Farxaan C/salaam Xasan iyo Axmed C/laahi, ayaa lagu xukumay muddo 15 sano ah maadaama maxkamaddu ay sheegtay in ragan ay ahaayeen hogaamiyeyaasha kooxdan, halka Farxaan Maxamuud Abshir lagu riday xukun ah lix sano isla markaana xanuun dhanka maskaxda ah la soo derisay mudadii uu xirnaa sida laga soo xigtay qareenkiisa.
Christian iyo Evelyne Colombo oo ahaa lamaane u dhashay dalka France, waxaa ay ku guda jireen socdaal dhanka badda ah oo ay aduunka oo dhan ku marayeen ayagoo kooxo burcad badeed ah ay ka afduubteen badda cas sanadkii 2011.
Kooxaha Burcad badeeda ayaa la sheegay inay dileen Christian oo, halka ay Afduubteen ku kaxeysteen Evelyne Colombo oo aheyd Haweenay, balse ciidmada Badda Spain ayaa si xoog ah ku soo furtay.
"Way adag tahay in la fahmo sababta ay maxkamadu go’aankan u gaartay iyo waxa ku dhiirigeliyay, 15 sano waa xukun culus,” ayuu yiri Augustin d’Ollone, oo ah qareenka Cabbdullahi.
Dhalinyaro badan oo Somali ah ayaa xukuno kala duwan lagu riday dalalka caalamka, kuwaasi oo xabsiyada ku jira intooda badan, maadaama aysan laheyn Dowlad u dooda xuquuqdooda.



0 


Todobo Dhalinyaro Somali ah oo lagu xukumay dalka France
Todobo ruux oo dhalinyaro Somali ah ayaa lagu xukumay dalka France, kadib markii dhalinyaradaasi lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Kooxaha Burcad badeeda Somalida ee ka qowleysata Xeebaha dalka Somaliya iyo Biyaha ka baxsan.