DEG DEG: Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo ka socda duleedka Baledweyne

0
Thursday April 14, 2016 - 10:21:39 in Wararka by
  • Visits: 852
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo ka socda duleedka Baledweyne

    Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in saaka dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed uu ka qarxay duleedka Magaalada Baledweyne.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in saaka dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed uu ka qarxay duleedka Magaalada Baledweyne.


Dagaalkaan ayaa ka socda deegaan lagu magacaabo Qarancad oo 15-KM dhinaca galbeed kaga beegan Magaalada Baledweyne.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya dagaalka labada maleeshiyo beeleed inuu ka socdo deegaanka Qarancad iyo tuulooyin kale oo hoostagga Magaalada Baledweyne.

Dagaalkaan ayaa salka ku haaya arimo ku aadan dhul Daaqsimeed ay isku haystaan labada Maleeshiyo beeleed ee dagaalamaysa, iyadoo muranka arintaan la xiriira maalmahan uu taagnaa.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay dagaalkaasi oo labada dhinac soo kala gaaray, hayeeshe tirada saxda ah ayaanan la haynin.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan weli kama aysan hadlin dagaalkaan ka socda duleedka Magaalada Baledweyne.

Barakac xoogan ayaa ka socda tuulooyinka dagaalka uu ka socdo ee duleedka Magaalada Baledweyne




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip