Farmaajo, Rooble, Axmed Madoobe iyo XASAN oo ka falceliyey qaraxii cayaartoyda

1
Friday July 30, 2021 - 20:02:48 in Wararka by
  • Visits: 1674
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo, Rooble, Axmed Madoobe iyo XASAN oo ka falceliyey qaraxii cayaartoyda

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweynaha Jubbaland, Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh ayaa war ka soo saaray qaraxii galabta Kismaayo lagula beegsaday dhalinyaro cayaartooy ahaa, kuwaas oo dhamasho iyo dhaawacyo culus ay soo gaareen.

Ugu horeyn madaxweyne Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda ciyaaraha geerida dhallinyaradii ciyaartooyda ahayd ee lagu dilay qaraxii ka dhacay magaalada Kismaayo.

"Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Qaraxan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya gumaadka haldoorkeenna” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Farmaajo.


Dhanka kale ra’iisul wasaare Rooble ayaa qoraal uu soo saaray ku yir, "Waxaan si adag u cambaareynayaa qaraxii argagixisadu galabta la beegsadeen dhallinyaro ciyaartoy ah magaalada Kismaayo. Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku geeriyooday falkaas arxan darrada leh, maamulka iyo shacabka Jubaland, anigoo dhaawacyadana Eebbe uga baryaya in ay dhaqso u bogsoodaan. Falalka naf la caariga ah ee argagixisadu waa in aysan naga horjoogsan hiigsigeenna nabad iyo dowlad-dhiska, gaar ahaan xilligan dalku doorashada galay.”

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyey khasaaraha ka dhashay qaraxii galabta magaalada Kismaayo lagula beegsaday dhalinyaro cayaartooy ahaa oo la socotay gaari Bus ah.

"Waxaan uga tacsiyaynayaa dhamaan bahda Ciyaaraha Jubaland qaraxii maanta Argagixisadu la beegsatay baska kooxda kubada Cagta JCCI, halkaas oo ay ku geeriyoodeen Sadex kamid ah ciyaartooyda kooxda qaar kalana ay ku dhaawacmeen,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Jubbaland.

    Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, "Waxaan Alle uga baryayaa in uu janadii fardowso ka waraabiyo dhalinyaradaas aan waxba galabsan ee Argagixisadu ay dhiigooda banaysatay, waxaa kale oo aan Alle Caafimaad taam ah uga baryayaa inuu siiyo inta dhaawaca ah.”

Madaxweynaha ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo kooxaha caadeystay gumaadka hal doorka dadkeenna.

"Al-Shabaab waxaa ka go’an inay beegsadaan qof walba iyagoo si badheedh ah u beegsanaya dadka waxgalka ah sida Dhalinyarada,Aqoonyahanka iyo indhaha bulshada, taas oo cadaynaysa inay si guud indhaha uga ridayaan ummada Soomaaliyeed. Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaya in loo midoobo sidii kooxdan aan uga adkaan lahayn isla markana aan u badbaadin lahayn inta hadhay Bulshadeena,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Farmaajo, Rooble, Axmed Madoobe iyo XASAN oo ka falceliyey qaraxii cayaartoyda


Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna qoraal uu ka soo saaray qaraxaas waxa uu ku yiri, "Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed & ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii caawa. waa nasiib darro in dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan la laayo. Waxaan ku baaqayaa in aan u midoowno la dagaallanka cadowga, innaga oo isku tashaneyna.”

Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shacabka iyo dowlad goboleedka Jubbaland uga tacsiyeeyey dhalinyaradii lagu dilay qaraxii galabta ka dhacay magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa wacad ku maray in mar aan dheereyn laga guuleysan doono nabadiidka caadeystay daadinta dhiigga umadda Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in meel looga soo wada jeesto kooxaha Argagixisada ah.

"Waxaan Dowladda iyo shacabka Jubbaland uga tacsiyaynayaa qaraxii argagaxisadu maanta kala beegsatay Kooxda Kubadda Cagta magaalada Kismaayo. Naxariistii janno Allaha ka waraabiyo dhalinyaradii ku geeriyootay, inta dhaawacana Allaha caafimaad degdeg ah siiyo Insha’allah. Kooxaha argagaxisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga umadda Soomaaliyeed waan ka guuleysaneynaa kana sifeyn doonaa deegaanada oo dhan. Waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacab iyo dowladba in aan meel uga soo wada jeesano cadowga ummadda Soomaaliyeed,” ayuu Qoor Qoor ku yiri qoraal uu soo saaray goordhaweed.

Ugu yaraan seddax ka mid ah dhalinyaradii la socotay gaariga xilligii la qarxiyey ayaa ku geeriyootay halkaas, sidoo kale dhaawacyada tiro kale ayaa la gaarsiiyey goobaha caafimaadka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip