
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 14-KA ABRIILE 2016-KA
Kulan muddo Saddex Maalmood ah uga socday Magaalada Muqdisho ayay mas'uuliyiinta Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa maalmulgoboleedyada dalku ku gaareen Heshiis wadajir ah oo la xiriira qaabka ay doorashadu u dhicayso iyo sida lagu soo xulayo aqallada sharcidajinta dalka.
"Aad ayaan ugu faraxsannahay warmurtiyeedka laga soo saaray madashii wadatashiga door ashooyinka sannadkan, waxay tani si dhab ah u caddeynaysaa wadashaqeynta iyo isku soo dhawaa nshaha u dhexeysa madaxda Soomaalida," ayuu yiri Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaali ya, danjire Francisco Madeira.
Danjire Madeira, ayaa intaas ku daray in heshiiskan uu guul u yahay mustaqbalka Somalia iyo dimuqraadiyadda dalka. Wuxuuna xusay in AMISOM ay sii wadi doonto taageerada ay siinayso Soomaalida iyo madaxdooda si loo xoojiyo horumarrada Somalia ay ku socoto.
Qodobbada heshiiska ay madaxda Soomaalidu gaareen ayaa waxaa qayb ka ah qaabka ay u dhacayaan doorashooyinka xildhibaannada labada aqal ee Hoose iyo midka Sare ee Somalia ay yeelanayso.
Sidoo kale, Madaxda Somalia waxay ku heshiiyeen inay ku saleysnaan doonto doorashada qa abkii lagu heshiiyay ee 4.5ka, iyagoo go'aan ku gaaray inaan Soomaaliya mar kale lagu soo celin qaabkan doorasho.
Xukuumadda federaalka Somalia iyo Maamulka Puntland ayaa dhawaan heshiis ku saabsan Doorashada Dalka ka dhacaysa Sannadkaan waxay ku kala saxiixdeen magaalada Garoowe, kaasoo ay Puntland ku ogolaatay in lagu sameeyo doorashooyinka habka Awoodqaybsi ee xilligaan lagu sal eyn doono doorashooyinka.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo madashii Qaranka gunaanadkeedii ka hadlay ayaa sheegay in Somalia ay ku tallaabsatay horumar; isagoo intaas ku daray in la go'aansaday in 13,750qof oo Soo maali ay soo doortaan baarlamaanka, taasoo uu xusay inay saldhig u noqonayso doorashooyinka dal ka ka dhici doona sannadka 2020ka. Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in Beesha Caalamka ay gacan ka siiyaan Dowladda FS, sidii loo meelmarin lahaa go'aannada ay madaxda shirkii ay ku yee sheen Muqdisho, si ay u noqdaan kuwo mirodhal ah.
"Waxaan doonayaa inaan Beesha Caalamka uga mahadceliyo tageeradooda Dowladda FS ma almihii Adkaa iyo kuwii wanaagsanaa, Anigoo mar kale dhahaya waad mahadsan tihiin," ayuu ku yiri madaxweyne Xasan Sheekh hadal uu shirkaas ka jeediyay.
SHIRKA MAALGASHIGA DUBAI OO LOOGA HADLAY FURSADAHA MAALGASHI EE SOOMAALIYA
Inkastoo xaalado Amnidarro iyo Dagaallo Sokeeye oo muddo soo jiitamayay ay Soomaaliya kasoo kabanayso, ayaa haddana xilligaan ka muuqanaya fursado badan dhanka maalgashiga ah.
Xarunta Somalia ee Magaalada, ayaa waxaa ka socday dib u dhisyo ballaaran sannadihii u dambeeyay, gaar ahaan wixii ka dambeeyay markii Alshabaab laga saaray magaalada sannadkii 2011-kii, iyadoo ganacsiga uu aad u soo xoogtay.
Ganacsato shisheeye ah iyo hay'adaha maalgashiga ee caalamiga ah ayaa u arka Somalia In ay tahay meel la maalgashan karo, inkastoo ay weli jiraan caqabado dhanka amniga ah, haddana raj ada maalgashi ma ahan mid liidata.
Haddaba, Shirka Maalgashiga Caalamka ee Dubai ka Isniintii oo sanadkan ay ka qaybgalayaan in ka badan 50hay'adood oo maalgashi, ganacsato ay ku jiraan Soomaali iyo maalgashadaal, ayaa waxaa looga dooday fursadaha maalgashi ee suuqyada soo baxaya oo ay Somalia ka mid tahay.
"Kulanku wuxuu ahaa mid looga hadalyo fursadaha ganacsi ee suuqyada soo baxaya oo ay Somalia ku jirto, taasoo ay si aad ah u daneynayeen in xilligan ay maalgashadaan shirkado caalami ah," ayuu yiri Abuubakar Mubaarak oo ah madaxa shirkadda Royal Meats oo saldhiggeedu yahay Du bai, shirkana ka ka qaybgalay.
Mubaarak ayaa mar kale yiri. "Maalgashiga Somalia ee inta badan diiradda la saarayay ayaa waxay kala ahaayeen; Garoommada, Isgaarsiinta, Dekedaha, Beeraha, Kalluumeysiga & Xoolaha no ol ee Somalia."
Sidoo kale, Horumarradan ayaa waxay imaanayaa kaddib markii November sannadkii hore uu Baarlamaanka federaalka Soomaaliya meelmariyay sharciga maalgashiga shisheeyaha ee Somalia, kaasoo gacan ka geysan kara dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka, sannado badan oo colaado ah kaddib.
Hay'adda Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP, ayaa sheegtay 2012kii in Somalia ay ka mid tahay Dalalka ugu hooseeya dhanka Horumarrada, iyadoo liiska Caalamiga ah ee Qiimeynta hor umarka ka gashay 0.285.
Ugu dambeyn, Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Somalia ayaa buuxiyay booskii shaqo, iya goo shaqooyin siiyay Kummanaan Qof, si ay dhanka nolosha qoysaskooda iyo qaraabadooda uga Caawiyaan, inkastoo ay dalka weli ka jiraan xaalado la dhihi karo waa kuwo amnixumo.
SOMALILAND OO SHEEGTAY IN AANAY QEYB KA AHEYN SHIRKII MADASHA WADATASHIGA EE MUQDISHO
Maamulka Somaliland ayaa sheegay in aanay qeyb ka aheyn shirarkii Madasha wadatashiga qaran ee looga hadlayay doorashada Soomaaliya, kaasoo shalay lagu soo gaba gabeeyay magaala da Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland, C/llaahi Cismaan Saxardiid (Cadaani) ayaa sheegay in go’a anada ka soo baxa shirkaas aanu quseyn, isla markaana aanay jirin cid magicooda kaga qeyb geli karta
"Jamhuuriyadda Somaliland waxay u cadeyneysaa Beesha Caalamka in Soomaaliya ay jebisay heshiiska ay goob jooga ka ahaayeen ee ahaa in loo wada hadlo Somaliland iyo Somaliland, cid inoo ga qeyb gashay ma jirto shirarka Muqdisho, naa quseeyo”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.
Waxaa uu sheegay in aanay marna ka mid noqon shirarka wada tashiga ee Muqdisho ka soc day, isla markaana aanay jirin cid ku matali karta magaca jamhuuriyada Soomaaliya, hadii uu yahay siyaasi, Madax dhaqameed ama maqaam kale.
Go’aanadii laga soo saaray shirkii Madasha Wadatashiga qaran ayaa dhigaya in xubnaha Aqa lka sare ay 11 xubin ku leedahay Somaliland, iyadoo siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolada waqooyi ee Somaliland ka qeyb geli doonaan doorashada soo socota.
Somaliland ayaa sanadkii 1991 ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, hase ahaatee wali ma aanay helin wax aqoonsi ah, waxaase deegaanadeeda lagu amaanaa inay ka jirto xasilooni iyo dimoqraadiyad.
PUNTLAND: ” QOFKA KOOFURTA NOOGAIMAANAYA WAA IN UU HELAA CID DAMAANAD QAADDA”.
Maamulka Puntland ayaa ku soo rogay shacabka maamulkaas iyo dadka deegaanada kale uga yimaada qorsho cusub.
Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in looga baahan yahay in shacabka Puntland ay qaataan wax uu ku sheegay dal ku joog , halka kuwa kale oo uu ku sheegay in ay ka yi maadaan Koofurta Soomaaliyana uu ugu baaqay in ay helaan damaanad ay ku joogaan deegaanada Puntland.
Hadalka Wasiirka Amniga Puntland ayaa yimid iyadoo dhawaan Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhinac waqooyi ee Magaaladaasi oo Puntland ay ka arrimiso uu ka dhacay weerar masuuliyiin ay ku dhinteen.
Wixii ka dambeeyay weerarkaas oo masuuliyaddiisa ay sheegteen Ururka Al Shabaab ayaa waxaa maamulka Puntland uu ku guda jiray dadaallo uu ku xaqiijinayo nabad gelyada deeganada ho ostaga.
Balse hadalka Wasiirka Amniga Puntland ayaa dhaliyay hadal heyn xoogan , maadaama Puntl and ay tahay dhul Soomaaliyeed islamarkaana ,yahay hoostaga dowladda dhexe ee Soomaaliya , in culees looga dhigo shacabka intiisa kale ee an ka soo jeedin deegaanada Puntland gelista dee gaanada maamulkaas.
Shacabka qeybihiisa ayaa dano Ganacsi , iskaashi dhinacyo kala duwan ah , oo waxbarashada iyo caafimaadka ay ka mid tahay isaga kala goosha Puntland iyo Koofurta Soomaaliya.
CIIDANKII COL. BARRE HIIRAALE OO LA GEEYAY KISMAAYO LANA DAJIYAY SALDHIGA CIIDANKA ITOOBIYA
Ciidamadii Col. Barre Aadan Shire [Hiiraale] oo ka mid ahaa Hoggaamiyeyaashii looga adkaad ay dagaalladii Kismaayo ku dhexmaray Hogaamiyaha maamulka Jubbaland iyo kooxo hoggaamiye yaal ah oo uu Col. Barre Hiiraale ka mid ahaa ayaa dib loogu celiyay Kismaayo.
Degmada Kismaayo ayaa si weyn looga sugayay, cidamadan oo tan iyo markii sida awooda ah looga saaray Kismaayo ayaa saldhig ahaan deegaanka Goobweyn oo ku taalla dulleedka Magaalada Kismaayo.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo tiradooda la sheegayo inay gaarayso illaa 100 askari oo hubeysan lagu wareejiyay ciidamada ka socda dalka Itoobiya ee qaybta ka ah hawl galka Midowga Afrika ee AMISOM.
Dhanka kale, Saraakiisha ciidamada Maamulka Jubbaland oo iyaguna qaar ka mid ah warbaa hinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in ciidamadan la dajiyay xero ay ku sugan yihiin ciidanka Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM.
Wararka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ee kawada tirsan AMISOM ay isku khilaafka qaabka ciidankan lagu keenayo Magaalada Kismaayo, bal se ugu dambeyn la isku afgartay.Imaanshaha ciidamadan ee Kismaayo ayaa la sheegayaa inay timid ka dib markii Alshabaab ay ku wargelisay ciidamada Col. Barre Hiiraale ee Goobjoog fariisinka ku lahaa inay isku soo dhiibaan, inkastoo aysan jirin wax jawaab ah oo ay siiyeen.
Ugu dambeyn, Alshabaab ayaa dhowr jeer weerartay deegaanka Goobweyn oo ay ciidamadan ku sugnaayeen, iyadoo labada dhinac ay soo kala gaareen khasaarooyin kala duwan.
SOMALIMARAYKAN MUHIIM U AH WARUGEYNTA FBIDA OO LA XIRAY
Ninka muhiimka u ah Kiiska Dowladda Maraykanka ee ka dhanka ah Dhallinyaradda Soomaal ida lagu eedeeynayo inay taageero siiyeen Kooxda Daacish ayaa la xiray isbuucii hore, kadib, markii lagu helay isagoo si sharcidarro u haysta qori.
Qoraal Maxkamadeed isbuucan laga buuxiyey Ninkaasi oo lagu magacaabo C/raxmaan C/rashi id Bashiir oo 20jir ah ayaa la qabtay saqdii dhexe ee Jimcihii la soo dhaafay, xilligaasi oo ay si kedis ah xabbad uga fakatay qori uu watay, inkastoo aysan cidna ku dhaawacmin xabbadaasi oo derbi ku dhacday.
Boliska waxay sheegeen in Ninkaasi waqti kooban la xiray, balse la sii daayey, kadib, markii la laabay Kiiska loo haystay.
Warbixinta Boliska ayaa lagu muujiyey inay Saraakiisha heleen hub,wargeysyo, khasnadah rasaasta iyo qaxyaabo kale.
Dhinaca kale, mar ay Warbaahinta Telefoonka kula xiriireen Eedeysanaha wuu ka gaabsaday inuu ka hadlo arrinkaasi, isagoo sheegay inuu dhacay Isfaham la’aan oo keliya.
Eedeysane C/raxmaan C/rashiid Bashiir waxa uu bilowgii sannadkii 2015kii bilaabay inay Hay’ adda FBI u soo ururiyo Xogaha ku aadan Dhaallinyarada Soomaalida doonaysa inay ku biiraan Koox da Daacish, wuxuuna FBIda u far muuqay nus dersin Dhallinyaro doonaysay inay u socdaalaan dalka Syria si ay ugu biiraan Kooxda Dacaish, kuwaasi oo ay haatan ku socoto Dacwado.
Ninkaasi waxa uu weli haystaa Badbaadinta FBIda, wuxuuna qorsheynayaa inu udhamaysto Waxbarashadda Dugsiga Sare, ka hor inta uusan go’aan ka gaarin shaqada kale ee uu ku biiri doono.
AMMAANKA UGANDA OO LA ADKEEYEY IYO ALSHABAAB OO WARAAQO KU DAADIYEY BARIGA DALKAASI.
Sida shalay lagu soo daabacay Wargeyska ugu akhriska badan Uganda ee The Monitor, waxay Ciiddanka Boliska adkeeyeen Ammaanka Bariga dalkaasi iyo Xarumaha muhiimka, iyadoo ay soo baxeen Digniino sheegayo inay Alshabaab qorsheynayaan inay weerar ka geystaan Degmadda M abale.
uganda policeDigniinta Alshabaab ayaa la sheegay in lagu soo daabacay Waraaqo la sheegay in Nin watay Mootadda uu bishan April 4dii ku daadiyey Saldhigga Dhexe ee Boliska ee Mbale Cen tral Police Station.
Abodo bodoAfhayeenadda Boliska Elgon, oo lagu magacaabo Diana Nandawula ayaa sheegtay inay Boliska qabteen Ninkii waraaqahaasi daadiyey, isla markaana uu sheegay xog ku aadan halka looga soo dhiibay Waraaqahaasi.
Waxay intaasi ku dartay in Ciiddamo badan loo daadgureeyey si loo xoojiyo Ammaanka Guud ee Degmadda Mbale iyo Baraha Xuduudka ee Suam, Amudat, Malaba, Busia iyo Lwakhakha.
Dhinaca kale, Kuxigeenka Taliyaha Boliska Gobalka ee Aagga Elgon, Peter Sirikye ahaa isag ana sheegay in Hawlgalo Wadajir oo ay la leeyihiin Hay’addaha Ammaanka, si looga hortago cabsi kasta oo soo wajahda Dadka Reer Uganda.
Si kastaba ha ahaatee, Hay’addaha Ammaanka Uganda waxay dhowr jeer ka digeen weeraro ay Alshabaab ka geystaan gudaha Uganda, iyadoo Alshabaab horey falal Isqarxin ah ka geysteen caasimadda dalka Uganda ee Kampala bishii July 12dii ee sannadkii 2010kii, laguna dilay ugu ya raan 74 qof oo ka mid ahaa dadweyne fara badan oo daawanaysay Ciyaartii Finalka ee Koobka K/c agta ee Adduunka oo dhex martay Xulalka Spain iyo Holland.
OBAMA OO QIRTAY IN QALADKII UGU WEYNAA EE UU GALAY AY AHEYD FARAGELINTII LIBIYA
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa qirtay in qaladkii ugu weynaa ee uu galay intuu xilka hayay ay aheyd fara gelintii sanadkii 2011 ku sameeyeen dalka Libiya, xilligaasoo ay ka bil owdeen kacdoono ka dhan ahaa Hogaamiyihii hore ee Libiya Col. Mucamar Khadaafi.
Obama oo la hadlayay Telefishinka Fox News ayaa sheegay in dalalka xulafada la ahaa Marey kanka ay sameeyeen qaladaad, xilligii uu socday qalalaasihii Libiya.
Hase ahaatee waxaa uu ku adkeystay in sababta ay tallaabadaas u sameeyeen ay aheyd, iya goo bad baadinayay shacabka Libiya.
Madaxweyne Obama ayaa xilka ka sii dega dhowaan, maadaama uu dhamaanayo muddo xile edkiisa Xafiiska
Col. Khadaafi ayaa dagaal kula jiray kooxo kacdoon kala soo horjeeday oo u badnaa Islaamiy iin.
Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa hormuud u ahaa ridistii Khadaafi, iyadoo kooxaha kacdoonka waday ay uga dambeyn ka taqaluseen Mucaamar Khadaafi.
Libiya ayaa waxaa ka jira qalalaase siyaasadeed iyo kala dambeyn la’aan, iyadoo ay jiraan labo dowladood xukunka isku heysta, Kooxo Islaamiyiin ah oo qeybo badan dalka maamula, kuwaasoo gacan saar la leh IS iyo Maleeshiyooyin qabaa’ilo aad u hubeysan.
XARUNTII IKHWAANUL MUSLIMIINKA JORDAN OO SHALAY ALBAABADA LOO LAABAY ..
Dowladda Jordan, ayaa waxay shalay albaabada u laabtay Xaruntii ugu weyneyd ee Ururka Ikhwaanul Muslimiinka Jordan uu ku lahaa Magaalada Amman Ee Caasimadda Wadanka Jordan.
Ciidanka ammaanka oo shalay halkaasi tagey, ayaa waxay ka eryeen dhammaan dadkii ku sug naa, iyagoo intaa ka dib albaabada u laabay Xaruntaasi.
Afhayeen u hadlay Ururka Ikhwaanul Muslimiinka oo lagu magacaabo Badi al Rafaiah, ayaa sheegay inay la yaabeen tallaabada albabada loogu laabay Xaruntoodii Magaalada Amman.
"Tallaabada hay’adaha amnigu qaadeen waan la yaabnay. Boolis farabadan iyo ciidan kaloo ga ar ah, ayaa Xarunta yimid, albaabka ayay jebiyeen, dhammaan shaqaalihiina dibadda ayay u saar een. Waxayna amar ku bixiyeen in la xiro Xarunta guud.” Ayuu yiri Badi al Rafaiah.
Badi al Rafaiah, ayaa yiri "Ciidamada ammaanka ayaa hadda la wareegay Xarunta, illaa iyo hadda nooma aanay sheegin waxa ku khasbay inay albaabada isugu dhuftaan.”
Muddooyinkanba waxaa aad u xumaa xiriirka u dhaxeeya Ururka Ikhwaanul Muslimiinka iyo Dowladda Jordan, balse ma cadda waxa xilligan soo dedejiyay xiritaanka Xaruntan.
CIIDAMADA ILAALADA XEEBAHA TALYAANIGA OO BAD BAADIYAY ILLAA 4,000 OO MUHAAJIRIIN AH
Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay bad baadiy ay illaa 4,000 oo muhaajiriin, iyadoo tiradan ay ka dhigeyso kuwii ugu faraha badnaa ee la soo bad baadiyo muddooyinkan. Saraakiisha Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in Talaadadii sha lay iyo Isniintii ay Badda Mediterraneanka ka soo bad baadiyeen dhowr doonyo ay saarnaayeen illaa 4-kun tahriibayaal ah Afrikan ah.
Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Donald Tusk ayaa ka digay tirada badan ee muhaaji riinta ku qul qulaya Talyaaniya iyo Jaziirada Malta.
Arrintan ayaa ka dambeysay markii laga baxay badxirankii xilliga qaboobaha oo ay yaraadeen doomaha ay muhaajiriinta ka soo raacaan Xeebaha Libiya.
Qul qulka Muhaajiriinta ayaa sii kordhiyay, iyadoo Midowga Yurub uu soo saaray tallaabooyin uu kaga hortagayo muhaajiriinta.
Ciidamada Booliska Macedonia ayaa ayaa gaaska indhaha ka ilmeysiiya kala hortagay mu haajiriin dibad bax ka dhigay xuduuda Greece.
Illaa 11 kun oo qaxooti ah ayaa xeryo looga sameeyay Idomeni oo xigta dhinaca sohdinta Gre ece, iyadoo dalkan uu marin u noqday qaxootiga fara badan ee galaya dalalka Balkans, waxaana la xiray xuduudaha inta badan dalalkaas.
QARAX SABABAY DHIMASHO IYO DHAAWAC OO KA DHACAY DEGMADA AFGOOYE …
Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku geeriyootay qarax bambaano oo shalay duhurkii ka dhacay suuqa xoolaha degmada Afgooye, iyadoo qaraxa lala beegsaday ciidamo canshuur ka qaadayay hal kaas.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay rasaas fureen, kadib markii qaraxa bambaano lagu weeraray, waxaana hakad galay dhaq dhaqaaqii ganacsi ee suuqa.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in saddexda ruux ee geeriyootay uu ku jiro askari ka mid ahaa kuwii canshuurta qaadayay, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale waxaa ay waxyeelo soo gaartay xoolo dhowr ah oo ka mid ahaa kuwii lagu iibinayay suuqa, iyadoo maalinta Arbacada uu aad u camiran yahay suuqyada Afgooye.
Maamulka degmada Afgooye ayaa wali wax war ah ka soo saarin qaraxan, iyadoo ciidamo ka tirsan kuwa booliska oo gaaray halka qaraxa ka dhaceen ay baaritaan ka sameeyeen, inkastoo aan la sheegin in dad u soo qabteen iyo in kale.
WARARKII UGU DAMBEEYAY DAGAALKA CULUS EE GAROONKA MAGAALADA CADAADO
Wararka ka imaanaaya Magaalada Cadaado, ayaa waxay xaqiijinayaan in caweysnimadan caawa ay degan tahay xaaladda Magaaladaasi, ka dib markii gelinkii dambe ee shalay uu dagaal culus ka qarxay Garoonka Cadaado.
Dagaalka, ayaa ka dambeeyay markii uu khilaaf soo kala dhex galay nin ganacsade ah oo qa ad uu uga soo degi lahaa Garoonka iyo ganacsade kale oo qaadka keena Cadaado, islamarkaana la shaqeeya Ciidamada Garoonka Cadaado.
Ciidanka Nabad Suggida Galmudug oo la saftay ganacsadaha uu cilaaqaadka kala dhaxeeyo, ayaa la dagaalamay maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan, islamarkaana tabacsan ganacsadaha kale.
Wariyeyaasha Magaalada Cadado, ayaa waxay soo sheegayaan in dhinacyadaasi la kala dhex galay, taasina ay horseeday inay xabaddu is taagto, waxaana dhinacyadii wada dagaalamay loogu baaqay inay dagaalka joojiyaan.
Odayaasha & Waxgaradka Cadaado, ayaa fiidnimadii caawa ku baxay labadaasi garab, iyagoo midba midka kale ku qanciyay in xagiisa uu rasaasta ka joojiyo.
Ugu yaraan shan qof oo ku dhaawacantay dagaalkaasi, ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Guud Cadaado, illaa iyo hadana lama soo sheegin cid dagaalkaasi ku dhimatay, inkastoo ay suurtagal tahay in saacadaha soo socda ay soo shaacbaxaan.
Dadka reer Cadaado, ayaa waxay kuu sheegayaan in dagaalkii galabta ka qarxay Cadaado uu soo gaaray fiidnimadii caawa, islamarkaana uu saamayn wayn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii Maga alada.
BOGGA CAYAARAHA
LIVERPOOL OO KOOXAHA BORUSSIA DORTMUND,TOTTENHAM, MAN UNITED IYO MAN CITY KULA TARTAMAYSA XIDIGA KOOXDA BORUSSIA MONCHENGLADBACH EE MAHMOUD DAHOUD, WAA KUMA MAHMOUD DAHAUD?
Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa si wayn u doonaya xidiga khadka dhexe ee kooxda Borussia Monchengladbach ee Mahmoud Dahoud laakiin inkasta oo ay Reds hogaaminayso tartanka loogu jiro Mamoud Dahoud haddana kooxda Borussia Dortmund ayaa diyaar u ah in Reds si toos ah ugula tartanto saxiixa xidigan, waxaana sidoo kale liiska kooxaha doonaya laacibkan ku jira Tottenham, Manchester United iyo Manchester City sida ay ku warantay The Guardian.
20 jirkan ree Syria ee aadka loo qiimaynayo ayuu Klopp doonayaa in uu qayb ka noqdo isbadalka uu ka samaynayo Anfield marka uu xili ciyaareedkani dhamado. Mahmoud Dahoud ayaa ku dhashay waqooyiga dalka ay dagaaladu ragaadiyeen ee Syria sanadkii 1995 kii, wuxuuna markii uu da’yarka ahaa uu ka soo ciyaaray kooxaha SC Germania Reusrath iyo Fortuna Dusseldorf ka hor intii aanu sanadkii 2010 kii isaga oo 14 sano jir ah aanu ku soo biirin kooxda ree Germany ee Borussia Monchengladbach.Mahmoud Dahoud ayaa u ciyaaray xulka qaranka Germany ee ay da’doodu ka hoosayso 21 sano jirka.Dahoud is a Germany U21 international
Dahaud ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee rasmiga aha kooxda Gladbach u saftay kulankii isreeb reebka Europa Leaquega ee kooxda Sarajevo kaas oo dhacay August 2014 kii wuxuuna markaas ahaa 18 sano jir laakiin dhawac soo gaadhay ayaa soo yareeyay saamayntiisa.
HANAANKIISA CIYAAREED:
Dahoud waa ciyaartoy khadka dhexe oo idil kaga ciyaara si tamar iyo tayo badani ku jirto, isaga oo qabta shaqo aan daal lahayn wuxuuna sameeyaa dhaq dhaqaaq cajiib ah isaga oo bixiya kubbad cajiib ah isla markaana kubbada dib ugu guulaysta.
Mahmoud Dahoud made his breakthrough this season
Waxyaabaha uu cajiibka ku yahay waxaa ka mid ah kubbadaha gaa gaaban ee uu bixiyo,waxa kale oo uu ku fiican yahay bixinta kubbadaha dhaa dheer iyo waliba kubbad bixinta tooska ah marka ay tahay in fursad la abuuro. Waxa uu si ay kalsooni ku jirto uu usameyaa gabis kaas oo si fiican weerarka u dhisa, wuxuuna cajiib ku yahay darbooyinka goolka ee meelaha forg laga tuuro.
HESIISKIISA BORUSSIA MONCHENGLADBACH
Mahmoud Dahoud ayaa kooxda Gladbach heshiis kula jira ilaa sanadka 2018 ka mana doon ayaan in ay iska iibiyaan, wuxuuna agaasimaha ciyaaraha kooxdan ee Max Eberl uu yidhi: ” Dahaoud iib ma aha, waxaanu nahay koox gaajaysan waxaananu u baahanahay ciyaartoy kasta”.Mahmoud D ahoud
Laakiin kooxdan ayaa dhibaato kala kulmaysa in ay Dahaud sii haysato balse waxaa la faha nsan yahay in ay ku iibin karaan lacag u dhaxaysa 2530 milyan oo gini, waxaana suurtogal ah in ay dalbato in uu xili ciyaareedkan hore amaah kula joogo.Hadduu Ilkay Gundogan ka baxo kooxdiisa Dortmund oo uu ku biiro Manchester City, markaa kooxda Dortmund ayaa Liverpool dagaal toos ah kula galaysa Dahaud oo ay u arkaan badalka tooska ah ee Ilkay Gundogan.
Dahoud (left) has been compared to Borussia Dortmund's Ilkay Gundogan (right)
Magaca: Mahmoud Dahoud
Da’da: 20
Goobta dhalasho: Amuda, Syria
Booska uu ka ciyaaro: Khadka dhexe
Kooxdiisa Hadda: Borussia Monchengladbach
CHAMPIONS LEAGUE QUARTERFINALS
Atletico Madrid 2 0Barcelona Benfica 2 2 Bayern Munich
TACSI LOO DIRAYAO EHELADA XAAJIYO MARXUUMAD XALIIMO CALI
XUSEEN OO MUQDISHO KU GEERIYOOTAYA SHALAY
Col.Nuur Xasan Xuseen {Nuur Cadde} ,Maxamed Nuur Xasan, Jen.Xasan Xuseen Xasan {Muun gaab} Abuukar Axmed maxamed {A.Ganeey} Dr.Cismaan Axmed Jimcaale {Dr .jimmy}, Salaado Ax med Jimcaale, Madiino Axmed Jimc aale ,Xaawo Axmed Jimcaale, Xabiibo Axmed Jimcaa le, {Biibto},Muxuddiin Axmed Jimcaale,Nuurto Cali Cumar,C/Naasir Cali Cumar Qadro Cabdullaahi Cali, Ilmo Faadumo Maxamed Macoow,Xaaji Maxamuud Axmed Jimcaale {Shataar} iyo caruurtiisa, Aami no Axmed Jimcaale iyo Carteeda Reer Xuseen Nuur Cadoow,Dhammaan Reer Axmed Jimcaale Cig alle, Reer Jimcaale Cigalle iyo Reer Geeddoow Cigalle, Aamino Maxamed Macoow iyo Caruurteeda oo kala ah :Faadumo Xuseen Xasan Carab,Xabiibo Xuseen Xasan Carab {Xabiibo Shiino}, Mako Xus een Xasan Carab,Maxamed Xuseen Xasan Carab , Ilmo Mako Maxamed Macoow guud ahaantood, Dr. Maxamed Xuseen Axmed {Dr. Suufi,Cismaan Xuseen Aw Axmed {Waryeel},Cumar Xuseen Axmed, Da’uud Xuseen Axmed, Faa dumo Xuseen Axmed,Maryan Xuseen Axmed ,Hooyo Jiino Cali Caddoow,dhammaan ilmo xuseen aw Axmed Maxa med Calsoow, Xaliimo Maxamuud Hilowle, Cabdullaahi Maxmauud Axmed, Sahro Maxamuud Axmed, Shamso Maxamuud Axmed, Baarliin Maxamuud Axmed ,Shukri Maxamuud Axmed,Dhammaan Ilmo Maxamuud luugne,Faadumo Maxmed Cilmi, Xaawo Maxamed Cilmi, Maxamuud Maxamed Cilmi, Axmed Ma xamed Cilmi, Maryan Maxamed Cilmi,Dhammaan Ilmo Batuulo Aw Axmed Maxamed Calasoow, Xabiibo Xasan Maxamed Calsoow, iyo Carruuteeda , Ilmo Mako Xasan Maxa med Calsoow iyo Caruuteeda,Ilmo Madiino Xasan Maxa med Calasoow iyo Caruuteed, Reer Cismaanciil Sh.Cali, Muumino Sh. Cali iyo Carruuteeda Xabiibo Xasan Afrax, Jaliilo Xasan Axmed, Bashiir Xasan Axmed {Bashiir BBC} C/laahi Maxamuud Jimcaale {C. Abkoow} , Xuseen Maxamuud Jimcaale Xuseen Abkoow}, Xaawo Maxamuud Jimcaale {Xaawo Neero} Dhammaan Caruurtooda,Ing. Maxa med Cali Madoobe iyo Caruurtiisa, Maxamuud Maxamed Cali Kiishweyne, Iido Habar waay Firti iyo Caruurt eeda Dhammaan Dadkaasi oo ku kala sugan daafaha caalamka waxaay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Ruqiyo Cali Cabdu lle,Nadiifo Cali Cabdulle Ilmo Iddoow Cali Cabdulle iyo Guud ahaan ilmo aha Marxuummadda meelkasto oo ay kala joogaanba walaalahood iyo caruurtoodaba, Sidoo kale Marxuumadda walaalaheed Jabriile Xali Xuseen, Sahro Jen. Jabriile Cali Dr.,Maxamuud Xasan Maxamed {Dr. Ingariisoow} iyagoo ugu Tacsiyadeynayo Geeridii ku timid MARXUUMAD XAAJIYA XALIMO CALI XUSEEN shalay oo Arbaca aheyd Subaxdii 13-ka Abriile 2016ka ku Geeriyoodtay Magaalada Muqdisho waxayna Alle ugu baryayaan Marxuumadda inuu Alle Jannadiisa Fardowzo aheyd uu ka Waraabiyo intii ay ka Geeriyootayna Samir iyo Iimaan Saadaq ah uu ka siiyo
Aamiin Aamiin Aamiin.
INNAA LILLAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN
TACSI
Dhammaan Madaxda Iyo Xubnaha ururka haween ka Qaranka soomaaliyeed , Dhammaan Uru rrada Bulshada Reydka soomaaliyeed ee dalka iyo ururrada COGWO INXA, ku mideysan dhammaan haweenka soomaaliyeed dalka soomaaliya waxay Tacsi Tiiraanyo Leh U Dirayaan Ruqiyo Cali Cabdulle oo Hooyadeed Marxuumad Xaajiyo Xaliimo Cali Xuseen shalay ku geeriyootay Magaalada muqdisho waxayna alle ugu barayayaan inuu marxuumadda jannada ugu bishaareeyo intii ay ka Geeriyootayna uu Samir iyo iimaan ka siiyo Aamiin Aamiin Aamiin.
INNAA LILLAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN
NATIONLINK TELCOME
OGEYSIIS
QIIMO DHIMIS BALAARAN
BISHAARO , BISHAARO, BISHAARO
Shirkada isgaarsiinta Casriga caalamiga ah ee NATIONLINK waxay maca amiisheeda sharafta leh u sa meysay Qiimo Dhimis Dal & dibad ah Muddo 2 bilood ah oo ka bilaabaneynsa 18 / 03/2016 waana adeega ku shuba shada ah ( prepaid ka)
A. Wicitaanada Gudaha Dalka oo dhan ku shubo $1 kuna hadal 140 daqiiqo Habeen iyo Maalin
B. Wicitaanada Dibada : ku shubo $1 oo ku hadal
10 daqiiqo wadamada
- USA.
- CANADA
- CHINA.
- INDIA.
- AUSTRALIA.
- BANGLADESH.
- MALAYSIA.
- PAKISTAN.
- SOUTH AFRICA
- SWEDEN
NATIONLINK ISKUXIRAHA DADWEYNAHA
FAAHFAAHIN DHEERI AH, FADLAN WAC 100/222/333


0 



WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 14-KA ABRIILE 2016-KA
AMISOM OO SOO DHAWEYSAY GO'AANADII LAGA SOO SAARAY MADASHII DOORASHADA 2016 Hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM] ayaa soo dhaweysay go'aannadii Mas'uuliy iinta Soomaalidu ee ku aaddan hannaanka doorashada sannadkan dabayaaqa