
HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 12-JULY 2021
Farmaajo oo ka hadlay guusha Abiy ee doorashada Itoobiya
Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed C/hi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey R/Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed guusha uu xisbi giisa ka gaaray doorashooyinkii baarlamanka ee dal kaas ka dhacay. Xisbiga haya talada Itoobiya ee Pr osperity ee uu hoggaamiyo R//Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku guuleystay tiradii ugu badn eyd ee kursaasta baarlamaanka dalkaas, sida uu shaaciyay gud diga doorashooyinka Qaranka Itoobiya.
Guddiga doorashooyinka ayaa Sabtidii ku dhaw aaqay in xisbiga talada haya uu helay 410 kursi oo ka mid ah 436 lagu tartamay B/maanka Federaalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay twitter-ka ku yiri "Waxaan ugu hambalye ynayaa R/Wasaare Abiy Ahmed inuu sharciyad xoog gan ka helay shacabka Ethiopia.”
Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay sii wadi doonta wada-shaqeynta dowladda Abiy Ahmed "si loo sii xoojiyey xiriirka labadeena dal si ay uga faa’I ideystaan labadeena shacab iyo gobolka oo dhan.”
Doorashooyinka Ethiopia ayaa waxaa qaadacay qaar ka mid ah mucaaradka, lagamana qaban lama ka mid ah 10-ka gobol ee dalkaas, ayada oo dowla dda Mareykankaay ku macneysay "mid ay qaladaad badan ka buuxeen.”
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Muqdisho ku soo laabtay
R/Wasaaraha XFS Md.Maxamed Xuseen Ro oble ayaa Muqdisho dib igu soo laabtay ka dib socd aal afar cisho qaatay oo uu ku tagay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarrey ee dowlad-goboleedka Jubaland.
Socdaalka R/Wasaare Rooble ee Jubaland ayaa diiradda saaray ay arrimaha hirgelinta doorashooyin ka, dib u heshiisiinta, xoojinta amni ga iyo fulinta mashaariic horumarin eed oo wax tar u leh bulshada.
Ra’isul Wasaare Rooble ayaa waxa uu mudadii uu booqashada ku joogay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey uu dhagax dhigey mashaariic laga hirg elinayo Jubbaland.
Maamulka G/Banaadir oo Safiirka Qatar kala hadlay fulinta mashaariic
Xoghayaha Guud ee Maamulka G/Banaadir Xii reey Axmed Rooble ayaa ku booqday Xarunta Saf aaradda Qatar ay ku leedahay M/Muqdisho Danjire Hasan Hamza Asad Hashem.
Danjire Hamza iyo Xoghayaha ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta dhameystirka Mashaariicda ka socda Magaaladda iyo sidii loo Horumarin lahaa Mashaariicda la filayo Mustaqbalka oo ay Safaar addu wakiilka uga tahay Dowlad da Qatar iyo dhamaan Hay’adah ooda Kheyriga ah.
War kasoo baxay Maamulka G/Banaadir ayaa wa xaa lagu sheegay in kulanku uu kusoo idlaaday is af garad iyo isfaham dhamaystiran, isla markaana lagu balamay in la joogteeyo kulamadda noocaan ah.
Dowladda Qatar ayaa waxaa ay ka mid tahay do wladaha taageerada weyn siiya Soomaaliya, waxaa na la sheegaa inay saaxiibo gaar ah la tahay Madax da hadda fadhida Villa Soomaaliya oo uu horkacayo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dib ugu soo laabtay dalka
Guddoomiyaha Golaha Shac abka Maxamed Mursal Sh. C/r axmaan ayaa Shalay dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar uu ugu maqnaa dalka Turkiga. Guddoom iye Mursal ayaa waxaa garoonka diyaar adda ee Muqdisho kusoo dhaweeyay, wasiiro iyo Xil dbibaano ka tirsan G/Shacabka. Guddoomiyaha oo hadlay ayaa uga mahad celiyay Xubna ha la bada Gole sida ay u soo dhaweeyeen, hayee shee u usan wax faah faahin ah kama bixjn safarkii uu dal ka uga maqnaa. G/G/Shacabka Md. Mursal dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay ka maqnaa saaxada siyaa sada
Beesha caalamka oo weli diidan bixinta lacagta doorashooyinka
Doorashada Soomaaliya ayaa u muuqato inays an ku dhici karin waqtiga loo asteeyey ee ah 10 Oct ober sida lagu dhigay heshiiskii ay Muqdisho ku kala saxiixdeyn madaxda Maamul Goboleedyada iyo R/l wasaare Maxamed Xuseen Roo ble. Sababaha ugu weyn oo ay san doorashada waqt igeeda ugu dhici karin ayaa ah in Beesha Ca alamka ay weli daahin eyso laca gihii laga sugayey inay ku bixiso doorashada Soomaal iya.
Sida ay sheegtay in ay xogta ku heleyso Caasi mada Online, Beesha Caalamka ayaa weli ku kals ooneyn in dhinacyada siyaasadda ee Soomaalida ay si madax banaan u qaban karaan doorasho la isla oggol yahay oo waqtigeeda ku dhacdo.
Wasiirka Maaliyada DFS ayaa dhawaan sheegay in lacagta ku baxeysa doorashada ay dhan tahay $40 Milyan oo Dollar, lacagtaas saami ahaan dow ladda Soomaaliya ayaa ka bixineyso lacag dhan $4 Milyan oo dollar, halka Beesha Caalamka laga doon ayo inay bixiso $36 Milyan dhammeystirto.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo si hordhac ah uga hadlay lacagta as ayaa sheegay in loo adeegsanayo Safarada Gu ddiyada Doorashada Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Goobaha ay degayaan xubnaha Guddiga, Xafiisyada shaqada, Tababarada Ergada iyo Guno oyinka howlwadeenada.
Beesha Caalamka ayaa dedaal badan waxay ku bixisay sidii doorasho deg-deg ah uga qabsoomi la hayd Soomaaliya, ayaga oo si weyn u taageeray ded aalada ay miiska wadahadalada isugu yimaadeen hogaanka dowlad goboleedyada iyo ra’iisul wasaara ha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Roo ble.
Si kastaba ha ahaatee, lacag la’aanta soo wajah ay geedi-socodka doorashada ayaa laga yaabaa in ay saameyn ku yeelato qabsoomida coddeynta la filayo isla markaana ay hor istaagto horumarkii ugu dambeeyay.
25 Bishaan ayaa la filayaa inay dhacdo doorasha da aqalka sare, welina ma muuqato diyaar garow loo gu jiro doorashadaas, taasoo loo sababeeyey inaan weli la heyn lacagihii doorashada lagu dhaqaajin lahaa. XIGASHO:CAASIMADDA.NET
Gabadhii ugu horraysay ee Soomaali ah ee Addis Ababa xildhibaan ka noqotay
Saxarla Cabdullaahi Bahdoon ayaa noqotay qof kii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee xildhibaan loo gu doorto magaalada Addis Ababa ca asimada dalka Itoobiya. Gabadhan ay aa ku guuleys at ay kursiga lagu tarta mayay ee xa afad da Yeka magaalada Addis Aba ba, hal kaas oo doorashadii bishii la soo dhaa fay dhacday ay ku guulaysa tay cod aqlabiyad ah.
Saxarla Cabdullaahi oo ah wasiiru dowlaha arri maha Caafimaadka DF Itoobiya waxa ay ku tartama ysay magaca xisbiga EPP ee talada haya kaas oo ku guulaystay 410 kursi oo ka mid ah 436 kursi ee loo tartamay, sidaasna uu ugu guulaystay in xafiiska uu sii hayo muddo xileed shan sanadood ah.
Saxarla Cabdullaahi waxa ay ku dhalatay magaa lada Addis Ababa, aabaheedna uu xildhibaan ka soo noqday xuku umaddii kmg aheyd ee EPDRF. Aaba heed ayaa shan sanadood ka dib waxa uu u waree gay M/Jigjiga halkaas oo reerkiisana uu u rartay, sid aas daraadeed Saxarla waxa ay fasalka shanaad ee waxbarashadeeda ka sii wadatay magaaladaasi.
Waxa ay ku soo kortay M/Jigjiga hasayeeshee inteeda badan waxa ay waqtigeeda ku soo qaadatay magaalada Addis Ababa halkaas oo ay waxbarasha deeda sare ku qaadatay.
Waxa ay shahaadada heerka labaad ku qaadatay Caafimaadka Bulshada markaas oo ay xirfaddaas u gu shaqeysay waaxda caafimaadka ee dowladda iyo midda gaarka loo leeyahayba.
Waxa ay xiriiriye iyo fuliyaba u aheyd mashruuc kor loogu qaadayay dakhliga haweenka soo gala, mashruucaas oo ay fulinaysay hay’ad maxalli ah, markaas oo ay ku guulaysatay inay dhaqaale u soo xarayso hay’adda ayna xaqiijiso in haweenku ay hel aan barnaamijyo lagu kobcinayo xirfadooda sidoo ka lana lagu horumarinayo bulsho ahaan iyo karti ahaa nba.
Taliyaha Ciidamada Xoogga General Odowaa oo gaaray degmada Buulo-Burte
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Janaraal Jen . Odowaa Yuusuf Raage ayaa gaaray dagmada Bu ulo-burte ee Gobalka Hiiraan waxaana garoonka ku so dhaweeyay taliyaha Qeybta 27aad Janaraal Ax med Maxamed Calasow (Tareedisho).
Ujeedka Socdaalka taliyaha ciidanka xoogga dal ka ayaa waxaa u salka ku hayaa daahfurka taliska qeybta 27 oo laga dhigay dagmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.
Qeybta 27aad ayaa lagu wadaa inay saldhig weyn ka furato M/ Buul oburte oo ah magaalo go’odon ah oo ay ku hareereysan yihiin deegaa nno ay ka taliyaan ururka Alshabaab.
M/Buuloburte ayaa waxaa Dorraad gaaray Madax weyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hag ar Dabageed iyo wafdi uu hoggaamina yo. Taliyeo dawaa
Galmudug oo faah faahisay dilka dad isku qoys ahaa
Xilli Habeen hore deegaanka Saax- Qurun ee G/ Mudug ay rag hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ay halk aasi ku dileen dad isku qoys ahaa ayaa wax aa falk aasi ka hadlay dowlad Goboleedka Galmu dug.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Md.A xmed Shire falagle ayaa sheegay in qoyska oo ahaa Xooolo dhaqato lagu soo weeraray Gurigooda, isla markaana halkaasi lagu dilay Abbe iyo laba carruur ah uu dhalay halka uu dhaawac culus soo gaaray hooyada.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in fal kaasi ay la xiriirinayaan aanooyin qabiil oo ka jiray degaanno ku yaal Galbeed ka M/Galkacyo, isla markaana Galmud ug ay ku raad joogto dadkii ka dambeey ay dilkaas.
Dhacdooyinka la xiriira dilalka aanooyinka qabiil ka ah ayaa labadii sano ee la soo dhaafay ku soo ba tay degaannada Galmudug, iyada oo Madaxda Maa mulkaas ay ku fashilmeen inay waxka qabtaan.
Puntland oo shaacisay qorsho la xiriira Amniga
Taliyaha xabsiga dhaxe G/Mudug ee Puntland G/le Sare Aadan Nuur Qaal ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay M/Gaalkacyo kaga hadlay howlgallada la dagaallanka Al-Shabaab ee ka socanaya Gobolka Mudug,isla markaana ay si wadjir ah isaga kaashan ayaan ciidamada amniga Qaranka iyo kuwa dowlad gobaleedyada Gal mudug iyo Puntland.Taliyaha ayaa u gu baaqay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Puntland inay doorko oda ka qaataan olalaha balaaran ee la dagaallanka Al-Shabaab oo uu tilmaa may in ay bilbeen adeegsiga qorshayaal cusub.
Taliye Aadan ayaa markale baaq u diray bulshada Soomaaliyeed, kaas oo ku aadan in la garab istaago ciidamada Qaranka iyo kuwa dowlad gobaleedyada
isbiirsanaya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.
Somaliland Oo Soo Saartay Digniin Ku Socota Shacabka Kunool Deegaanada Xeebaha
Taliska guud ee Ciidanka ilaalada xeebaha Ma amulka Somaliland ayaa soo saaray amar cusub oo ku socda dadka kunool deegaanada xeebaha Soma liland, kaasi oo la xiriira dhoofinta duurjoogta.
War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ayaa waxaa lagu she egay in mamnuuc ay tahay in dadka kunool deegaa nada xeebaha ay ajaanibta ka caawiyaan dhoofinta xeywaanaadka duurjoogta.
Taliska Ciidanka ayaa dadka degan dhulka xee baha uga digay in ajaanibta ku sugan Somaliland ka caawiyaan dhoofinta duurjoogta iyo keenista kootara banka hubka, iyagoona sheegay in ciddii falkaas lagu qabta sharci la horgeyn doono.
War-saxaafadeedka Taliska Ciidanka ayaa wax aa lagu xusay in tallaado adeg laga qaadi doono qof kasta oo shacab ah ama ajaanib ah ee lagu arko dhoofinta duurjoogta iyo keenista hubka.
Taliyaha Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) ayaa waxaa uu dhammaan taliyayaasha saldhigyada iyo barada hoosyimaada faray inay fiiro gaar ah u yeeshaan arrimaha Diginiinta laga soo saaray.
Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay degmada Balcad
Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku soo qaadeen Bar-koontorool oo laga ilaaliyo degmada Balcad ee G/ Sh/ Dhexe. Goobjoogayaal ay aa waxaa ay sheegeen in Bar ta-koontorool ee la weeraray ay ku taal halka loo yaqaan Ku lanka Yaroow-Farxaan oo deg mada Balcad ka xiga waddada aadda dhinaca M/Jowhar, isla markaana la dilay hal Askari oo goob ta ku sugnaa.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Al-Shabaab ay horay u sii qaateen Qoray AK47 oo uu watay Askariga la dilay, waxaana weerarka uu dhacay waaberigii hore ee Shalay.
Dhowr jeer ayaa Al-Shabaab waxaa ay weerar ku qaadeen Bar-koontorool oo ku taal degmada Balc ad, iyada oo sidoo kale ay dhowr mar la wareegeen.
Jenaraal Xuud " Yuusuf Dabageed Bale dwe yne kuma soo laaban karo diyaarad soo qaadi kartana maleh"
Hoggaamiyaha golaha Kacdoonka Hiiraan Jenar aal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa ka jawaab celiyay hadal dhawaan uu jeediyay madaxweyne ku xigeenka Hirshabee lle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed kaasoo ahaa inaan doorasho ka dhici karin Baledweyne hadii uusan imaan madaxweynaha Hirshabeelle.
Hoggaamiye Abuukar Xuud ayaa sheegay in Baledweyne amaan tahay doorashadana ay ka qabsoomi karto, isala markaana ugu baaqay DFS inay doorashada kuraasteeda taalo Baledwey ne lagu qaban karo isagoo ballan qaaday iney amma anka sugu doonaan.
Janeraal Xuud ayaa markale ku celiyay inuusan Cali Guudlaawe imaan karin M/Baledweyne doorash adana lagu qaban doono, isla markaana sheegay in Yuusuf Dabageed uu isna ku soo laaban karin M/Ba ledweyne oo uu la mid yahay Cali Guudlaawe.
"Waxaan caddeynayaa in Shalay ka dib Yuusuf Dabageed iyo Cali Guudlaawe isku mid inoo yihiin uuna dib ugu soo labaan karin magaalada Baledw eyne, diyaarad soo qaadi kartana aysan jirin" ayuu yiri Jenaraal Xuud.
Hadalka Jenaraal Xuud ayaa imaanaya xili mad axweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabage ed uu ku sugan yahay degmada Buula burte kaasoo dhawaan sheegay haddii uusan Baledweyne imaan madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe aysan ka dhici doonin wax doorasho ah oo ku saabsan 25-ka kursi ee taala Baledweyne loona wareejin doono Jowhar.
Faysal Cali Waraabe "Xeer baa lasoo saaraya, qofkii lagu arko calan Soomaaliya"
Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa casuumad u sameeyay dhalinyarada hindistay halku dhaga "kani waa kaygii.
Dhalinyaradan oo kasoo jeeda magaalada Boorama ayaa bilabay halku dhaga "kani waa kaygii" oo ay ku sheegayeen in ay le eyiin calanka Somaliland.
Faysal Cali Waraabe iyo saraakiil ka tirsan xibigiisa ayaa dhalinyarada ku booqday magaalada Boorama.
Faysal ayaa dhalinyarada ku booriyay barnaamijka "kan waa kayga" oo Somaliland oo dhan ku baahay.
"Wixi aad bilowdeen Somaliland oo dhan buu saa meeyay, taasa nasoo laab kicisay anagana" ayuu yidhi.
"Arrintani waxay ku tusaysa in hadii dadku wax wan aagsan keenaan ay samayn yeelanayso" ayuu hada lkiisa kusii daray.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in sharci laga soo saari doono qofka lagu arko calanka Soomaaliya.
"Xeer baa lasoo saaraya, qofkii lagu arko calan Soo maaliya ah waa dambi wayn" ayuu yidhi.
"Qofkii dadka isku dirayana sharci ayaa laga soo sa ari doonaa" ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Barnaamijka "kani waa kaygi" oo ay hindiseen dhal inyaro reer Borama ah, ayaa samayn ku yeeshay gudaha Somaliland.
JILAAFOOYINKA DOORASHADA DALKA IYO CAQABADA HA KA DHALAN KARA
Waxaa soo baxaya saansaantii ugu horreysay oo muujinaysa inay wax ka soo laabanayaan he shiiskii doorashada ee dhawaan lagu saxiixay M/ Muqdisho, markii la gaaray xaaladdii fulinta.
Inkasta oo markii horeba uu ahaa qodob caqa badiisu badan tahay muddo badana la isku maan dhaafsanaa xilligii heshiiska loo fadhiyay, ayaa ha ddana khilaafka cusub ee ku saabs an guddoonka guddiga doorashada Gobolla da Waqooyi ayaa muujinaya we ji khilaaf oo ka dhigan in qodobadii lagu heshiiyay ee doorashada ay wax badan ka soo laaban doo naan marka si da dhabta ah loo gudo galo xaal addii fulinta.
Dorraad laba garab ayuu u kala jabay guddiga Gobolada Waqooyi ee Doorashada, iyada oo gar abka xubnaha uu soo magacaabay Ra’isulwasa are ku xigeenka Mahdi Guuleed ay tallaabo qaad ka ku horeeyeen, iyaga oo doortay guddoomiye iyo ku xigeen, kuwaas oo loogu hambalyeeyay, la guna shaaciyay bogga rasmiga ee guddiga heer federaal ee doorashada iyo warbaahinta dawlada.
Khilaafkan saameyn maku yeelan doonaa qod obada kale ee heshiishka doorashada?
Saacado kadib waxaa isu yimid garabkii kale ee xubnihiisa uu soo magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi C/hi, kuwaasi oo iyag una doortay guddoon u gaar ah, sheegeyna in ay san aqoonsanayn guddoonka dhinaca kale.
Faysal Rooble oo ka faallooda arrimaha Ge eska Afrika ayaa BBC u sheegay in khilaafkan ka soo dhex ifbaxay guddiyada doorashada goboll ada waqooyi uu saameyn ku yeelan karo heshiis kii la gaaray arrimaha doorashada maadama mid ka mid ah qodobada haatan uu khilaaf hareeyay.
"Khilaafkan saameyn wuu ku yeelan karaa he shiiska doorashada waxyeello weyn wuu u keeni karaa, haddii la rabo in doorashada ay xaq noqoto waa in heshiiskaa hore gacan rimis laga ilaaliyo”
Dhinacyada kala taabacsan R/wasaara ku xig eenka Khadar guuleed iyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/hi ayaa labadaba ku dhaw aaqay inay qabteen doorasho lagu soo doortay gu doomiyaha iyo ku xigeenkiisa. Arrintaas oo durba dad badan ku qeexeen khilaaf hor leh.
Dhinaca R/ wasaare ku xigeenka ayaa Dorraad galinkii dambe war ay soo saareen waxay ku she egeen in Xubnaha Guddiga Maamulaya kuraasta 2da aqal ee Somaliland ay doorteen shir gudoon cusub, islamarkana gudoomiye loo doortay Khad ar Xariir Xuseen.
Warqad Shalay uu shaaciyay xafiiska guddoo miyaha Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in ‘liiska ka soo baxay xafiiska R/ wasaare ku xigeenka uu yahay mid hal dhinac u xaglinaya oo aanan cadd aalad aheyn”Waxay ku baaqeen in xubnaha qaar laga saaro maadama ay ku eedeeyeen inay ka tir san yihiin shaaqalaha dowladda iyo ciidanka.
"Arrinta waqooyiga waa arrinta hadda lagu bar atamayo oo kooxda kali ah ee la rabo in lagu kala badiyo ama dhinac ay raacaan waa kooxda waqo oyiga iyo kuraasyadooda oo hadda aanan u muu qan in cid ay heysato, ciddii si uun ku hesha gobo llada waqooyi waxaad mooddaa in dhinac ay wax u dheelitiri doonaan natiijada soo bixi doonta” ay uu yiri Faysal Rooble.
"Waxaa umadda Soomaaliyeed u fiican in tan waqooyigana laga heshiiyo wixii hore ee lagu he shiiyay lagu daayo”
Miisaanka siyaasadda ee gobolada Waqoooyi
Iyadoo loolan loogu jiro cidda noqoneyso guddo omiyaha guddiyada doorashada, garabka guddo omiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi waxay sheeg een inay guddoomiye u doorteen Suleymaan cey diid Cismaan.
Suleymaan oo BBC la hadlay ayaa ku eedeey ay in garabka guddoomiyaha Aqalka Sare inay ka baxeen heshiiska ku aaddanaa guddiyada doora shada ee gobollada Waqooyi isla markaana aan an lagala tashan arrintaas.
Faysal Rooble wuxuu qabaa in guddoomiyaha guddiyada doorashada ay saameyn weyn ku lee yihiin natiijada sidaas darteedna cid kasta ay ku qasban tahay in ay dhankeeda lollanka ka gasho.
"Guddoomiyaha kooxdan iyo guddiyada doora shada kormeerka ka ah waxay aad iyo aad waxye ello ugu yeelan doontaa sida loo weecin karo nat iijooyinka qaarkood laakin waxa saameyn ah ayuu leeyahay qofkii noqonaya guddoomiyaha guddiya da doorashada”
"Loollanka waxaa weeye ma aha shakhsiga ee waxaa weeye culeyska iyo gacanta culus uu yeel anayo xafiiska shakshiga noqon doono guddoomi yaha..hasa ahaatee waxaa fiican in axdiyo lagu xi ro in qodobo loo dejiyo si loo xakameeyo awooda uu leeyahay guddoomiyaha si aanu dhinac uga eexan”
Waxaan isku daynay in aan la xiriirno garabka R/Wre ku xigeenka ee iyaga sheegay in Xubnaha Guddiga Maamulaya kuraasta 2da Aqal ee Soma liland ay gudoomiye u doorteen Khadar Xariir Xu seen balse inooma suurogelin.
Waxaa socday muddooyinkii u danbeeyey de daallo dhawr ahr oo lagu xallinayo khilaaf dhanka xulista xubnaha waqooyiga oo u dhaxeeyey R/w/re xigeenka Md. Mahdi Guuleed iyo guddoom iyaha aqalka sare Cabdi Xaashi, kuwaas oo ay markii ay2dooduba soo wada magacaabeen gudd idan u muuqatay mid la xalliyey oo laga gudbay. Khilaafkan se cusub ayaa u muuqda in xaalka weli halkii taagan yahay. Xigasho: BBC
Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug Oo Ansixiyay Hindise-Sharciyeed
Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Gobole edka Galmudug ayaa Shalay yeeshay kal-fadhiga 2-aad ee kulankiisa 25-aad uuna shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dr. Maxamed Nuur Gacal, ayna wehlinaayeen lab adiisa ku-xigeen.
Ajendaha kulanka Xildhib aanada Baarlamaanka ayaa waxaa uu ahaa Akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka noota ayada Galmudug iyo Akhrsinta 3-aad Hindise sharci yeedka Khidmadaha & Kalluumeysiga Badda Galmudug.
Golaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Gal mudug kulankoodii Shalay ku ansixiyay Hindise Sha rciyeedka Khidmadaha & Ujuurooyinka Kalluumeys iga Badda Galmudug.
Wasaarada Dekadaha iyo kalluumaysi ayaa Gol aha Baarlamaanka Galmudug uga mahadcelisay an sixinta Hindise sharciyeedka Khidmadaha iyo Kallu umeysiga Badda Galmudug, madaama sharcigaa wasaaraddu iyadu ay soo diyaarisay una soo gudbi say Golaha Baarlamaanka.
Dhinaca kale Golaha Baarlamaanka ayaa Shalay ka dooday Hindise sharciyeedka Nootaayada Galm udug, Gudiga Garsoorka, Awqaafta iyo arimaha Diin ta Baarlamaanka Galmudug ayaa Golaha qodob qodob uga hor aqriyay qodobada ay isbadal ku sam eyen ee kujiray Sharcigaan Nootaayada Galmudug
Dawladda Qatar oo cambaaraysay weerarkii lagu qaaday Taliye Farxaan Qaroole.
Moqdisho:-Dawladda Qatar ayaa si kulul u cambaaraysay falkii argagaxisanimo oo lala eegt ay kolonyadii uu la socday Taliyaha Guud ee Booliska Gobolka Banaadir , kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.
War kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibe dda ayey dawladda Qatar ku cambaraysay falk aas cadownimadda ah, dawladda Qatar ayaa uga tacsiyadaysay Dawladda iyo shacabka Soomaali yeed dhimashadda shacabkii ku dhintay weerarka iyadoo dhaawacana u rejaysay in ay caafimaad helaan.
Boob ka bilaawday Magaalada Johannesburg & Cabsi soo wajahday Soomaalida
Bannaanbaxyo waa weyn oo rabshado wata ayaa ka bilaawday qeybo badan oo kamid ah xaa fadaha Magaalada Johannesburg ee dalka Koo nfur Afrika.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in banana nbaxyada ay daba socdaan boob loo geysanayo Goobaha Ganacsi oo ay Ajaani bta leeyihiin, waxaana Bannaan baxayaasha oo ah taageerayaa sha Madaxweynihii hore ee Koo nfur Afrika ay wadooyinka ku gubayaan Taayaro iyo Agab kale.
Meelaha uu boobka sida weyn uga socdo ay aa waxaa kamid ah xaafadaha, Jeeps Town, Hill brow, High Way, Iyo Qeybo kamida ah Xaafadda Alexander Township, sida ay sheegeen Gana csatada Soomaalida.
Qaar kamid ah Soomaalida ku nool Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa wax aa ay sheegeen in ay soo wajahday cabsi la xirii rtabin la boobo Ganacsigooda, waxaana meelaha qaar ka bilaawday in ay la baxaan Agabkooda Ganacsi.
Dalka Koonfurka ayaa waxaa aad loogu dhiba ateeyaa Ganacsatada Soomaalida ah, waxaana ay mar walba la kulmaan, dil , dhaawac iyo in la boobo hantidooda.
12 qof oo ku dhintay shil bas oo ka dhacay Turkiga
Ugu yaraan 12 qof ayaa ku geeriyooday, 26 ka lana waa ku dhaawacmeen, ka dib markii uu gaari bas ah oo ay la socdeen muhaajiriin u kala dhash ay dalalka Afghanistan, Pakistan iyo Bangladesh uu shil ku galay bariga Turkey su bixii hore ee Shalay, sida ay shee geen maamulka deegaankaas.
Shilka ayaa ka dhacay degm ada Muradiye ee gobolka Van oo u dhaw xadka Turkigu uu la wadaago Iran, halka as oo uu dab ku qabsaday gaarigan kaddib markii uu ku dhacay god biyo-mareen ah. Milkiilihii bas kan ayaa la xiray, sida ay Reuters u sheegeen la ba ilo wareed oo xog-ogaal ah.
Turkiga ayaa marin muhiim ah u ahaa tahrii bayaasha doonaya inay u sii gudbaan Yurub.
Muhaajiriinta oo badankood ka yimid Iran, Af -ghanistan iyo Pakistan, waxay si joogto ah uga gu dbaan xadka Iran ee dhanka Turkiga iyaga oo lug eynaya kahor inta aan loo qaadin dhanka galbeed ee magaalooyinka sida Istanbul iyo Ankara.
Amiir caan ah oo muslim ah oo laga afduubtay Gurigiisa oo ku yaala dalka Nigeria.
Amiir caan ah oo muslim ah oo lagu magaca abo Al Xassan Adamu Kajuru ayaa laga afduu btay gurigiisa oo ku yaala Waqooyi Galbeed gobolka Kaduna ee dalka Nigeria.
Waxaa lala afduubtay 12 qof oo qaraabadiisa ah oo uu ilmo aad u yar ka mid yahay.
Wararka ayaa sheegay in Amiirka uu sii oga aday in weerar lagu soo yahay, kadibna uu cii damada militariga ka codsaday in ay illaalo dhee raad ah u keenaan, bals amarkaasi lama fulin.
Mid Kamid Ah Dalalka Khaliijka Oo Ka Biyo Diidan Inuu Xiriir La Yeesho Israa’iil
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Sayid Ba dar Bin Xamad Bin Xamuud Al-busaydi waxa uu ha dalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Wargeyska Asharq Al-Awsat ee saldhigiisa dhexe ku yaallo magaalada London ee dalka Britain.
"Marnaba, Cumaan ma noqon doonto dalka sad exaad ee Gacanka Carbeed ee Xiriirka Diplomasi la yeeshay Israel” ayuu yiri Wasiirka oo wax laga weydiiyey Wicitaan uu dha waan la yeeshay dhigiisa Israel, Yair Lapid.
Waxa uu hadalkaasi kaga jawaabay war ay Warbaahinta Dowladda Cumaan bishii hore ku shaacisay Wada-hadalka Telefoon ee labada Wasiir Arrimo Dibedeed ee Cumaan iyo Israel dhex maray.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dal kaasi, Sayid Badar Bin Xamad Bin Xamuud Al-bu saydi waxa uu tilmaamay inuu dalkiisa taageersan yahay Xaqiijinta Nabad waarta oo caddaalad ah, isla markaana asaas looga dhigo xalka Labada Dowla dood ee Qaddiyada Falastiin iyo Israel.
Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyey inay arrintaasi tahay Ikhtiyaarka ama xulashada keliya ee lagu xalin karo arrintaasi.
"Waxaan taageeraynaa Xuquuqda Sharciga ee dad ka Reer Falastiin leeyihiin, waxaana xushmeyn doo naa Go’aanadda Madax-banaanida Dowladaha, iya gana waxaan ka rajeynaynaa inay xushmeeyaan Go’aanadeena madaxa-banaan” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Cumaan oo Wareysi siiyey Wargeyska Asharq Al-Awsat.
Dumar Muslimiin ah oo iyaga oo aan ogeyn la xaraashay
Booliiska dalka India ayaa bilaabay inay baa raan sida toboneeyo dumar Muslimiin ah si been ab uur ah loogu "xaraashay” dhanka internet-ka iyaga oo aan ka warqabin, waana kiis ay dhibane yaashu ku sheegeen inay muujineyso isla amnac aybka sii kordhaya ee dal kaasi, waakaladda wararka AFP ayaa soo warisay.
Sawirro in ka badan 80 dumar ah ayaa lagu warramayaa in toddob aadyadii la soo dhaafay la geliyay barta GitHub iya doo ciwaan looga dhigay "Sulli deal of the day”. "Sulli” waa eray loo isticmaalo si loo sharaf dilo haw eenka Muslimiinta ah.
Hana Mohsin Khan, oo ah duuliye diyaaradeed, ayaa toddobaadkii hore waxaa wargeliyay saaxiibte ed oo u dirtay barta lagu daabacay sawirrada dum arkan. "Sawirka afaraad waxa uu ahaa keyga. Waxa ay ii xaraashayeen sidii inaan addoon u ahay,” ayay u sheegtay AFP. "Illaa maalintii aan arkay aad baan u careysnahay.”
GitHub ayaa sheegtay in ay hadda xannibtay akkoon nada sawirrada daabacay oo ay sheegtay in ay ku xadgudbeen siyaasaddeeda ku aadan dhibaateynta, takoorka iyo kicinta rabshadaha.
Booliiska magaalada Delhi ayaa xareeyay dacwado, laakin waxa aan la ogeyn shakhsiyaadka ku kacay falkan oo qariyay aqqoonsigooda.
Sania Ahmad, oo 34 jir ah, ayaa iyana toddobaadkii hore aragtay "in lagu iibinayo” online-ka, waxayna far ta ku fiiqeysaa waxa ay ugu yeertay guutada inter netka ee xagjiriin Hinduu ah oo sanadihii danbe sii badanayay.
In badan oo ka mid ah 170-ka milyan ee muslimiin ta India ayaa sheegaya in tan iyo 2014-kii oo uu xisb iga BJP ee ra’iisulwasaare Narendra Modi qabtay xukunka ay dareemayaan in ay yihiin muwaadiniin heerka labaad ah.AFP + VOA
China oo wacad ku martay in ay ka aar gudan eyso tallaabo uu qaaday MAREYKANKA
China ayaa Shalay wacad ku martay inay aarg udan doonto, waxayna sheegtay inay "si xooggan u ga soo horjeeddo” in 23 shirkadood oo dalkaas laga leeyahay lagu daro liiska madow ee dhaqaalaha ee Mareykanka, sababo la xiriira tuhunno xadgudubyo xuquuqda aadanaha iyo xiriiro milit ari.
Wasaaradda Ganacsiga Shiinaha ayaa bayaan ay soo saartay ku shee gtay in ku daritaanka hay’adahan ee liiska "ay tahay xadgudub weyn oo lagu sameeyey xeerarka caalamiga ah ee ganacsiga iyo dhaqaala ha” iyo "caburin aan sa bab laheyn” oo lagu sameey ey shirkadaha Shiinaha.
Beijing "waxay qaadi doontaa tallaabooyinka laga ma maarmaanka ah si ay u ilaaliso xuquuqda sharc iga ah iyo danaha Shiinaha,” ayey tiri wasaaradda, sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay.
Wasaaradda Ganacsiga Mareykanka ayaa Jimc ihii14 shirkadood iyo hay’ado kale ku dartay liis ka madow ee dhaqaalaha, ayada oo sheegtay "inay ku lug leeyihiin xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, iyo fulinta ololaha Shiinaha ee caburinta, wadar xabiska iyo ilaalo ka haynta qowmiyadaha Uyghurs, Kazakhs iyo xubnaha kale ee muslimiinta laga tirada badan yahay ee gobolka Xinjiang.”
Beijing waa ay beenisay eedeymahan xadgudu byo. Shirkadaha lagu daro liiska madow ayaa ba danaa waxaa looga baahan yahay inay ruqsad wey diistaan Wasaaradda Ganacsiga, waxayna wajaha an baaritaan dheer marka ay doonayaan fasax ay qalab kaga iibsadaan shirkadaha Mareykanka.
Washington ayaa sidoo kale liiskan ku dartay 5 hay’adood oo ay sheegtay inay si toos ah u tageera an barnaamijyada casriyeynta ee militariga Shiinaha.
REUTERS + VOA
Qarax lala beegsaday Ciiddamo Maraykanka ee ku sugan Siiriya
Sarkaal ka tirsan Milliteriga Maraykanka ayaa xa qiijiyey inay Ciiddankaasi weerar kala kulmeen Bar iga dalkaasi, inkastoo uusan jirin khasaaro soo gaaray ciiddanka iyo gaadiidkii ay la socdeen.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay in weerarkaasi oo aan toos ahayn waxa uu ka dhacay Wershadda G aaska Dabiiciga ee KONO ee Bariga dalka Syria, is la markaanaa ay Ciiddanka ka fal-celiyeen weer arkaasi.
Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Syria ee SANA ayaa sheegtay inuu qarax ka dhacay Wersh adda Gaaska ee KONOKO oo ku taalla meel ku dhow Saldhigga ay Ciiddanka Maraykanka ku leeyi hiin Gobalka Deyr Es-suur ee Bariga dalka Syria.
Milliteriga Maraykanka waxay dhowr Fariisin ku leeyihiin gudaha dalka Syria, kuwaasi oo ay ugu muhiimsan yihiin Xarumaha Shidaalka iyo Gaaska laga soo saaro ee Al-Cumar Oil iyo KONO ee Magaa lada Deir Ezzor iyo Sadlhiga Al-Tanaf oo ku yaalla K/bari ee dalka Syria. Dhinaca kale, Afhayeenka Wa axda Difaaca Mara ykanka ee The Pentagon, John Kirby waxa uu wala ac xooggan ka muujiyey weer aradii dhawaan lala be egsaday Saldhigyada Maray kanka ku leeyihiin dal alka Syria iyo Iraq.
Xaaska Madaxweynihii hore ee Haiti oo ka hadashay dilka Seygeedii
Xaaska Madaxweynihii hore ee dalka Haiti Mar tine Moïse ayaa ka sheekeysay sida loo diley seyg eedii oo ahaa Madaxweynihii dalka Haiti Martine Moïse waxay sheegt ay in kooxda hubeysan ay guriga u gu soo dhacene isla markaana ay rasaas ku fureen seygiidii isagoo awoodi waayay inuu hal erey yiraahdo.
Mrs Moïse ayaa sidoo kale ku dhaawacantay we erarka,waxaana loo duuliyay Miami si loogu soo daweeyo. Sabtidii waxay farriin cod ah soo dhigtay boggeeda Twitter-ka iyada oo ku dhaaraneysa inay sii wadi doono shaqadii uu waday.
Tiro dad ah ayaa xaqiijiyay in codkaasi uu yahay midka marwada madaxweynaha. "Muddo ilbiriqsi ah, ayay calooshood u shaqeystayaal gurigeyga soo ga leen, waxayna ninkayga ku rideen rasaas,” ayay ku tiri Mrs Moïse codka ay so duubtay, iyada oo ka she ekeyneysa xilligii kuwa weerarka soo qaaday ay dile en ninkeeda.
Booliska ayaa warbaahinta u soo bandhigay qaar ka mid ah ragga laga shakisan yahay. Wax aa kale oo la soo bandhigay hub, rasaas iyo baas aboorro.
"Ficilkani ma lahan magac sababtoo ah waa inaad noqotaa dambiile aan xad lahayn marka aad dilayso madaxweyne sida Jovenel Moïse, adigoon xitaa furs ad u siinin inuu hal eray dhaho,” ayay sii raacisay.
Waxay soo sheegtay in ninkeeda loo bartilma ameedsaday sababo siyaasadeed awgood – gaar ah aan, iyadoo xustay afti loo qaado isbeddelka dastuur ka ay siin laheyd madaxweynaha awood dheeri ah.
Mr Moïse, oo 53 jir ah, wuxuu uu ahaa madax weynaha dalka Haiti, oo ah wadanka ugu sabo olsan Ameerika, ilaa 2017. Waqtigii uu xafiiska hayay wax aa loo jeediyay eedeymo musuqmaasuq waxaana jir ay banaanba xyo baahsan oo ka dhacay caasimada iyo maga alo oyin kale horaantii sanadkan.
Doorashooyinka baarlamaanka waxay ahayd in la qabto Oktoobar 2019 laakiin khilaafaadka ay aa dib u dhigay, taas oo macnaheedu tahay in Mr Moï se uu ku xukumayay dalkaasi digreeto.
Wuxuu qorsheynayay in bisha September afti loo qaado isbeddel la soo jeediyay in lagu sameeyo dast uurka dalkaasi
Weerar Loo Adeegsaday Tooreey Oo Ka Dhacay Faransiiska
Hal qof ayaa lagu dilay, mid kalena waa lagu dha awacay weerarkaasi oo Habeen hore ka dhacay Degmdda Klaye Soyli oo u dhow caasimadda dalkaasi ee Pari s,sida ay shaaciyeen Hay’addaha Ammaanka. Nin ku hubeysanaa Tooreey oo u dhashay dalka Senigal ayaana la qabtay, kaasi oo la sheeg ay in To orey ku dilay Nin dhallinyaro oo ka shaqeynayey Ba khaar lagu iib iyo Mobaylada, halka uu si xun u dha awcay qof ka mid ah Macaamiisha oo doonayey inuu kala dhex galo. Ninka la dilay oo ahaa Kaaliyaha Mamulaha Dukaanka lagu iibiyo Mobaylada ayaa la sheegay inuu ahaa 18-jir.
Dhinaca kale, Telefishinka dalka Faransiiska ee BFMTV waxa uu baahiyey in Ninka dilka geystay oo 62-jir ah uu ahaa qof horey Boliska ugu diiwaan ga shanaaDembiyo la xiriira Daroogada.
Muhaajiriin Badan Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Shil Gaari
12 qof ayaa k u geeriyootay, 20-kalena wey ku dhaawacmeen, kadib, markii uu la qalibmay Gaari Bas oo ay la socdeen Bariga dalka Turkiga. Wakaal ladda Wararka
Turkiga ee ANADOLUNEWS AGENCY ayaa she egtay inuu Baska Habeen hore ku qalibmay meel Tog ah oo u dhow Degmadda Yumakli ee Gobalka Van,kadibna uu dab ka kacay Baska ay Muhaajiriinta la socdeen.
Telefishinada dalka Turkiga waxay soo bandhige en Muuqaalada dadka Muhaajiriinta oo lagu daawayna yo hareeraha waddada, halka ay Koox aha Gur madka ay maydadka ka soo bixina yeen gudaha gaariga ku gubtay.
Lama shaacinin dalalka ay ka soo jeedaan Muh aajiriinta ku geeriyootay iyo kuwa ku dhaawacmay Shilka ka dhacay Bariga Turkiga.
Ma ogtahay in caado-go`a ay saameyn ku yeelan karto maskaxda haweenka?
Billowgii xirfaddeeda, Dr. Gayatri Devi, oo ku ta khasustay xanuunnada neerfaha kana howlgasha Is bitaalka Lenox Hill ee magaalada New York, iyo asx aabteeda ayaa sameeyay khalad: waxay cudurka asaasaqa ka daweeyeen haweeney la dhibtooneys ay caado-go'a.
Ka dib daaweyn badan, caafimaadka haweeney da ayaa soo hagaagay, markaas ka dib ayay Dr. De vi ogaatay calaamado kale - sida qofka oo xusuustu ay ka tagto, jahwareer - laga yaabo inay sababeen waxyaabo kale.
Dhibaatada dhanka garashada ee qofka ayaa to os loola xiriiryay hoos u dhaca deg degga ah ee hoormoonka estrogen, oo ah xaalad dhacda sanad ka dib caada dii ugu dambeysay ee ay haweeneydu heshay.
Arrintaas ay ka war heshay Dr. Devi waxay hor seedday in la baaro calaamadaha aan la garaneyn ee caado-go'a ee saameynta ku yeesha maskaxda.
Waxaa la yaab leh, haween badan ayaa la dhibtoo da arrintan balse lama oga waxa sababay. "Inta ba dan haweenka ay caadado ka tegi rabto [muddo ilaa 7ba sano ah] - waxaa ku bilaabata xusuusta oo ku yaraata sida xusuusashada dhacdoyin kii la soo dha afay iyo luqadda oo ku adkaa ta, amaba inay dhowr howl hal mar isku qabtaa," ayay Dr Devi u sheegtay BBC.
Marka ay haweenku sii gaboobaan, jir ku ma helo maaddo badan oo estrogen ah
Waxay saameysaa xusuusta sida marka ay haween eydu aaddo dukaanka ee ay illo wdo wiixi ay doone ysay inay soo iibsato, ayay tiri Pauline Maki, oo maa ddada cilmu-nafsiga ka dhigta Jaamacadda Illinois, Chic ago ee Mareykanka.
Waxay saameysaa awoodda aan sheek ooyin u ga sheekeyn lahayn, aan uga qeyb geli lahayn wada sheekeysiga shirarka. Iyo in hadhow la soo xusuusto wixii laga had lay.Dhibaatadu way ka qaro weyn ta hay intii loo male ynayay "Daraasaddeenna wax aan ku ogaannay in inta badan haweenku ay la dhibtoo daan xaaladan halka boqolkiiba 10 kuwii ka qeyb qaatay baar itaanka ay ku guul darrey steen inay soo xusuustaan wiixi laga fila yay inay gartaan marka da'dooda loo eego," ayay tiri Prof Maki.
"Balse caqabaddu ma weyna mana saa meyney so inay gutaan waajibaadkooda shaqada."
Sida ay aaminsan tahay Dr. Devi, "ku dhowaad boqolkiiba 60 haweenka ay caad ad ka go'i rabto iyo kuwa ay ka go'dayba waxay la kulmaan dhibaabooyi nka dhanka garashada ah, balse arrintan ayaa wa xaa lagu xaqiijin karaa baaritaan caafimaad.
Maxaa keenaya isbeddelkan?
Mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ayaa ah in maskadxa ay leedahya hoorm oonka estrogen oo ku keydsan agagaarka qeyb yar oo ka mid ah mas kaxda oo qaabi lsan keydinta xusuusta.
Baaritaan lagu sameeyay haween ugxaantoodu ay ku jiraan hoormoonka est rogen sare ah, ayaa mu ujinaya in awooddo oda garashada ay saddex jeer badatay marka la siiyay dawooyiin sare u qaada hoo rmoonkaas, says Prof Maki.
Dhididka habeenkii malala xiriirin karaa xusuusta?
"Balse keliya maaha hoos u dhaca hor moonkaas waxa sababaya xaaladdan. Wa xaa jira waxyaabo kale oo xisabata lagu da rsna karo sida hurdo la'aan ta," ayay tiri Re becca Thurston, oo cilmu-nafsiga ka dhigta Jaamacadda Pittsburgh.
"Inta ay caado-go'a jirto, ilaa boqol kiiba 60 haw eenka ayaa la kulma hurdo la'aan," ayay tiri.
Hurdo la'aanta waxay saameysaa xus uusta mas kaxda, waxayna kuleyl aad u dar an ku sii deysaan dhammaan jirka, taas oo sababta kuleyl jirka ah iyo nabro yaryar.
Marka laga soo tago hurdo la'aanta, ha weenka qaar ayaa sheegay inay habeenkii iska beddelaan dharka kadiib marka ay la kulmaan dhidid badan.
Hoormoonka estrogen sidoo kale ma saameeyaa jawiga qofka?
Haa, wuu saameyn karaa.La'aanta hoor moonka Estrogen wuxuu saameyn karaa maqaarka, taas oo ka dhigeysa haween eyda inay dareento qalleyl.
Isbeddel dhanka jawiga ah ayaa sidoo kale saameeya maskaxda.
Ceeb iyo jaahilnimo
Haddii xaaladdan ay saameyso haw een badan, maxaanan loo ogeyn?
Waxay u muuqataa inay jirto wacyigelin la'aan, iya doo caado-go'a ay weli ceeb ka tahay dhaqamo bad an dhexdooda. "Dhibaatadu waa xaaladdan waxay sa nado badan heysatay haween, waxaana la ga y aabaa inaysan ogeyn inay calaamad u tahay caado-go'a."
Waa maxay calaamadaha caado-go'a?
•Isbedello ku yimaada xilliga caadada (caadowareer)
•Xaddiga dhiigga caadada (mid culus ama khafiif ah)
•Qalleyl hoos ah, •Hurdo la'aan,•Wadno garaac
•Jir xanuun,•dareen murugo ah,•Murqo xanuun
• Caabuq kaadida ah,Lafuhu daciif ayay noqdaan ka dib caado-go'a,
DAAWADA
Khubarrada ayaa sheegay inay jiraan qaabab ba dan oo haweenka looga caawin karo inay la tac aalaan isbeddellada jir iyo maskax ahaaneed ee ay sababto caado-go'a.
Haweenka ayaa lagula taliyay in caa do-go'a ka dib ay ku dadaalaan cunto isku dheelli-tiran, ay ka fog aadaan cuntada ay dufantu ku badan tahay, ayna cunaan ku wa ay birtu ku badan tahay si ay laf uhu u gu kobcaan isla markaana aysna ugu dhic in xanuunnada wadnaha.
Inay sameeyaan jimicsi si uu uga yaraa do walba haarka, isku buuqa isla markaana aysan ugu dhicin xanuunnada wadnaha.
XIGASHO:BBC
BOGGA CIYAARAHA
Lionel Messi oo ku guulaystay koobkii ugu horreeyay ee Copa America kaddib markii Argent ina ay finaalka koobkaasi ku garaacday Brazil
Lionel Messi ayaa waxa uu soo afjaray sugitaankiisii koobkii ugu horreeyay ee caalami ah kaddib markii Argentina ay finaalka koobka Copa America ku gara acday xulka kubadda cagta ee Brazil ciyaartaas oo ka dhacday garoonka Rio Maracana.
Messi oo 34 jir ah ayaa garoon ka isku riday farxad awadeed markii garsooruhu uu ku dhawaaqay seeriga dhammaad ka ciyaarta, isla markiiba waxaa ku soo orday saaxiibadii xulka qaranka, markaas oo ay inta ay kor u qaadeen sare u tuureen, sidaasna waxa uu ciyaaryahan kaasi ku gaaray heer sare oo isaga iyo dalkiisaba uu gaarsiiyay tartankiisii 10-aad ee heer caalami ah.
Sidoo kale waxa uu Argentina ka caawiyay inay soo afjarto 28 sanadood oo ah markii ugu dambaysay oo ay tartanka qaadaan, Messi-na waxaa loo magic aabay inuu ahaa ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa tartanka kaas oo uu afar gool ku dhaliyay.
Angel di Maria ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta weliba si qurux badan ayuu u dhaliyay, kaddib markii uu ka faa'iidaystay baas uu u soo dhigay Rodrigo de Paul.
Messi ayaa helay fursad uu ciyaarta dhinac ugu ridi karay hasayeeshee go olka ayuu ku simbiririxooday, sidaas ayuuna ku lumiyay wax u muuqanayay fii naal cajiib ah oo soo maray kabtanka Argentina.
Xulka koobka difaacanayay ee Brazil ayaa ka niyadjabay markii ay ka faa'Iida ysan waayeen fursadihii ay ka khasaariyeen Richarlison iyo Gabriel Barbosa, kuwaas oo uu shabaqiisa ka badbaadiyay Emi Martinez.
Si ka duwan sida uu u dabaaldegay Messi ayaa ciyaaryahanka nambarka 10-aad u wata xulka Brazil ee ay Barcelona u soo wada ciyaari jireen ee Neymar ayey ilmo soo dhaaftay markii la yeeriyay seerigii dhammaadka ciyaarta, isagoo weli ciyaaryahankaas uu baadigoobayo guushiisa caalamiga ah, maadaama uus an dheelin tartankii 2019 ee ay Brazil qaadday koobka Copa America, markaas oo uu dhaawac ku maqnaa.
Labada ciyaaryahan ayaa ka soo wada dheelay garoonka Nou Camp intii u dhaxaysay 2013 illaa 2017 ka hor inta uusan laacib reer Brazil u dhaqaaqin dhin acaas iyo kooxda Paris St-Germain, ayaa laabta muddo isku hayay intii la su gayay bilaabmashada xafladda koobka.
Ciyaarta waxaa daawaday 7,000 oo qof oo garoonka marti ku aheyd waana markii ugu horraysay tartankaasi sanadkan ee ay daawadayaal garoonka loo ogolaaday, fayraska karona awadii.
Taageerayaasha Brazil ayaa qaylinayay markasta oo ay kubaddu lugta u gasho Messi.
Tartanka ayaa dib loo dhigay muddo sanad ah cudurka safmarka ah awadii iyadoo dalalka Colombia iyo Argentina oo martigelin lahaana laga wareejiyay oo daqiiqadiihii ugu dambeeyay loo weeciyay Brazil oo martigelisay midkii 2019-ka, arrintaas oo horseedday dhaleecayn badan maadaama xaalada cudurkaasi ee dalkaasi ay sare u socdeen.
Messi oo ugu dambayntii ka soo dhalaalay heerka caalamiga ah Waa ay iska caddayd sida ka muuqatay dabaaldegga Argentina ee uu udub dhexaadka u ahaa Messi in farriinta ay dirayaan ay aheyd in laacibkooda iyo qarankuba ay guul muhiim ah gaareen.
15 sanadood ka hor ayey aheyd markii ugu horraysay ee uu Messi dalkiisa Argentina ku matelo heer caalami ah, isagoo ka qeyb qaatay 4 Koob oo Adduu nka ah iyo lix koobka Copa America ah, halkaas oo uu ku dheelay 53 ciyaaro, ugu dambaynna waxa uu ku guulaystay koobkii ugu horreeyay ee caalami ah.
Walow uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu koob qaadista badan ugu xirfadda bad an waqtigan la joogo ama xitaa guud ahaan ciyaaraha kubadda cagta, isagoo Me ssi uu ku guulaystay 10 La Liga-ha Spain ah, afar Champions League iyo lix bil lada laacibka adduunka ee Ballon D'Or ah, ayaa waxa ay su'aal ka taagneyd sida uusan saamayn ugu lahayn heerka caalamiga ah arrintaas oo saamayn ku laheyd taariikhdiisa.
Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay ku doodaan in ciyaarahanka uu bannaan ka soo dhigay sida uu u yahay halyey wayn, ayaa haddana ka sokow waxa uu u qabtay xulkiisa Argentina, taariikhdiisa waxa sare u soo qaadaysa koobka wayn ee uu dalkiisa u qaaday.
Dhowr jeer ooh ore ayuu ciyaaryahankan ku guuldarraystay inuu xulkiisa koob wayn u qaado oo mar ayuuba shaaciyay inuu ciyaaraha caalamiga ah ka fariistay walow uu markii dambe go'aankaas ka laabtay, arrintaas oo ku timid markii uu ku guuldarraystay fiinaalkii Copa America ee 2016, markaas oo markii saddexaad ee guuldarra ah u aheyd, arrintaas oo sidoo kale timid laba sanadood uun kaddib markii loogaga guulaystay fiinaalka Koobkii Adduunka ee 2014.Boqoradda & RW UK OO FARRIIN U DIRAY XULKA INGIRIISKA & MACALLINKOODA OO KA DIGEY ANSHAX XUMO…
London:– Macallinka Ingiriiska ee Gareth Southgate ayaa la hadlay laacibii nta Xulka Ingiriiska iyo taageerayaashiisa kahor kulanka Xalay ee Wembley Stadium.
"Waa cajiib farriinta nooga timid Boqoradda iyo Raysal Wasaaradaha UK, wii lashu howl fiican ayay qabtaan, waxaana dhamaadka u joognaa inaan badinno oo aan koobka qaadno” ayuu yiri.
Macallin Southgate ayaa dhanka kale farriin u diray taageeraya asha Ingiriiska oo inta badan lagu yaqaanno inay foowdo ka sam eeyaan tartamada caalamiga ah.
"Waa muhim inaad had iyo goor xushmaysaan kooxda idinla ciyaaraysa, waa caadi in firimbiga la adeegsado oo kooxda kale lagu cabsi geliyo inta ay ciyaartu socoto, balse waa inaan lagu yeerin astaanta calanka dalka kale.” ayuu usoo jeediyey Southgate.
Macallinka ayaa sidoo kale sheegay in uusan jeclayn kelmadda ‘Football Co ming Home’, taasoo uu sheegay in muddo 15 sanadood ah uu xanuunsanayey markii uu maqlo, isagoo sidoo kale ka digey in kooxda marna la amaano marka ay wax ka khaldamaanna cambaarayn lagu fataho sida kulankii Scotland, isagoo soo jeediyey in dadka Ingirisku bartaan sida loola macaamilo tartamada caal amiga ah.
Taageerayaasha Ingiriiska ayaa horay ugu fooriyey astaanka Calanka Jarm anka iyo dalal kale oo ay wajaheen intii uu tartankani soconayey
XULKA QARANKA TALIYAANIGA OO 53 SANO KADIB KU GUULEYSTAY KOOBKA YURUB EE UEFA EURO 2020
Ciyaar adag oo garoonka Wembley ee ku yaallo waqooyiga magaalada Lon don ku dhex martay wadamada Taliyaaniga iyo Ingiriiska, ayaa guushu waxay ku raacday dalka Taliyaaniga oo markoodii labaad ku guuleystay koobka horyaalada Yurub ee loo yaqaano UEFA Euro.
Ciyaarta oo xilligii loogu tala-galay ee sagaashanka daqiiqo ku dhammaatay 1 iyo 1, ayaa waxaa lagu daray 30 daqiiqo oo dheeraad ah taasoo aanan waxba ka beddelin natiijada ciyaarta.
Waxaana loo dhigay labada dal rigoo rayaal ama gool ku laadyo ay 3 iyo 2 guu shu ku raacday wadanka Taliyaaniga. Iya doo sadddex rigoore oo isku xiga laga qabtay Ingiriiska.
Xiddigaha lagu naaneyso Gli Azzurri ee Taliyaaniga oo ka mid ah xulalka ugu guulaha badan taariikhda Koobka Addu unka, ayaa sannadkaan mar kale sii badsaday tirada koobabka uu qaaday.
Xulkaan oo markii ugu dambeysay ee koobka Yurub uu ku guuleysto ay ahe yd 53 sano ka hor sanadii 1968-kii ayaa sannadkaan soo bandhigay ciyaar qurux badan, waxaana u suuro gasho mudo dheer ka dib iney hantiyaan koobkaas.
Sanadihii la soo dhafay labo mar ayuu Taliyaanigu yimid final-ka tartankaan, waxayna kala ahaayeen sannadihii 2000 iyo 2012-kii balse wakhtiyadaas uma suuro galanin iney ku guuleystaan Koobka Yurub.
Ugu dambeyn Taliyaaniga koob caalami ah oo ay ku guuleystaan waxaa ogu dambeysay sanadkii 2006-dii oo ay qaadeen koobka adduunka, balse taariikhda ayaa mar kale waxaa lagu qori doonaa in Italy ay sannadkaan 2021, ku guuleysa teen tartanka Yurub ee Euro 2020 oo sannadkii hore u baaqday cudurka Covid-19 dartiis.
DAD KU GEERIYOODAY QARAX LALA BEEGSADAY XARUNTA LAGU CIYAARO KUBADDA CAGTA
4 qof ayaa ku geeriyootay, 4 kalena wey ku dhaawacmeen Qarax Fiidnimadii Habeen hore lala beegsaday Xarunta Naadiga Ciyaaraha ee Al-Amiiriyah ee dalka Sudan.
Dadka ku geeriyooday weerarkaasi waxaa ka mid ahaa Hooyo iyo ilmo yar.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dabley aan la aqoonin ay Bam gacmeed ku weerareen dhismaha uu Naadiga asi ku leeyahay Xaafadda Salboona ee magaalo xeeb eedka Port Sudan ee Walaayadda Baxrul-Axmar ee kaabiga ku haysa xeebta Badda Cas.
Dableyda weerarka geystay oo tiradooda lagu sheegay ilaa 3 qof ayaa waxay kaloo toogasho ku dhaawaceen 2 kale oo ka cararay Xarunta la weeraray.
Dhinaca kale, Dhallinyarada Xaafadda uu dilku ka dhacay waxaa u suurto-ga shay inay naafeeyaan Mooto ay ku baxsan lahaayeen dableydii, waxayna gacan ta ku dhigaan mid ka mid ah dablaydii, halka ay labada kalena orod ku baxsade en.Hadal ka soo baxay Boliska M/Port Sudan waxay sheegeen inay wadaan Baa ritaanka kooxdii weerarka geysatay, iyagoo Xog-wareysi la leh Shaqsiga ka mid ka ahaa dableyda ee gacanta lagu dhigay.
HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 12-JULY 2021
.