Farmaajo oo la kulmay xubnaha Somaliya ku metelaya Ciyaaraha Olombikada (Sawiro)

1
Thursday July 15, 2021 - 11:38:47 in Wararka by
  • Visits: 544
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo la kulmay xubnaha Somaliya ku metelaya Ciyaaraha Olombikada (Sawiro)

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xubnaha ku matelaya Dalkeenna Ciyaaraha Olombikada Adduunka ayaa ku dhiirri-geliyey in ay kor u qaadaan magaca iyo sumcadda dalkeennu uu ku leeyahay ciyaaraha Olombikada.

Kulankan oo ay goob-joog ku ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Siciid Xamse iyo Sarakiil ka tirsan Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa Madaxweynuhu waxa uu guddoonsiiyey Cali Iidow Xasan oo ka mid ah xiddigaha matalaya Dalkeenna Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si uga dhex muujiyo Fagaaraha Olombikada Adduunka.



"Dhammaan ummadda Soomaaliyeed ayaa idin garab taagan oo bandhiggiinna sugaysa, iyaga oo idinka rajaynaya in aad ka miro-dhalisaan tababarkiinna iyo dadaalkii la idinku bixiyey. Natiijo kasta oo aad kala soo laabataan Ciyaaraha Olombikada Jabbaan waxaad ku mudan tihiin bogaadin iyo dhiirri-gelin.”

Dalkeenna waxa ku matalaya Tartankan Ciyaaraha Olombikada Adduunka labo ciyaartooy oo kala ah Cali Iidow Xasan oo ka qeyb-gelaya ciyaaraha fudud gaar ahaan orodka 800-Mitir iyo Ramlo Cali oo ku matalaysa Feerka ahna gabadhii ugu horreysey ee Soomaaliyeed oo ka qayb gasha tartan Caalami oo heerkan ah.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ciyaaryahannada Qarankeenna ku matalaya Olombikada Adduunka u rajeeyay guul, isaga oo xusay

 magaca iyo maamuuska Qaran ee ay huwan yihiin.farmaajo oo la kulmay xubnaha somaliya ku metelaya ciyaaraha olombikada (sawiro)farmaajo oo la kulmay xubnaha somaliya ku metelaya ciyaaraha olombikada (sawiro)farmaajo oo la kulmay xubnaha somaliya ku metelaya ciyaaraha olombikada (sawiro)

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip