War wayn: Ma jirto dad Soomaali ah oo kelyaha iyo beerka loogala baxay dalka Masar

0
Monday April 11, 2016 - 19:08:37 in Wararka by
  • Visits: 597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War wayn: Ma jirto dad Soomaali ah oo kelyaha iyo beerka loogala baxay dalka Masar

    Iyadoo toddobaadkii hore barraha bulshada lagu baahiyay sawirro muujinaaya dad Somaliyeed oo qaliin looga sameeyay dhuunta illaa caloosha, laguna sheegay in lagala baxay kelyaha iyo beerka, ayaa waxaa taasi beeniyay qaar ka mid ah ehelada dadkaasi iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo toddobaadkii hore barraha bulshada lagu baahiyay sawirro muujinaaya dad Somaliyeed oo qaliin looga sameeyay dhuunta illaa caloosha, laguna sheegay in lagala baxay kelyaha iyo beerka, ayaa waxaa taasi beeniyay qaar ka mid ah ehelada dadkaasi iyo Safaaradda Somalida ee dalkaasi.

Sawirradan waxay dareen argagax badan leh ay ku beereen bulshada Somaliyeed, waxayna taasi keentay in dadka qaarkii oo wadaniyad muujinaaya inay u diyaargaroobaan dibadbaxyo ka dhan ah Masar.

Fasrdowsa Maxamed Cali oo ka mid ah ehelada dadkaasi, ayaa Somalida u sheegtay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaaya in dad Somaliyeed kelyaha iyo beerka loogala baxay Magaalada Alexandria.

Fardowsa waxay sheegtay in dadkaasi ay ku geeriyoodeen badda, isla-markaana aanay jirin cid dishay, kalana baxday kelyaha. Waxay Sidoo kale Somalidu ugu baaqday inay joojiyaan bannaanbaxyada ka dhanka ah Masar.

Sidoo kale Safaaradda Somalida ee Magaalada Qaahira, ayaa waxay xaqiijisay in been abuur yihiin wararka ku aadan in dad Somaliyeed lagu dilay dalkaasi, isla-markaana loogala baxay kelyaha iyo beerka.

"Safaaradda Somaliyeed ee dalka Masar waxay xaqiijinaysaa inaanay waxba ka jirin wararka sheegaaya in dadkaasi la dilay, isla-markaana lagala baxay xubnaha jirkooda. Qaliinka lagu sameeyay meydadka ayaa ahaa mid lagu baaraayo waxa keenay dhimashada dadkaasi, waxaana qaliinkaasi lagu sameeyay dhammaan dhibanayaasha oo u kala dhashay dalalka Masar, Sudan, Somaliya, Kenya iyo Itoobiya.” Ayaa lagu yiri Bayaanka.

Maalmaha soo socda, ayaa waxaa lagu wadaa in meydadka sideeda qof ee Somalida lagu aaso Magaalada Qaahira, waxaana socda abaabul ay isaga kaashanayaan ehelada dadkaasi iyo Safaaradda Somalida.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO DULQAADKA MEDIA



 

XIGASHO:-DULQAADKA.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip