HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 24-JULY 2021

0
Saturday July 24, 2021 - 08:21:31 in Wararka by
  • Visits: 495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 24-JULY 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Farmaajo oo guddi u saaray khilaafka Gobalka Banaadir

     Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caas imada Online u sheegay in Madaxweynaha So omaaliya uu guddi u saaray khilaaf culus oo u dhaxeeya G/Maamulka G/Banaadir iyo ku-xige enkiisa dhinaca maaliyadda, khilaafkaas oo cur yaamiyay dhammaan shaqooyinka G/Banaadir.

Xog aan helnay ayaa tilmaameysa in guddi ka kooban wasiiro, la-taliyeyaal Madaxweyne iyo Hanti-dhowraha Qaranka loo saaray inay dhax-dhaxaadiyaan 2daan ma’suul si loo sii socodsi iyo shaqada D/Hoose oo wajaheysa culeysyo badan.

      Wararka aan helnay ayaa sheegaya in bilo oyinkii la soo dhaafay aan wax lacag ah laga soo bixin akoonada gobalka, waxaana diiday in uu saxiixo guddoomiyaha Maaliyadda, arrintaas oo sababtay in shaqaalaha qaar aysan musha ar qaadan muddo bilooyin ah iyo inay istaagto shaqadii gobalka Banaadir.

Guddiga uu magacaabay Madax weyne Farmaajo ayaa la filayaa in ay sameeyaan qodobo lagu maa mulo maaliyadda gobolka iyo jawi wadashaq eyn dhaxmarta G/G/Ba naadir Cumar Filish iyo ku-xigeen ka dhinaca maaliyadda Caana-boore.

     D/Hoose ee Xamar ayaa wajaheysa mid ka mid ah marxaladihii ugu darnaa sanado kadib, waxaana la sheegay in ay ugu wacantahay ma amul xumo iyo khilaaf ku dhax-raagay maamul iyiinta gobalka Banaadir.

Rooble oo isku keenay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed iyo amar uu dul-dhigay

    R/Wasaaraha XFS xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay xafiiskiisa kulan kula yeeshay G/Yaha Aqalka Sare iyo R/Was aare ku-xigeenka dalka. Kulanka uu R/wasaar aha la qaatay Cabdi Xaa shi iyo Mahdi Guuleed ay aa ku qabsoomay jawi wa naagsan, ayada oo looga hadlay arrimaha doorash ooyinka iyo khilaafka kuraasta gobollada Waqo oyi, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha.

   Inta uu socday kulanka Rooble ayaa faray Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed inay muddo kooban xal uga soo gaaran khilaafka ka dhex al oosan ee sababay in guddiga doorashooyinka Somaliland u kala jabo labo garab.

     Rooble ayaa ugu dambeyntiina 2da mas’ uul ku booriyey muhiimada ay leedahay in la xaliyo kala aragti duwanaanshahooda arrima ha doorashooyinka, si ay u qabsoonto doorash ada xubnaha 2Da Aqal ee Gobollada Waqooyi.

   Si kastaba, Kulanka Shalay ayaa imanaya xi lli uu Ra’iisal wasaaraha Dorraad sheegay inuu wado wada-tashiyo ku aadan arrinta Somalila nd,isla markaana meel fiican ay marayaan wa da-hadalladu, si meesha looga saaro khilaafka ka taagan doorashadooda.

Mareykanka oo Farmaajo uga digay halis ku gadaaman doorashada xildhibaannada

     Ilo-wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Soo maaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in kulan qarsoodi ah ay yeesheen saraakiil ka tir san taliska ciidamada Mareykanka ee Africom iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/i Farmaajo. Saraakiisha la kulmay Madaxweyne Farma ajo ayaa ku wareejiyay warqad ay ku cadeed in Al-Shabaab ay Muqdisho ka wadaan dhaqdha qaaqyadii ugu xooganaa ee door ashada Soo maaliya islamarkaana ay u yeer een dhaqanka, ganacsatada, Barayaasha iyo qof kasta oo ay u arkaan in ay soo geli karaan ergadad doorashada.

   Madaxweyne Farmaajo ayaa sida aan xogta ku helnay loo sheegay in haddii Al-Shabaab ay soo galaan siy aasadda Soomaaliya ama xildhiba ano helaan ay noqon doonto halis amni oo aad u weyn, taa si oo mas’uuliyaddeda ay qaadi doonaan mad axda hadda joogta.

     Sidoo kale saraakiishaan ka socotay Afric om ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay in mudadii uu xafiiska joogay uu ku fashilmay dag aalka Al-Shabaab, islamarkaana ay xoogeyste en afartii sano ee la soo dhaafay awood ahaan iyo dhaqaalo ahaanba.  Xogta aan helnay ayaa tilmaamaysa in Madaxweyne Farmaajo loogu baaqay in dowladdiisa ay qaado talaabooyin cad cad oo arrintaan wax looga qabanayo. Wax yaabaha dowladiisa lagu dhaliilay ee dhinaca ammaanka waxaa kamid ah in aysan waxba ka qaban dadka ay Al-Shabaab u wacayaan iyo goobaha dadka loogu yeero.

    Waxaa aad usoo kordhaya walaaca laga qa bo in Al-Shabaab ay soo galaan baarlamaanka Soomaaliya, taasoo haddii ay dhacdo keeni kar to in qeyb ka noqdaan madaxda dalka ugu sar reysa, islamarkaana wax ka gaara go’aanada masiiriga ah.

Gudoomiyaha hore ee G/Gedo oo loo diiday in uu Muqdisho ka dhoofo iyo amarkii Rooble oo jabay

      Gudoomiyihii hore ee G/Gedo Cismaan Nu ur Haaji Macaliow ayaa Shalay mar kale loo di iday in uu ka dhoofo garoonka diyaaraddaha ee M/Muqdisho xilli uu kusii jeeday degmada Gar bahaarey ee gobolka Gedo.

    Waxaa uu sheegay in ay tahay markii 4aad ee loo diido garoonka, isla markaana falkaasi ay ka dambeeyaan Farmaajo iyo taliye ku xige enka hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka Qar anka Cabdullaahi Kulane.

     "Shalay waxaan aaday garoonka diyaa radaha anigoo u socda Garbahaarey, anoo dar eemaya in la isoo celin doono, laa kiin amarkii R/Wasaaraha markuu baxay waxaa go’aan qaatay in aan qof la soo celin doonin, nasiib darro aniga iyo inta ila socotay waxaa nala yiri diyaarada ma raaci kartaan qolada diyaaradda ayaa lala soo hadlay, ninka amarkaas soo bixiy ay waa C/llaahi Kulane, waxaan ku qanci kar naa R/Wasaaraha inuu Kulane Jiis awoodda uu ku faanayo inuu ka qaado”ayuu yiri Macalimow.

     R/wasaaraha Soomaaliya Md.Rooble ayaa Dorraad xafiiskiisa ku qaabilay guddiga dib u he shiisiinta G/Gedo ee ka socday maamul gobole edyada dalka, wuxuuna ka dhagaystay warbix in ku saabsan wixii usoo qabsoomay muddadii ay joogeen M/Garbahaarey ee G/Gedo.

    R/w/re Rooble oo kulanka ka hadlay ayaa u mahad celiyay Guddiga oo uu amaanay wixii u soo qabsoomay, isaga oo sheegay in soo jeed inta ay usoo gudbiyeen uu la wadaagi doona madaxweynaha maamulka Jubbaland.

     Rooble ayaa ka hadlay warar soo baxayay oo sheegayay inay jiraan siyaasiyiin iyo shakhs iy aad loo diiday inay u dhoofaan G/Gedo, isa ga oo ku amray hay’adda Nabad-sugidda ee NI SA iyo ciidamada boolisku in aysan qofna ka celin karin halka ay u dhoofayaan.

Rooble oo xilka ka qaaday taliye ku xigeen ka NISA iyo Saraakiil kale

    R/wasaaraha XFS oo ka jawaabaya tallaab adii muwaadiniin Soomaaliyeed looga horjoogs aday inay ka dhoofaan garoonka Aadan Cad de,ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaala ha hay’adda NISA Cabdullaahi Kullane & taliyi hii Nabad Sugidda ee groonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sh Cali.

R/wasaare Rooble ayaa sidoo kale ammar ku bixiyay in dhammaan muwaadiniinta aan laga horjoogs an karin Garoonka Aadan Cadde iyo guud ahaan Soomaaliya.

      Gudoomiyihii hore ee G/Gedo Cismaan Nu ur Haaji Macaliow ayaa Shalay mar kale loo diid ay inuu ka dhoofo garoonka diyaaraddaha ee M/Muqdisho xilli uu kusii jeeday D/Garbahaarey ee gobolka Gedo.

      Waxaa uu sheegay inay tahay markii 4ad ee loo diido garoonka, islamarkaana falkaasi ay ka dambeeyaan Farmaajo iyo taliye ku xigeen ka hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka Qaran ka Cabdullaahi Kulane.

     Kulane iyo Saraakiisha kale ayaa jabiyay amarkii R/w/raha SoomaaliyaMd.Rooble ka dib markii Shalay muwaadiniin ay ka garoonka hor istaageen.

Duqa mudisho oo ka hadlay Wadooyinka Biyaha xireen Amarna soo saaray

     Guddoomiyaha G/Banaadir Ahna Duqa M/ Muqdisho Md.Cumar Maxamuud Maxamed (Cu mar Filish) ayaa  kormeer ku tagay qaar ka mid ah xaafadaha Degmooy inka Gobolka  Banaa dir iyo Wadooyinka waa weyn ee dhex mara Caasimadda xilli lagu guda jiro Maalintii 3aad ee Ciidul Adxa isla markaana Magaalada ay ka da’ayaan roobab xagaa ah.

     Duqa Muqdisho ayaa u kuur galay goobaha Roobabka xagaaga uu biyo dhigay iyo bulaac adaha qaada biyaha, waxaa uuna faray Agaas inka Bulaacadaha & Agaasinka guud ee Bilicda iyo Nadaafada in la dar-dar geliyo howlaha biyo qaadista & Nadaafada Caasimadda Muqdi sho.

     Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa M/Muq disho ka da’ayay roobab xagaa ah iyadoona Waaxyaha kala gedisan ee Maamulka G/ Ban aadir ku Mashquulsan yihiin sidii Bilicda iyo Biy aha Roobka uu dhigay Magaalada wax looga qaban lahaa.

    Dhinaca kale waxaa jira cabasho ay muujin ayaan Gaadiidleyda M/Muqdisho, sida kuwa da dweynaha iyo Bajaajleyda, kuwaas oo sheegay in wadooyinkii ay mari lahaayeen ay Biyo buux dhaafiyeen


Mahad Salad oo sheegay hal arrin oo ay ka dhigan tahay tallaabada uu qaaday Rooble

   Ka dib markii uu Shalayta R/Wasaare Roo ble xilalkii ka qaaday Agaasimihii Shaqaala ha ee hey’adda NISA Cabdullaahi Kullane iyo Taliyihii Nabad-sugidda ee garoonka Aadan Cadde Ca bdiwaab Sheekh Cali, ayaa waxaa tallaabada as qoraal ka soo saaray Xildhibaan Mahad Sal aad oo ka mid ah siyaasiyiinta mu caaradka ah.

    Xildhibaanka oo tallaabadaas ku taageeray R/w/re Rooble ayaa sheegay in taasi ay digniin kama dambeys ah u tahay Agaasimaha Guud ee NISA Fahad Yaasiin, sida uu hadalka u dhigay. "Waxaan ugu hambal yeynayaa R/Wa saare Rooble xilka qaadista uu ku sameeyay Madaxa Shaqaalaha Nabad Sugi dda Kulane Jiis iyo Taliyaha Nabad Sugidda Garoonka Diy aaradaha Aadan Cadde Cabdi Wahaab Sh. Cali. Tani waxay bilow u tahay tila abooyin kale oo lagu taabogelinayo dowldni mada iyo in sha rcigu taliyo.

     Waxaanan rajaynayaa digniinta kama dam beysta ah ee RW/ Rooble Shalayta siiyay Fahad Yaasiin in ay tusaale fiican u noqon doonto in shaa’allah,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

      Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta, Ma xamed Ibraahim Macalimu oo Shalayta warbaah inta u akhriyey wareegtada xilka looga qaaday saraakiishaas ayaa sheegay in sababta xilalkii looga qaaday Kullane iyo Cabdiwahaab ay ta hay ka hor-imaasho ay ku sameeyeen amm arkii R/wasaaraha ee ahaa in qof muwaadin ah aan lagu celin karin garoomada dalka oo aan la ga hor istaagi karin safaradiisa.

     Xil ka qaadista Shalayta uu sameeyay R/w. R ooble ayaa daba socota tallaabo Shalay diyaar ad u socotay Gedo looga reebay guddoomiyihii hore ee G/Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macali muu).

    "R/wasaare Rooble asaga oo ka jawaabaya muwaadiniin Soomaaliyeed oo si sharci darro-da ah Shalay looga hor istaagay inay ka dhoof an garoonka Aadan Cadde, waxa uu xilka ka qaaday Cabdullaahi Kullane, Agaasimihii Shaq aalaha hay’adda NISA iyo Cabdiwahaab Sh. Cali, Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde,” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda oo wareegtada akhriyey.

    Cismaan Macalimuu oo Shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay tahay markii 4aad ee laga celiyey garoonka Aadan Cadde, isla markaana laga hor is-hortaago in uu u safro Garbahaarey, taasi oo uu sheegay inay ka dambeeyan Farmaajo iyo Cabdullaahi Kullane, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Xasan: Dalka oo dhan waa wada tabasho, waana in la is weydiiyaa

     Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud oo ku sugan D/Cadale ee G/Sh/ Dhexe ayaa soo jeediyay in xal loo helo tabash ada guud & tan gaarka ah ee Dalka ka jirto.

Xasan Sheekh  Mad axweynihii 8-aad ee Somaliya waxa uu co dsaday in laga wada hadlo wax waliba oo sababay tabashada guud iyo tan gaarka ah si looga gudbo loona helo xalka lagu soo afjari ka ro. "Arrimaha qaar waxa ay u baahan yihiin in la iska warsado waana la is warsanayaa, wixii Shalay la xallin karo waala xallin karaa, wixii kale Berri ayaan u dhiganeynaa, Dadkaan dhe xdiisa waxa nooga maqan yihiin oo wax duur jira ma aha” ayuu yiri Xasan Sheekh.

     Md.Xasan Sh.

      Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha D/G/Hir-Sha beelle iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa tagay D/Cadale ee G/Sh/ Dhexe. Mas’uuliyiintaan ay aa Cadale ka sameeyay Kulamo guud iyo kuwo gaar gaar ah oo ay la qaateen maamulka Deg mada, Odoyaasha dhaqanka & qaybaha kala duwan ee Bulshada si xal loogu helo tabasha da ay qabaan.

      4 qodob ee sababay in Madaxweyne Sh. Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh safar deg deg ah ku tagaan Cadale ayaa kala ah.

1- Doodda beelaha Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone

     Maalmihii ugu dambeeyay waxaa xoogeest ay dood ay qabaan beelaha Cabdalla Caroone & Nugaale Caroone oo ay kuraas kala dhaxey so beesha Maxamed Caroone oo 2 Jufo oo ka tirsan oo kala ah Agoonyar-Gaabane &Obakar-Gaabane ay haystaan 2 kursi oo oo xildhibaan, waxayna doodda ku saabsaneed xuquuq ay sheegeen in laga duudsiiyay intii ay xilka haay een Madaxweynayaasha Shalay booqday ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

      2daan beel ee Cabdalla iyo Nugaale ayaa wax ku leh kuraasta ay ku fadhiyaan Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Xildhibaan Ma xamed Abuukar Islow Ducaale, waxayna Jowh ar iyo Muqdisho ka billaabeen qeyla dhaan iyo eedeyn loo jeedinayo Sh.Shariif iyo Xasan Sh, waana sababta keentay in safarkaas ay galaan labadaan mas’uul.

     Waxaa la filayaa inay xal u raadiyaan tab ashooyinka beelahaan inta ay joogaan Cadale,  inkastoo ay ku geedaaman yihiin culeysyo bad an.Cabdalla Caroone iyo Nugaale Caroone waa 2 Jufo oo aan wax dooran lana dooran wi xii ka dambeeyay doorashadii Soomaaliya ee 2009-kii, waxaana kuraastooda la siiyay beelo kale oo ka tirsan beel-weynta Mudullood, sida ay ku doodeen.

      Joojinta abaabul dagaal oo ka socda Jo whar M/Jowhar ee xarunta G/Sh/Dhexe waxaa la geeyay maleeshiyaad badan oo ka tirsan be elaha aan kor ku soo xusnay ee Cabdalla iyo Nugaale, kuwaas oo u diyaar garoobaya in ay san Jowhar ka dhicin doorasho haddii aan la xa llin tabashadooda, waxaana laga cabsi qabaa inuu halkaas dagaal ka qarxo haddii aan la xal lin xiisada taagan.

    Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaa we ayaa la sheegay in Sh.Shariif iyo Xasan Sh uu ku war geliyay in 2daan beelood ay abaabul ka wadaan Jowhar, isla markaana ay qasab tah ay inay ka qeyb-qaataan maadaama ay yihiin odayaasha Abgaal iyo Murashaxiin ka soo jee da Beesha Abgaal, waana sababta 2-aad ee sa farka loogu aaday Cadale oo ka tirsan Sh/ Dh..     Abaabulka Kacdoon ka dhan ah Al-Shaba ab. Xasan Sh.iyo Sh.Shariif Sh.Axmed waxaa la filayaa inay G/Sh/Dhexe &guud ahaan dhul ka ay dagaan beel-weynta Abgaal ay ka bila abaan kacdoon ka dhan ah Al-shabaab si de gaanka loogu sameeyo hormarin iyo fursado shaqo abuur ah.

     Dhowr jeer ayaa shirar ka dhacay Muqdisho & meelo kale laga sheegay in Mudullood dhul kooda ay dhibaatooyin badan ku haayaan Al-Shabaab, taasina ay ceeb ku tahay beeshaan oo lagu tiriyo beelaha ugu awoodda, dhaqaala ha iyo dadka badan shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynihii hore ee HirShabeelle ayaa bilo ka hor shir ay Mudullood Muqdisho ku lahaay en ka sheegay in dhulka ay ka soo jeedaan uu la daalo dhacayo amni xumo iyo horumar la’ aan waxaana la filayaa in uu dhowaan kacdoon ka bilaawdo gobalka.

      Saameenta Beesha Abgaal iyo Murashaxni mada Xasan iyo Shariif Sh.Shariif Sh.Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo 2dooduba ah Murashaxiinta ugu cad cad doorashada Madax weynaha Soomaaliya ee dhacayso sanadkaan waxay dadaal badan ugu jiraan inay isku xirn aan iyo kalsooni ka dhax-abuuraan beelaha Ha wiye, si gaar ah kuwa ay ka soo jeedaan ee Mu dullood, taasoo la aaminsan yahay in caqabad ku noqon karto hadii aysan xalin tabashooyinka dhaxdooda doorashada Soomaaliya.

     Sidoo kale waxaa la filayaa in Murashaxiinta kale ee Hawiye ay dhankooda billaabaan isu ke enida beelahooda maadaama uu jiro qorshaya al ay Villa Somalia la damacsantahay Murasha xiinta Hawiye, iyadoo ay xusid mudantahay in beelaha yaryar ee Hawiyaha ay sanadkan kicin ku waddo Villa Somalia.

     Lama oga waxa uu ku soo dhamaan doono safarka madaxdaan hase yeeshee waa mid ka mid ah safaradii ugu muhiimsanaa oo ay gala an Shariif &Xasan Sh. tan & wixii ka dambeey ay markii ay xilka ka dagaan sanadihii 2012-kii iyo 2017-kii.

R/W. Rooble oo la kulmay Wasiirka Arrima ha Dibedda ahna Wasiirka Difaaca Ireland

R/WXukuumadda FS.Md.M.X.Rooble ayaa Xafi iskiisa ku qaabilay W/Arrimaha Dibedda ahna W/Difaaca dalka Ireland Simon Coveney oo Shalay booqasho ku yimid Muqdisho.

     Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xariirka 2da dowlad ood &joogteynta taageerada M/Yurub ee Ireland xubinta ka tahay, arrimaha doorash oo yinka, taageerada amni ga iyo Tageerada arragtida Soomaaliya ee ku aaddan dib u eegista Ciidanka AMISOM, Dib u eegista Xayiraadda Hubka ee muddada dheer saaran Soomaaliya, maadaama ay xubin ka yih iin G/amniga ee Q/Midoobay.           Md. Rooble oo dowladda Ireland uga mahad celiyay taageeree da joogtada ah ee dib-u-dhiska iyo kobcinta do wladnimada Soomaaliya, ayaa sheegay in So omaaliya ay ka go’antay xoojinta xiriirka ku qotoma iskaashi.

    Mr.Simon Coveney oo ka mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran ayaa bogaadiyay horumar ka ay dowladdu ka gaartay arrimaha doorasho oyinka, amniga iyo hanna anka dowlad dhisidd a Soomaaliya.            ---DHAMMAAD----


Duqeyn loo geystey deegaan ka tirsan gobolka Mudug

   Wararka ka imanaya G/Mudug ayaa sheegaya in gantaalo lagu duqeeyay degaan u dhexeeya Qaycad iyo Hareeri Dheere oo ka tirsan gobolka Mudug.

   "Laba gantaal oo kuwa diy aaradaha laga soo rido ah ay aa lagu duqeeyey saldhig ka le oo kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen Qaycad iyo Har eeri dheere dhexdooda, waxa ana hadda horey u galay ciidamada qaranka iyo ku wa Galmudug” ayaa lagu yiri war kasoo baxay  Wa saaradda Amniga.

     Duqeynta ka dib ayaa la sheegay in ay weerar ay ku qaadeen deegaanka Hareeri Dheere ciidamada dowlada federalka iyo kuwa Maamulka Galmudug.

7baadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa howlgalo ka waday deegaano ka tirsan gobolka Mudug ciidamo is garabsanaya iyadoo Dorraad uu gaaray deegaana daas Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaar iye Qoorqoor iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

DFS oo Shaacisay Natiijada Imtixaan Ka Shaha Adiga ah Iyo Ardayda Muqdisho oo Ku Hoobtay + Kaalimaha

    Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tac liinta Sare ayaa Shalay si rasmi ah u shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga fasalka 12-aad ee sanad-dugsiyeedka 2020-2021-ka & ardeyda ka galay kaalmaha hore.

     War-saxaafadeed kasoo  baxay Wasaaradda ay aa lagu sheegay in tirada ardayda imtixaanka san nadkan u fariisatay ay tahay 34,908 arday oo ku ga lay 122 xarumood oo ku kala yaalla gobolka Bana adir iyo dowlad goboleedyada.

      Natiijada lasoo bandhigay ayaa waxaa gudbay 30,262 arday oo ka tirada boqoleyda ka noqoneysa 87%, halka ay ku dhaceen imtixaanka 4,646 oo tir ada guud ee boqoleyda ka noqoneysa 13%.

      Sida ku xusan War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda 4,646 arday ee Haray waxay 1,881 yihi in gabdho, halka 2,765 ay yihiin Wiilal, waxayna badankooda ka dhaceen gobolka Banaadir.

      Shaxda Natiijada imtixaanka ayaa muujinaysa in tirada ugu badan ee gudubtay iyo kuwa dhacay ay yihiin gobolka Banaadir oo asagu hogaanka u haya tirada ardeyda gashay imtixaanka shahaadiga.

      Gobolka Banaadir, oo sidoo kale sanadkii hore ay arday badan kaga hareen imitixaanka, ayaa sidoo kale waxaa sanadkan ku dhacay 4,382 oo ka mid ah 26,031 arday oo imtixaanka gashay, ama 16.8%.

     Dhammaan maamul goboleedyada kale ayaa wa xaa kasoo baxay natiijooyin aad u wanaagsan, wax aana gudbay inta badan ardaydii gashay imtixaanka.

    Maamulka Galmudug ayaa ahaa kii ugu wanaags anaa, ayada oo ay ka hareen kaliya 2 arday oo ka mid ah 2,302 oo gashay. Jubaland waxaa gu dbay 1,155 oo ka mid ah 1,158, waxaa haray kaliya sad ex. HirShabelle, waxaa ka haray 8, waxaana gud bay 1,619, halka Koonfur Galbeed ay gudbeen 3,539 ka mid ah 3,790.

    "Wasaaraddu waxay hambalyo iyo bogaadin u dir aysaa ardayda gashay 10-ka Kaalin ee hore, islamar kaana waxay si rasmi ah ugu ballan-qaadaysa deeq waxbarasho heer jaamacadeed ah. Sidaas oo kale ayey hambalyo iyo bogaadin u diraysaa 30-ka dugsi ee ugu heerka sarreeya,” ayaa lagu yiri war-saxaaf adeedka Wasaaradda.Ugu dambeynti ina Wa saar adda ayaa shaacisay 16-ka arday ee ayagu galay 10-ka kaalmood ee u horeeyay dalka oo dhan, kuwa asi oo magacdooda aad hoos ka arki doonto.

XIGASHO:CAASIMADDA.NET

Xog: Isbaheysiga mucaaradka SOMALIL AND oo wajahaya culeys hor leh + Sababta

    Isbaheysiga Xisbiyada mucaaridka Somaliland ee horaanta bishii hore lagu dhawaaqay ayaa xiligan wajahaya culeys hor leh, oo fashilin kara qorshihii uu mucaaridka ka lahaa isbahey sigaaSida ay ogaatay Caasim ada Online.

    Xubno sare oo ka tirsan xis biyada Waddani iyo Ucid oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in Isbah eysiga mucaaridka uu wajahayo culeys hor leh, mida asi oo uu ka dambeeyo madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi.

     "Isbaheysigii mucaaridka wejigiisi koowaad ee hoggaanka golaha deegaanka waa hirgelay, laakiin wajigii labaad ee guddoonka Wakiiladda ayaa fashil ku dhow, waxa soo fara-geliyay madaxweynaha oo isagu dabada ku wata wasiirkiisi hore, wuxuuna ku fan-gareynayaa lacagtii dowladda,” ayuu yiri mid ka mid xubnaha mucaaridka ah ee la hadlay Caas imada Online.

     Sidoo kale waxay sheegen in madaxweynaha uu lacag badan ku kala fur-furay xildhibaanadii labada xisbi ee ayagu qeybta ka ahaa isbaheysigii muc aari dka, taasi oo meesha ka saareysa in xisbiyada Wad dani iyo Ucid ay ka aqlabiyad bataan xisbiga Kulmi ye. Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa uu gud doomiyaha golaha wakiilada oo ah Golaha keliya ee la horgeeyo inta badan heshiisyada xukuumadda la rabaa Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda, Yaasiin Faratoon, oo asagu kal hore iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Muuse Biixi.Xaasiin Faratoon oo saaxiib dhow yihiin Muuse Biixi ayaa xiligan haysta codka inta badan xildhibaanada Golaha, ka gadaal markii ay xukuumadda kharash badan ku kala fur-furtay isbaheysiga mucaaridka, inkasta oo la ogeyn halka ay arrintaan ku biyo shuban doonto.

Madaxweynaha Dalka Madagaskar Oo Ka Badbaaday Isku-Day Dil

        Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in la fashiliyey qorshe lagu khaa rijiyey lahaa Madaxwe ynahaha dalkaasi, Andry Rajoeli na.

     Qoraalka ayaa lagu xusay in la xiray dhowr qof oo isugu jiray Muwaadiniin Deegaanka iyo kuwo Shishe eye ah.

    Ilo Diplomaasi oo la hadlay Wakaalladda Wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegay inay labo Nin oo Faransiis ah ka mid yihiin dadka loo soo xiray Isku-dayga dilka ee la fashiliyey.

      Dhinaca kale, bishii la soo dhaafay ee June 26-dii oo ku beegnayd Maalinta Xorriyada ee Madagaskar waxaa la fashiliyey Isku-day lagu dili lahaa Taliyaha Ciiddanka dalkaasi, Jeneral Rijard Rafalomanane oo isugu ah Gacanta Midig ee Madaxweynaha dalkaasi.

KENYA oo qaaday tallaabo daba socota diyaar adii ku dhacday garoonka Ceelwaaq

      Agaasimaha guud ee hay’adda Duulista Hawada ee Kenya (KCAA) Gilbert Kibe ayaa markii u horey say ka hadlay diyaarad Dorraad Arbacadii ku gashay garoon diyaaradeed ku yaalla degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip