ay Shabaabku ku qaadeen Maxkamadda.

XIGASHO:-DHACDO,COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip