Horyaalka Soomaaliya oo xilligii loogu tala-galay aysan kooxna ku guuleysan kadib markii ay isku dhibco noqdeen Horseed iyo MCC

1
Saturday July 24, 2021 - 20:58:42 in Wararka by
  • Visits: 1093
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horyaalka Soomaaliya oo xilligii loogu tala-galay aysan kooxna ku guuleysan kadib markii ay isku dhibco noqdeen Horseed iyo MCC

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
 Kooxaha kubbada Cagta ee Horseed iyo Mogadishu City Club oo loo soo gaabiyo MCC ayaa ciyaari doono kulan dheeraad ah oo lagu kala reebaayo, kadib markii ay kaalinta koowaad kuwada dhammeysteen horyaalka Soomaaliya oo lagu waday in la soo gaba-gabeeyo 23-kii bishaan oo ku beegneyd Jimcihii aynu soo dhaafnay. Labadaan naadi oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee Soomaaliya ayaa waxay hadda ku hoggaaminayaan horyaalka min 38 dhibcood, koox kastana waxay ciyaartay 18 kulan oo horyaalka ka tirsan.


Ciyaartii ugu dambeysay ee dhex martay naadiyadaan, ayaa 16-kii bishaan ka dhacday garoonka weyn ee Muqdisho Stadium oo taageerayaashu ay aad u buux dhaafiyeen.

Inkastoo kooxahaan ay wakhtigaas isku dhibco ahaayeen haddana kulankaas wuxuu ahaa mid kala reebto ah oo hoggaanka ay koox kula wareegi kartay, balse ciyaartaas waxay ku dhammaatay bareejo ama bar-bar dhac Ebar iyo Ebar ah, taasina waxay ka dhigtay horyaalka mid furan oo labadaan koox u dhaxeeyo.

Horseed oo ah kooxda Ciidanka Xooga Dalka ayaa kulankeedii ogu dambeeyay waxay la ciyaarta 22-kii bishaan kooxda Dekadaha oo Hal gool iyo Ebar ay oga badisay.

Balse ciyaartii ogu dambeysay horyaalka ayaa 23-kii bishaan waxay Isbartiibada Muqdisho ku dhex martay kooxda Mogadishu City Club (MCC) oo ku ciyaarto magaca Dowladda Hoose iyo naadiga Gaadiidka. Guushuna waxay 4-2 ku raacday kooxda MCC oo horyaalkaan kii ka horeeyay ku guuleysatay.

Dhanka kale, si ka duwan inta badan horyaalada caalamka oo Goolal lagu qaado koobka marka dhammaadkiisa lagaaro iyadoo labo naadi ay hoggaanka wada haayaan, ayaa horyaalka Soomaaliya waxaa ciyaar lagu kala reebaayo loo qabtaa labada koox ee isku dhibcaha ku hoggaaminaayo horyaalka.

Burburkii Soomaaliya kadib waa markii ugu horeysay oo labo naadi loo qabto kulan lagu kala reebaayo madaama ay isku dhibco horyaalka ku hoggaaminayaan.

Ugu dambeyn tartankaan oo ay ka qeyb galeen 10 kooxood ayaa wuxuu dhammaanayaa iyadoo taariikhda markii ugu horaysay, ay Kooxda Elman oo horay koobab badan ugu guuleysatay ay dib ugu dhacday horyaalka heerka 2-aad ee Serie B-da Soomaaliya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip