Dilkii madaxweynihii hore ee Heyti oo loo xiray shakhsi muhiim ah.

0
Monday July 12, 2021 - 15:13:57 in Wararka by
  • Visits: 214
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dilkii madaxweynihii hore ee Heyti oo loo xiray shakhsi muhiim ah.

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Booliska Heyti ayaa sheegay inay xireen dhaqtar ay rumeysan yihiin inuu yahay eedeysane muhiim ah oo la tilmaamay in uu ka dambeeyay abaabulka dilkii todobaadkii hore loo geystay Madaxweyne Jovenel Moïse.

Boliiska ayaa sheegeen in Christian Emmanuel Sanon, oo ah 63 jir u dhashay Haiti, uu ku soo galay dalka diyaarad Jet ah horraantii Juun, isagoo leh ujeeddooyin siyaasadeed oo gaar ah.

Dakhtarka la xiray ayaa la sheegay in uu ahaa nin dhaliila siyaasadda madaxda dowladda Heyti,waxaana uu deganaa oo uu xarun ku lahaa magaalada Florida ee dalka Mareykanka.

Madaxweynihii Heyti oo ahaa 53 jir ayaa lagu dilay gurigiisa 7dii July, waxaana dilkiisa ka dambeeyay 28 qof oo calooshood u shaqeystayaal ajnabi ah, sida ay ku warameen ciidamada Boliiska.

Xaaska madaxweynhihii hore ee Heyti ayaa ku dhaawacantay falkaasi lagu khaarajiyay Jovenel Moïse,waxaana daaweyn loola cararay dalka Mareykanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip