HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 11-JULY 2021

0
Sunday July 11, 2021 - 08:58:20 in Wararka by
  • Visits: 477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 11-JULY 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

RW Rooble oo kulamo ka billaabay Garbahaarey

R/ Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan M/Garbahaaray ee G/ Gedo, ayaa halkaasi oo ka billaabay kulamo la xiriira arrimaha doorash ooyinka.

Ra’iisul wasa araha ayaa kul amo gaar gaar ah la qaadanaya qe ybaha kala duwan ee shacabka gobolka Gedo, iy adoona shirarkaasi looga hadl ayo arrimaha doo rashooyinka.

M/Garbahaarey ayaa kamid meelaha ay doorash ada xildhibaanada, waxaana uu R/Wasaaraha uu dhagax dhigay garoonka kubadda cagta ee deg mada oo dib u dhis lagu sameyn doono.

Rooble ayaa kormeer ku soo maray xeryaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gaarba harreey ku yaalla, isaga oo u kuura-gallay xaala dda askarta halkaasi ku xareysan.

RW/Rooble, ayaa 3-dii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa M/Kismaayo ee xarunta kmg ah ee D/G/Jubaland, halkaas oo uu wadahadallo kula lahaa madaxweynaha Jubaland Axmed Max amed Islam iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada

Safarka R/Wasaaraha ayaa qeyb ka ah dardar galinta hannaanka doorashooyin, madaama mag aalooyinka Kismaayo iyo Garbaharey ay yihiin 2 magaalo oo ay ka dhici doonto doorashada xubn aha labada aqal ee Baarlamaanka Federalka ee ay deegaan doorashadooodu tahay Jubaland.

Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay qaraxa

Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 30 Ruux oo isugu jira, askar iyo dad Shacab ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax Gaari loo adeegsaday oo lagu weeraray Gaadiid uu watay Taliyaha qe ybta Booliska G/Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole.

Xilliga qaraxa lagu weera rayay Kolonyada Ga adiidka ee uu la socday Taliyaha qe ybta Booliska G/Banaadir ay aa waxaa ay marayeen waddada ka leexata Isgo yska Banaadir ee Aadda Isbitaalka Madiina, isla markaana hormarta Xerada Ciidama da ee Villa Baydhabo, waxaana la sheegay in qaraxa lagu dhuftay Gaariga uu saarnaa Taliye Farxaan Qar oole,.kaas oo ahaa nooca aan xab ada karin.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa qoraal kooban oo ka soo baxay waxaa lagu shee gay in taliyaha uu ka badnaaday, balse uu jiro kha saaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay.

Dadka qaraxa ku dhintay & kuwa ku dhaawacm ay ayaa isugu jira qaar kamid ah ilaalada Taliya ha, dad waddada marayay oo qaarkood watay Mo otooyin Bajaaj iyo dad Goobo Ganacsi ku leh ha reeraha waddada u dhaxeeysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalka Madiina.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa lagu weeraray Taliyaha qeybta Booliska G/Banaa dir, waxaana ay aheegeen in qaraxa ay ku dileen askar farabadan

Rooble oo shaaciyey cidda uu kala xisaabt amayo kuraasta laba aqal ee Jubbaland

R/Wasaaraha XS Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalmo uu joogay Kismaayo kadib Shalay u am babaxay M/Garbahaarey ee G/Gedo halkaas oo ay taalo qaar ka tirsan kuraasta aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya. R/W/Rooble ayaa madaxweyn aha Jubbaland Axmed Madoobe oo ka sagootiyey garoonka Di ya aradaha ee Kis maayo kula dardaa rmay inuu guto waajibka ka saaran doorashada kuraasta 2da Aqal ee taalo Jubbaland. R/W/R ooble ay aa sheegay inuu Maamul ka Ju bba land ee uu hoggaamiye Axmed Madoobe kala xisaabtami doono doorashada kuraasta taalo Kis maayo iyo Garbaharey.

"Jubbaland waxa aan kala xisaabtamayaa Do orashooyinka Kismaayo & Garbahaarey, Madaxw eyne waa inaad gudataa mas’uuliyadda kaa saar an doorashada 2daas Degmo” ayuu yiri R/Wasa are Maxamed Xuseen Rooble.

R/Wasaaraha ayaa ka hor inta uusan ka amba baxin M/Kismaayo waxaa uu kormeeray goobta Magaalada Kismaayo looga diyaariyay inay ka dhacdo doorashada 2da Aqal, isaga oo kulan dar daaran ahaa la qaatay Guddiga doorashooyinka Jubbaland.

Md.Rooble ayaa tilmaamay in safarkiisa Kisma ayo uu soo gaba-gabeeyay, qorshaha 2baad waa Degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Ge do si uu ula kulmo qaybaha kala duwan ee Maa mulka & Bulshada Magaaladaas.

R/Wasaarah XFS ee xilgaarsiinta Md. Rooble oo ay wehlinayaan Guddigii uu u magacaabay arr imaha G/Gedo ayaa waxaa ay degmada Garbah aareey uu kula kulmi doonaa Odayaasha Dhaqan ka iyo mas’uuliyiinta Maamulka G/Gedo si xal lo oga gaaro arrinta G/Gedo oo ay isku hayaan DFS iyo Maamulka Jubbaland.

Degmada Garbahaareey ee Xarunta G/Gedo ayaa waxaa ay ka mid tahay Goobaha ay ka dha cayaan doorashooyinka Xildhibaannada 2da Aqal, waxaana dhawaan la filayaa in la geeyo Ciidamo ka tirsan Boolisa AMISOM iyo kuwa dowladda si da uu dhigayay heshiiskii doorashada ee lagu gaaray Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale R/Wasaaraha oo hadlay ayaa shee gay in dhamaan uu booqan doono xarumaha loo Asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka, sida: Boosaaso, Garoowe, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Baraawe, Baydhabo, Jowhar iyo Beledweyne.

Guddoomiyaha degmada Garbahaarey oo la kulanka Roble ka dib xilka wareejinayo

Guddoomiyaha maamulka degmada Garb ahaarey ee xarunta G/Gedo, Xasan Sheekh Cilmi oo la hadlay wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaa day inuu diyaar u yahay inuu wareejiyo xilka uu hayo, si loo fuliyo heshiiskii laga gaaray doorasho oyinka Soomaaliya, sidoo kalena doorasho loogu qabto magaaladaasi.

Xasan Sheekh Cilmi ayaa tilm aamay ayaa tilmaamay inuu xil ka wareejin doono kadib mar ka uu la kulmo ra’iisul wasaar aha Soomaaliya oo sa acadaha soo socdo ku waj ahay M/Garbah aar ey oo xarun u ah G/Gedo ee K/ta dalka Somali ya

"Maayarka la badalayo aniga weeye, si ay u sa hlanaato qabsoomidda Doorashooyinka ee heshi isyada nuucyada badan laga gaaray waxa aan di yaar u ahay in aan wareejiyo xilka Guddoomiyaha D/Garbahaarey,” ayuu yiri guddoomiyaha degma da Garbahaarey.

Sidoo kale wuxuu sababta ku sheegay in uusan dooneyn inay dib u dhacdo doorashada Soomaa liya, isaga dartiis, gaar ahaan khilaafka siyaasad eed ee ka jira Garbahaarey.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi ku da ray inuu u tanaasulay dalka iyo dadka, si looga gu dbo khilaafka muddada dheer ragaadiyey doora shooyinka Soomaaliya."Wax dad qancin ah kama raadinayo in aan xil ka wareejiyo, ujeedada aan ku qancay ayaa ah in Doorashada xiligeeda ay ku dhacdo, maadaama aan fiiriyay dhibaatooyinka dalka uu ku jiro waxa aan go’aansaday in aan tanaasulo” ayuu raaciyey uddoomiyuhu. Heshiiskii Muqdisho lagu gaaray ee saldhigga u ah doorashooyinka dalka ayaa waxaa ka mid ah in Axmed Madoobe uu soo magacaabo maamul ka Garbahaarey, sidoo kalena la geeyo Boolis AMISOM, si magaaladaasi loogu qabatay doora shada kuraasta taal halkaas.

Si kastaba R/W/ Soomaaliya oo haatan ku sug an Kismaayo ayaa Shalay tegaya magaaladaasi, si loo dhammeystiro heshiiska doorashooyinka, wuxuuna sidoo kale u kuur-geli doonaa xaaladda magaaladaasi, maadaama lagu qabanayo doora sho.

Maamulka G/Banaadir Oo Amar Dul-Dhigay Shirkadaha Ka Shaqeeya Xoolaha Udxiyada

Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa M/Mu qdisho Md.Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Wa saarada Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble iyo Hay’ad daha ka shaqeeya qeybinta Udxiyadda, maadaama ee nagu soo food leedahay Ciidul Ax da, isla markaana la doonayo in Bulshada si hu fan loo gaarsiiyo Udxiyada.

Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa Hay’addaha ka shaqeeya qeybinta Udxiyada faray in xoolahalagu gowraco kawaanada xoolaha lagu qalo ee M/ Muqdisho, isla markaana laga fogaado in xoola ha lagu gowraco M/Dhaxdiisa ama goobo aan loo asteenin.

Duqa Muqdisho ayaa ku dar-daarmay in la ila aliyo Bad-qabka deegaanka iyo faya-dhowrka si Bilicda Magaalada Caasimadda loo ilaaliyo, sidoo kalena Shacabka loo gaarsiiyo Udxiyada.

M/Muqdisho ayaa waxaa aad loogu dareemay aa diyaar garowga Maalmaha Ciidul Adxa, iyadoo maalinta Ciida la gowraco xoolaha Udxiyada.

Garab ka mid ah Guddiga Doorashada Som aliland oo doortay Guddoomiye

Guddiga Maamulka Doorashada Somaliland ee Xildhibaannada 2da Aqal ayaa iska doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye kuxigeen, sida lagu shaaciyay barta Facebook ee Guddiga Dooras hada FIET. Khadar Xariir Xuseen ayaa loo door tay Guddoomiye, halka Najiib Xuseen Samaale loo doortay Kuxigeen.

Xubnaha is doortay ayaa ahaa 7 xubnood oo isugu jiray afar xubnood oo ka mid ahaa Guddigii 8-da Xubnood iyo 3 Xubnod oo ahaa xubn ihii dheer iga ee laga soo magacaabay Xafiiska R/Wasaaraha. Doorashada ayaa waxaa ka maqnaa afarta xubnood ee ka socday dhank G/ Cabdi Xaashi, waxaana xubnaha is doortay ay ahaayeen kuwii ka yimid dhanka R/Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed.

Sida muuqata khilaafkii Siyaasiyiinta 2da gar ab ee G/da Waqooyi ayaa dib u soo laba kacleeyay, iyadoo Guddidii labada garab ka yimid ay khilaafka darteed labo hotel u kala dageen.

Arrinta ugu weyn ee la isku hayay ayaa ahaa in aanay doorashda Guddoomiyaha Guddiga ka qeyb galin saddexda xubnood ee Xafiiska R/Was aaraha laga soo magacaabay, taasoo aheyd dood

ay qabeen Garabka Cabdi Xaashi.


Faah Faahin:-Hoobiyeyaal Kusoo Dhacay Agagaarka Xarunta Madaxtooyada

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay tirro ho obiyeyaal ah oo fiidnimadii Caawa ku soo dhacay xaafaddo ku teedsan Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Jugta ilaa iyo lix Madfac ayaa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Bana adir, kuwaasi oo qaarkood ku dhacay Hotelka Muna oo u dhow Beerta nabada, isla markaana Kaabiga ku haayo Madaxtooyada.

Sidoo kale dad ayaa waxaa ay ku warrameen in Madaafiicda ku dhaceen agagaarka Iskuulka Raage Ugaas, waxaana halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka.

Lama oga Khasaaraha ka dhashay Madaafi icda Caawa kusoo dhacay xaafaddo ku teedsan Xarunta Madaxtooyadda dalka iyo halka laga soo tuuray, iyadoona jugtooda laga maqlay degmooy inka Gobolka Banaadir

Dowladda ayaan welin ka hadlin weerarka Ma daafiicda ahaa, waxaana xusid mudan in falkaan uu kusoo aaday, iyada oo Shalay Qarax Is-miid aamiin ah lala beegsaday Taliyaha Ciidanka Bool iska G/Banaadir Farxaan Qaroole, balse uu ka ba dbaaday, sidoo kalena uu khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah.

Garabka Cabdi Xaashi ee guddiga doorasho oyinka oo doortay guddoon cusub

Xubnaha guddiga doorashada kuraasta xi ldhibaanada gobollada waqooyi ee Somaliland, gaar ahaan garabka uu soo magacaabay guddoo miyaha Aqalka Sare Cab di Xaashi Cabdullahi ayaa iska dhex doortay guddo omiye iyo guddoomiye ku xigeen.

Garabkaan oo ka kooban afar qof ayaa guddoo miye u doortay Suleyman Caydiid Cismaan, halka gudoomiye ku xigeen ay u doorteen Cabdishak uur Abiib Hayir.

Doorashadaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Shalay ay guddoon doorteen 7-dii xubnood oo ka le ee guddigaan, kuwaas oo afar kamid ah uu soo magacaabay Mahdi Guuleed, halka seddaxda kale uu soo magacaabay R/Wasaare Rooble.

Wasiirkii hore ee warfaafinta, Xildhibaan Max amed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ah siyaasi yiinta reer Somaliland ee la safan guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa qoraal uu soo dhigay Faceb ook-ga waxa uu hambalyo ugu diray xubnaha cus ub ee guddoonka ay u doorteen afartii xubnood ee Cabdi Xaashi uu soo magacaabay

"Waxaan hambalyo u dirayaa Gudoonka cu sub ee ay Shalay doorteen Gudiga Doorashada Xildhibaannada labada Gole ee Somaliland oo Gudoomiye u doortay Suleyman Caydiid Cisma an, Gudoomiye ku xigeenna u doortay Cabdisha kuur Abiib Hayir.Doorashada Gudoonka waxaa go objoog ka ahaa Gudiga Doorashada ee heer Fed eraal. waxaan Ilaahay uga baryayaa in uu u fudu deeyo xilka culus ee loo doortay,” ayuu qoraalki isa ku yiri Xildhibaan Maareeye.

Bogga Facebook ee Guddiga Doorashada FIET, ayaa Shalay lagu shaaciyey doorashada guddoonka 7-da xubnood ee Mahdi iyo Rooble ay soo magacaabeen, kuwaas Khadar Xariir Xuseen u doortay guddoomiyaha guddiga, halka guddoo miye ku xigeen ay u doorteen Najiib Xuseen Samaale.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka mid ah siyaasiyiinta garabka guddoomiye Cab di Xaashi, xubnaha ugu jira guddiga laguma soo war-gelin doorashadaan, waxayna ka war heleen garabkii kale oo doortay guddoon, taas oo keen tay in iyaguna ay caawa doortaan guddoon kale.

Sida muuqata khilaafkii siyaasiyiinta labada garab ee gobollada Waqooyi ayaa dib u soo laba kacleeyay, waxaana xubnaha guddiga ee labada garab markii horaba khilaafkaas dartiis loo kala dejiyey laba hotel.

Kolkii hore waxaa taagneed dood ah in gudd oonka ay soo doortaan 8-da xubnood oo ay soo kala magacaabeen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Gu uleed, iyadoo doorashada guddoonka aan laga qe yb gelineyn seddaxda xubnood ee uu soo maga caabay Rooble, waxaana doodaas keenay garab ka Cabdi Xaashi.Xigasho:-Caasimada.Net

Maxkamadda Ciidamada Oo Shalay Xukun Ku Riday Askari Dilay Xaaskiisa

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida qeybta 60-aad ee deegaanada Ko onfur Galbeed ayaa Shalay oo sabti ah xukun ku ridey laba askari oo dil ka geystay M/Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Dable Boolis Abaadir Isxaaq Nuur oo xaaskii sa ku diley xaafada isha ee Baydhabo ayaa Max kamadda Ciidamada ku ridey xukun dil ah, kadib markii Xafiiska xeer ilaalinta Maxkamada ku eedeysay in uu si Bareer ah u diley xaaskiisa.

Sido kale Maxkamadda ay aa xukun ku ridey Askari ka tirsanaa Ciidanka Du lmi-diim Dable Maxamed Buule Ahmed oo isna Baydhabo ku diley Maxruum lagu magacaabi jiray Ali Xasan Dooyow.

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada ayaa Maxamed Buule ku xukuntay Boqol halaad oo geel ah Magta Marxuumka uu diley ah iyo 5-sano oo Xabsi Ciidan ah, Sida uu Xukunka Uu ku dhawaaqeyo Guddoomiyaha Maxkamadda C/Q/Sida Qeybta 60-aad G/Sare Adan Abuukar Maxamed.

Si kastaba Maxkamadda CQS Qeybta 60-aad ayaa horey sidaan oo kale waxaa ay xukuno kala duwan oo isugu jiray dil iyo xarig ugu riday Askar ka tirsan Ciidanka dowladda oo dilal ka geystay deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Yuusuf Dabageed oo u sii gudbay Buulo-Burte

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle, Yuusuf Dabageed ayaa ugu damb eyn Beledweyn uga sii gudbay degmada Buulo-Burte ee isla gobolka Hiiraan, halkaas oo Shalay si weyn loogu soo dhoweeyey.

Yuusuf Dabageed oo hoggaaminayo wafdi ay qeyb ka yihiin xildhibaano, wasiiro, saraakiil ciidan iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaa gaaray ma gaalada Buulo-Burte.

U jeeda socdaalka madaxweyne ku xigeenka HirShabelle ayaa la xiriira xarig jarka xerada taliska qeybta 27-aad oo laga furi doono gudaha degmadaasi.

Sidoo kale Dabageed ayaa kulamo ku aadan xaaladda Buulo-Burte la qaadan doono mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha kala duwan bulshada ku dhaqan halkaasi

Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle sidoo kale inta uu ku sugan yahay halkaasi, waxa uu kormeeri doono xarumaha ciidamada iyo meelaha muhiimka ah ee magaaladaasi. Safarka Dabage ed ayaa kusoo aadayo, maalmo uun kadib, markii ay kasii dartay xiisada ka taagan Beledweyne ee u dhexeysa HirShabelle iyo Janaraalka gadood san ee Xuud. Generalka oo dhowaan gudaha u galay magaa lada ayaa maleeshiyaadkiisa iyo ciidanka ammaanka waxay isku rasaaseeyeen gudaha deg mada Beledweyne. HirShabelle ayaa weli wajah eysa dhibaatooyin is-biirsaday, sida khilaafka ka dhashay doorashadii hoggaanka maamulkaasi iyo fatahaadda webiga Shabelle ee Jowhar.

Ciidamo Howlgal Qorsheysan Ka Fuliyay Gaal kacyo Iyo Israsaaseyn Dhacday

Ciidanka ammaanka Maamulka Puntland ayaa xalay howlgal qorsheysan waxaa ay ka sameey een M/Gaalkacyo ee Xarunta G/Mudug, iyagoona ku soo qab qabtay kooxo ka Ganacsada maando oriyaha Khamriga.

Ciidamada ayaa howlgalka intiisa badan ka fuliyay goobo bartilmaameed u ahaa oo looga Ganacsanayay maandooriya ha Khamriga, isla markaana waxaa sigaar ah looga fuliy ay agagaarka Hotelka ee wa qooyi Gaalkacyo.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka ammaanka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu beegsaday shabakado ka Ganac sada Khamriga laga keeno gudaha dalka Itoobiya, kuwaasi oo ay xuseen in dadka dhibaato ku haa yeen.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayan in inta uu socday howlgalka ay Israsaaseyn koo ban dhexmartay Ciidanka amniga Puntland iyo rag ka Ganacsada maandooriyaha Khamriga, iya goona howlgalka lagu qabtay qaar kamid ah rag gaas.

M/Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Puntland ayaa waxaa horey uga dhacay howlgalo ka dhan ahaa Shabakado ka Ganacs ada Khamriga, waxaana xusid mudan in Ciidanka ammaanka iyo Kooxaha hubeysan ay dhexmar een dagaalo geystay khasaaro nafeed.

Wasiir Falagle "Halaga daayo in la gato Erga da iyo Xildhibaanada”

Iyadoo dhawaan la fillayo inay dalka ka dhacdo Doorashada 2da Aqal ee B/Somaliya ayaa waxaa soo badanaya dadka daneynaya inay ka mid no qdaan Ergada iyo xubnaha kale ee baadigoobka ugu jira ka mid noqoshada Aqalka G/Shacabka.

Ergada waa kuwa soo dooranaya Xildhibaana da Golaha Shacabka, kuwaa oo ay soo xulayaan Odayaasha Dhaqanka ee qabaa’ila da. W/W/ta Galmudug, Md.Falagle ayaa sababta ay dadka u daneyna yaan inay ka mid noqdaan Ergada waxaa uu ku sheegay iyagoo dhaq aale ka dhex arkay.

"Somaliya waxaa baabi’iyay cadaalad darro iyo cabsi Ilaahay oo laga fogaaday, Shalay waa fur sad. Hadda waxaan ognahay Ergada aad baa loo daneynayaa, waxaa la leeyahay hala igu daro. Ha la igu daro waxaa loo leeyahayna waxaa weeye in lacag la qaataa la rabaa.” Ayuu yiri Wasiirka oo ka qayb qaadanayay Barnaamijka Doodda Jimcaha ee ‘Waxa ay ila tahay’.Wasiir Falagle ayaa Odaya asha Dhaqanka iyo DG/yada ugu baaqay inaanan Ergada iyo Xildhibaanada GSh lagu soo xulin nin jecleysi iyo musuqmaasuq, laguna soo xulo aqoonta ay leeyihiin.

"Nabadoonada, maamulada iyo cid kastoo aw ood iska leh Ilaahay iyo aakhiro intey xusuustaan Shalay qofka halagu xulo waxa uu yahay iyo aqo onta uu leeyahay ee halaga daayo in la gato Erga da iyo Baarlamaanka.” Ayuu yiri Falagle.

G/Shacabka oo ka kooban 275 kursi ayaa sidii ho reyba loo shaaciyay waxaa Xildhibaankiiba soo dooranaya 101 ergo, oo ka imaanaya beesha iska leh kursigaasi

Al-shabaab oo gubay gaadiid dhuxul u soo waday Muqdisho.

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Afg ooye ee G/ Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in ku dhawaad 3 gaari oo nooca dhuxusha qaada ah lagu gubay deegaan hoos taga degamadaas.

Baabuurtan ayaa waxaa la sheegay iney ka yimaadeen dhanka degmada Walaweyn waxaana sidoo kale halkaas lagu gubay labo mooto oo iyag ana wadadaas maraayey sida uu KNN u sheegay qof goobjooge ah.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa la sheeg ay iney baabuurtan ay gubeen kadib markii ay jid ka u galeen gaadiidkan dhuxusha usoo waday M/Muqdisho.

Wadadaas ayaa malma han waxaa laga muujina ayay xaalad amni daro taas oo ay dadka shacab ka ah iyo gaadiidleyda adeegsada wadadaas ca bsi ka muujiyeen, maalin kahor ayaa sidan oo kale la gubay gaari siday dhuxul kaas oo usoo so cday Muqdisho.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa dhowr mar waxa ay gubeen baabuur magaallada Muqdi sho usoo waday dhuxul.

Dhaqaale loo ururiyay dad la sheegay in maa mulkii hore ee Dowlad Deegaanka Soo maalida uu Tacaddiyo u geystay.

Dhibbanayaasha la sheegay inay ku waxyelo obeen tacaddiyadii ka dhacay Dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa waxaa loo uruuriyay 1.7 Milyan oo doolar

Munaasabad ay ka soo qaybgaleen madaxda dowlad deegaanka qayb ka mid ah, ururka Onlf iyo ganacsat ada oo ka dhacday xarunta deega anka ayaa lacagtaasi lagu aruuriyay.

Dhaqaalahaasina badi waxaa ku deeqay maa mulka deegaanka Soomalida. Maxamed Daahir Col-haye oo ka mid ah guddiga soo qaban qaabi yay sanduuqa dhaqaale ururinta ee Aflax, ayaa ar rintaasi uga wraramay weriye Ismaaciil Ibraahim Buurgaabo.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaal ida ee dalka Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar oo ka hadlayay munaasabad dhaqaale loogu uru urinayo dhibbanayaasha ay waxyeellada ka soo gaartay tacaddiyadii deegaanka oo xalay ka dha cday magaalada Jigjiga, ayaa wuxuu faahfaahin ka bixyay ahmiyadda ay umadda u leedahay xus ka iyo ka hadalka gabood falladii shacabka loo geestay, isagoo maamulkiisana uu sanduuqa dha qaale ururinta ugu deeqay 50 milyan oo birta Ito obiya ah, oo ka mid ah 75-ta Milyan ee dhibbaan yaasha loogu deeqay.

Madaxweyne Musafe ayaa sidoo kale mar uu la hadlayay axsaabta mucaaradka wuxuu ugu baa qay siyaasiyiinta deegaanka in ay soo afjaraan tu btii loo mari jiray hanashada hoggaanka maamul ka degaanka oo uu ku sheegay in uu ahaa mid kor un laga soo dhaadhiciyo.

Ciidamada Puntland iyo Daacish oo maalin tii 3aad ku dagaalamaya bariga fog Puntland

Ciidamada Puntland iyo dagaal-yahanada Ur urka Daacish ayaa tan iyo Khamiistii la soo dha afay ku dagaalamaya buu raleyda bariga fog ee Pun tland.Ciidamada kala duw an ee Puntland ayaa bi shii hore ee June hawl gallo ka dhan ah Shabaab iyo Daacish ka bilaab ay labada buurood ee dhinacyada uga kala yaala Magaalada Boosaaso ee Cal Madow iyo Cal Mis kaad.Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya inay ad ag tahay in faah faahin badan laga ogaado dagaal ka bariga fog ee Puntland ku dhex maraya Ciidam ada Puntland iyo maleeshiyada Daacish, hase ye eshee Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa gu ulo ka sheegtay dagaalka.

Taliyaha Hawlgelinta Ciidamada PMPF-ta Puntl and, Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac oo mar sii horeysay ka hadlay dagaalka ayaa yiri "Illaa bishii la soo dhaafay Ciidamada Puntland waxay hawl gallo ka wadeen bariga fog ee Puntland.”

Taliyaha ayaa yiri "Ciidamada meelo badan oo cadowga uu ku dhuumaaleysanayay bay ka burbu riyeen, sahaydii iyo wixii yaalayna ay kala waree geen, illaa shan goobood bay kala wareegeen. Ayuu yiri”

Isagoo ka hadlayay khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa wuxuu yiri "Dhankooda maxaabiis baa laga hayaa, dhimasho badan-na waa leeyihi in, wayna kala firxadeen oo hadda meel la yiraah do Hol Caanood buu firxadkoodii marayaa, ciidan kuna waa ku raad jooggaa.

Dhanka Ciidanka Pun tland laba askari baa dhaawac fudud soo gaaray.” Cabdiraxmaan Max amed ayaa sheegaya inaanay itaal badani lahayn maleeshiyada Daacish, isla-markaana ay awoodo oda ku kooban tahay miinooyin fara-badan oo wa dooyinka ay ku aaseen, sida uu yiri.

Daacishta Somaliya oo ah garab ka jabay Urur ka Al Shabaab ayaa daba-yaaqadii bishii October ee sanadkii 2015 looga dhawaaqay Buuraha Gob olka Bari.

Degmada Gabilay hal Qof oo ku Nafwaayay Barkad Biyood

Will yar oo lagu magacaabi jiray Mustafe Bar khad, ayaa ku geeriyooday barkad ku taala dee gaanka Cadda dhaadheeray ee D/ Gabilay.

Wiilka ayaa barkada utagay si uu biyo uga soo dhaamiyo sub axdii hore ee Shalay.

Willka yar ayaa barkada laga soo saaray kadib markii uu dhintay.

Saraakiisha dowlada hoose ee degmada Gab ilay, ayaa gaadhay goobta ay dhacdadu ka dhac day, waxayna u tacsiyeeyeen qoyska dhibanaha.

Tirada dadka ku dhinta ceelasha biyaha ayaa sa re u kacday deegaanada Somaliland tan iyo mar kii uu bilaabmay xili roobaadka guga.

Faah Faahin Kasoo Baxeysa Dil Ka Dhacay Degmada Afgooye

Kooxo hubeysan ayaa gudaha degmada Afgo oye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku dileen Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa Maamul ka degmadaas, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaas.

Guddoomiye Waaxeedka ayaa u geeriyooday rasaas uga dhacday qeybaha jirka oo ay ku dhuft een dabley hubeysan, xili uu ku sugnaa xaafad ka tirsan Afgooye, waxaana goobta uu falku ka dha cay ka baxsaday raggii ka da mbeeyay dilka.

Al-shabaab oo ka hadash ay dilkaas loo geystay Gud doomiye Waaxeedka ayaa magaca Guddoomi yaha la dilay ku sheegtay Cabdullaahi Maxamed oo ka tirsanaa Maamulka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Maamulka Afgooye ayaan weli ka hadlin dilka Marxuum Cabdullaahi Maxamed, waxaana dilkiisa uu kamid noqonayaa dilal qorsheysan oo horey rag hubeysan uga geysteen gudaha degmadaas oo lagu khaarijiyay Mas’uuliyiin iyo Askar Ciidan.

Al-shabaab ayaa inta badan sheegatay dilal iyo weeraro ka dhacay Afgooye oo kamid ah deg mooyinka Shabeellaha Hoose ee Maamulka K/ Galbeed, waxaana halkaas Saldhiyo Ciidan ku leh Ciidanka dowladda Federaalka.

Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Sal dhig ay ku sugan yihiin Ciidamada Kenya

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saac adihii la soo dhaafay waxaa ay weerar madaafiic ahaa ku qaadeen Saldhig Ciidamada Kenya oo ka tirsan AMIISOM ku leeyihiin degaanka Qooqaani oo hoostaga degmada Afmadow ee G/ Jubbada Hoose.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacday Xerada Ciidamada Ke nya ee ka tirsan AMISOM, balse aysan cadeyn karin qasaaraha ka dhashay.

Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas ayaa she egtay inay madaafiicda ay la heleen Gudaha Xer ada Ciidamada Kenya, isla markaana qasaaro xo ogan ay ku gaarsiiyeen, balse aysan jirin dad mad ax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shab aab.Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Ciidamada Kenya dhankooda ay weerarka mada afiicda ah ku jawaabeen, isla markaana dhowr madfac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow degaanka Qooqaani ee G/Jubbada Hoose ee Ma amulka Jubbaland.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Qooqaani ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan, balse maalmihii la woo dhaafay ay kordheen weerrarada Al-Shaba ab iyo howlgallo ay sameeynayaan Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya

Sacuudiga Oo War Kasoo Saaray Banka Carafo Iyo Maalmaha Ciiddul Adxa

Maxkamadda Sare ee Sacuudiga waxay shaa cisay in bisha Dul-Qacad Shalay la kaamili doono 30-da, isla markaana ay berrito curan doonto bi sha Dul-xaj ee sanadka Hijriyadda ee 1442-ka.

Bayaanka waxaa kaloo lagu sheegay in Maalinta Waquufka Banka Carafaat noqon doonto bishan July 19-da, halka maalinta 1-aad ee Ciiddul-Adxa ama Carafo noqon doonto bishan July 20-da.

Wakaalladda Wararka Sacuudi ga ee SPA oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa waxay Max kamadda Sare ee dalkaasi ugu baaqday dhamaan dadka Musl imiinta inay baadi-goobaan Bil ashada Bisha Dul-Xaj oo la filayo in caawa la arko Insha Allaah.

Dad Ku Naf-Waayay Dhul-Gariir Ku Dhuftay Tajikistaan

5 qof ayaa ku geeriyootay Dhul-gariir ka dhac ay Bariga dalka TAJIKISTAAN ee Bartamaha Qaa radda Aasiya. Afhayeenada Guddiga Grurmadka Degde gga ee dalkaasi, Umeda Yu sufi ayaa sheegtay in 2 dhu l-gariir laga dareemay Ubucda Dhul-gariirka saak ay laga dareemay Deegaan dhanka 165 KM dhan ka W/bari kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Dushanbe, halka Dhul-gariirka kale uu ka dhacay Degmdda Rashti.

Waxay sheegtay in Halbeega labada dhul-gar iir uu kala ahaa 6.0 iyo 3.0 Rektar Iskeel, iyadoo ay 5 qof ku geeriyootay Masiibadaasi, halka ay 19 guri ku burbureen. Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Tajikist an, Emomali Raxmoon waxa uu am ray in la mag acaabo Guddi uu Madax ka yahay R/wasaaraha dalkaasi, si ay gurmad u gaarsiiya an dadka ay wa xyeellddu soo gaartay iyo in laga qeyb galo dib-u-dhiska guryaha burburay.


Ra’iisal wasaare Rooble oo booqasho sharafeed ugu tagay Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Garbahaarreey ayaa caawa boo qasho sharafeed ugu tagay Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi.

Ra’iisal wasaaraha ayaa Ugaaska uga mahadc eliyay kaalintiisa nabadeynta, dib-u heshiisiinta iyo isku haynta bulshada,wuxuuna kuna boorriyay in la sii xoojiyo doorka dhaqanka.

QM oo kordhisay howlgalkeeda la-dagaalan ka Ayaxa ee Soomaaliya

Hay’adda Cunnada iyo Beeraha QM ee (FAO) ayaa sheegtay inay kordhisay howlgallada cirka ah ee lagu xakameynayo Ayax farabadan oo ku nool meelo kamid ah waq ooyiga Soomaaliya. Warbi xinteedii ugu dambeysay ee ay soo saartay, ayay hay’adda cunnada ee QM ku sheegtay in ayan jirin ayax lagu arkay intii lagu guda jiray sahamin ay ka sameeyeen gobolka wa qooyi-bari ee degaannada Puntland.

"Hawlaha ugu badan ee howlgallada dhinaca Hawada ah ayaa socda si uusan ugu faafin Aya xa yar yar ee haray ee ku soo duulay xeebta waq ooyiga-galbeed ee (Somaliland),” ayay tiri FAO.

Waxay sheegtay in waxtarka sahaminta iyo haw lgallada xakamaynta ee hadda ka socda W/Soo maaliya iyo bariga Itoobiya ay saamayn ku yeelan doonto baaxadda Ayaxa kusii qul qulaya W/Bari Itoobiya.

Sida laga soo xigtay UN-ka, Ayaxu waa caya yaanka ugu da’da weyn uguna halaagga badan adduunka. Soomaaliya waxaa ay kamid tahay dal alka sanad kasta uu saameynta xoogan ku yee sho Ayaxa, waxaana uu baabi’iyaa dalagyo fara badan oo ku beernaa Beer ku yaal K/ta iyo bart amaha Soomaaliya.

Boob Loo Geystay Goobo Ganacsi Oo Ay Leeyihiin Muwaadiniin Soomaali Ah

Waxaa saqdii dhexe ee xalay dalka K/Afrika ga ar ahaan deegaanka kwa Nobuhle township ee G/ Eastern Cape ee dalkaas ka dhacay rabshado xo ogan iyo boob loo geystay goobo Ganacsi oo ay leeyihiin dad Soomaali ah.

Rabshadaha iyo boobka ka dhacay G/ Eastern Cape ayaa ka dambeeyay, ka gadaal markii mid kamid ah Ganacsatada Ajaanibta ee Itoobiya uu toogasho ku dilay qof kamid ah dadka degaanka Gobolkaas oo Ganacsade ahaa

Toogasho kale oo dhacday ayaa waxaa lagu dil ay 2 qof kale oo Ajaanib ah oo kamid ahaa Ajaan ibta Ganacsiyada ku leh KwaNobuhle, kuwaasi oo la gu dhex dilay goob Ganac si oo ay lahaayeen.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in burcad Koonf ur Afrikaan ah ay boob u geysteen ilaa 7 dukaan oo 3 kamid ah ay Ganacsato Soomaali leeyihiin halka 4-ta kalena ay leeyihiin Ganacsato Itoobiy aan ah, waxaana Dukaamada la qabadsiiyay dab.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika ayaa si deg deg ah u tegay deegaanka kwa Nob uhle township ee Gobolka Eastern Cape, iyagoo na xiray aaga, isla markaana dad u diidayay inay ka agdhawaadan goobaha la boobay.

UK Iyo Japan Oo Dhoolatus Milliteri Ka Sameeynaya Xeebaha Somalia

Sida laga soo xigtay Ilo-wreedyo ku dhow Do wladda Japan waxaa la filayaa inay Ciiddanka Ba dda ee dalalka UK iyo Japan ay waqti dhow dhool atus wadajir ah ka samayn doonaan Gacanka Ca dmeed ee u dhexeeya Xeebaha dalalka Somalia iyo Yemen.

Dhoolatuskasi waxaa ka qeyb-geli doona Ciiddan Badda Japan ee haatan qey bta ka ah Hawlgalka Caala miga ee L-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qow leysata Gacanka Cadmeed.

Warkan oo aan ka soo xiganay Wargeyska Ja pan Times ayaa lagu xusay inay Ciiddanka UK ay Dhoolatuskaaasi kaga qeyb geli doonaan Koox Maraakiib ah oo uu ka mid yahay Markabka Diya aradaha xambaarta ee HMS Queen Elizabeth oo ah Markabka ugu weyn ee C/Badda ee UK.

Dhinaca kale, Dhoolatuskaasi Milliteri waxaa ka qeyb geli doona Ciiddamo ka kala socda dalal ka Maraykanka iyo Netherlands, kuwaasi oo Mar aakiibtooda Dagaal soo wehlin doonaan kuwa ka socda dalka UK.

Ilo-wareedyo kale ayaa sheegaya in Wasiirka Difaaca ee dalka Japan, Nobuo Kishiiyo dhigiisa dalka UK, Ben Wllacela filayo inay bishan 20-da kulan ku yeeshaan Caasimadda Japan ee Tokyo, si ay u xiriiriyaan Dhoolatuska Wadajirka ee ka dhici doona meel ka baxsan Xeebaha Somalia.

Qarax Weyn Oo Laga Maqlay Magaalada Tehran

Telefishinka Dowladda Iran ayaa sheegay in Waaberigii hore ee Shalay Qarax weyn laga maq lay Waqooyiga Caasimadda dalkaasi ee Tehran.

Qaraxaasi waxa uu ka dha cay gudaha goob barxad ah oo lagu magacaabo Mel lat Park, mana kala cadda waxa sababay Qaraxaasi oo aan Khasaaro geysanin.

Ku-xigeenka Guddoomiyaha Tehran, Xamiid Reza Godarzi oo u xil saaran Arrimaha Amniga oo la hadlay Wakaalladda Wararka Iran ee TASM IIN waxa uu sheegay inay wadaan Baaritan lagu ogaanayo waxa sababahay Shilkaasi, isla mar kaana ay soo gudbin doonan faahfaahinta, marka la hubiyo waxa uu ahaa qaraxaasi.

Weerarada iyo Qaraxyadda waa kuwo naadir ku ah dalkaasi, inkastoo tiro qaraxyo lala beegs aday Xarumaha Nukliyeerka iyo Xerooyinka Ciid damada.

Dowladda Iran waxay ku eedeysay Israel dhowr weerar oo lala beegsaday goobaha Nukliye erka, laguna dilay Khubaro qeyb ka ahaa Barna amijka Nukliyeerka ee Iran.Qaraxa saakay ka dhacay Caasimadda dalkaasi ee Tehran waxa uu ku soo beegmay, hal maalin kadib, markii Burca da Internetka carqaldeeyeen Nidamka Adeegyada Tareenada ee dalkaasi.

Hawlaha Tareenada waxa ku yimid dib-u-dhac, halka la kansal gareeyey Xafiisyada lagu iibiyo Tik idhada, waxaana la arbushay Adeegyadii Xamuul ka iyo Websaytka Hay’adda Tareenada ee Iran.

Natiijada rasmiga ah ee doorashadii Ethio pia oo la shaaciyey iyo tiro yaab leh oo kasoo baxday

Xisbiga uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee Prosperity Party (PP) ayaa ku guuleyst ay kuraasta ugu badan ee doorashooyinkii baar lamanka Ethiopia, waxaa sidaas ku dhowaaqay guddiga doorashada. Guushan la shaaciyey, ayaa ka dhiggan in Abiy Ahmed uu xilli labaad ku guu leystay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Xisbiga Abiy ayaa ku guuleystay tiro ay adag tahay in la rumeysto oo ah 410 ka mid ah 436-ka kursi ee baarlamanka, ama 94%, sida uu sheegay gud doomiye ku-xigeenka guddiga doorashada Wou bshet Ayele, oo shir jaraa’id ku qaabtay M/caas imadda ah ee Addis Ababa.

Abiy ayaa doorashadii dhacday 21-kii June ku macneeyey tii ugu horreysay oo si xor oo dhex-dh exaad ah uga dhacda dalka, kadib tobaneeyo sa no oo nidaam dadka caburiya ah. Si kastaba, qaa dacaadda mucaaradka, dagaallo, rabshado qowm iyadeed iyo caqabado dhanka farsamaha ah ayaa hareeyey doorashada. Sidoo kale doorashada ka ma aysan dhicin saddex ka mid ah 10-ka gobol ee Ethiopia.Hoggaamiyaha mucaaradka Berhanu Nega ayaa sheegay in xisbigiisa Ezema ay diiwaan-geliyeen 207 ashtako kadib markii saraakiisha deegaanka iyo maleeshiyo ay u diideen kormeerayaasha inay tagaan gobolka Amhara iyo gobollo kale.

Birhanu ayaa doorashada ku waayey kursigiisa, waxaana xisbiyada mucaaradka ay ku guuley steen kaliya 11 kursi.

Dowladda Mareykanka ayaa doorashada ugu yeertay mid ay qaladaad badan ka buuxeen, ay ada oo cuskaneysa xarigga qaar ka mid ah muca aradka iyo amni-darro ka jirto qeybo badan oo dal ka ka mid ah.

Doorashada ayaa tijaabo u aheyd Abiy Ahmed oo xukunku yimid bishii April 2018 kadib markii ra’Iisul wasaarihii hore uu is-casilay xilli ay rabsha sho iyo dibad-baxyo hareeyeen dalka.

Abiy ayaa isbeddelo siyaasadeed ka sameeyey dalka bilihii ugu horreeyey xukunkiisa, hase yee shee wuxuu dib uga laabtay ballan-qaadyadii uu sameeyey ee la xiriira siyaasadda iyo warbaahin xor ah. Waxa uu sidoo kale cambaareyn caalami ah kala kulmay dagaalkii uu ku qaaday gobolka Tigray oo ay ku dhinteen kumanaan qof, lagana soo weriyey xasuuq iyo xadgudubyo bani’aada nnimo.

Boqolaal Qof Oo Lagu Dhaawacay Dibadba xyo Looga Soo Horjeeday Yuhuuda

Ciiddanka Yuhuuda waxay rasaas ku fureen Boqolaal Dibadbaxayaal Reer Falastiin oo ka soo horjeeday Deegan sharci-daro oo laga dhisayey M/ Baytal-Laxam oo ku taalla Daanta Galbeed ee dhualalka La-haysto ee Falastiin.

Ciiddanka Yuhuuda waxay Dibadabaxayaasha u adeegsadeen rasaas nool, kuwa cinjirka, Diyaaraadaha Darooniska iyo suntan dadka ka ilmeysiisa.

In ka badan 370-qof ayaa lagu dha awacay Toogashadaasi oo ay ku jiraan 31 qof oo ay rasaas nool lagu dhaawacay.

Dibadbaxayaasha Reer Falastiin waxay gubeen Taayaro, waxayna dhagxaan ku tuurayeen Ciidan ka Israel oo iyagana adeegsanayey rasaas kala duwan.

Ururka Bisha Cas ee Reer Falastiin waxay sheegeen in 379 qof la dhaawaxay, iyadoo 31 ka mid ah rasaas nool lagu dhaawacay. Iska-horim aadyo noocaasi ah ayaa waxay Dorraad oo Jimco ahayd ka dhaceen Degmooyinka Kafar Qduum iyo Beyt Dajab, halkaasi oo Tobaneeyo qof oo Re er Falastiin ah laga daaweeyey waxyeello ka soo gaartay sunta dadka ka ilmeysiisa ee loo adeeg saday.



HAITI OO CIIDAMO WEYDIISATAY MARAY KANKA IYO QARAMADA MIDOOBAY.


Dowladda Haiti ayaa Jimcihi ka codsatay Marey kanka iyo Qaramada Midoobay in ay u soo diraan ciidamo ka caawiya sugidda ammaanka goobaha muhiimka ah sida garoomada diyaarad aha iyo dekadaha, kaddib shirqoolki la gu dilay madaxweynihi dalkaasi Jov enel Moise.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in madaxweynihi dalkaasi ay habeenkii Arbacada dileen rag hubeysan oo lagu sheegay in ay yihiin calooshood u shaqeystayaal ajnabi ah.

Dilka madaxweyne Moise ayaa laga cabsi qabaa in dalkaasi oo markii horeba fakhri la ciirciirayay in ay xaaladda hadda uu ku suganyaha ka sii darto, gaar ahaan qalalaaso siyaasadeed, gaajo, burcadda qow leysatada ah iyo faafista cudurka COVID-19.

Wasiirka doorashooyinka Mathias Pierre ayaa sheegay in ra’isulwasaaraha kumeelgaarka ah ee Haiti Claude Joseph uu u gudbiyay codsiga ciidamo amniga ka caawiya, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken oo ay khadka telefoon ka ku wada hadleen Arbacadi, sidoo kale Khamiistii ayay Haiti ciidamo weydiisatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Kooxda dishay madaxweynihi Haiti ayaa la sheeg ay in 16 ka mid ah ay ahaayeen saraakiil horay uga soo mid noqday militariga Colombia iyo 2 nin oo Mareykan ah, basle asal ahaan kasoo jeeda Haiti.

17 ka mid ah ragaasi ayaa la qabtay, saddex waa la dilay qaar kalana wali waa lagu raad joogaa.

Milkiile Loo Xiray Shaqaale Badan Oo Ku Geeriyooday Warshad Uu Lahaa

Boliska dalka Bangaladesh waxay Shalay Xa bsiga dhigeen 8 qof oo uu ka mid ahaa Milkiilihii lahaa Wershad ay Khamiistii la soo dhaafay ku geeriyoodeen ugu yaraan 52 shaqaale ah.

Sarkaal u hadlay Boliska ayaa sheegay in Mil kiilaha lagu soo oogi doono Eedeymo la xiriirta da bka ka kacay Wershadooda ee sababay dhimash ada ugu yaraan 52 shaqaale oo badankooda ku xanibmay Albaab dhexda ku yaallay oo xirnaa.

Dabku waxa uu Habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay ka kacay Dhismaha Wershadda Cun tada Farsamaysa ee Hashim Foods Limited oo ku taalla Deegaanka Rubganj oo 15 KM dhanka Bari kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Dhaka.

Dhinaca kale, W/Arrimaha Gudaha ee Bang aladesh, Asaduzman Khaan oo Shalay booqday Wershadda lagu le’day waxa uu tilmaamay in dad ka la xiray uu ka mid yahay Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Maareynta ee Kooxda Sajeeb oo Iyagu leh Wershadaasi

 


MAXAAD KA OGTAHAY MADAXWEYNAYAASHA AFRIKA EE LA TOOGTAY IYAGA OO XILAL HAYA?


Qaaradda Afrika waxaa ku badan dilalka Mad axda marka la barbardhigo Qaaradaha kale, wa xaa lagu toogtay Madaxweynayaal xilal ka hayay dalalkooda, qaarkood ayaa la dilay iyaga oo shaqo ku mashquulsan.

Madaxweynayaasha la toogtay iya ga oo xilalka haya ayaa kala ah:1 Ca bdirashiid Cali Sharma’arke – Soomaaliya:

Cabdirashariid Cali Sharma’arke Madaxweynihii 2aad ee Soomaaliya sidoo kale soo noqday Ra’ iisul Wasaarihii Dalka 1960-kii ilaa 1964-dii waxaa lagu toogtay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool 15-kii October 1969-kii.

Dilkiisa kadib waxaa talka Afgambi aan dhiig ku daadan waxaa ku qabsaday Militarigii oo mu ddo kadib hoggaan ka dhigtay Maxamed Siyaad Barre oo dalka heystay intii u dhaxeysay 21-kii October 1969-kii illaa 26-kii January 1991-dii.

2- Mucammar Al-Qadaafi – Libya

Col. Mucammar Al-Qadaafi waxa uu xilka Mad axweynaha Liibiya hayay 1-dii September 1969-kii illaa 20 October 2011, xilkaan kuma aanay helin doorasho oo waxa uu ku qabsaday awood Militari.

Waxa uu sababsaday kacdoonkii Guga Carab ta oo galaaftay xilalka Madax kala duwan, waxaa lagu dilay Sirte, kadib maalmo kooban oo dagaal ay isku wajaheen askartii daacadda u ahayd iyo xoogagga kasoo horjeeday.

3- Idriss Deby – Chad

Madaxweynihii 6-aad ee Chad Idriss Deby waxa uu xilka ku qabsaday xukun marooqsi, April 2021 ayuu ku geeriyooday dagaal ka dhan ah Fallaaga da kasoo horjeedda Dowladdiisa, waxa uu xafiis ka joogay 2-dii December 1990 illaa 20-kii April 2021-ka.

No description available.

4- Sheekh Cabayd Aman Karume – Zanzibar

Sheekh Cabayd Karume waxa uu ahaa Madaxwe ynihii ugu horreeyay ee Zanzibar iyo ku xigeenkii ugu horreeyay ee Tanzania, waxaa lagu toogtay dhismaha xarunta dhexe ee Xisbiga Afro-Shirazi (ASP) ee Zanzibar 7-dii April 1972-dii.

5- Laurent-Desire Kabila – DR Congo (Jamh uur iyadda Dimuqraadiga Kongo)

Laurent-Desire Kabila Waa Madaxweynihii 3-aad ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo (DR Congo) oo xiligiisa loo garanayay Zaire, waxa uu dalka xukumayay 17-kii May 1997-dii ilaa 16-kii Janaayo 2001.

Geeridiisa waxaa la shaaciyay 18-kii Janaayo 2001-dii, Wasiirkiisa caafimaadka Leonard Mamb a waxa uu ku sugnaa qofka ku dhegan kan lagu toogtay Madaxweynaha, waxaana toogtay Kabila mid kamid ah ilaaladiisa gaarka ah.

6- Gen. Ibrahim Baré Maïnassara- Niger

Madaxweynihii 5-aad ee Niger Gen. Ibraahim Bar re waxa uu hoggaamiye ka ahaa dalkaas intii u dhxeysay 27-kii January 1996-dii illaa 9-kii April 1999, kadib markii dalkaas uu galay rabshad ka dhalatay Doorashooyinka.

7- Samuel Doe – Liberia

Samuel Kanyon Doe waxa uu hoggaamiye u ahaa militariga awoodda ku qabsaday William Tolbert, ciidamada waxa uu ka gaaray heerar kala duwan, xukunka waxa uu ku qabsaday qori isaga oo hay ay intii u dhaxeysay 12-kii April 1980 – 6-dii Janu ary 1986.

Waxa uu ku eedeysanaa in uu geystay xadgu dubyo ka dhan ah Aadanaha maadama muddada uu xafiiska joogay uu ku sifoobay kali talisnimo & cabsi gelinta dadka isku daya in ay ku hamiyaan xilkiisa.

8- João Bernardo Vieira – Guinea Bissau

Joao Vieira waxa uu hoggaamiye ka ahaa Guinea Bissau saddex waqti doorasho, markii ugu hor eysay waxa ay ahayd 1980 illaa 1984, markiisii la baad 1984 ilaa 1999, halka markii saddexaad uu ku guuleystay 2005 ilaa 2009.Askartiisa ayaa too gatay saacado kadib markii la dilay Taliyihii Ciinka Gen. Batista Tagme Na Waie, qarax ayaa la maq lay markii la dilayay waxa uu dhaliyay shaki la xir iira in Bam lagu dilay inkasta oo aanay la cad deyn.Xigasho:BBC Somalia


KALAREEBTADA SIYAASIYIINTA!!!=Faallo=


Halka Shalay loo yaqaan Ceel Gaabta ee ku taal Bartamaha Magaalada Muqdisho, waxa ey ah eyd Goof Baadiyo ah oo ey deganaayeen Beesha Mataan Cabdulle. Wa xaana Ceel ku lahaa Nin Beeshaa ahaa, Ce elkiisa waxaa la dhihi ji ray Ceelka Cabdulle Far uur. ( F.S: 1aad).

Naag Ceelka Biyo ka qaadaneeysay oo uu qa bay Nin Beesha Wacdaan Cusmaan ah ayaa wa xa ey wadatay Saliid iyo Murxo Bun. Nin dhalin yaraa ee Beesha Daa’uud ahaa ayaa si

Kibir ah uga daadiyay, kuna yiri: Bax Ninkaaga igu dacweey.Arrintii waxa ey gaarsiisay Ninkeedii oo wacad ku maray in uu Ninkaa Daa’uud dilayo. Odayaashii dhaqanka ayaa ka baqay in xaaladdu isku bedesho Dagaal Qabiil, Bacdamaa Ninkii ahaa Beesha Wacdaan uu ku dhaaratay in uu Ninkaa dilayo. Meeshana Beesha Wacdaan ey ku awood badneed eyna aheyd Beel laga baqo. waxaa la go’aamiyay in la raaco hab Dhaqan kala Reeb ah oo ka jiray Gobalka Shabeelaha dhexe. Tusaale ( Haddii Laba Qabiil la kala celi waayo, si Dagaalku uuna u saameeyn isku socodka, mudd ada Colaaduna eyna u dheeraan, waxaa la Oodi jiray Mooro aad u weeyn. ( F.S: 2aad).

Beel waliba waxa ey keeni jirtay 5 dhalin yaro ah oo ey ku kalsoon tahay, mid walibana uu wato Ul, Middi, Waran iyo Gaashaan. Moorada oo aan laga boodi karin ayaa 10kaa Ragga ah lagu soo oodi jiray Subixii, Makhribkii ayaa laga qaadi jiray Oodda, waxaana si Nabad ah loo kala qaadan jir ay Wixii Daawac iyo dhimasho ah, Colaadana Hal kaa ayaa lagu dhameeyn jiray)

(Musharixiinta amaan Mooro u oodnaa, si Colaadoodu eyna u wax yeelin Ummadda kale).

Iyada oo dhaqaankaa la raacayo ayaa waxaa jiray haddii arrintu ey ku kooban tahay Laba Nin oo kaliya, inta God dheer la qodo ayaa mid waliba Lugaha loogu aaso jiray. Labada Nin waxa ey isku jiraan meel ey Gacanta isla gaaraan. Wax aana mid waliba la siin jiray Middi Af badan. Daga alka oo ku kooban Labadaa Nin oo kaliya ayaa Bil aaban jiray Colaaduna Halkaa ayeey ku dhamaan jirtay ,taa oo la dhihi jiray ” Ninkii roon Reerka ha u haro”.Labadii Nin ee Colaadoodu ka Bilaabatay "Ceelka Cabdulle Faruur” ayaa Lugaha loo duu gay. waxa ey bilaabeen in ey Middiyihii is daraan, Shalaytii ayeey iyaga oo Sakaraad ah welina Lug ihii u doogan yihiin ayeey isku ag dhaceen. ( F.S: 3 & 4aad)

Kii Daa’uud ayaa Gacanta u taagay Ninkii kale kuna yiri: War waan wada dhimaneynaa ee aan is cafino. Kii Wacdaan ayaa Gacanta u taagay. Laa kin kii Daa’uud ayaa Mididii ku sii celceliyay. kuna yiri:( waan ogaa in aan Labadeenu wada dhiman eeyno, Laakin waxaan rabay in aan arko Adiga oo hortey dhimanayo). Colaadii ma dhaafin Meydka Labadii Nin ee la kala celin waayay intii ey Col aadu ku fidi leheeyd Labada beelood Dad badan ina ku dhiman lahaayeen.

((( Musharixiinta Qaar ameey ka tahay Xaasidni mo Musharaxnimadoodu, oo ey tahay waan ogaa in aanan Anigu Guuleeyseeyn, ee waxaan Rabay inaan Arko Adiga oo igula

haray wareegga Labaad)))

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip