Tokyo 2020: Haweeneyda xijaaban ee taariikhda dhigtay

1
Saturday July 17, 2021 - 22:54:30 in Wararka by
  • Visits: 573
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tokyo 2020: Haweeneyda xijaaban ee taariikhda dhigtay

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Sara Gamal is the first hijab-wearing woman to referee basketball at the Olympics

Sara Gamal waxay haysataa rikoodh ah inay ka miro dhaliso hadafyo waaweyn.

Sara waa injineer dhanka dhismaha oo reer Masar ah sidoo kale waa ciyaaryahan kubbadda koleyga waxayna haatan isku beddashay garsoore. Waxay qarka u saarantahay inay taariikh cusub dhigto.

Waxay noqon doontaa haweeneydii ugu horeysay ee xijaaban oo garsoore ka noqota ciyaaraha Olambikada.

Intaas oo kaliya maahan, laakiin nooca kubbadda koleyga ee ay garsooraha ka tahay ayaa kulankiisii ​​ugu horreeyay ka dhicayo Tokyo bishaan Luulyo. Kubbadda koleyga ee nooceedu yahay 3x3 waxay dadka qaar u haystaan inay tahay nooca ugu caansan adduunka ee loo ciyaaro.

Waxaa lagu qiyaasaa in 182 dal iyo in kabadan 430,000 ciyaartoy aduunka oo dhan ay ciyaaraan kubadda koleyga ee 3x3.

Sara ayaa sidoo kale noqon doonta haweeneydii ugu horeysay oo Carab iyo Afrikaan ah oo garsoore ka noqota 3x3 kubbadda Koleyga.

Sara Gamal on the court


Sara Gamal is the first hijab-wearing woman to referee basketball at the Olympics

Sara Gamal

XIGASHADA SAWIRKA,SARA GAMAL Qoraalka sawirka Sara Gamal

1px transparent line

'Dadaalkii ugu fiicnaa ee aan geliyay'

Sara waxay tiri ka qeyb galkayga Olambikada waa sida "riyada". Fayraska corona ayaa shaki weyn geliyay in ciyaaraha ay dhici doonaan.

"Waxaanu aad uga walwalsanayn inay dhici doonto iyo in kale, laakiin ugu dambeyn waa ay suurogashay." "Qoyskayaga dhammaantood aad ayay ugu faraxsan yihiin guusha ay gabadhooda gaartay," ayay tiri Sara.

"Waa mas'uuliyad weyn markaad metelayso oo keliya naftaada, laakiin sidoo kale waxaa ka sii adag marka aad mataleyso Afrika iyo Carabta labadaba."

"Ma ahan wax fudud, laakiin waxaan doonayaa inaan wakiil fiican u noqdo iyaga, sidaas darteed waxaan u sameynayaa sida ugu fiican".

Sara waxay caan ku tahay hadalkeeda jilicsan iyo dhoola cadeynteeda. Waxay hadshay BBC-da saacado uun ka dib markii ay ku soo laabatay dalkeedii Masar iyada oo garsoore ka ahayd ciyaar kubbadda koleyga ah oo ka dhacday Romania.

"Mar kasta oo aan guul gaaro oo aan u maleeyo inay tahay waxa ugu weyn, Eebbe wuxuu furaa fursad cusub oo xitaa ka sii weyn tii hore," ayay igu tiri.

Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay waxaa la ii magacaabay inaan dhexdhexaadiyo ciyaar nus-dhamaadka ah oo ka socota horyaalka Masar ragga. Taasi waxay ahayd guul kaligeed.

Xilli ciyaareedkii hore Sara waxay sii waday dadaalkeeda oo xitaa markii ay garsooraha ka ahayd finalka Koobka Masar ee ragga ee Kubadda Koleyga Afrika.

Kuwaasi waxay ahaayeen talaabooyin sumcad u ah aniga iyo dhamaan dumarka kale ee garsoorayaasha ah ee Masar jooga, maxaa yeelay waxay ahayd markii ugu horaysay ee haween garsoore ka noqoto finalka ragga ee dalka.

Sara Gamal and other referees pose for a picture

XIGASHADA SAWIRKA,SARA GAMAL Qoraalka sawirka,

Sara Gamal waa haweeneydii ugu horreysay ee iyadoo xijaab xiran ka mid noqotay garsoorayaasha ciyaaraha olimbikada

Waddadii dheerayd ee aan soo maray

Inkasta oo Sara ay guulo dhowaana gaadhay, haddana socdaalkeedii ay ku gaartay Olombikada wuxuu ahaa mid dheer.

Waxay ku billaabatay iyadoo gabadh yar ah, waxay daawan jirtay walaasheed ka weyn oo ciyaareysa kubbadda koleyga isla markaana ku wehelinaysay kulammada tababarka. Iyada oo shan jir ah ayay Sara billowday ciyaarta, markii ay 15 jir ahaydna ciyaar ayay garsoore ka noqotay.

Muddo sideed sano ah Sara waxay lab iyo dhadigba u ahayd garsoore. Waxay tiri go'aanka ah inaan iska daayo ciyaaridda kubadda koleyga oo aan diirada saaro garsooranimada waxay ka ka mid ahayd caqabadihii ugu waaweynaa ee soo food saara.

"Ma ahan wax sahlan marka ugu horeyso arintan - waa inaad geesinimo sameysaa."

"Laakiin markaad wax aaminayso, waa inaad sidoo kale aamintaa haddii aad tillaabo qaaddo, inay shaqeynayso".

Hadda asxaabteeda shaqada ayaa ka mid ah kuwa ku faraxsan iyada.

"Waxay daawadaan ciyaartayda dabcan wayna i taageeri doonaan ciyaaraha Olimbikada."

Sara Gamal on the court

XIGASHADA SAWIRKA,SARA GAMAL Qoraalka sawirka  Sara says going to Tokyo is "a dream"

Eebbe ayaa isahlay

Sara ayaa sheegeysa in dhammaan guulahaasi oo dhan uu Alle u fududeeyay Dhamaan waxaas oo dhan, Sara waxay sheegaysaa in diinteeda ay aasaaska koobad u tahay guusheeda.

"Waxaan rumeysanahay hadii aan sida ugu fiican ku sameeyo wax walba, in wanaagaasi uu dib igu soo laaban doono."

"Waan ducaystay oo waxaan iri," Ilaahow igu caawi tartarnkan inuu ii noqdo mid fudud ".

Sara waa garsoorahii ugu horeeyay ee FIBA ​​ee xijaaban oo heer caalami ah, kadib markii isbadel lagu sameeyay sharciga sanadkii 2017.

"Ciyaartoyda qaar xitaa waxay dhahaan dharkeygu waa uu fiican yahay," ayay tiri.

"Way ila fiicantahay aniga inaan u furay waddo haween badanoo garsoorayaal ah."

Waxay sheegtay in haweenka garsoorayaasha ah ee dalkeeda jooga ay inta badan warqad u soo qoraan, iyagoo sheegaysa inaysan u maleynayn "inay fursad u heli karaan inay ka qeyb galaan tartamo waaweyn ama inay adduunka oo dhan u safraan".

"Waxaan u sheegay inay aniga iga fiicnaan karaan, "waxaad ku guuleysan kartaan himilooyinkiina oo dhan"

"Waa sharaf weyn inay ka fekeraan mustaqbalkooda garsoore ayna arkaan haddii ay si adag u shaqeeyaan inay ku guuleysan karaan riyadooda."

Taasi waa waxa ay rabto in gabdhaha yar yar ee Muslimiinta ah ee daawanaya iyada oo adduunka ku baahsan ay ku hamiyeen guusheeda, maaddaama ay igu arkayaan Tokyo.

XIGASHO:-BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip