Roobabka gu'ga oo si diiran kaga da'aaya Magaalada Hargeysa (Daawo Sawirada)

0
Friday April 15, 2016 - 18:37:29 in Wararka by
  • Visits: 931
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobabka gu'ga oo si diiran kaga da'aaya Magaalada Hargeysa (Daawo Sawirada)

    Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Hargeysa, ayaa ku diirsanaaya roobabka gu'ga, oo maalmahaanba ka da'aayay qaybaha kala duwan ee Magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Hargeysa, ayaa ku diirsanaaya roobabka gu'ga, oo maalmahaanba ka da'aayay qaybaha kala duwan ee Magaaladaasi.

Laga soo bilaabo wixii ka dambeeyay 4-tii bishan, ayaa waxaa Magaalada Hargeysa siyaabooyin kala duwan kaga da’aayay roobabka xilliga gu’ga, iyadoo bulshada ku dhaqana ay si wayn ugu diirsatay.

Duhurnimadii illaa gelinkii dambe ee Khamiistii, ayaa waxaa Hargeysa ka da’ay roobab xoogan oo biyo dhigay wadooyinka waawayn ee Magaalada.

Roobabku waxay ku soo aadayaan, xilli laba toddobaad ka hor salaad roobdoon ahayd laga tukaday Xarunta Somaliland.

Deegaanada Galbeedka Somaliland oo abaaro ba’an ay ku dhuftan, ayaa waxaa laga soo sheegayaa inay qaarkood ka curteen roobabka xilliga gu’ga.

Roobabkan, ayaa wax wayn ka tari kara inay dadku ka gudbaan abaaraha daran, ee sanadkan halakeeyay deegaanadii ay ku dhufteen.

Haddii roobabka gu’ga ay si sax ah kaga da’aan Deegaanada Somalidu ee ay abaaruhu saameeyeen, ayaa waxay taasi sahli doontaa in si buuxdo looga gudbo abaarahaasi, dadkuna ay galaangal u yeeshaan inay beerahoodu beertaan.

HargeysaHargeysa1Hargeysa2Hargeysa3Hargeysa4Hargeysa5Hargeysa6Hargeysa7Hargeysa8Hargeysa9Hargeysa10Hargeysa11Hargeysa12Hargeysa13Hargeysa16Hargeysa17Hargeysa18Hargeysa19Hargeysa20Hargeysa21HargeysaHargeysa22Hargeysa23Hargeysa24Hargeysa25Hargeysa25-Hargeysa26Hargeysa27Hargeysa28Hargeysa29Hargeysa30Hargeysa31





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip