Muuqaal la soo bandhigay oo ah gabdho laga afduubtay dalka Nigeria

0
Friday April 15, 2016 - 18:56:55 in Wararka by
  • Visits: 795
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuqaal la soo bandhigay oo ah gabdho laga afduubtay dalka Nigeria

    Cajalad muuqaal ah oo laga daawaday qaar ka mid ah gabdho u dhashay dalka Nigeria kuwaasoo labo sano kahor la afduubtay ayaa rajo geliyay qoysaska iyo asxaabta ay ka maqnaayeen ayaa khamiistii la soo badhigay qaar ka mid ah sawiradooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cajalad muuqaal ah oo laga daawaday qaar ka mid ah gabdho u dhashay dalka Nigeria kuwaasoo labo sano kahor la afduubtay ayaa rajo geliyay qoysaska iyo asxaabta ay ka maqnaayeen ayaa khamiistii la soo badhigay qaar ka mid ah sawiradooda.

Muuqaalkan oo uu helay taleefishinka CNN ayaa la duubay bishii December ayaa lagu arkay 15 kamid ahaa gabdhahaa la afduubtay iyagoo is magacabaaya.

Gabdhahan ayaa laga afduubtay iskuul ay wax ka baranayeen magaalada Chibok waxaana qafaashay maleeshiyaad ka mid ah ururka Boko Haram.Gabdhahaan ayaa tiradoodu waxa ay gaareysay 276 xilligii la qafaalanayay iyadoo arintana ay dhalisay argagax iyo cabsi ay dareemeen qoysaska gabdhaha.

Maanta ayaa waxa ay ku beegneyd sanadguuradii 2aad ee ka soo wareegatay afduubka gabdhahan.


Muuqaalada la soo bandhigay ayaa ah kuwii ugu horeeyay ee la arko tan iyo bishii May 2014, waxana muuqaalkaa laga daawaday illaa boqol ka mid ah gabdhahaas.

Dowlada Nigeria ayaa wada dadaalo xooggan oo ay ku dooneyso inay ku soo gacan geliso gabdhahan iyadoo la rumeysan yahay in qaar ka mid ah ay guursadeen dagaalyahanada halka kuwa kalena ay ka qeybgaleen weeraro ismiidaamin ah oo ka dhacay dalka Nigeria iyo wadamo kale oo deriska la ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip