HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 17-JULY 2021

0
Saturday July 17, 2021 - 12:28:42 in Wararka by
  • Visits: 507
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 17-JULY 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Farmaajo oo la kulmay xubnaha Somaliya ku metelaya Ciyaaraha Olombikada

     Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed C/hi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xubnaha ku matelaya Dalkeenna Ciyaa raha Olombikada Adduunka ayaa ku dhiirri-geliyey inay kor u qaada an magaca iyo sumcadda dalkeen nu uu ku leeyahay ciyaaraha Olom bikada. Kulankan oo ay goob-joog ku ahaayeen Wasiirka Wasaarad da Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Md.Xamse Sic iid Xamse iyo Sarakiil ka tirsan Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa Madaxweynuhu waxa uu gud doonsiiyey Cali Iidow Xasan oo ka mid ah xiddigaha matalaya Dalkeenna Calanka JFS si uga dhex muuji yo Fagaaraha Olombikada Adduunka.

     "Dhammaan ummadda Soomaaliyeed ayaa idin garab taagan oo bandhiggiinna sugaysa, iyaga oo idi nka rajaynaya in aad ka miro-dhalisaan tababarkiin na iyo dadaalkii la idinku bixiyey. Natiijo kasta oo aad kala soo laabataan Ciyaaraha Olombikada Jab baan waxaad ku mudan tihiin bogaadin iyo dhiirri-gelin.”

    Dalkeenna waxa ku matalaya Tartankan Ciyaara ha Olombikada Adduunka 2 ciyaartooy oo kala ah Cali Iidow Xasan oo ka qeyb-gelaya ciyaaraha fudud gaar ahaan orodka 800-Mitir iyo Ramlo Cali oo ku matalaysa Feerka ahna gabadhii ugu horreysey ee Soomaaliyeed oo ka qayb gasha tartan Caalami oo heerkan ah.Madaxweyne Maxamed C/hi Farmaajo ayaa ciyaaryahannada Qarankeenna ku matalaya Olombikada Adduunka u rajeeyay guul.

Muuse Suudi oo ka digay arrin Farmaajo sameyn karo doorashada kadib

     Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha muddo xileedkiisa dha mmaaday ee Maxamed C/hi Farmaajo, oo uu she egay in si fudud uusan uga baxeyn Villa Somalia.

    Senator  M.Suudi ayaa sheegay in Farmaajo uu sharci darro ku jooga Vil la Somalia, isagoona ka dalbaday Ra ’iisal wasaaraha inuu amar ka qaadan madaxweyne aan sharciyad laheyn.

    "Ra’iisal wasaaraha waxaa ka codsaneyna Nuur Cadde oo kale ha noqdo, sharafta ha la jiro, cidkasta isaga ayey ka amar qaadane, wax sharci ku jooga asaga ayaa ka jira, Nin aan sharci ku joogin (Farmaa jo) ayuu amar ka qaadan,” ayuu yiri.

      Sidoo kale waxa uu sheegay Senator-ka in halg ankii ka dhanka ahaa muddo kororsiga Farmaajo ee Ciidamada Bad-Baado Qaran ka sameeyen dalka uusan weli dhameystirneen inta uu madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday uu dhex fadhiyo Villa Somalia.

     "Asaga oo aan bixin abaalmarin ma jirto, waa isa-sii diyaar-gareyn, dad lagu xad-gudbi maayo. Waxa la iskugu imid in looga mahad-celiyo nabad-galyada ay ku soo galeen baladka ee ay uga baxeen ee loo ga mahad-celin maayo shaqadii oo gaba-gabo ah wiilasha iyo madaxdoodii.”

     Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa madaxwey naha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Maxamed C/hi Farmaajo ku eedeyay inuusan faarujin doonin Villa Somalia, xataa haddii lagaga guuleysto doorash ada, sida uu hadalka u dhigay.

    "Farmaajo meel walbo isaga oo ku dhagan ayaa laga fujinayay qaar waa lagu feeraaye qaar waa lagu xiraaye ,haddana hadii cod looga raayo in xoog looga baxsho maahee iska bax kuma baxaayo.” XIGASHO:CAASIMADDA.NET

Dowladda Soomaaliya Oo War Kasoo Saartay Geeridii Ugaas Axmed Barre Cali

     Madaxweynaha JFS Md.Maxamed C/hi Farmaajo Ayaa Tacsi Tiiraanyo Leh U Diray Qoyska, Qaraaba da Iyo Guud Ahaan Ummadda Soomaaliyeed, Gaar Ahaan Bulshada Iyo D/G/Galmudug Geerida Ku Ti mid Alle Ha U Naxariistee Ugaas Axmed Barre Cali Oo Ku Geeriyoodey M/Caabudwaaq.

    Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Ugaas Axmed Barre Cali uu ahaa hormuud dhaqan oo lafdhabar u ahaa nabadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliye ed, isaga oo door muuqda ka soo qaatay dadaalladii geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ah aan dib u heshiisiinta shacabka ku dhaqan deegaan nada Dowlad Gobol eed ka Galmudug.

Madaxweyne Maxam ed C/hi Farmaajo ay aa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardow sa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyood ay."Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Ugaas Axmed Barre Cali, waxa uu ka mid ahaa hoggaanka nabadda iyo dhaqanka bulsha da Soomaaliyeed ee doorka weyn ka soo qaatay do wlad-dhiska,dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta shac abka Soomaaliyeed ee deegaannada Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya”

Rooble oo dhigiisa Qatar kala hadlay iskaashiga labada dal

    R/Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Ro oble ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa dalka Qatar, waxaana uu kala had lay xoojinta xiriirka 2dal  iyo  wada shaqeynta labada Xafiis.

     Rooble ayaa sidoo kale kala hadlay dowladda Qatar sidii ay u sii wadi laheyd taa geerada dhaqaalle iyo mida horumarineed ee ay sii naysay Soomaaliya Afartii sano ee lasoo dhaafay.

     "RW/ha XFS MdMaxamed Xuseen Rooble iyo dhi ggi isa Dalka Qatar Sheikh Khaalid Bin Khalifa Bin Cabdilcaziz Aala Taani, oo khadka telefoonka ku wa da xiriiray ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo horum arinta xiriirka iyo iskaashiga  labada dal ee walaala ha ah” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska Roo ble.

     Dowladda Qatar ayaa ka mid ahaa dowladdaha sida weyn u taageera Soomaaliya gaar ahaan xukuu madda hadda jirta , waxaana dhowr jeer lagu eede eyay in ay faraha kula jirto Arimaha Siyaasadda Soo maaliya.

Shiikh Shariif iyo wakiilka gaarka ah ee Norway oo ka wada hadlay doorashooyinka dalka

     Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa Shalay waxa uu M/Muqdisho kul an kula qaatay wakiilka gaarka ah ee dowladda Norway u qaabilsan arrima ha Soomaaliya Heidi Elburgi Johans en,iyaga oo ka wada hadlay arrima ha doorashooyinka & Dib-ugeshiisiin ta Soomaaliya.

      Shiikh Shariif ayaa waxa uu uga mahad celiyay dowladda Norway dadaalka iyo taageerada ay mar walba la garab taaganyihiin Soomaaliya, iyo sida ay u soo dhaweeyeen kumannaan Soomaali ah oo dag aalladii sokeeye ee dalka ka dhacay ka qaxay.

    Sidoo waxa ay diira saareen sidii ay dowladda Nor way ay kaalin weyn uga qaadan lahayd arrimaha am niga iyo doorashooyinka la filaayo iney dalka ka dha caan bilaha soo socda maadama xiligan uu dalku isku diyaarinaayo doorasho.

     Madaxweynihii hore ee dalka Sh.Shariif ayaa wa xa uu kulamo kala duwan ka wadaa M/Muqdisho isa ga oo Shalay kulan gaar ah la qaatay madaxweyna ha dowlad goboleedka Hirshabelle.

Farmaaajo Oo Dhigiisa Turkiga U Diray Farr iin Ku Aaddan Maalinta Midnimada Iyo Dimuqraad iyadda Dalkaasi

      Madaxweynaha JFS Md. Maxamed C/hi Farmaa jo ayaa ugu hambalyeeyey Dhiggiisa Dalka Turkiga Md. Rajab Dayib Ordugan, Shacabka iyo Xukuumad da Dalkaas Xuska Maalinta Qar an ee Midnimada iyo Dimuqra adiyadda Turkiga oo ku beegan 15-ka Luuliyo.

 Madaxweynaha ayaa ku bog aadiyey shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga sida naf-hurnimada leh ee ay uga hor-tageen isku da ygii lagu majaxaabin lahaa hannaanka dimuqraadiya deed ee dalkaas, waxa uuna tilmaamay in shacabka & D/Soomaaliya ay mar walba garab taagan yihiin xa silloonida & horumarka walaalahooda J/Turkiga.

      "Dowladda Iyo shacabka aan walaaha nahay ee Turkiga waxa aan idiinku hambalyeynayaa Xuska Maalinta Qaran ee Midnimadada iyo Dimuqraadiya dda oo ah maalin ku suntan midnimo, wadajir iyo naf hur, taasoo aad iska difaacdeen in talada Qarankiin na la idinka faramaroojiyo.”

     Madaxweynaha JFS Md Farmaajo oo muujiyey si da ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soom aaliya xoojinta iskaashiga iyo Xiriirka miro-dhalka ah ee ka dhexeeya 2da dal ayaa u rajeeyey Dowladda iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee Turkiga nab ad, xasillooni iyo horumar waarta.

Guddoomiye Baashe "Maxkamadda Sare waxaa ay qaadeysaa dacwadaha ka dhasha doorashooyinka”

      Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaal iya Md.Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in dad badan ay is weeydiiayaan in Maxkamadda Sare ay awood u leedahay dacwadaha ka dhasha arrimaha doorashooyinka.

    Guddoomiyaha oo hadal ka jeedinay ay Shirka Madasha Garsoorka G/ Bana adir ayaa sheegay in go’aan kasta oo ay gaaraan Gudiyada doorashooyinka uu yahay mid maamul, isla markaana dacwadda ka timaada ay qa adi karto kaliya Maxkamadda Sare ee dalka.

   "Maxkamadda Sare waxaa ay diyaar u tahay inay ka garnaqdo cabasho kasta oo ka dhalata go’an kas ta oo ay gaaran gudiyada doorashooyinka heerkasta ay yihiin, marka waxaan rabaa in qofkasta uu arrinta asi ku baraarugsanaado ayuu yiri” Gud/iye Baashe.

     Ugu dambeyn G/Maxkamadda Sare ee Soomaal iya Baashe Yuusuf Axmed ayaa waxaa uu sheegay in cid walba oo uu saameeyo Go’aanada ay gaaraan guddiyada doorashooyinka aysan u arag in waajiba sharci ah uu yahay go’aanadii ay gaareen Madaxda dowladda & dowlad Goboledyada, balse waxa asal ka ah uu yahay Dastuurka dalka.

    Hadalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Md. Baashe  ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli dhawaan ka filayaa in dalka ay ka bilaawdaan do orashooyinka Xildhibaannada labada Aqal.Baala mmaanada Soomaaliya


Sanbaloolshe oo bixiyey xog aan horey loo ogeyn oo ku saaban kiiska Ikraan Tahliil

     Taliyihii hore ee Nabad-sugida, C/hi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo wareysi siiyey idaacada VO A-da ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Dr. Tahliil Faarax oo la’layahay muddo ku siman 18-maalmood.

      Sanbaloolshe ayaa sheegay in Ikr aan Tahliil ay ku soo biirtay NISA xiligii uu madaxda ka ahaa, oo asaga uu gacantiisa ku qo ray, islamarkaana ay aheyd xubin fir-fircoon oo ka tirsan hay’addaas.

     Waxa uu sheegay in tuhunka maqnaanshaha Ikr aan marka uu dhinac kasta ka eegay uu ku aroorayo hay’adda Nabad-sugida ee NISA, oo ay ka tirsaneyd howl-wadeenadeeda.

    "Haddii aan arrintaan kor ka eegay oo aan hoos ka eegay, tuhunka maqnaanshaha gabadhaan wax ay ku arooraysa hay’adda NISA, haddii aysan jirin qof dambiga qiranaya ama lagu haayo, waxaa abu uraya shakiyo, oo ah meesha uu dambiga ka dhacay iyo dadkey la shaqeynaysay,” ayuu yiri.

     "Dad badan ayaa wareystay, si qaas ah ayaa u daba joogay kiiskaan, waxay dhex deganeyd gaba dhu meel amaan ah oo la ilaaliyo, meeshey dhex de ganeyd ama u dhaweyd waxay aheyd hay’adda Nab ad-sugida, dhaq-dhaqaaq kasta iyo cid kasta oo mee shaas soo galeysa iyo cidkasta oo kasoo baxeysa si toos ah ayaa loo arki karaa ama CC-Camera ayaa la ga arki karaa.”

     Sidoo kale waxa uu sheegay inay suurta-gal ta hay inay dhibane u tahay arrin ay ogtahay oo aysan rabin saraakiisha iyo madaxda dowladda in la oga ado, lana rabo in gebi ahaanba la tir-tiro.

      "Dowladda ayaa la rabaa inay gabadhan nolol iyo geeri ku sheegto.. waxaa jira tuhun fara badan oo in Kiiskan Hey’adda Nabadsugida ku lug leeyihiin iyo dareen xooggan ah ayaa jira. Arrimo xasaasi ama xog xasaasi ah, waxaa laga yaabaa wax ay ogt ahay inay dhibanne u tahay.. Database ciidamada Eritrea loo qaaday ayey heysay.. Waxaas oo dhan baaritaannada ayey ka soo bixi doontaa,” ayuu yiri Sanbaloolshe oo farta ku fiiqay Hay’adda NISA.

     Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday dowlad da in meel ay ku sheegto gabadhaan nolol iyo geeri, isagoona ku gaabsaday inay ka hordhaceyn kiiskaas

Ra'iisul wasaare ROOBLE oo fara-geliyey dagaal ka wasiir Xamza iyo Khadiija Diiriye

      Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa ugu dambeyn isu keenay wasiirada gargaarka & ciyaaraha Xamza & Khadiijo M.Diiriye oo uu dagaal Afka ah dhex-maray. Kulanka oo ka dhacay hoyga R/wasaaraha ayaa wa xaa lagu dhammeeyey khilaafka soo kala dhex-galay 2da wasiir oo horey loogu kala bedalay wasaarada ha, kuwaas oo hadallo kulul isku mariyey warbaahin ta iyo sidoo kale baraha bulshada ee Internet-ka.

     Wasiir Xamza oo faah faahiyey kulankan 3 geeso odka ah ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday inay si wadajir ah uga heshiiyeen wixii dhacay isaga iyo Khadiija Diiriye.

    "Waxaan hoyga R/wasaaraha kula kulmay wa laashey wasiir Khadiijo M. Diiriye oo aan is cafinay, si wadajr ahna aan uga heshiinay wixii horey u dha cay,” ayuu yiri Xamza. Dhankeeda wasiirka dhalinya rada iyo ciyaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay kula nkan oo uu qaban qaabadiisa lahaa Rw/re Roobe, waxaana ay sheegtay inay qaadatay raalli-gelin, isla-markaana ay cafisay wasiir Xamza Saciid.

    "Madaxdeyda qaranka kama weyni raalli-gelina waa qaadasho, walaalkey Hon Xamza cafis baa iga tahay Aboow,” ayey iyaduna tiri wasiir Khadiijo Max amed Diiriye.

    Dagaalka 2da wasiir oo hadal heyn badan dhaliy ey ayaa yimid, kadib markii wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS uu sheegay in markii loo magacaa bay wasaaradda uu waayey xafiis uu ku shaqeeyo, sidoo kalena uu u tegay shaqaalihii oo fasax isaga maqan ku dhawaad 2 sano ah, mushaarna iska qaa danaya, taas oo shaqa badan kadib uu sheegay in hadda uu wax badan ka bedelay.

     Wasiir Khadiija Diiriye oo hadalkaas ka carootay ayaa dhankeeda ka soo jawaabtay, waxayna wasiir Xamza Saciid Xamza ku eedeysay in markii la bedel ay uu horay u sii kaxeystay, oo ‘soo celi laga kari waayey gaari ay leedahay wasaaradda gargaarka’.

Xildhibaan ka tirsan BF oo sameysay ballan-qaad la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax

       Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka tirsan golaha shacab ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo muddo ka badan labo toddobaad la’laya hay, waxayna ballan-qaaday har iyo habeen ka shaq eyn doonto sidii loo soo heli lahaa, nolol ama geeri.

     Xildhibaanada ayaa ugu horeyntii sheegtay in ay garab taagan yihiin hooyo Qaali Maxamuud Guhaad iyo qoyska Ikraan oo ka tirsaneyd hay’adda Nabad-sugida ee NISA, ayadoona ballan-qaaday inay ka shaqeyn doonaan sidii loo soo heli lahaa nolol ama geeri mid un.

      Waxay nasiib xumo ku tilmaamtay in Ikraan mar kii u dambeysay laga qafaashay meel u dhow taliska Hay’adda Nabad-sugida, ayada oo lagu kaxeeyay si ka baxsan rabitaankeeda, ka gadaal markii ay raacd ay gaari la sheegay in hay’adda ay laheyd.

Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo arrintaas ka ga hadashay qoraal dheer oo ay soo dhigtay bartee da Facebook, ayaa waxa uu u dhigna sidaan;

      Bismillaah. Ugu horreyn, waxaan xannuunka la qeybsanayaa waalidka, walaalaha iyo qoyska wala asheen Ikraan Tahliil Faarax.

       Ma jirto ereyo aan ku cabbiri karo sida ay u xan nuun badan tahay in gabar 25 jir ah oo waxbaratay oo dalkeeda iyo dadkeeda u shaqeyneysay, qofna aan denbi ka gelin la afduubto mar kaliya.

Weliba meel dhowr tallaabo uun u jirta taliska Hay’ adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo ahayd halkii laga ilaalin lahaa amniga iyo badqabka muwaadiniinta.

      Waxaan garab taagganahay hooyo Qaali Maxa muud Guhaad, abtiyaasheed iyo walaalaha kale oo nala wadaagay xogta maqnaanshaha Ikraan. Aad Ay aan uga xunnahay in anagoo joogna ay waxaas idi nku dhacaan.

     Dalka wuxuu leeyahay Dastuur si cad u dhowraa ya xuquuqda iyo amniga muwaadiniinta. Ka Xildhiba an Golaha Shacabka, ahaan waxaa na saarran mas ’uuliyad ilaalinta Dastuurka Dalka. Iyo mataaladda shacabka Qodobka 15aad ee Dastuurka wuxuu xarr imayaa waxkasta oo ku xadgudbaaya amniga, shar afka iyo x orriyadda qofeed. Sida muuqata Ikraan Tahliil Faarax waxaa lagu kexeeyay si ka baxsan rabitaank eeda oo u dhiganta "afduub”.

    Waxaan har iyo habeen ka shaqeyn doonnaa sidii Ikraan Tahliil Faarax loo soo heli lahaa- nolol ama ge eri. Kuwii ka danbeeyay falka lagu "afduubtay”-na loo horkeeni lahaa caddaaladda haddii Alle idmo

Soomaaliya Oo Ka Qayb Gashay Shir Caalami Ah Oo Looga Hadlayo Arrimaha Amniga

          Shir 3  maalmood socday oo xubnaha dalalka IGAD ay si qoto dheer ugu faaqideen sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha Amniga, kuwa dhaqaa le iyo degaan ee iyaga khuseeya ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa lagu soo gebagabeeyay Bishoftu, Ethiopia.

Dal kasta oo IGAD ka tirsan waxaa ma talayay wafdi ka kooban Saddex xubn ood soomaaliya waxaa matalayay wafdi oo horkacayo Yuusuf Garaad Cumar oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Africa Badda Cas iyo Gacan ka Cadmeed.

    Sidoo kale waxaa shirka qeyb ka ahaa aqoonyah anno Soomaali, Ethiopian, Sudanese iyo Kenyan ah oo ka socda xaruumo cilmi baariseed ee gobolka.

Shirka oo uu G/ye ka ahaa Danjire reer Sudan ah, ayaa waxaa hagayay Ergeyga Badda Cas ee IGAD.

Jubbaland oo toogasho ku fulisay nin kufsaday gabar saddex jir ah

     Wararka laga helayo G/Jubbada Hoose ayaa she egaya in  ciidamada Jubbaland ay xukun dil toga sho ah ku fuliyeen Xuseen Aadan Cali ‘oo lagu helay in uu kufsi u geystay’ gabar saddex sano jir ah.

    Toogashada ayaa ka dhacday degmada Dhoo bley, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiin deegaanka ah, waxaana goobjoog ahaa saraakiil ka socotay dhanka maxkamadda.

      Ninka toogashada lagu fuliyey oo ay dhowaan ga canta ku soo dhigeen ciidamada ammaanka ayaa ku fsi Arxan darro ah u geystay Gacalo Ismaaciil Cabd ullahi oo saddex sano jir aheyd, iyadoo ugu damb eyn lagu fuliyey xukunka lagu ridday oo toogasho ahaa.

Gabadha yar oo uu dhaawac daran ka soo gaaray kusfiga lagula kacay ayaa markii dambe u geeriyootay, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladeeda.

       Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya Xuse en Aadan Cali uu gabadha yar u ahaa adeer, isla-markaana uu qabay hooyadeed, iyada oo wax lala yaabo ay noqotay inuu fara-xumeeyo gabar yar oo uu hooyadeed qabo.

     "Gabadha wuxuu u ahaa adeer, wuxuuna qabay hooyadeed, Wallaahi ilaa iyo haatan waa wax lala ya aban yahay sababta ku kaliftay inuu fara-xumeeyo gabar uu hooyadeed qabay,” ayuu yiri mid ka mida ehellada gabadha yar ee u geeriyootay kusfiga lo geystay.

      Dhacdadan naxtinta leh ayaa hadal heyn badan dhaliyey, waxaase dadka deegaanka ay soo dhowe eyeen xukunka dilka ee ay Jubaland ku ridday ninkii ka dambeeyey falkaas.

     Soomaaliya ayaa mid ah dalalka ay ka dhacaan tacadiyada ka dhanka ah dumar, sida kufsiga, kaas oo meelo kala duwan laga soo wariyey, waxaana ugu dambeeyey Hargeysa oo kufsi iyo dil la’isugu dir ay haweeneyn lagu magacaabo AUN Marxuumad Hinda Cumar.


Adna Aadan" Soomaaliya waxay malaayiin dollar u qorshaysay burburka Somaliland"

     Ergayga Somaliland u qaabilsan wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa sheegtay in dowla da Soomaaliya ay Somaliland burburinayso.

     Drsa. Adna Aadan ayaa sheegtay in dowlada So omaaliya ay malaayiin dollar ku kharash garaynayso burburinta Somaliland. "Markii awood doorasho ay ku samayso ay waday hadana wax ay malaayiin doll ar ay u qorshays ay burbur ka Somaliland" ayay tidhi. Adna ayaa dowlada Soomaal iya ugu baaqday in deeqaha caal amku siiyo ay doorashada ku maal galiso.

    "Calan yar oo inan yari qaatay Somaliland dumin kari maaye mad ficiiba dumin kari waaye, intaa aad meelaha ka soo xadeen doorasho ku qabsada" ayay tidhi. Adna ayaa ku andacootay in ay fiicantahay in Soomaaliya dowlad fiican dhisato intii ay Somaliland ku mashquuli lahayd.

      "Lacagta idinku isku maamula oo maamulkiina hagaajiya oo baryadan caalamka ka baxa" ayay tidhi. "Wakaa dadkiinii bilaa dowlada ahe dowlad ku dhista" ayay hadalkeeda sii raacisay.

     Hadalka Drsa. Adna ayaa u dhigan in dowlada So omaaliya ay maal galiso dhalinyarada reer Somali land ee qaata calanka Soomaaliya.

Jubbaland oo ku dhawaaqday in doora shada Aq alka Sare ay waqtigeeda ku qaban doonaan

&



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip