HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKAQ M.TIMES EE MANTA OO AHAXAD 25-KA JULY 2021-KA

0
Sunday July 25, 2021 - 08:08:45 in Wararka by
  • Visits: 552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKAQ M.TIMES EE MANTA OO AHAXAD 25-KA JULY 2021-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....


RA’IISUL WASAARE ROOBLE OO KU WAJAHAN DALKA INGIRIISKA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaasriinta ee dowladdaSoomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ay aa waxaa la filayaa inuu safar ku ta go magaalada London ee dalka Ing iriiska.

     Wararka la helay ayaa sheegaya in R/Wasaaraha uu magalada Lond on uga qeyb geli doono shirka Caala miga ee Arrimaha Waxbarashada, kaas oo uu shir guddoomin doono R/ Wasaaraha UK Boris Johnson.

    Sidooo kale shirka ayaa waxaa ka qeybgeli doo no Madax kala duwan oo Afrika ka socda oo uu ka mid yahay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta & Madax kale.

      Ra’iisul Wasaaraha XFSee xilgaasriinta Md.Roo ble ayaa safarkiisa M/ London waxa uu noqonayaa kii ugu horreeyay ee uu ku tago tan iyo markii xilka loo Magacaabay Sebteembar 17 sanadkii 20020.

MAAMULKA G/BANAADIR OO KULAN DUCO AH U SAMEEYAY MAS’UULIYIINTII KU DHINTAY QARIXII XARUNTA GOBOLKA

      Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa M/Muqdisho Md.Cumar Maxamuud Maxamed (Cu mar Filish) Kuxigeenada G/Banaadir, Xoghayaha Guud, Culima’udiin, Agaasimeyaal, Guddoomiyeyaal Degmo iyo Ehelo ayaa Shalay xaru nta Aqalka Dowladda Hoose ee Xa mar kaga qeybgalay Xus iyo Duco loo sameeyay Shuhaddadii ku Shah iiday Musiibadii 24 July 2019 ka dhacday Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar oo uu ugu horeeyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Ahaana Duqii Muqdisho AUN Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) Ag aasimeyaal, Lataliyeyaal iyo Guddoomiyeyaal Degmo.

     Munaasabadaan Xuska iyo Ducada ayaa laga jee diyay khudbado isugu jiray wacdi Diini ah, Isbaraaru jin, Taariikh Xusuuseed iyo Duco, iyadoo ugu danb eyn uu halkaasi khudbad ka jeediyay Guddoomiyaha G/Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Md.Cumar Filish oo sheegay in xuskaan uu noqon doono mid sanad weliba la xusi doono, si loo weyneeyo Shuhaddadii ku Shahiiday Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar 24 July 2019, iyagoo bulshadooda u adeeg aya.

    Gabagabadii Munaasabada Xuska iyo Ducada kadib ayuu Guddoomiyaha G/Banaadir Md.Cumar Filish waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay Ehelada Shuha dadii, Asigoo mid mid u xaal wareystay maadaama Maamulka Gobolka Banaadir uu si gooni ah ugu warhaayo Ehelada Shuhaddada.

    Xuskaan oo ah sanadkii 2aad ayaa lagu wadaa in 1da Augosto lagu soo gabagabeeyo Garoonka Kubadda Cagta ee Eng. Yariisow Stadium

DOORASHADII AQALKA SARE OO AY MAR KALE KU TIMID DIB U DHAC

    Dib u dhac kale ayaa ku yimid doorashada aqa lka sare xilli ay maalinta Maanta ah ay ku beegan tahay doorashada xildhibaanada aqalka sare, sida ku qo ran jadwalka doorashada ee heshiiskii june 29keedii.

     Shalay oo ay taariikhda ku beegan tahay 24ka July, waxaa qorshuhu ahaa in dowlad goboleedyadu soo gudbiyaan liiska kama dambaysta ah ee musha rraxiinta aqalka sare, si ay Maantato doorashadu u qabsoomto. Guddiyadii ma amuli lahaa doorashooyinka aqal ka sare, kuwaas oo ka imaan lahaa barlamaanada maamul goboleedya da, ayaa weli lasoo magacaabin marka laga reebo maamulka Jubbaland oo horey u soo magacaabay. Dib u dhaca doorashada aqalka sare waxay sidoo kale dib usii riixaysaa jadwalka guud ee doorasho oyinka Soomaaliya. Guddiga doorashooyinka Soo maaliya, ayaa hor ay u sheegay in jadwalkii ay soo saareen bishaan 19keedii uu yahay jadwal kama dambeys ah oo ay filayeen in aanu dib u dhac kale imaan doonin.

   Guddiga ayaa dib u dhac kaste oo ku yimaada door ashada aqalka sare sheegay in ay masuuliyaddiisa qaadanayaan dowlad goboleedyada oo iyagu leh awoodda doorashada aqalka sare.

    DF OO JAWAAB KULUL KA BIXISAY HANJABAADII AMIIRKA ALSHABAB

    DFS ayaa waxay hoosudhigtay hanjabaada ka timid horjoogaha guud ee AlShabaab ee ku waj ahneyd ergadda ka qeybgaleysa xulista baarlam aanka 11aad ee soo aadan. Lataliyaha 1aad ee ar rimaha amniga xafiiska ra’iisul wasaaraha, Cabdi Di irshe oo u waramay VOAda, ayaa carabka ku adkee yay inay dedaal badan ku bixin doonan sidii loo bur burin lahaa cagajugleynta maleyshi yada.

     "Siyaasadda DFS ee ku wajahan kooxda AlShabaab way cadahay. Si daas darteed, waa la jebin doonaa, waana laga ciribtiri doonaa dalka. Qorshe ayaa nooga degan adkeynta amniga goobaha ay ka dhaceyso doorashooyinka guud ahaan dalka,” ayuu hadalkiisa ku daray.

    Amiirka AlShabaab oo cod laga soo duubay ay saxaafada maleyshiyad iisu faafisay asbuucii hore wuxuu ku caddeeyay in ay beegsan doonan dha maan ergada, isaga oo ku booriyey in ay ka baaqsad aan kahor inta aysan khaarijin.

    Amiirka AlShabaab ayaa uga digay shacabka iyo ergooyinka inay ka qeybgalaan doorashooyinka dalka ka dhacaya.

   "Waxaan uga digeynaa umaddeena inay ka qe yb qaadato doorasho ku sheegga dalka laga hirgeli nayo, waxana uga digeynaa inay qeyb ka noqoto gum eysiga uu dalku ku jiro, garab iyo sharciyadna siiso ajendaha gaaladu wadato ee salka ku haya la dirirka Shareecada Islaamka,” ayuu yiri.

   "Mujaahidiintu waxay kasoo horjeedaan qorshe kasa oo diinta ka hor imaanaya.. waxaan digniin iyo dardaaran u direynaa ergada wax soo xusha.. amnig iinaa ma sugi doonaan kuwa mansab raadiska ah, ha ku kedsoomina inaad dhaqaale heli doontaan; waa inaad ku tusaale qaadataan kuwii idinka horee yay iyo inta ka nool nolosha ay ku nool yihiin.”

    Abuu Cubeyda ayaa ugu dambeyn ammaanay maamullada AlShabaab ee wilaayaadka loo yaq aan, kuwaasoo uu sheegay inay damiyeen colaadii u dhaxeysay beelaha Soomaaliyeed, ayna tusaale u yihiin, sida uu yiri, inay Soomaaliya diinta ku midoobi karto.

SHEEKH SHARIIF IYO XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA CADALE

    Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan degmada Cadale ee Gobolka Shabe ellaha Dhexe ayaa Habeen hore halkaas kulan kula qaatay Odayassha dhaqanka degaanka.

    Kulanka oo ahaa mid albaabada u xirnaayeen ayaa waxaa la isaga xogwareystay xaaladda guud ee deegaanka iyo Colaad beeleedyo sanado badan ka dhacayay deegaano hoos tega degmadaas, kuwa asi oo geystay khasa aro nafeed iyo hanti intaba.

    Labada Madaxweyne ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa waxgaradka Cadale ka dhageystay wa rbixin ku saabsan mashaqadii ka dhacday Tuulada Burdheere {Koogaar}, taasi oo sannadkii 2019kii no qotay deegaan laga qaxay. Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Odayaasha dhaqanka degmada ay Madaxweyneyaa shii hore ee Soomaaliya ka dalbadeen in ka sha qe yaan sidii xal buuxa looga gaari Colaad beeleedyada ku soo laablaabtay Cadale iyo deegaanada hoos tega. Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Odayaasha uu kulmay uga mahadceliyay doorka shariifka ah ee ay ka qaateen xasilloonida, midnimada iyo nabadeynta dadka walaalaha ee deegaanka ku wada nool.

"Had iyo jeer dhaqanku waa tiirka ugu muhiim san ee horumarka, amniga iyo dowladnimada, oo ay adkaan lahayd in la’aantood laga soo gudbo caq abado badan oo dalka ka jirey” ayuu yiri Sheekh Sha riif oo Qoraal kooban soo saaray.

Kulanka Madaxweyneyaashii hore ee dalka ay la qaateen Odayassha dhaqanka degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa dibad joog ka ahaa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirsha beelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

MAREYKANKA OO WAR KASOO SAARAY DUQEYNTII MUDUG

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in du qeyn cusub ay ka fulisay qeyb ka mid ah Sooma aliya, gaar ahaan koonfurta gobolka Mudug.

    Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa Jimcihii ka dhacday deegaanka Qayc ad oo ay gaareen ciidama da huwanta, sida ay sheeg tay afhayeenad u hada shay Pentagonka.

    Afhayeenada ayaa sidoo kale tilmaamytay in weerarkan dhanka cirka ah lagu garab siinay ey ciid amada dowladda iyo kuwa Galmudug ee howlgal lada ka wada halkaasi.

     Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in Mareyk anka uu xoojinayo taageerada ciidamada Soomaa liya, islamarkaana ay ka go’an tahay la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.

   "Duqeynta dhacday Jimcihii waxa ay ahayd lagu fududeynayo howlgallada Ciidamada Soomaalida, Mareykanka waxaa ka go’an la dagaalanka Argagix isada iyo taageerada Ciidamada Soomaaliya” ayey tiri Afhayeenadda u hadashay Pentagon.

    Mareykanka ayaa muddo kadib dib haatan u bill aabay duqeymihiisii Soomaaliya, kuwaas oo muddoo yinkii lasoo dhaafay ku jiray hakad, waxaana taasi ay saameyn ku yeelatay dhaqdhaqaaqa ciidamada do wladda iyo kuwa AMISOM ee jooga gudaha dalka Soomaaliya.

     Si kastaba dowladda Mareykanka ayaa Soomaa liya ka caawisa dhinacyada dhaqaalaha iyo mil atariga, waxaana ay tababar ay siisaa ciidamada si da gaarka ah u tababaran ee Danab.

XUKUUMADDA SOOMAALIYA OO KA DIGTAY LACAG TA LA DHAQO

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa ka digay Qatar ka dhalan karta lacagaha la dhaqo, isagoona sheegay inay danbi tahay arrintaas cidii lagu qabtaana laga qaadi doonno talaabo sharci ah.

    Wasiirka cadaaladda Xukuumad da Federaalka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta Dowladda ugu digay shacabka Soomaalieed cawaaq ibta ka dhalan karta lacagaha la dhaqo ee dalka la soo galiyo.

    " Cid walba oo lacag isticmaasha ama keedisa ama dadka u kala gudbisa waxaa waajib ku ah lac agta ay guddbineyso meeshii ay ka timid in la yaqaa no, meeshii ay u socotana la yaqaano wixii intaa ka baxsana qofkii lagu helo wuxuu muteysanayaa ci qaab ” ayuu yiri Wasiirka cadaaladda Soomaaliya.

ILHAAN CUMAR OO SOO SAARTAY DALAB LA XIRIIRA DUQEYNTII UU MAREYKANKA KA FULIYEY MUDUG

    Senator Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Con gresska wadanka Mareykanka ayaa ka hadashay duqeyntii ay todobaadkan dowladda dalkaasi ka fu lisay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaano dha ca koonfurta gobolka Mudug.

    Ilhaan Cumar oo su’aallo ka keentay du qeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soo maaliya ayaa sheegtay in loo baahan yahay in baaris lagu sameeyey duqeyn tii u dambeysay, si loo helo macluum aad dhammeystiran oo ku saabsan weerarkaasu dhinaca cirka ah.

     Sidoo kale waxa ay shaacisay in duqeymuhu ay u baahan yihiin istaraatiijiyad ballaaran oo diiradda lagu saarayo amniga dadka Soomaaliyeed.

    "Sida aan u wajaheyno ka hortagga argagixisan ima da ee alShabaab waxay u baahan tahay istir aatiijiyad guud iyo siyaasadda ku aaddan Soom aaliya,” ayey tiri Ilhaan Cumar.

    Waxa kale oo ay intaasi ku dartay inay jiraan qo ysas badan oo Soomaaliyeed oo ay waxyeelo kasoo gaartay duqeymaha xilligii Trump, kuwaas oo ay tilmaamtay inay awoodi waayeen inay la xiriiraan Mareykankam si ay helaan magdhowga loo qoond eeyey.

    Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka dhinaca mil atar iga iyo howlgallada ciidamada ka taageero dow lad da federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna tab abaraa ciidamada Danab.

    Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo duqeyntii ugu dambeysay ay Jimcihii ka dhacday gobolka Mudug, taas oo uu Mareykanka ku garab siinayey ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidoo kale kuwa Galmudug ee howlgallada ka wada koonfurta gobolkaas. eedeeyeen madaxda sare ee hay’adda

BEESHA AY KASOO JEEDO IKRAAN TAHLIIL FAARAX OO WAR CUSUB SOO SAARTAY

Beesha Gaaljecel, oo ay kasoo jeedo Ikraan Tah liil Faarax oo ah gabar u shaqeyneysa NISA oo mu ddo lagu la’yahay nolol iyo geeri, ayaa waxay dow ladda Soomaaliya ka codsa tay inay helaan cadaal ad, ayaga oo u qabtay saddex maalm ood.

    Beesha ay kasoo jeedo Ikraan ayaa tilmaamtay inaysan xaq aheyn in la iska wato qof muwaadin Soomaaliyeed ah, islamarkaana aan muddo lagu heyn nolol iyo geeri.

    Odayaasha beesha oo kulan looga hadlayey kiiska Ikraan hadal ka jeediyey ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullahi Far maajo ugu baaqay inuu meel ku sheego Ikraan, had dii kale aysan suuragal aheyn inay dalka ka dhacdo doorasho.

    "Dowladda Soomaaliya waxaan u sheegeynaa in ay arrintaas jawaab deg deg ah ka bixiso, madaxw eyne adigaa dalka u sarreeya, waxaa lagu mashquu lsan yahay doorasho, haddii ay cadaalad daradaan ji rto oo sidan wax yihiin sidee doorasho lagu aadaa, mala aadi karo waaye,” ayuu yiri mid kamid ah oda yaasha Beesha ay kasoo jeedo Ikraan.

    Odayaasha ayaa madaxda Dowladda oo ay ugu horreeyaan madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Was aare Rooble ugu baaqay inay dareemaan xanuunka Shalay iyaga haya maadama ay ka maqan tahay gabadhooda.

    "Madaxda Dowladda, haddii ay yihiin saraakiil, madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo inta kale eka hooseysa dhammaantiin ubad ayaad dhasheyn, haddii ubadkiina maqan yahay xanuunka aad dare emi laheedeyn ayaan na haya ogaada,” ayuu mar ka le yiri.Sidoo kale odayaasha Beesha ay kasoo jeedo Ikraan ayaa sheegay inay cadda tahay in gab adhooda ay ku maqan tahay gacanta dowladda, maadaama ay sheegeyn in meesha laga watay ay tahay meel ammaankeeda aad loo ilaaliyo sidoo kal ana gaariga lagu qaaday ay laheyd dowladda Soo maaliya.

    Odayaasha ayaa sidoo kale codsaday in warka loo caddeeyo, haddii gabadhooda la dilayna maxka mad lasoo taago ciddii dilka geysatay islamarkaasna la soo bandhigo sababtii loo dilay iyo cidda ka dam beysay dilkeeda.

     Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya baarita anka lagu hayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah ga bar u shaqeysa hay’adda NISA oo hadda la la’yahay muddo ku dhow bil, kadib markii la waayey 26ka June.Ikraan ayaa aheyd gabar aqoonyahanad, oo aad ugu wanaagsan qorista warqadaha xiriirka xafiis yada sida dowlad ama hay’adaha kale. Ikraan ayaa dhexdaganeyd xeendaabka NISA, ee ka xiran cirif ka glo bal iyo kan KM0, taasi oo hay’adda farta ku soofiiq day.

   Illaa iyo hadda ma cadda cidda wadatay Ikraan iyo cidda bixisay amarka lagu watay Ikraan, hase ye eshee qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ee ku ehelka ah Ikraan iyo kuwa aan ku ehelka aheynba waxayxigasho:Caasimadda.Net

MADAXTOOYADA OO WARBIXIN SIISAY GUDDIGA LA DAGAALLANKA MUSUQMAASUQA

   Kusimaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Cabdinuur Maxamed Axmed oo kulan la qaatay Guddiga Madaxabannaan ee La Dagaa llan ka MusuqMaasuqa ayaa uga warbixi yey hannaa nka maamul iyo maaliya deed ee Madaxto oyada.

    Agaasime Cabdinuur ayaa tilmaamay dadaalladii ay ku bixiyeen dib u habe ynta nidaamka shaqaaleysiinta Madax tooyada, ilaal inta xuquuqda shaqaala ha, maamul wanaaggaiyo hufnaanta maaliyadeed ee Madaxtooyada Dalka.

    Kusimaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooya da Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa adkeeyey sida ay uga go’an tahay in Madaxtooyada Qaranku ay ho rmuud uga noqoto hay’adah kale ee Dowladda hufn aanta maamul iyo ka fogaanshaha musuqmaasuqa maaliyadeed.

    Dhankooda, Guddiga Madaxabannaan ee La Da gaallanka MusuqMaasuqa ayaa dul istaagay dhibaa tada uu leeyahay musuqmaasuqa iyo cawaaqib xu mada ka dhalan karta, iyagoo la wadaagay Agaas ime Waaxeedyada Madaxtooyada wacyigelin ku saabsan u hoggaansanaanta sharciga iyo hirgelin tiisa.

   Ugu danbeyntii, Guddiga Madaxabannaan ee La Dagaallanka MusuqMaasuqa ayaa tilmaamay muh iimadda dalka iyo horumarkiisa ay u leedahay la dag aallanka musuqmaasuqa, taas oo aasaas u ah xaqi ijinta maalgashiyada caalamiga ah, kobaca dhaqaala ha, awoodsiinta dhallinyarada iyo xoojinta kalsooni da shacabku ay ku qabaan dowladnimada.

MALEESHIYAAD KU DAGAALAMAY MAGAALADA MUQDISHO OO LASOO BANDHIGAY

  Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaali ya ayaa Xalay M/Muqdisho kusoo bandhigay rag hubeysan oo Burcad oo Shalay ku dagaalamay Isg oyska Exkoontarool Afgooye, kuwaas oo dhac ka geysan jiray degmada Deyniile.

   Kuxigeenka Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in howlgal qorsheysan oo dhacay Shalayta lagu soo qabtay raggaan oo Israsa aseyn ku dhexmartay Isgoyska Exkoontarool Afgoo ye, xili uu muran soo kala dhexgalay. Cabdifitaax Aadan ayaa tilmaamay in Ciidamo ka tirsan kuwa Bo oliska ay weerar ku qaadeen goob ay ku dhuuma aleysanayeen ragga oo ku hubeysnaa Qoryo Ak47, waxaana burcada tiro ahaan ay gaarayan ilaa iyo 9 Nin oo dhac geysan jiray.

   Sidoo kale kuxigeenka Afhayeenka Booliska ayaa xaqiijiyay in israsaaseyntii ka dhacay Exkoo ntarool Afgooye ay ku dhinteen Afar qof oo mid Ha weeney tahay, ayna ku dhaawacmeen saddex qof kale oo goobta ku sugnaa, lana geeyay Xarun Caaf imaad.

    Gabagabadii Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa Carabka ku dhuftay tallaabo sharci ah la ga qaadi doono dadka lasoo qabtay oo dhibaato ku haayay dadka kunool degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, sidoo kalena gaadiidka laga raro Exkoo ntarool Afgooye ka qaadi jiray lacago.

AXMED MACALLIN FIQI,”DUMAASHI DAGAALKA NALA SOO GAL”

   Wasiirka Amniga ee Galmudug, Axmed Macallin Fiqi, ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay u gu jawaabay Ihaan Cumar, oo gobolka Minnesota u matasha Aqalka Wakiillada Mareykanka (Congress) oo maamulka Biden ka dal batay qiil u helida duqeyn tii Talaadadii ay ka geyst een Soomaaliya, taas oo maamulka ku andacooday in lala beegsaday xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururka AlShabaab.

   Wasiir Fiqi ayaa sheegay inay haboontahay in xildhibaan Ilhan ay ka digtoonaato in hadalkeedu u ekaado hiil ay u fidinayso argagixisada Alshabaab ee dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed waa sida uu qoraalkiisa u dhigaye.

   "Gabadheena Ilhaan ma haboona in ay afhaye en u noqoto Alshabaab, miyaysan ogayn in 27 Juun 2021 dhowr iyo soddon qof oo shacab u badan in ar gagixisadu ay ku xasuuqday Wisil, Maxayse ku qan cinaysaa eheladii dadkooda ay Shabaab xasuuqeen, mise Ilhaan waxay bixinaysaa ruqsad Alshabaab wax ku dili karo oo aan ayaga lagu dili karin!” Ayuu sidoo kale ku yiri qoraalkiisa.

   Wasiirka ayaa sidoo kale Ilhan Cumar ka dalba day inay dagaalka ka dhanka ah AlShabab kula soo biirto wuxuuna yiri ” Dumaashi dagaalka nala soo gal

WARARKII UGU DAMBEEYAY DAGAAL KA DHACAY GOBOLKA MUDUG

   Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ay aa waxaa Ciidamada dowladda gaar ahaan DAMAB, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo Ciidamo uu hogg aaminayo Saadaq Joon oo dhinac ah iyo AlShab aab waxaa uu ku dhexmaray degaannada Miiroon iyo Eryaale oo u dhow degaanka Qeycad ee Gobol ka Mudug.

   Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Ciid amada Huwanta ah ay weerareen degaannada lagu dagaalamay oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan AlShabaan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal cul us oo soo gaaray ilaa Gelinkii dambe ee Shalay.

   Saraakiil ka tirsan Ciidamada qe ybta 21aad ayaa waxaa ay shee geen in dagaalka ay Ciidamada Guulo kasoo hooyeen, isla mar kaana ay khasaaro ku gaarsiiy een AlShabaab, sidoo kale ay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah AlShabaab.

    Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo howlgalka qeyb ka ah ayaa dhowr jeer sheegay inay ka go’an tahay in Guud ahaan degaannada Gal mud ug ay ka saafaan AlShabaab kalana wareeg aan meelaha ugu weyn oo ay heysteen sida degm ooyin ka Ceelbuur iyo Xarardheere ee G/Mudug iyo Galgaduud.



MACALIMUU: GEDO WAXAAN GEYNAY BALAAYO, KULLANE JIIS IN LA MAXKAMADEEYO AYUU KU BADBAADI KARAA

   Nuur Xaaji Macalimuu ayaa sheegay in todobadii bilood ee lasoo dhaafay uu xabsi guri ugu jiray Aga asimihii hore ee Shaqaalaha NISA Cabdullahi Kull ane, waxuuna dalbanayaa in Kullane cadaaladda la hor keeno.

    Macalimuu oo shir jaraa’id ku qa btay M/Muqdisho ayaa ugu horeyn sheegay in dhammaan siyaasiyiintii iyo odayaashii laga hor taagnaa inay u safraan gobolka Gedo ay u mahad celinayaan Ra’iisul wasaare Rooble oo xilkii ka qa aday ninkii ay ka cabanayeen oo xabsiga ay ugu jireen.

    "Sidii aad la socoteen waxaa la jebiyey amarkii Ra’iisul wasaaraha, waxaana jebiyey ninkii Taliye ku xigeenka Nabad sugidda ahaa, ninkaas waxa uu ba rtay in dunuubta uu galo aan lagu ciqaabin, laakiin hadda waxaa laga qaaday tallaabo, waxay ila tahay dadka dunuubta gala hadii aan sharciga la hor keenin dembiyada ayey iska sii gelayaan, Kullane dhibaatooyinkii uu Gedo ka geystay maxkamad ha lagu saaro,” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo.

   Cismaan Nuur Xaaji oo sii hadlaayey ayaa yiri, "Intii uu Kullane dembiyada ka galay, aniga ayaa ugu dhib yaraa, anigana 7bilood ayuu xabsi igu heystay, anigoo masuul soo shaqeeyey ah oo aan dad dhi baato u geysan, ayuu intaas i hor taagnaa, dembiy ada kale ee uu geystay wax sahlan maaha, waxaan maqlaayey gabar NISA ku maqan oo gaarigiisa lagu qaaday, arrintaas ma ahan in madaxda dowlad gob oleedyada iyo musharaxiintu ka aamusaan.”

    Sidoo kale Macalimuu ayaa sheegay badbaada Cabdullahi Kullane ay ku jirto in Shalay maxkamad lasoo taago, "Hadii aan la maxkamadeyn waa la dila yaa, in la dilana waxaa ka roon, in dembiga uu leeya hay lagu qaado, hadii lagu waayana la iska daayo,” ayuu yiri.

    Waxa uu sheegay in amarro uu bixiyey Kullane dhibaatooyin xoog leh gobolka Gedo looga geystay, isagoo dadka dhibanayaasha ah u soo jeeduyey in ay soo bandhigaan tacadiyada uu u geystay ninka as, si wax looga qabto.

    "Markii hore waxaan u heysanay in gobolka Gedo aan dowlad geynay, laakiin Balaayo ayaan geynay xaqiiqdii, dhibka dowlada laga tabanayo waxaa ge ystay Kullane Jiis, waxaana u wakiishay dadkii me esha u dirsaday,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cism aan Nuur Xaaji Macalimuu guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo

GANACSATO SOOMAALI OO KU HANTI BEELAY RABSHA DIHII K/AFRIKA OO CABASHO GUDBIYEY

    Qaar kamida Ganacsatadii Soomaalida ee ku Hanti beelay banaanbaxyadii boobka isku rogay ee dhawaan ruxay Koonfur Afrika ayaa Shalay Ca basho u gudbiyey Guddiga ay dowladda Madaxweyna ha dalkaas Cyril Ramapho sa u saartay qiimeynta khas aarihii ka dhashay xasaridii ka dhashay xariggii Jacob Zuma.

    Soomaalida oo qeyb ka ah Ganacsatada iyo Aja anibta kale ee la dhibaateeyey ayaa dowladda ka dal baday inay siiso dhaqaale si ay dib ugu furtaan Gan acsiyadoodii cagta la wada mariyey ee ay ka fara maran yihiin Shalay.

    Khasaare nafeed oo lagu waayey Afar Muwaad iniin Soomaaliy eed ah iyo Malaayiin Dol lar ah ayaa Soomaalida kasoo gaaray rabshadihii khasaaraha geystay ee ka dhacay dalka Koonfur Afrika oo ka dhashay xariga Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Jak ob Zuuma oo lagu xukumay 15 bilood. Madaxwey ne Cyril Ramaphosa ayaa waxaa uu heegay in dowladiisu ay diyaar u tahay inay garab dhaqaale siiso dadkii hanti beelay rabshadihii ka dha  cay Koonfur Afrika, gaar ahaan Ganacsiyada Tuck Shopyada, inkastoo uusan Soomaali ama Ajaanib mi dna si gaar ah u carabaabin. Xasilooni la’aanta iyo Bililiqada baahsan ee ka dhacday dalkaasi ayaa waxay bilaabantay, kadib, markii Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Jakob Zuma lagu xukumay 15bil ood, kadib, markii uu diiday Baaritaanka Eedeymo la xiriira Musuqmaasaq dhacay, muddadii uu Madaxwe ynaha ka ahaa dalkaasi laga soo bilaabo sanadkii 2009kii ilaa 2018kii.

XILDHIBAAN MAYDHANE " CADDAALAD DARADA MUUSE AYAANU KA TAGNAY"

    Xildhibaan Maxammed Xuseen Maydhane oo xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Awdal, ayaa ku dhawaaqay in uu taageerayo isbahaysiga xisbiy ada mucaarad ka, kadib markii xildhibaanada gobol ka Awdal ay iska dhex arki waayeen xubnaha Kul miye u sharaxay shirgudoonka wakiilada.

     Xildhibaan Maydhane ayaa sheegay in madaxweynuhu uu caddaalad daro kula kac ay xildhibaanada gobolka Aw dal ee xisbiga Kulmiye, isla markaana uu u sheegay in aanu waxba xildhiba anada gobolka Awdal ka siinayn shirgudoonka waki ilada. "Waxaanu ka tagnay caddaalad daradiisa, ka dib mar kii shirgudoonkii beelo kale la siiyay, mar kaanu marlabaad ku noqonay ee aanu ku nidhi siday ku dhacday, xaqii gobolkaygu mee, umad baan mat alaa, gobol baanu kasoo jeednaa, intaaso xubnood baanu nahay, jawaab nalama siin" ayuu yidhi.

    "Madaxweyne Somaliland ayaanu doonaynee ha dduu madaxweyne Isaaq noqday sidaasaanu kaga tagnay, taasaanu walalahayaga caddaalad doonka ahna ugu biirnay" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

  Tan iyo markii uu bilaabmay loolanka doorasha da shirgudoonka golaha wakiilada ayaa sidookale waxa bilaabmay in xildhibaanada xisbiyada mucaar adka iyo muxaafadku ay kala taageeraan xubnaha shirgudoonka ay u kala sharaxeen xisbiyada muca aradka iyo muxaafadku.

QISADA CAJIIBKA AH EE MAXAMED CALI CABDIR AXMAN – WIILKA GALAY KAALINTA LABAAD

    Maxamed Cali Cabdiraxmaan waa ardaygii san adkaan kaalinta labaad ka galay imtixaankii dugsiy ada sare ee dowladda, waa 18sano jir ay hooyadiis ku soo korisay agoonimo, waxna ku soo bartay dur uufo adag, wareysi lala yeeshay waxa uu uga warb ixiyey marxaladihiisii waxbarasho.

    Sidoo kale Maxamed waxa uu ahaa ardaygii ugu dhibcaha sareeyey sanadkaan ardaydii wax ku bara tay gobolka Banaadir, waxuuna ka sheekeeyey sidii uu u maareyn jiray waqtigiisa, intii uu ku guda jiray hayaankiisii waxbarashada.

   Ardaygaan oo wareysi siiyey warbaahinta dowlad da, waxa uu sheegay inuu halkaan ku soo gaaray ducada iyo dadaalka hooyadiis, waqtiga oo aad uu uga faa’iideysan jiray iyo isticmaalka taleefoonka oo uu iska xakameeyey.

     Sidoo kale wiilkaan waa xaafid ilaa lix jeer dham eeyey Qur’aanka Kariimka, isla mark aana ku guul eystay tartamo Qur’aan akhris ahaa oo uu horay uga qeyb ga lay, sida uu ku sheegay wareysi gaan.

    "Marar badan waxaan ka qeyb galay tartamada Qur’aan akhriska ee la qabto bisha barakeysan ee Ramadaan, dhowr mar ayaan ku guul eystay oo hadiyado la I gudoonsiiyey,” ayuu yiri Maxamed Cali.

    Hooyada dhashay Maxamed oo la yiraahdo Bishaar Daahir waxay Shaah ku iibisaa Suuq ku yaalla xaafadda Ceeldheere ee degmada Dharkee nley waxay sheegtay in wiilkeeda galay kaalinta labaad ee Imtixaanka dowladda ay ku soo korisay duruufo adag.

    "Xaalado aad iyo aad u adag ayaan Maxamed ku soo koriyey, isaga oo agoon ah, xataa waxaan awo odi weyn jiray inaan u iibiyo buuga iyo qalinka, sidoo kalena aan ka bixiyo kharashaadka yar ee waqtiga bareega, wiilkeyga kama mid aheyn carruunta baree ga la siiyo, waxuu I dhihi jiray Hooyo iska dhaaf ha is dhibine, kharashaadka kale ee waxbarashadeyda ayaadba la daalaa dhaceysaahe, nin raga ayuu Alle ka dhigay oo meeshii aan ka filaayey ayuu iiga soo baxay wiilkeyga. Waa Ilaahey mahadiis,” ayey yiri Hooyo Bishaaro Daahir.ooyHpp

    Sidoo kale Hooyo Bishaaro oo sheegtay in san adkaan caruurta u qalin jebisay ay labo yihiin ayaa dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Bana adir ka codsatay in kaalinta uu wiilkeedu ka soo dhalaalay ay ku gacan siiyaan, maadaama aysan ha dda awoodin inay ka bixiso kharashka lagu dhigto Ja amacadda.

XARUN DEEGAANKA KA SHAQEYSA OO LAGA HIRGALIYAY M/ MUQDISHO.

   Kulan xariga looga jarayay xurun cusub oo loogu magac daray EcoHub Somalia, ayaa lagu qabtay M/Muqdisho. Daah Furkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee Bulshada, Siya asiyiin iyo qaar ka tirsan Aqoonyahanada Soomaa liyeed ee Muqdisho ku nool.

   EcoHub Soomaaliya ayaa noqoneysa xaruntii ugu horreysay ee deegaan iyo bey’adeed ee nooceeda oo kale ka shaqeysa lag ana hirgaliyo Soomaaliya, iyada oo u jeedkeedu yahay dhowrista kheyraadka dabiiciga ah iyo bey’ada si loo abuuro jawi saaxiibti nimo bey’adeed, wacyigelin iyo dhiirrigelinta halabuurka ganacsi ee wax u taraya deegaanka kuwaa oo u baahan dhiirigalin iyo maalgalin.

    Sidoo kale waxay xaruntan tababaro ku aadan ka shaqeynta Nadaafada iyo Ganacsiyada yar yar kuw ooda u wanaagsan deegaanka, soo saarista Cilmibaarisyo ku aadan dhibootooyinka deegaanka, iyo yareynta shaqo la’aanta bulshada gaar ahaan dhal inyaradda iyo haweenka.

    Agaasimaha EcoHub Somalia Cali Faarax oo ka hadlay munaasabada ayaa ku soo dhoweeyay xarun ta ka qeyb galayaasha, isagoo xusay in xaruntaan deegaan ay aasaaseyn dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka damqaday dhibaatada deegaan, qashin iyo shaqo la’aan ee heysato dadka iyo dalka Soomaaliyeed, is aga oo xusay in xaruntaan loo furay bulshada soom aaliyeed. Waxa kale oo uu sheegay in EcoHub Som alia ay soo kordhin doonto howlo ay ku farxaan Bul shada Soomaaliyeed, sidoo kalena dhiireglin iyo tab abar ay siin doonto qof walba oo la yimaada hal ab uur ganacsi kaas oo la saaxiib ah deegaanka.

    Dhamaan halabuurada qeybta ka ahaa bandhig carweedka ayaa mid mid madashada qudbado koo ban ka jeediyay iyaga oo kaga sheekeeyay waxa ku dhaliyay halabuurkooda ganacsi ee deegaanka la saaxibka ah, sida ay ku hirgaliyeen iyo sida u shaq eeyo ganacsigooda iyo caqabadaha ku geedaaman hirgelinta halabuurkooda.

   Halaburada ayaa tilmaamay muhiimada ay howl ahooda ganacsi ku dhowrayaan deegaanka iyo sha qo abuurka ba’.Halabuurada ayaa madasha ka she eegay inay caqabad ka heysato dhanka iska warqa bid la’aanta ka dhaxeysa dhanka waxsoosaarkoo da iyo bul shada inteeda kale oo ay jirto ogaansho dari iyo dad ka Soomaaliyeed oo wali ku baraarugsa neyn muhi imada ay leedahay in ay dib u iibsadaan walxaha la isticmaalay ka dibna tuuray in mar kale ay dib u iibsadaan una aisticmaalan si loo yareeyo qashimeynta magaalada iyo waliba dhowrista deegaanka.

ARDAY SOOMAALI AH OO KA SOO CARARAY DAGAA LLADA KA SOCDA GOBOLKA TIGREEGA

    Iyadoo ay dagaallo ka socdeen Gobolka Tigray ee Waqooyiga dalka Itoobiya, ayaa waxaa halkaasi u suurta gashay inay isaga soo baxaan qaar ka mid ah arday Soomaali ah oo Ja amacad ka dhiganayay maga alada Maqalle ee xarunta gobolka Tigreeda.

    Ardayda ay u suurtagash ay in ay ka soo baxsadaan colaadda halk aasi ka jir ta waxaa ka mid ah Saciid Macalin Bashiir oo jaa macad ka dhiganayay mag aalada Maqalle.

     Saciid waxaa uu sheegay inay tageen degaanka Amxaarada kadib markii la waayay cid bixisa dhaqa alaha ku baxaya waxbarashadooda markii Hay’adihii isaga baxsadeen

    Sidoo kale waxaa uu ugu baaqa Ardayda kale ee ku sugan Magaalada Maqalle in aysan naftooda hal igiin, isla markaana ay isku dayaan badnaaeinta naf tooda iyo helids waxbarasho lamid ah middi au baran jiteen.

DAD DHIGAAYEY DIBADBAX OO DIL IYO DHAAWAC LOO GEYSTAY

    Ururka Bisha Cas ee Falastiin waxay sheegeen inay Askarta Israel toogasho ku dileen Wiil dhallin yaro Reer Falastiin oo qeyb ka ahaa Dibadbaxyo Dorraad ka dhacay Daanta Galbeed ee dhulalka lahy sto ee Reer Falastiin.

   Wakaalladda Wararka Falastiin ee WAFA waxay magaca  Wiilka la dilay ku sheegtay Maxamed Ta miimi oo 17jir ah, kaasi oo ay Ciiddanka Israel ku dileen Tuulladda Nebi Saalax.

    Dadka Tuulladda deggan waxay dhigeen Dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan Ballaarinta Deegaan u dhow oo la soo dejiyey dad Yuhuud ah.

    Dhinaca kale, In ka badan 140 Falastiiniyiin ah ayaa iyagana lagu dhaawacay Tuulada Beyta ee ku taalla Dhulalka Lahaysto ee Daanta Galbeed ee Fal stiin. Iska horimaad dadka Tuulladda iyo Askarta Isr ael dhex maray ayaa lagu dhaawacay in ka badan 140 Falastiini iyo 2 Askari oo Israa’iili ah.

    Dibadbaxyada looga soo horjeedo dadka Yuhuudda ee la dejinayo dhulalka Lahaysto ee Falastiin ayaa waxay socdeen atn iyo markii ay Israel qabsatay dhulalka Lahaysto ee Falastiin sanadkii 1967dii.

     Kudhwaad 475,000 oo Ladejiyayaal Yuhuud ah ay aa waxay haatan ku nool yihiin dhulalka Lahaysto ee Daanta Galbeed ee Falastiin.

     Dad Laga DaadGureeyey Fatahaad Webi Iyo DhulGariir Ka Dhacay Filibiin

   Maamulayaasha dalkaasi waxay sheegeen in ka badan 130,00 oo qof laga daadgureeyey Jiinka We biga Marikina oo u dhow Caasimadda dalkaasi ee Maniila.

  Golaha Qaran ee Yareynta Khat araha Masiibooyinka iyo Maareyntooda ee dalkaasi wa xay Shalay u sheegeen Suxufi yinta inuu sare u kacay Heer ka Biyaha Webigaasi oo gaaray 16 mitir, taas ina ay keentay in Shalay mar kale lagu dhawaaqo Digniintii Labaad ee Khatartaasi.

   Dalka Filibiin oo ka kooban in ka badan7,600 oo Jesiirdood ayaa waxa saamayn ku yeeshay Daada dka Roobabka ka da’ayo qeybo ka mid ah dalalka ku yaalla Qaaradda Asia.

     Dhinaca kale, Dhulgariir cabirkiisu dhama 6.7 Re ktar Iskeel aya waxa uu ka dhacay Jesiiradda Luzon, lamina soo werinin dad ay dhibaato soo gaartay.

    Sanadkii 1976kii, dhulgariir iyo Sunaami ku dhuftay Gacanka Jesiiradda Mooro ee dalkaasi waxaa ku dhintay dad tiradoodu u dhexeyso 5,000 ilaa 8,000 oo qof

ASKAR LAGU HELAY FALAL ARGAGIXISO OO XUKUNO LAGU RIDAY

     Maxkamadda ku taalla caasimadda dalka Azerbaan ee Baku waxay Dorraad xukun ku riday 13 Askar u dhalatay Armenia, kuwaasi oo lagu helay inay si sharcidaro ku soo galeen Xuduudka iyo Falal Argagixiso.

    13 Eedeysane waxaa midkiiba lagu xukumay Xabsi 6 sano ah iyo in la masaafurin doono marka ay xukunka dhamaystaan.

    Askartaasi waxay qeyb ka ahaayeen in ka badan 60 Askar u dhalatay Armenia oo bishii December ee sa nadkii hore lagu qabtay Xuduud ka ay Labada dal wadaagaan, iya doo qaar ka mid ah Askartaasi horey loo sii daayey.

    Milliteriga labadaasi Waddan waxay sanadkii hore ku dagaalmae en Gobalka lagu murun sanaa ee Na goro Karabaakh, iyadoo 6,000 oo qof lagu dilay dagaalkaasi oo socday muddo 6 Isbuc ah.

MADAXWEYNE JOE BIDEN OO ANSIXIYEY MIISA ANIYADA DIB U DEJINTA QAXOOTI

     Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden ayaa ansixiyey 100 million oo Dollar oo loo adeegsanayo Dibudejinta Shaqaalaha Afganistan ee la shaqayn jirey Ciiddanka Maraykanka ee ku sugnaa dalkaasi tan iyo sanadkii 2001dii.

     Shaqaalahaasi iyo Qoysaskooda ayaa la filayaa in loo soo daadgureeyo dalka Maraykanka, iyadoo 2,500 oo qof dabayaaqada bishan la dejin doono Sal dhiga Milliteriga Maraykanka ee Fort Lee ee Gobalka Virginia.

     Sidoo kale, Madaxweyne Joe Biden waxa uu ansixiyey 100 million oo Dollar oo loo adeegdan doo no Maalgashiga Xukuumadda Maraykanka ee ku Aadan dardargelinta Hawlahaasi.

     Dhinac kale, Aqalka Wakiilada Maraykanka wax ay Dorraad ansixiyey in tirada dadka Reer Afganistan ee la dejinayo Maraykanka la gaarsiiyo 8,000 oo qof kuwaasi oo la siinayo Fiisooyinka Khaaska ee Muha ajiriinta (Special Immigrants Visa (SIV).

    Shaqaalihii Reer Afganistan oo ay ku jiraan ku wa Turjumaanka u ahaa Hawlgalkii Milliteriga Mara ykanka ayaa la sheegay in iyaga iyo Qoysaskooda loo daabuli doono Maraykanka, si ay uga badba adeen cabsigelinta Kooxda Daalibaan.

IN KABADAN 100 RUUX OO KU GEERIYOODAY ROOBAB KA DA’AY DALKA HINDIYA

      Ugu yaraan 110 ruux ayaa ku geeriyooday daad ad ka dhashay roobab xooggan oo ka da’ay gobalka Maharashtra ee dhaca galbeedka wadanka hindiya.

     Daadii ka dhashay Roobabka ayaa waxaa ay ku dhufteen boqolaal tuulo kuwaasoo burburiyay guryo badan oo ku yaalay gobolkaasi, waxaana socda gurmad culus oo lagu samata bixinayo dadka ay mashaqada ku dhacday.

    Malatariga dalka hindiya ayaa si weyn ugu qeyb qa adanaya howlaha lagu badbaadinayo dadka ku wax yelloobay gobolkan sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Milatariga Dowladda Hindiya.

    Muddo tobonaan sanno ah ayaa waxaa wayee llo kala kulmayeen gobaladda ku yaala galbeedka wadanka Hindiya Roobab culus oo inta badan hal kaasi ka da’a bisha july ee sannadka kasta.

    Quburo ku xeel dheer arrimaha deegaanka ayaa she egay in sababaha ugu waa weyn ee keenay Roobab ka halkaasi ka da’a ayay ku micneyeen cimilada dunida ee sii kululaaneysa. Saraakiil ka tirsan hay ’adda gurmadka deg deg ah ayaa xusay in dhibaata da ugu badan ay ka dhalatay waxyeeladii daadadka ee ka soo bilawday labo degmo oo ka tirsan gobal ka.

    Dowladda ayaa sheegtay in dadka nugul laga daadad gureeyay deegaanada ugu daran ee ay dhib aatada ka jirto.

    Ra’iisul wasaaraha wadanka hindiya narendra mo di, ayaa sheegay in uu si weyn ugu xun yahay dad ka ku dhintay Roobabka iyo daadadka, isagoo inta asi ku daray in ay gargaar la gaarsiin doono gobalka.

BOGGA CAYAARAHA

HORYAALKA SOOMAALIYA OO XILLIGII LOOGU TALAGALAY AYSAN KOOXNA KU GUULEYSAN KADIB MAR KII AY ISKU DHIBCO NOQDEEN HORSEED IYO MCC

     Kooxaha kubbada Cagta ee Horseed iyo Mogadishu City Club oo loo soo gaabiyo MCC ayaa ciyaari doono kulan dheeraad ah oo lagu kala reebaayo, kadib markii ay kaalinta koowaad kuwada dhammeysteen horyaalka Soomaaliya oo lagu waday in la soo gabagabeeyo 23kii bishaan oo ku beegneyd Jimcihii aynu soo dhaafnay.

     Labadaan naadi oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee Soomaaliya ayaa waxay hadda ku hoggaaminayaan horyaalka min 38 dhibcood, koox kastana waxay ciyaartay 18 kulan oo horyaalka ka tirsan.

    Ciyaartii ugu dambeysay ee dhex martay naadiyadaan, ayaa 16kii bishaan ka dhacday garo onka weyn ee Muqdisho Stadium oo taageerayaa shu ay aad u buux dhaafiyeen.

    Inkastoo kooxahaan ay wakhtigaas isku dhibco ahaayeen haddana kulankaas wuxuu ahaa mid kala reebto ah oo hoggaanka ay koox kula wareegi kar tay, balse ciyaartaas waxay ku dhammaatay bareejo ama barbar dhac Ebar iyo Ebar ah, taasina waxay ka dhigtay horyaalka mid furan oo labadaan koox u dhaxeeyo.

     Horseed oo ah kooxda Ciidanka Xooga Dalka ay aa kulankeedii ogu dambeeyay waxay la ciyaarta 22kii bishaan kooxda Dekadaha oo Hal gool iyo Ebar ay oga badisay.

    Balse ciyaartii ogu dambeysay horyaalka ayaa 23kii bishaan waxay Isbartiibada Muqdisho ku dhex martay kooxda Mogadishu City Club (MCC) oo ku ciyarto magaca Dowladda Hoose iyo naadiga Gaa diidka. Guushuna waxay 42 ku raacday kooxda MCC oo horyaalkaan kii ka horeeyay ku guul eysatay.

     Dhanka kale, si ka duwan inta badan horyaala da caalamka oo Goolal lagu qaado koobka marka dhammaadkiisa lagaaro iyadoo labo naadi ay hoggaanka wada haayaan, ayaa horyaalka Soomaa liya waxaa ciyaar lagu kala reebaayo loo qabtaa lab ada koox ee isku dhibcaha ku hoggaaminaayo ho ryaalka.

     Burburkii Soomaaliya kadib waa markii ugu hor eysay oo labo naadi loo qabto kulan lagu kala reeba ayo madaama ay isku dhibco horyaalka ku hogga aminayaan.

    Ugu dambeyn tartankaan oo ay ka qeyb galeen 10 kooxood ayaa wuxuu dhammaanayaa iyadoo taariikhda markii ugu horaysay, ay Kooxda Elman oo horay koobab badan ugu guuleysatay ay dib ugu dhacday horyaalka heerka 2aad ee Serie Bda Soomaaliya.


 UNOPS JOPS

Operations–Senior Associate

Job categoriesProject Management, Programme Management
Vacancy code VA/2021/B5001/22242
Department/office NYSC, Peace and Security Cluster
Duty station Mogadishu, Somalia
Contract type Local ICA Support
Contract leve lLICA7
Duration ongoing contract (Openended, subject to organizational requirements,
availability of funds and satisfactory performance)
Application period 21Jul2021 to 04Aug2021
Applications to vacancies must be received before midnight Copenhagen time (CET) on the closing date of the announcement.
Background Information PSC
Peace and Security Cluster
The UNOPS Peace and Security Cluster (PSC) is a principal service provider in the field of mine action with the United Nations Mine Action Service (UNMAS), UNDP, UNICEF, Governments of mineaffected countries and other mine action partners. It is led by the Director, who has overall authority and accountability for the performance PSC on behalf of its clients. TheDirector is responsible for administering and providing oversight of the daytoday management of the Project Field offices, both according to the client requirements and in line with UNOPS rules and regulations.
UNMAS
United Nations Mine Action Service (UNMAS) is a division of the Office of Rule of Law and Security Institutions (OROLSI) in the Department of Peacekeeping Operations (DPKO). UNMAS is mandated by the United Nations General Assembly (RES/68/72) to ensure an effective, proactive and coordinated response to the problem posed by a wide range of explosive hazards. Legislative mandates also recognize UNMAS technical expertise in responding to threats posed by unsecured and unsafe conventional weapons and ammunition stockpiles. As an office within DPKO, UNMAS supports peacekeeping and special political missions in accordance with Security Council mandates.
UNMAS as a component of the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) provides explosive hazard management capacities, including mitigation, to AMISOM as part of a logistical support package. Nonlethal tactical advice and analysis are delivered by UNMAS technical advisors located in each AMISOM Sector Headquarters and at AMISOM Force Headquarters, who support AMISOM planning and operations. UNMAS support includes both enabling ("operate in spite of IEDs”) and response ("defeat the device”).As a component of the UN Mission in Somalia (UNSOM) UNMAS also supports the Federal Government of Somalia, including the Somali Police Force, Somali Explosive Managemen



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip