Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Ethiopia kaga qeybgalaya shir madaxeed arrimaha amniga Afrika looga hadlayo

0
Friday April 15, 2016 - 18:47:10 in Wararka by
  • Visits: 749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Ethiopia kaga qeybgalaya shir madaxeed arrimaha amniga Afrika looga hadlayo

    Addis Ababa, 15 April 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Addis Ababa, isagoo uga sii gudbi doona magaalada Baxardaar ee dalka Ethiopia oo beri uu ka furmi doono Shirkii 5-aad e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Addis Ababa, 15 April 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Addis Ababa, isagoo uga sii gudbi doona magaalada Baxardaar ee dalka Ethiopia oo beri uu ka furmi doono Shirkii 5-aad ee Madasha Sare ee Amniga Qaaradda Afrika (Tana High-Level Forum on Security in Africa).

Shirkan ayaa looga hadli doonaa doorka qaaradda Afrika ee amniga caalamka iyo hawlgallada nabad ilaalinta.

Madasha Sare ee Amniga Africa, ayaa kulmisa hoggaamiyeyaasha Afrika, laamaha iyo ururrada caalamiga ee dhanka amniga, khubarro iyo hay’ado kale. Waxaa madashan ay madaxda Afrika isku dhaafsadaan fikrado la xiriira qaabka mashaakilaadka Afrika loogu heli karo xal Afrika ay leedahay, gaar ahaan arrimaha amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa ka soo duulay magaalada Khartoum ee dalka Jamhuuriyadda Suudaan, halkaas oo uu booqasho rasmi ah oo laba maalmood ku joogay.

-------------DHAMMAAD---------

Daud Aweis


Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so
Addis Ababa, Ethiopia

officialPHOTO



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip