Khatar Cadiim: Muqdisho iyo isticmaalka Cirbadaha Maanka dooriyo.

1
Tuesday July 06, 2021 - 15:53:27 in Wararka by
  • Visits: 882
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khatar Cadiim: Muqdisho iyo isticmaalka Cirbadaha Maanka dooriyo.

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Waxaa Dalka gaar ahaan Magaalda Mogadishu ku soo batay isticmaalka Cirbadaha Maanka dooriyo.

 
     waxaa isticmaalo inta badan Dhalinyarada Da’doodu u dhaxeeyso 12-26, kuwaa oo 70% ey Haween yihiin.
 
     Cirbadihii la isku duri jiray ee Mamnuuca kaa haa Suuqa in lagu iibiyo, kuna keeydsanaa isbitaallada oo kaliya, Bukaankana lagu Dabiibi jiray marka Dhakhaatiirtu Go’aamiyaan oo kaliya, ayaa Suuqa ku soo batay iyada oo ganacsi loo keenay, ama dan kale oo ah in Jiilka cusub laga dhigo Dhaqan ka bax.
 
      sida aan soo ogaaday: waxaa ku soo kordhay
 


      1. in Cirbadaha Dadka Sokor macaanka qabo Daawa kale lagu daro, ka dibna lagu duro Dhalinyaro aan qabin Kaadi macaan.
       
      2. Daawada dadajiso Foosha oo iyana Gacanta la isaga duro.
 

     3. Daawada Kabaabyada iyo tan suuxinta oo la barxo laguna duro Dhallinyarada.
 
       Ma ahan wax qarsoon kumanyaal dhallinyaro ah ayaa Habeen kasta lagu mudaa oo weliba raqiis looga iibiyaa, Arrintaa kama maqno Ganacsato aan aheyn kuwii aan naqiin, Hayado Dowli ah oo fududeyo Howshoodiina Gabay, Hayado Caalamiya iyo Dhalliyaro la duufsaday.
 
      
     waxaan ka walwalnaa kuwa Qaraxa ku dhinto Maalin kasta, kuwa ka badan ayaa u dhinto Cirbadahaa.
 

      Wallaahi, waa khatar jirta oo aan aad uga naxay markii aan wax ka ogaaday jiritaankooda.
 

        FG:Fadlan wixii aad ka ogtahay iyo sida wax looga qaban karo nala wadaag.
 


Qore: Yahya Amir

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip