Qiimeynta Ciyaartoyda Ee Kulankii Man City & PSG – Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka Ee Ciyaartii Xalayto Ee Etihad Stadium?

0
Wednesday April 13, 2016 - 10:11:12 in Sports News by
  • Visits: 1070
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimeynta Ciyaartoyda Ee Kulankii Man City & PSG – Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka Ee Ciyaartii Xalayto Ee Etihad Stadium?

    Kooxda Manchester City ayaa abid markii ugu horeysay waxa ay iska xaadirisay wareega afar dhamaadka Champions League ka dib markii ay wadar ahaan labadii lug ee wareega 8da ay 3-2 kaga badiyeen kooxda Paris Saint-Germain.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Manchester City ayaa abid markii ugu horeysay waxa ay iska xaadirisay wareega afar dhamaadka Champions League ka dib markii ay wadar ahaan labadii lug ee wareega 8da ay 3-2 kaga badiyeen kooxda Paris Saint-Germain.

Kevin de Bruyne ayaa dhaliyay goolkii guusha ee ay Man City ku sameysay taariikhda, halka goolhaye Joe Hart uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah oo kooxdiisa u ogolaatay inay ku sii jiraan tartanka. Hadaba waxaan eegi doonaa qiimeynta ciyaartoydii xalayto. 10 dhibcood ayaa ah dhibcaha ugu sareeya ee uu ciyaaryahan heli karo, dabcan waxaa ugu hooseysa 0.

Manchester-City-v-Paris-St-Germain-3

Manchester City

Hart 9 (Xiddiga Garoonka).Waxa uu si caqli ah uga celiyay Ibrahimovic inuu xilli hore shabaqa soo taabto, wuxuuna sameeyay badbaadino cajiib ah oo xiriir ah.

Sagna 7Waxaa lagu soo bilaabay kulan Champions League ah, waadna arki kartaa sababta. Waa xiddig qibrad leh, difaac ahaana xoogan.

Otamendi 6Ciyaartiisa waa ay soo yara hagaageysaa ka dib isbuucyo uu liitay.

Mangala 7Marnaba indhaha kama qaadin ciyaarta, waana qaab ciyaareed fiican uu soo bandhigay daafaca dhexe.

Clichy 6Wuxuu ku qasbanaa inuu booskiisa difaaca joogo, waana ay yareyd inuu helo fursad uu hore ku aado.

Fernando 6Waa uu ka taxadar badnaa sida lugtii hore, dishibiliinkiisana waa uu fiicnaa.

Fernandinho 8Shaqo adag ayuu qabtay, waxa uu ku orday meel walba oo cawska ka muuqday. Saameyn weyn ayuu ku lahaa ciyaarta City.

Navas 6Waxa uu shaxda ka bedelay Toure. Waxa uu ku dhawaaday inuu shabaqa soo taabto.

Silva 6Ma uusan aheyn sidii looga bartay laakiin weli waxa uu soo bandhigayay waqtiyo fiican.

De Bruyne 9Si adag ayuu u shaqeeyay, mar walbana waxa uu kala dhantaalay kooxda ka soo horjeeday, waxaana uu dhaliyay goolka guusha ee Man City u soo saartay semi-finalka markii ugu horeysay abid.

Aguero 7Wuxuu qasaariyay rigoore, habeen jahwareer ayay aheyd laakiin guud ahaan si wanaagsan ayuu u ciyaaray.

Manchester City's Sergio Aguero misses his penalty

Paris Saint Germain

Trapp 6Jaale ayuu qaatay, nasiib ayuuna ku lahaa inaan casaan la siinin markii uu rigoore ku galay Aguero.

Van der Wiel 6Wuxuu ka ciyaaray garab midig, waxaana ninka reer Holland uu soo bandhigay ciyaar adag.

Aurier 5Wuxuu u muuqday mid u nugul qaladaadka, waxaana uu u ogolaaday City dhowr jeer inay halis geliso PSG. Xilli hore ayaa la bixiyay.

Silva 7Wuu yara adkaa, malaha daaficii ugu fiicnaa, wuxuu soo bandhigay ciyaar fiican oo kabtan laga fisho.

Marquinhos 6Wuxuu buuxinayay booskii uu ka ganaaxnaa David Luiz, waxa ka ciyaarayay boos uusan u baran oo ah seddex daafac dhexe oo danbe.

Maxwell 7Shax ciyaareed uusan u baranin ayaa u ogolaatay inuu weerar qaado isagoo ka ciyaarayay garabka bidix.

Motta 6Waxaa soo gaaray dhaawac muruqa ah ka hor waqtigii nasashada, dhabarjab weyn ayay ku aheyd PSG.

Rabiot 7Wuxuu ahaa madaale, wuxuuna mar walba PSG ka caawinayay inay kubada heysato.

Di Maria 6Inta badan wuu aamusnaa, wax saameyn ahna kuma yeelanin ciyaarta.

Cavani 6Orodkiisu wuu badnaa laakiin fursado aad u yar ayuu helay madaama aan kubado badan loo soo dhigin.

Ibrahimovic 7Qaab ciyaareed fiican ayuu soo bandhigay iyo laadad xor ah oo halis ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip