HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 8-JULY 2021

0
Thursday July 08, 2021 - 08:44:32 in Wararka by
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W/WARGEYSKA MOGADISHU TIMES 8-JULY 2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul wasaare Rooble oo daah furay adeega VISA Card cusub ee Bangiga IBS

R/Wasaaraha XFS Md. Maxamed Xuseen Rooble ayaa daah furay adeega VISA Card cu sub oo uu soo kordhiyay bangi ga IBS, kaas oo qeyb weyn ka qaadanaya horumarka ganacsi ee dalka.

R/Wasaaraha ayaa boggaadiy ey dadaallada ganacsatada So omaaliyeed ee ku qotoma hal abuur ganacsi oo lagu saleynayo baahiyaha muhiimka u ah bul shada Soomaaliyeed.

Shirka Wadatashiga W/radaha Caafimaadka D/Gobaleedyada iyo D/Federaalka oo la so gabagabeey

Waxaa Shalay lagu soo gabagabeeyay M/ Garowe shirka wadatashiga wasaaradaha

Caafimaadka Dawladaha xubnaha ka ah daw lada federaalka iyo wasaaradda caafimaadka XFS, shirkaan oo ay martigalisay W/Caafimaadka Pun tland ayaa soconayay 3maalmo od waxana intii uu socday dib loo gu eegay laguna lafaguray sidii la isku kaashan lahaa loona hormarin lahaa caafimaadka dalka.

Shirka waxaa Shalay ku soo biiray hay’ad aha caalamiga ah kuwa wadaniga ah iyo qaar ka mid ah macaahidda cilmi baarista Puntland, waxaa sidoo kale qaabka Onlineka ah uga qay bgalay qaar kamid ah wakiilada wadamada tag eera caafimaadka Soomaliya.

Shirka ayaa ku bilawday presentations ku sa absan qaabka diyaarinta Qorshaha iyo Istaraati ijiyada Caafimaadka ee 3aad (HSSP-III), si ay ugu qeybtaan,uguna biiriyaan fikirkooda iyo tal adooda taasoo gundhig u ah shaqada ay qab an doonaan khubaradda diyaarinay Qorshaha iyo Istaraatiijiyadda Caafimaadka ee 3 dexaad (HSSP-III),Sidoo kale Xirmooyinka Caafimaad ka aasaasiga ah- (EPHS), Qorshaha maalgalin ta caafimaadka (IC).

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan oo xiritaankii shirka ka hadlay ay aa xusay muhiimada uu lahaa shirkaan iyo in la iskaga xog waraystay qorshayaasha caafimaad ka dalka, waxaa sidoo kale wax la iska weydiiy ay guulaha la gaaray caqabadaha jiray shirkii kan ka horeeyay ee ka dhacay Muqdisho.

Wasiirka ayaa uga mahad celiyay wasiirka caafimaadka XFS Marwo Foosiyo Abikar iyo wasiiiradda D/G/yada kaso qaybgalkooda shir ka iyo inay wax badan ku darsadeen kana go ’an tahay sidii si wada jir ah looga wada shaqa yn lahaa caafimaadka dalka. Marwo Foosiyo Abikar Nur oo shirka soo xirtay ayaa dhankee da xustay muhiimada shirkaan wadatashiga uu u lahaa dalka iyo shacabka Soomaliyeed, wax ay dhankeeda uga mahad celisay dadaalkii iyo garab istaagii ay sameeyeen masuuliyiinta was aaradda iyo siday ugu fududeeyaan in shirkaa ni uqabsoomo sidii ugu quruxda badnaa.iyadoo hoosta ka xariiqday in shirkaan uu ka soo bax ay qorshe si wadajir ah loogu hogaamin doono laguna hormarin doono caafimaadka dalka.

Waxay hay’addaha caalamiga ah iyo wada madda ka shaqeeya ama taageera caafimaad ka Soomaliya fartay inay ugu danbeeyaan was aaraddaha caafimaadka ee dalka ka jira baa hiyaha ay soo gudbiyaana ay wax kala qabt aan. Ugu danbeyn waxay sheegtay in shirk aan midka xiga lagu qaban doono Juballand uuna martigaliyay wasiirka caafimaadka Juballand.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Kismaayo kula kulmay Siyaasiyiinta Jubbaland ee Gedo

Ra’iisul Wasaaraha XFS Md. Maxamed Xus een Rooble ayaa Kismaayo kula kulmay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Jubbaland ee ka soo jee da G/ Gedo, taas oo qeyb ka ah dadaallada R/ W ee dib u heshiisiinta Gedo.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay ugu horeyso dadaallada RW/re Ro oble ee arrimaha dib u heshiisiinta G/Gedo.

Guddoomiyaha G/Banaadir la kulmay Danjir aha Dowladda Itoobiya ee dalka Soomaaliya

Guddoomiyaha G/Banaadir Ahna Duqa M/Muqdisho Md.Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarun ta Aqalka D/Hoose ku qaa bilay Danjiraha D/Itoobiya ee u fadhiya Dalka Sooma aliya Amb. Cabdifataax C/hi Xasan Kulanka 2da Mas’uul ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya & Itoobiya iyo sidii loo mataaneyn lahaa Magaal ooyinka Caasimahadaha ee Muqdisho & Addis Ababa.

Safiirka Itoobiya ee dalka Soomaaliya Cab difataax ayaa u sheegay G/G/Banaadir in Addis Ababa ay dhawaan ka bilaaban doonto howlo dhulka lagu dhireynayo ay qeyb ka tahay Muqdi sho dhireyntan oo loogu deqay dalalka Gobolka

Md.C.Finish ayaa Safiirka kala hadlay sidii loo mataaneyn lahaa Magaalooyinka Muqdisho iyo Addis Ababa, isla markaana loo horumarin lahaa goobaha biyo mareenada, xiliyada roob abka da’aan.

Safiir Cabdifataax ayaa Guddoomiyaha C.Finisha ka Codsaday in la siiyo dhul ay dhis taan oo ay doonayaan inay ku shaqeyso Xarun ta Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho, iyadoona Cumar Finish uu ballan qaaday in Safaaradda dhul lasii doono.

Musharax Kheyre iyo guddoonka doorasho oyinka dalka oo ka wadahadlay arrimo khuseeya Doorashooyinka dalka.

R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Shalay waxaa uu la kulmay gudd oomiyaha guddiga doorasho oyinka heer federaal Md.Maxa med Xasan Maxamed (Cirro) iyo qaar ka mid ah guddiga.

2da dhinac ayaa waxaa ay ka wadahadleen qaabka ugu haboon ee Guddiyada Doorashooy inku ay uga shaqeyn karaan doorasho madax-bannaan, hufan oo loo maray hannaan iyo hab raac daah-furan oo caddaalad iyo dhex-dhexa andimo ku dhisan. "Waxaan Shalay la kulmay G/Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federal, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) iyo xubno kale oo katirsan Guddiga. Waxaan xubnaha gu ddiga ee ku wehliyay kulanka ka wada hadaln ay qaabka ugu haboon ee Guddiyada Door ashooyinku ay uga shaqeyn karaan doorasho madax-banaan, hufan oo loo maray hannaan iyo habraac daah-furan oo caddaalad iyo dhex-dhexaadnimo ku dhisan.

Waxaan aad u soo dhowaynayaa ballan qa adka G &Xubnaha guddiga oo ii caddeeyay in ay ka dheeraan doonaan wax kasta oo shaki galin kara natiijada doorashada, ka na qaban doonaan dalka doorasho ka madax bannaan Eex & Qof jecleysi” ayuu yiri Md. Xasan

Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Rooble Oo Shaaciyay Inuu Deni Yahay Musharax Madaxweyne

Wasiirka W/Qorsheynta XFee xilgaarsiinta Md.Jamaal Maxamed Xasan ayaa shaaciyay in Madaxweynaha D/G/Puntland Md.Saciid C/hi Deni uu yahay Musharax u taagan xilka Madax weynaha Somalia.

Wasiir Jamaal oo bartiisa gaarka ah ee Twit ter-ka Qoraal ku soo qoray ayaa waxaa uu she egay in Madaxweyne Deni uu yahay Musharax Mada xweyne, uuna dib u dhigtay shaacin ta Musharaxnima diisa. Md. Jamaal ayaa sababta Madaxweyna ha Puntland uu dib ugu dhigtay ku dhawaaqista inuu Musharax yahay ku sheegay inay tahay in uu faragelin ku sameeyo doorashooyinka BF ee ka dhacaya Puntland.

"Musharrax Madaxweyne maadaama uu ya hay Saciid Deni waa inuu faraha kala baxaa arr imaha doorashada, kama aamusnaan karno.. wuxuu dib ugu dhigey ku dhawaaqista musharr axnimadiisa si uu saameyn ugu yeesho doora shooyinka ka dhacaya Puntland” ayuu yiri Was iirka Qorsheynta.

Md.Jamaal ayaa Madaxweyne Saciid Deni u gu baaqay inuu faraha kala baxo Arrimaha doo rashooyinka, isla markaana uu ka aamuso, isa goona sheegay in Musharaxiinta Baarlamaanka ay walaac ka muujiyeen Deni.

Puntland oo jawaab kulul ka bixisay weerar kii uu wasiir Jamaal ku qaaday Deni

Puntland ayaa ka jawaabtay hadal Shalay ka soo yeeray wasiirka qorsheynta XFS, Md.Ja maal Maxamed Xasan, oo madaxweynaha Pun tland Siciid Cabdullaahi Deni ku eedeeyey inuu yahay musharax u taagan xil kamadaxweynaha Soomaaliy a, balse uu is qarinayo, si uu saameyn ugu yeesho xildhi baanada federaalka ee laga soo dooranayo degaanada Puntland.

Afhayeenka maamulka Puntland, Jaamac Da baraani ayaa oo ka jawaabay hadalka wasiir Ja maal, waxuuna ku tilmaamay waxba kama jira an iyo sawir qaldan oo wasiirku uu bixiyey maa mulka gaamuray ee Puntland.

"23 sano oo qaan-gaarnimo muuqata ah ka dib. Waa nasiib-darro inaad isku dayeyso inaan sawir xun ka bixiso Puntland iyo shacabkeeda. Taariikhda ayaa weli ah midda wax kalasaarta,” ayuu yiriJaamac Dabaraani oo qoraalkaan ku baahiyey bartiisa twitter-ka.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Punt land ay tahay maamul qaan gaaray oo horay u qabtay doorashooyin kala duwan, oo aan xiliga an la khalkhal gali karin.

"Wasiir Jamaal, tweet-kaaga kama duwana ku wii hore ee aad bartan ugu adeegsan jirtay in aad rabashado iyo dagaal kaga huriso Puntl and. Puntland waa dowlad 23 jir ah, horeyna u qabatay doorashooyin heer gobol &heer feder al ah, oo natiijada qaarkood ay noqotay in 1 cod lagu kal baxo,” ayuu yiri Af/henka Puntland

Guddiga Maamulaya Doorashada Xildhiba anada Banaadiriga Oo Guddoon Doortay

Guddiga maamulaya doorashada Xildhibaa nada Banaadiriga ayaa doortay Guddoomiyaha Guddiga &ku-xigeenkiisa, kadib markii Shalay kulan ku yeesheen M/Muqdisho. Guddoomiya ha Guddi ga Xildhiba anada Bana adiriga ayaa waxaa loo doort ay inay noqoto Mar wo sacdiyo Aweys Cali Boolay oo heshay 11 Cod, mana jirin Musharax kale oo doorashada kula tartamay.

Sidoo kale xubnaha Guddiga maamulaya do orashada Xildhibaanada Banaadiriga ayaa G/ ku-xigeenka Guddiga u doortay Maxamed Xaaji Maye oo isna helay 11 Cod, mana jirin Musha rax tartan la galay.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa M/ Mu qdisho ka dhacayay doorashooyinka Guddiya da maamulaya doorashooyinka dalka ka dhaca ya,kuwaasi oo soo kala magacaabeen Dowl adda iyo maamul Goboleedyada.

Guddiyada maamulaya doorashada heer Fe deraal, kuwa xalinta khilaafaadka, iyo kuwa ma amulada Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galb eed ayaa doortay Guddoomiyeyaasha Guddiya da iyo ku-xigeenadooda

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Kormeeray Dek adda M/Kismaayo

Ra’iisul Wasaaraha XFS ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay korme er ku tegay dekadda weyn ee M/Kismaayo, ka dib markii Shalay halkaas uu socdaal ku gaa ray. Kormeerka ayaa waxaa RW/ Rooble ku wehlinayay Mada xweynaha Jubbaland Axmed Md.Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Ma s’uuliyiin kale, iyagoona soo kormeeray habs ami u socodka howlaha dekadda & qeybaha ay ka kooban tahay.

R/Wasaarah iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Shalay socdaal ku tegay Caasimadda KMG ah ee Jubbaland, waxaana halkaas siweyn ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Maamulka iyo qe ybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedka socdaalka Rooble ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira arrimaha hirgelinta doora shooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta, isagoona dhagax dhigi doona ma shaariic horumarineed oo wax tar u leh bulsha da, kuwaa soo ay dowladdu ka hirgelinayso Ju baland si loogu adeego shacabka.

Md. Xuseen Rooble oo la hadlay warbaahin ta ayaa waxaa uu sheegay in Madaxda maam ulka Jubbaland uu kala xaajoon doona dhamm eystirka dib-u-heshiisiinta G/Gedo iyo howlaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay Ax med Madoobe.

Al-Shabaab oo war kasoo saaray dagaalkii Bacaadweyn, soona bandhigtay sawirro

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cabdi Ca siis Abuu Muscab ayaa shir jaraa’id oo uu qab tay wuxuu kaga hadlay dagaaladii ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab ku dhex maray deegaanada Bacaadweyn,Qeycad iyo Sabeeno Gowrac.Abuu Muscab ayaa sheegtay inay jab xoog leh gaarsiiyeen ciidamadii DFS ee weera rka ku soo qaaday, islamarkaana ay dib ula war eege yn deegaanka Bacaadweyn oo 30k u jirto M/ Wasil. Afhayeenka Al-Shabaab ay aa sidoo kale sheegay in ciidamada weerarka ku soo qa aday ay garab ka helayeen diyaarado uu sheeg ay in ay leedahay D/Mareykanka, sida uu isaga hadlka u dhigay, wuxuuna tilmaamay in koo xdiisa ay awood u yeelatay inay iska dif aacdo.

Wuxuu intaas ku daray inay khasaaro xoog leh gaarsiiyeen ciidamada Dowladda isla marka asna ay dhaawac iyo dhimasho gaarsiiyeen 70 askari sida uu hadalka u dhigay.

Ugu damneyntii Abuu Muscab ayaa sheegtay inay dagaaladii ka dhacay deegaanadaas ay ku qabsadeyn hub iyo gawaari ciidan inkastoo ay san jirin illo madax banaan oo xaqiijiyey sheeg ashada Al-Shabaab.

Sida ay dad goobjoogayaal ah Caasimada Online u sheegeyn, ciidamada Dowladda ayaa hadda ku sugan saldhigga ciidamada 21-aad oo wax ka yar 3km u jiro deegaanka Bacaadw eyn halka Al-Shabaab ay ku sugan tahay gu daha Magaalada.

Sidoo kale, garabkii kale ee C/DS ee weerar ka ku qaaday Qeycad iyo Sabeeno Gowrac ay aa weli ku sugan goobihii ay Al-Shabaab kala wareegeyn, waxayna dhowr jeer iska difaaceyn weerar uga imaaday kooxdaan.

Ugu dambeeyey ee deeganadaas naga soo gaarayo ayaa sheegayo in Wasiirka Amniga Ga lmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Senetor Cabdi Qeybdiid ay Shalay gaareyn deegaanka Sabee no Gowrac halkaas oo ay ku sugan yihiin cii damada Galmudug.

Taliye Ciidan Oo Xalay Ku Geeriyoo day Muqdisho Iyo Booliska Oo Ka Hadlay

Waxaa Xalay M/Muqdisho ku geeriyooday Taliyihii qeybta Booliska G/Sh/Hoose ee Maa mulka K/Galbeed Soomaaliya G/sare Muuse Cabdulqa adir. Qoraal kasoo baxay Taliska Ciid anka Booliska dowladda ayaa waxaa lagu shee gay inuu geeriyooday Taliyihii qey bta Booliska Shabeellaha Hoose, uuna u dhin tay xanuun haayay.

Taliska Booliska dowladda ayaa Marxuum Muuse Cabdulqaadir ku tilmaamay inuu ahaa Sarkaal firfir coon,isla markaana,afgaaban ka na soo shaqeeyay hoggaamada Ciidanka Boo liska Soomaaliyeed.

"Marxuum Col, Muse, ayaa ahaa Sarkaal firf ircoon Islamarkaana, afgaaban kana soo shaqe eyay hoggaamada CBS Samir iyo iiman alaha ka siiyo qoyskii, qar aabadii, ehelkii iyo Ciidan kii uu ka baxay, isna naxariiatii jano alaha siiyo” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Booliska

Sidee ayuu PUNTLAND uga baxsaday max buuskii ku xukunaa dilka toogashada?

Taliska ciidanka Asluubta dowlad goboleedka Puntland ayaa faah faahiyey sida uu u baxsday Axmed Cabdi Jaamac oo ku xirnaa xabsiga magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, kuna xukunaa, xukun dil toogasho ah. Afhayeenka cii danka Asluubta oo lagu magacaabo, G/lle Cab dirisaaq Maxamuud Xirsi ayaa warbaahinta u sheegay in maxbuuska oo ay soo wajahday xa alad caafimaad uu u baahd ay daryeel caaf imaad oo ka baxsan xabsiga ka dibna marka la waday uu baxsaday.

Xirsi ayaa sidoo kale xus ay in tuhun ay ka qabaan sar aakiishii iyo ciidankii loo xil-saaray soo daaweynta maxbuuska fakaday, isa ga oo tilmaamay inay dayacaad sameeyeen.

"Xukumane Axmed Cabdi Jaamac oo u xirnaa dil toogasho ah ayaa arrimo caafimaad loogu qaaday Isbitaalka guud si loo daweeyo, saraa kiil ayaa loo xilsaaray howshaas balse way la garab mareen oo afka ayay la galeen ciidan hu beysan oo u diyaarsanaa, markii aan baaris dheer sameynay waxaa inoo caddaatay in day acaad la sameeyay”ayuu yiri Gaashaanle Cab dirisaaq Maxamuud Xirsioo afhayeenka ciidan ka Asluubta Puntland.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la xiray saraakiishii loo xil-saaray caafimaadka maxbu uska , sidoo kalena lagu raad joogo mid ka mid ah askartii waday maxbuuska oo maqan..

"Waxaa dhici karto in qaarkood ay xiriir la leeyihiin Raggaas hubeysnaa, waxaa maqan mid kamid ah ciidankii waday Maxbuuska balse waxaa xiran saraakiishii mas’uulka looga dhig ay in ay isbitaalka geeyaan xukmanaha dibna u gu soo celiyaan Xabsiga ” ayuu yiri.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dho waan xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso ay ka baxsadeen qaar ka mid ah maxaabiistii ku jirtay, kadib markii ay weerar culus ku qaade en dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo si gaara u beegsaday xasbigaasi.

Puntland Oo Shalay Xukun Ku Riday Rag La Sheegay Inay Ka Tirsan Yihiin Al-Shabaab

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Gobolada Mudug iyo Cayn ee Puntland ayaa Shalay oo Arbaco ah xukun dil toogasho ku riday xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo howlgalo lagu qabtay.

Xubnaha la xukumay oo tirro ahaan gaaraya 8 Rag ah ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, isla markaana ay fuliyeen dilal iyo qaraxyo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Maamulka Galmudug.Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Gobo lada Mudug iyo Cayn ee Puntland ayaa sheegtay in raggaan ay dhamma antood ka yihiin Al-shab aab, laguna helay demiyada lagu soo qabtay, iyadoona ku riday xukun dil toogasho ah

Maxkamadda Puntland ayaa todobaad ka hor dil toogasho ah ku fulisay 21 xubnood oo lagu helay Shabaabnimo, iyadoo 18 kamid ah raga as lagu toogtay Magaalada Gaalkacyo ee Xar unta Gobolka Mudug.

Si kastaba Puntland ayaa horey u sheegtay inay dagaal adeg la galeyso Al-shabaab iyo Da acish oo fariisimo ku leh deegaano ka tirsan dhulka buuraleyda ah oo weeraro geysta khaas aro uga soo qaadaan Saldhigyada C/Puntland.


Dagaal Uu Ku Dhaawacmay Taliye Ciidan Oo Ka Dhacay Doolow

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dag aal u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan DFS oo Shalay ka dhacay D/Doolow ee G/ Gedo ee koonfurta Soomaaliya.Dagaalkan oo sigaar ah u dhexmaray Ciidanka Nabad sugida iyo kuw Asluubta dowl adda ayaa waxaa uu yimid, ka dib markii Ciidanka Asluubta ay weerar ku qaadeen Ciidanka Nabadsugida oo xiray Askari kamid ah Asluubta.

Qof kamid ah dadka deegaanka Doolow oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa sheegay in dagaalka inta uu la socday la maqlayay dhaw aqa rasaas xoogan oo labada dhinac ay isdha afsanayeen, in kastoo xaaladda haatan ay ta hay mid degan.

Khasaaro dhaawac ah ayaa lagu wadaa in uu ka dhashay dagaalka, waxaana la xaqiji yay inuu dhaawac soo gaaray Taliyaha nabadsugid a Doolow Xasan Cibaad iyo Askari ilaalo u ah aa, kuwaasi oo loo soo qaaday M/Mu qdisho. Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maa mulka Doolow ee Gobolka Gedo oo ay uga had layaan dagaalkii halkaas ku dhexmaray Ciida mo ka wada tirsan dowladda Federaalka gaar ahaan Ciidanka Nabadsugida iyo kuw Aslubta.

Bajaajleyda Magaalada Dhuusamareeb Oo Shaqo Joojin Sameeyay

Darawaliinta Mootooyinka Bajaajta ee ka ho wlgala Magaalada Dhuusamareeb Maamulka Galmudug ayaa Shalay shaqo joojin sameeyay iyagoona ka hadlay sababta keentay arrintaas.

Qaar kamid ah Bajaajleyda Dhuusamar eeb ayaa waxaa ay shee geen inay cabasho ka yih iin Maamulka Caasimad da, isla markaana laga qaado lacago xad-dhaaf ah oo aysan awoodin inay bixiyaan Bajajleyda.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen Bajaajleyda in loo diiday inay ka shaqaystaan wixii ka dam beeya 3 saac xiliga habeenka, iyagoona xusay inay arrintaas culeys ku noqotay, looguna sii da ray lacago xad-dhaaf oo Canshuur ahaa looga qaadayo.

Bajaajleyda ayaa Maamulka M/Dhuusamar eeb ugu baaqay in wax laga qabto cabashadoo da oo ku aadan lacagta xad-dhaafka ee Can shuurta ahaa looga qaadayo oo sheegeen in aysan awoodin

XABEEB oo sabab yaab-leh uga hor yimid doorashada madaxweynaha Soomaaliya

Dhaqtar Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Xab eeb) oo ah maamulaha hay’adda Xabeeb Men tal Health Foundation oo wareysi gaar ah siiyey telefishinka Shabelle ayaa ka hadlay arrimo ku aadan jadwalka doorashooyinka dalka.

Dr Xabeeb ayaa cabasho ka muujiyey jadw alka soo baxay ee ay soo saareen golaha wad a-tashiga qaran, siiba doorashada madaxwey naha oo loo asteeyey 10-ka October.

Dhaqtarka ayaa tilmaamay in maalintaas ay ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee Dh imirka, isla-markaana ah ay tah ay in dadka laga wacyi-geliyo xa nuunka Dhimirka.

Waxa kale oo uu sheegay in munaasabada uu qabto 10-ka October lagu casuumo madax kala duwan, sidaas daraadeedna, haddii doorasha la qabanayo ay saameyneyso mart ida.Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray inay wal-wal ka qabaan xuska maalintan, maadaa ma lagu soo aadiyey qabashada doorashada madaxweynaha oo saameyn ku yeelaneysa tab inta munaasabadda uu ugu dabaal-dagayo xuska maalinta Dhimirka.

"Wal-walka na heestaa waxa uu yahay caa lamka Shalay waa Social Media, haddii ay no qon laheyd TV, haddii ay noqon laheyd Faceb ook, haddii ay noqon Youtube ma fahantay, laa kiin maalinta doorashada hadda nin anaga na ga miisaan weyn, inkastoo afar sano uuu ku eg yahay ayaa la dooranayaa Involved-baa ku na hay, anaa Involed ku ah maalintaas ma xus-baa qabtaa, mise waxaan daawadaa qaabka ay codeynta u socoto,” ayuu wareysigan xasa asiga ah ku yiri Dhaqtar Cadiraxmaan Cali Cawaale.

Sidoo kale waxa uu baaq u diray madaxda dowladda federaalka iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, isaga oo ka dalbaday in doorashada madaxweynaha ee haatan la shaaciyey in la qabanayo 10-ka bisha soo soc ota October, laga wareejiyo maalintaasi.

"Tabarta aan leenahay Shalay waa (Abil) codsi aan u jeedineyno dowladda federaalka iyo dow lad goboleedyada oo go’aanka wada gaaray, waxaan ka codsaneynaa walaalayaalow maalin taas waa maalin 18 sano aan la saan qaadeyn ay caalamka walaalayaalow hanaga reebina ee doorashadiina ka dhigta maalin kale.” ayuu raaciyey.

Arrintan ayaa hadal heyn ka dhex-dhalisay baraha bulshada ay ku xiriirto, waxaana la is-weydiinayaa, sida ay suuragal ku tahay in doo rashada dib loogu dhigo xuska maalinta calm iga ah ee Dhimirka ee 10-ka October, maadaa ma marxalad adag lasoo maray.

Hay'ada caafimaadka adduunka oo qalab caafimaad ku wareejisay Somaliland

Hay'ada caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa qalab caafimaad oo loogu talo galay dad ka dhaawacyadu soo gaadhan ku wareejisay Somaliland.

Qalabka ayaa waxa hay'ada ca afimaadka adduunka kala war eegay agaasimaha wasaarada caafimaadka Maxammed Cabdi Xergeeye.

"Qalabkan wuxu wax wayn ka tari doona garga arka deg dega ah, waxanu kala wareegnay 2 ta roma kit oo A ah iyo 2 B ah" ayuu yidhi.

"Taroma kit ku waa qalabka loo isticmaalo gargaarka deg dega ah, ama xiliyada shilaalku dhacaan". Taroma kit kaasi wuxu wax wayn ka tari doona shilalka wadooyinka oo inta badan dhaawacyo inaga soo gaadhaan" ayuu hadalki isa ku daray.

Dad tiro badan ayaa bil kasta dhaawacyo ka soo gaadhaan shilalka baabuurta ee gudaha Somaliland, waxana la rajaynayaa in deeq dani wax ka tari doonto la tacalida dhaawacyada.

Maxkamad dammaanad ku siidaysay Gaba dhii Soomaalida ahayd ee Saaxiibteed Afduubatay.

Hafsa Abdi iyo Jackson Njogu, oo loo hay sto kiiska afduubka Hasfa Mohammed Luqman ayaa Shalay lagu sii daayaydammaanadMaxkamad da ayaa amar ku bixisay in labadan eedaysane aysan wax xiriirin ah la samaynin markhaatiya asha iyo dhibanah aba. Xafsa Maxamed Luqm aan, oo ah hawee ney ganacsato ah oo 23 jir ah,ayaa shaaca ka qaaday in saaxiibteed ay ka mid ahayd dadkii afduubtay.

Waxay sheegtay in Xafsa Cabdi, haweeney da ay Shalay damaanadda ku sii daysay max kamadda, ay ahayd maskaxdii afduubka ka da mbaysay. Dhowr afduub oo loo geystay gabdho ayaa la soo werinayay dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay.

"Waxay ahayd saaxiibtay, in kasta aysan ah ayn qof aan aad isugu dhownahay, laakiin iya da ayaa igu hoggaamisay dabinka afduubka. Waxay iga codsatay inaan u raaco Kayole oo ay ku yaallaan dukaankeeda kale, "ayay tiri Xaf sa Luqman.

Maraykanka oo Abiy Axmed ku wargaliy ay inuu si degdeg ah waqooyiga Itoob iya uga saaro ciidamada Amxa arada iyo kuwa Ertirea

Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Antony J. Blinken oo Shalay la hadlay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qaboxabad joojin deg deg ah, oo ka dhaqan gasha waqooyiga Ito obiya.

Xoghaye Antony J. Blinken ayaa ku booriy ay Raysal wasaare Abiy inuu u hogaansamo go'aamadii kasoo baxay shirkii Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ee dhacay labadii Luuliyo ee sanadkaan.

Go'amadaas waxaa kamid ah, in gebi ahaanba ciidamadii Ereteriya iyo Amxaarada la ga saaro Tigray in aan laga hor istaagin helit aanka gargaarka bani'aadamnimada ee dadka u baahan iyo dejinta hannaan lagula xisaab tamo kuwa mas'uulka ka ah xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

Intaas waxaa sii dheer, Xoghay uhu wuxuu carabka ku adkeeyay si da degdegga ah loo qabanayo wa dahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay si loo bilaabo howsha adag ee loo mara yo sameynta xal waara oo loogu talagalay kala qeybsanaanta siyaasadeed ee dalka.

Gobolka waqoooyiga Itoobiya ee colaaduhu ragaadiyeen ee Tigray, ayaa dhawaan magaalo madaxdiisa mekele, waxaa si buuxda ula ware egay jamhadda TPLF, kadib markii ciidamada Itoobiya ay halkaas isaga baxeen

Burburka Diyaaradii Lagu La’aa Dalka Raashiya Oo La Helay

Wasaaradda Gurmadka Degdega ee dalka asi ayaa sheegtay in burburka Diyaaradaasi la ga helay meel ilaa 5 KM dhanka Waqooyi kaga toosan Garoonka Diyaaradaha ee magaallada Palana ee Bariga Fog ee Raashiya.

Ma jirto cid ka badbaaday Shilkaasi, iyadoo ay 22 qof oo Rakaab ah iyo 6 Shaq aale ah la socdeen Diyaara daasi oo noocooda ahaa ANTANAOV AN 26.

Kooxaha Gurmadka waxay sheegeen in bur burka Diyaaradda daadsanaa Jamalka Xeebta iyo dhulka ee magaalladda Palana oo kaabiga ku haysa Badda OKHOTSK.

Dhinaca kale, Sanadkii 2012-kii Diyaarad Raka ab ayaa ku burburtay isla goobta ay Shalay Di yaaradda ku burburtay, waxaana shilkaasi ku dhintay 10 qof halka ay 4 kalena ka badbaaden

Wariye caan ah oo la toogtay

Weriye caan ah oo dambiyada baara oo u dhashay dalka Holland ayaa si culus loo dhaawacay ka dib markii lagu toogtay waddo ku taal magaalada Amsterdam.

Booliiska ayaa sheegay in weriye Peter R de Vries cisbitaalka loo qaaday asagoo ku jira xaalad adag ka dib markii fiidnimadii Talaadada lagu toogtay faras magaalaha Amsterdam.

Warbaahinta qaranka ee NOS ayaa sheegtay in la soo weeraray ka dib markii uu ka soo muuqday barnaamij lagu sheekeysto oo ka baxa TV-ga.

Muuqaal ayaa muujiyay isaga oo jiifa sagxada oo madaxiisa uu dhaawac ka muuqdo.

NOS ayaa soo xigatay goob jooge sheegaya in shan xabadood lagu dhuftay weriyaha ayna xabadahaasi madaxa ka haleeleen.

Booliska ayaa

codsanaya markhaatiyaasha iyo muuqaalka CCTV ee toogashada, balse waxay dadka ka codsadeen in waxyaabahaas aysan la wadaagin baraha bulshada.

Booliiska ayaa raadinaya nin cad oo caato ah, oo qaba jaakad cagaaran iyo koofiyad madow.

Waxaana dadka laga codsaday in ninkaas aysan u dhawaan ninkaas hadday arkaan oo ay wacaan adeegga wicitaanka deg degga ah.

Wargeyska The Algemeen Dagblad ayaa sheegay in qof la tuhunsan yahay lagu xiray Koonfurta Amsterdam balse arrintaas ma aanay xaqiijin booliisku.ss

Ethiopia oo ku dhaqaaqday arrintii ay MASAR ka digtay

Wasiirka waraabka dalka Masar ayaa sheegay in Isniintii uu ka helay ogeysiis rasmi ah dalka Itoobiya, kaas oo ku saabsan in ay bilaabeen buuxinta kaydka biyo-xidheenka weyn ee loo yaqaan GERD sanadkii labaad.

Masar ayaa dhinaceeda ku wargalisay Ethiopia diidmado qayaxan oo ay ka qaadatay talaabadan, taas oo ay u aragto mid khatar ku ah xasiloonida gobolka. Wasiirka waraabka Maxamed Cabdel Aty ayaa bayaan ku sheegay diidmada Masar.

Masar waxay u aragtaa in biyo-xireenkan uu yahay mid khatar weyn ku ah biyaha webigeeda Nile, kuwaas oo ay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin shacabka dalkeeda.

Suudaan, oo ah waddan kale oo arrintaan khuseyso ayaa walaac ka muujisay badqabka biyo-xireenka iyo saameynta ay ku yeelan karto biyo-xireenkeeda iyo xarumaha biyaha.

Baaxadda biyaha uu qaadanayo biyo-xireenkan waxay ku xirnaan doontaa xaddiga roobabka ka da’a Itoobiya.

"Ma aragno wax saameyn ah oo hadda laga dareemayo Webiga Nile. Waxay qaadane ysa bil ama bil iyo bar” ayuu afhayeen u hadlay Wasaaradda Waraabka ee Masar oo la yira ahdo Maxamed Ghanim u sheegay telefishan ka maxalliga ah ee dalkaas.

Masar iyo Suudaan waxay wadeen olole diblomaasiyadeed oo ku saabsan heshiis sharci ah oo ku saabsan hawlgalka biyo-xidheen ka, laakiin wadahadallada ayaa marar badan hakad galay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay ka hadlaan arrintan Maalinta Khamiista, waxaana bayaanka uu saasaray wasiirka waraabaka ee Masar Abdel Aty lagu sheegay in warqad uu u qoray golaha Golaha Ammaanka, si uu ugu wargaliyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay.

Itoobiya ayaa sheegtay inay ugu dambayntii adeegsanayso xuquuqdeeda ku aaddan biyaha webiga Niil oo muddo dheer ay maamulayeen waddamada dariska la ah.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Khartoum ayaa Axaddii sheegay in Masar iyo Suudaan ay horeyba u ogaayeen faahfaahinta sadexda sano ee ugu horeysa ee biyo-xireenka la buuxinayo, arrintaasna aan la geyn Golaha Amnaanka, maadaama aysan aheyn arrin ku saabsan nabada iyo amaanka.

Iska Horimaad Cusub Oo Dhexmaray Ciida mada Dalalka Armenia Iyo Azerbaijan

Armenia iyo Azerbaijan ayaa Talaadadii isdhaafsaday eedeymo ku saabsan cidda billowday iska horimaad askar ay uga dhaawacmeen labada dhinac oo xuduudda ku dhex-maray.

Waa dhacdadii ugu dambeysay xiisad dhowaanahan kordheysay kadib dagaalkii sanadkii tegay labada dhinac ku dhex-maray gobolka Nagorno-Karabakh.

Dagaalkii Nagorno-Karabakh, oo ah gobol ka tirsan Azerbaijain balse ay degan yihiin dad Armenian ah, ayaa dilay ku dhowaad 6,500 qof kahor inta bishii November lagu dhammeyn xabad joojin ay dhex-dhexaadisay Russia, oo Armenia ay dhul badan ugu gacan gelisay Azerbaijan.

Madaxa shaqaalaha madaxtooyada Armenia, Samvel Asatryan ayaa Talaadadii weriyayaasha u sheegay "in ciidamada Azerbaijain ay xabado ku fureen meel ku dhow xaafadda Verin Zhorzha” ee degmada Gegarkunik ee bariga Armenia.

Hal askari oo Armenian ah ayaa dhaacwayo fudud ay kasoo gaareen iska horimaadka.

Wasaaradda Difaaca Azerbaijan ayaa markii hore beenisay warbixintan, hase yeeshee waxay Habeen hore tiri "ciidamada Armenia waxay rasaas kusoo fureen goobo ay ku sugan yihiin ciidamada Azerbaijan ee xaafadda Aligaly ee degmada Agdam.”

Madaxweynihii DALKA HAITI oo gurigiisa lagu dhex dilay

Madaxweynihii dalka Haiti Jovonel Moïse ayaa lagu dhex-dilay guri khaas ah oo uu degan yahay, abaare 1:00 am ee Shalay xilliga Haiti, sida uu shaaca ka qaaday ra’iisul wasaaraha ku-meel gaarka ah ee dalkaas Claude Joseph.

Haiti waa dal ku yaalla Caribbean-ka, wuxuuna xuduud la leeyahay dalka Dominican Republic, halka dhanka baddana uu ugu dhow yahay dalalka Cuba iyo Jamaica.

Sida uu sheegay ra’iisul waaare Claude Joseph oo war-saxaafadeed soo saaray, waxaa dilka fuliyey koox hubeysan oo aan la aqoonsan, balse sida uu sheegay ku hadlayey luuqadda Spanish-ka. Haiti waxaa looga hadlaa luuqadda Faransiiska.

Weerarka ayaa waxaa sidoo kale lagu dhaawacay marwada koowaad, Martine Moïse, waxayna hadda taallaa isbitaal, sida bayaanka lagu sheegay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dilka ku qeexay "ficil arxan-darro ah, naceyb ku dheehan, islamarkaana ka baxsan bani’aadannimada.”

"Waxaan qaadnay dhammaan tallaabooyinka loo baahan yahay si aan u xaqjiino sii jiritaanka iyo ilaalinta qaranka,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Joseph.

Kadib warka ku saabsan dilka, ayaa waxaa rasaas dhaceysa laga maqlayey qeybo badan oo ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Port-au-Prince, oo bilihii dhowaa ay ka jireen rabshado xooggan ayaga oo ay ku dagaalamayeen booliska iyo burcad hubeysan.

Rabshadahan ayaa ka dhashay saboolnimo sii kordheysa iyo xaisllooni-darro siyaasadeed oo dalka ka jira.

Madaxweyne Moïse ayaa lagu banaan-baxayey tan iyo markii uu talada dalka la wareegay 2017-kii oo madaxweyne loo doortay, ayada oo mucaaradka ay sanadkan ku eedeeyeen inuu isku dayayo inuu dalka u rogo nidaam kali-talis ah.

Dalka Jabuuti oo Biyo yari ba’an laga soo sheegayo.

Ayadoo jamhuuriyadda Jabuuti lagu jiro xilligii xagaa baxa oo kulayl daran uu halkaa ka jiro, ayaa waxaa laga soo sheeg ayaa biyo yari ba’an.

Jabuuti biyaha laga cabbo ayaa waxay uga yimaaddaan dhanka itoobiya waxaana hoos u sii dha cayey xaddiga biyaha ay Jabuuti doonaysay in ay ka hesho Itoobiya oo ay 100,000 oo metric cubic maalin kasta, haddase aysan hesho wax ka yar 4 meelood meel xaddigaas.

Sidaas oo ay tahayna Jabuuti waxay iminka so gabagabaysay wajigii koobaad ee mashruuc biyaha badda lagu macaanaynayo, si biyaha dibadda uga yimaadda ay uga maaranto


Rag Burcad ah oo lagu soo bandhigay Magaalada Muqdisho

Ciidamada booliska degmada Kaaran oo kaashanaya Maamulka degmada ayaa ho wlgal amniga lagu xajiininayay waxaa ay ka sameeyeen Xaafadaha ay ka kooban tahay waaxda jamhuu riya ee degmadaasi Ka araan.

Howlgalka ayaa mas’ uuliyiinta Maamulka deg mada waxaa ay shee gen inay kusoo qabteenb Burcad Hubeys an oo dhac u geysanaayen Bulshada Deg mada kaaraan Iyo Gabar Cunug kasoo xa day Magalada Jowhar.

Ragga burcadda ah ayaa watay Mooto Bajaaj iyo qoray AK47 ah, waxaana dadka Shacabka ah ay ka dhacayeen Mobeelada, taas oo keentay inay cabasho u gudbiyaan Maamulka degmada.

War kasoo baxay Maamulka degmada Kaaraan ayaa waxaa loogu baaqay Bulsha da k nool degmadaas inay la Shaqeeyaan Ciidamada Ammaanka si loo sugo Amn igooda.

Degmada Kaaraan ayaa waxa ay kamid tahay degmooyinka Gobolka Banaadir oo maalmihii la soo dhaafay kajirtay cabasho la xiriira Kooxo Burcad ah dadka Shacabka ah dhac u geysanaya.

Kooxda TPLF oo ku baaqday xabbad-joojin

Taliyaha xooggaga Tigray ee dhawaan la wareegay magaalada Mekelle, Jeneraal Tsad kan Gebretensae, ayaa ku baaqay xabbad-jo ojin heshiis lagu yahay iyo in xal siyaasadeed laga gaaro colaadda gobolkaas.

Waxa uu u sheegay wakaallada wararka ee Reuters in dowladda Itoobiya ay ku guulaysan weyday dagaalka, haatanna la joogo xilligii ay dhinacyadu geli lahaayeen wadaxaajood ku aaddan xabbad-joojin buuxda.

"Waxaan isu xakameyneynaa si xal siya asa deed looga gaaro mushkiladda oo dhan. Waxa an jeclahay in Beesha Caalamka ay faha nto xaaladda taagan,” ayuu yiri Jen. Tsadkan.

"Haddii la waayo xal kale, waxa xiga ee aan sa meyneyno ayaa ah in aan arinta ku wajahno cudud milateri,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ra’iisal wasaare Abiy oo Isniintii khudbad u jeediyay baarlamaanka Itoobiya ayaa sheegay in aan looga adkaan dagaalkii Tigray, balse taa bedalkeeda aad loo wiiqay awoodda TPLF.

Waxa uu tilmaamay in ka bixitaankii Mekelle uu ahaa mid bil la qorsheynayay oo tashi badan ay geliyeen. TPLF ayaa horay ugu gacan-sayrtay xabb ad-joojin dhinac ah oo ay ku dhawaaqday xuk uumadda Addis Ababa kadib markii ay cii damadeeda kala baxday Mekelle.Jananka ayaa ku eedeeyay xukuumadda Abiy inay diiddan tahay in gargaar la gaarsiiyo Mekelle iyo dee gaannada kale ee Tigray, eedeyntaas oo ay be enisay Addis Ababa.

Madaxweynaha Kenya Oo Sharci Jebiyay Iyo Dhalleeceyn Loo Jeediyay

Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Ken yatta ayaa lagu dhalleeceeyay jabinta sharciga ba ndowga ee u yaala dalkiisa kadib markii uu daah furay mashruucyo sacaadaha bandowga.

Madaxweyne Kenya tta ayaa daah furay shan isbitaal habeenkii talaa dada wuxu una sharxay inay lagama maarmaan tahay in la sameeyo ha beenkiisi loo hubiyo adeegga yada.

Wuxuu sheegay in isbitaa lada caasimada Nairobi loo gu tala galay inay shaqeeya an 24 saacadood isla mark aana uu u baahan yahay inuu la socdo arint aasi.

"Sidaad adinkaba u aragteen, waxay noqon laheyd wax aan macquul aheyn inaad tagto oo aad sameyso waxa aan Shalay sameynay, ma alintii maxaa yeelay tirada dadka halkaas joogi lahaa,” ayuu ku yiri warbaahinta.

Itoobiya Oo Loogu Baaqay Inay Joojiso Buuxinta Biyo Xireenka Webiga Nile

Qaraar qabyo ah oo ka soo baxay Dowlad da Tunisiya oo ka tirsan Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqaya dhig eeda Itoobiya inay joojiso buuxinta biyo xireen ka Al-Nahda ee wabiga Nile.

Tunusia ayaa u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay qaraar qabyo ah oo Xukuumadda Addis Ababa looga codsanayo inay joojiso buuxinta biyo xireenka ay Itoobiya ka dhisayso wabiga Nile, kaasi oo ay sheegtay in uu sababi karo isku dhac u dhexeeya wadda mada wadaaga Biyaha Wabiga Nile, oo ay ka mid yahiin Masar iyo Suudaan.

War ay baahisay wakaaladda wararka Far ansiiska, ayaa lagu sheegay in Golaha Amm aanka ay ka codsanayo Masar, Itoobiya iyo Su udaan in ay dib u bilaabaan wadaxaajoodyadii ku saabsanaa Biyaha Nile.

Sida ku xusan qaraarka qabyada ah ee ay ka soo baxay Tunusia, ayaa lagu sheegay in ay muhiimtahay hubinta awooda ay Itoobiya u lee dahay inay soo saarto tamarta laga dhaliyo Bi yo xireenka Al-Nahda iyadoo laga hortagayo in waxyeello loo geysto amniga biyaha Nile.

Tallaabada haddii ay Itoobiya ku dhaqaaqdo waxaa ka dhalan karo xiisadda u dhexeysa sa ddexda dal, halka Tunusia, oo xubin aan joogto ahayn ka ah Golaha Amniga, ay codsatay ku lan deg-deg ah oo ay yeeshaan golaha si looga hadlo arrinta Biyo xireenka Nile.

Madaxweynihii Hore Ee Koonfur Afrika Oo Weli Ka Biyo Diidan Inuu Is Dhiibo

Madaxweynihii hore ee Koonfur Africa, Jac ob Zuma, ayey tahay inuu isu dhiibo ciidanka booliiska, ama uu wajaho xiritaan iyo xabsi, ma adaama toddobaadkii hore ay maxkamadda dast uuriga ay xukuntay, isagoo lagu helay da mbi ah inuu isku dayey been iyo marin hab aabin.

Wali ma cadda waxa ku dhici doona madaxwe ynahan hore.

Afhayeenka Jacob Zuma, Mzwanele Manyi, ayaa u sheegay BBC-da inaanu aamin saneyn in Zuma la xiri doono.

Wuxuu intaa ku darey Manyi ineysan jiri do onin wax xiritaana, maxaa yeelay buu yiri qofkii soo xiri lahaa inuu sugayo in hannaanka xirit aanka uu dhameystirmo.

Manyi ayaa carabka ku adkeeyey in wasiir Bheki Cele uu qorey waraaq, uu ku leeyahay in uu sugayo illaa iyo inta hannaanka sharciga xiri taanka waqtigiisa la gaarayo.

Qareenada madaxweynihii hore, ayaa ta gey maxkamadda uggu sareysa dalkani, si loo ga loo hor istaago in laxiro Zuma.

Ha yeeshee wasiir Cele, wuxuu ku nuuxnuux sadey inuu u hoggaan samayo go’aanka maxk amadda dastuurka.

Madaxweynihii Hore Ee Zambia Oo Dalkiisa Lagu Aasay

Aas-aasihii dalka Zambia Madaxweyne, Kenneth Kaunda, ayaa lagu aasey goob loo asteeyey oo laga surey taallo xusuusa, ka gadaal markii ay maxkamadda sare ay ka biyo diiday, codsi ka yimid wiilashiisa, kuwaasoo muran galiyey halka lagu Aasayo madaxweynaha.

Wuxuu ahaa geesi si weyn ugga soo qeyb qaatey halgankii looggu jirey iska xor eynta gumeystayaashii kusugnaan jire dhanka koonfureed ee qaaradda Africa. Ka unda ayaa lagu galbiyey maamuska duu gtiisa ciidanka military-ga, taasoo isu keen tay xisbiyo siyaasadeed oo iska soo horje eda, iyo madax ka kala socotey dalalka dhaca gobolkaasi.

Kaunda ayaa ku geeriyooday bishii hore, dada sagaashan iyo toddobo sano jir.

Markii naxashkii uu ku jirey la bud dhiga yey, waxaa kor loo ridey xabado, iyadoo salaan sharafna loo saarey.

Madaxweynaha haatan ee dalkaasi Ed gar Lungu, iyo xubno katirsan qoyska Mad axweynihii hore iyo siyaasiyiin, ayuu Madx weyne Edgar waxey kusoo wada duceys teen kaniisad, sagootintii uggu danbeysay ee ay u sameeyaan meydka Kaunda.

Iyadoo loo aqoonsadey Kaunda inuu dhisay dal nabad ah, haddana dhimashad iisa qoyskiisa way ku kala qeybsameen halkii lagu aasi lahaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip